You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Shirkadda Apple oo $250 milyan oo doolar siinaysa dadkii iibsaday taleefanadeeda ee la qalday
Qaar ka mid ah dadka iibsaday moobaylka iPhone ayaa dacwad ka gudbiyay shirkadda tignoolajiyada ee Apple, iyagoo ku eedeeyay inay xayaysiisay waxyaabo cusub oo la xiriira garaadka macmalka ah ee taleefanadeeda, laakiin dhab ahaantii ay ahayd marin habaabin.
Si kastaba ha ahaatee, Apple ayaa hadda la heshiiyey dadkii gudbiyay dacwadda waxayna go'aansadeen inay bixiyaan lacag dhan 250 milyan oo doolar.
Sida laga soo xigtay dukumeenti laga gudbiyay maxkamada federaalka ee California Talaadadii, Apple ma aysan qiran wax khalad ah laakiin waxay ogolaatay heshiis xallin doona dacwad la gudbiyay sannadkii hore.
Xaaladdan oo kale, Apple ayaa lagu eedeeyay inay si been abuur ah u xayeysiisay waxyaabo ay soo kordhisay oo ku saabsan AI taa oo uu leeyahay iPhone ku, oo shirkadu ay ugu yeertay 'Apple Intelligence'. Apple waxa ay sheegtay in sifooyinkani ay hagaajin doonaan sida codka 'Siri' oo ay u rogi doonaan 'kaaliyaha gaarka ah ee AI', taas oo aan wali la samayn.
Sida ku cad heshiiska u dhexeeya iibsadayaasha iyo Apple, macaamiisha Maraykanka ee iibsaday iPhone 15 iyo iPhone 16 intii u dhaxaysay Juun 2024 iyo March 2025 waxa la siin doonaa lacag u dhaxaysa $25 ilaa $95.
Afhayeen u hadlay Apple ayaa sheegay in dacwadda diiradda lagu saaray "helitaanka laba astaamood oo dheeri ah" oo uu ka mid yahay garaadka macmalka ah ee Apple.
"Waxaan xallinay arrintan si aan diiradda u saarno karti-xirfadeedkeenna, taasoo macaamiisheena siinaysa alaabada iyo adeegyada ugu hal-abuurka leh," ayuu yiri.
Codsi dib u eegis ah oo ay gudbiyeen iibsadayaasha iPhone usbuucii hore, qareenada ayaa sheegay in suuqgeynta Apple ee astaamaha cusub ee AI ay "uu ahaa xayaysiis been abuur ah."
Qareennada ayaa ku andacoonaya in "Apple ay xayaysiisey awoodaha AI oo aan markaas jirin, hadda aan wali jirin, lagana yaabo in aysan jirin laba sano ama ka badan haatan, haddana waxaa loo soo bandhigay sidii hal-abuurnimo cusub oo dhaqan gal ah."
Waxa uu intaa ku daray in Apple ay bilawday ololahan si gaar ah AI si ay uga soo kabsato tartankan cusub ee tignoolajiyada. Tartankan garaadka macmalka ah waxaa hadda hogaaminaya shirkado cusub sida OpenAI iyo Anthropic.
Maamulaha Apple Tim Cook ayaa sanado badan lagu dhaleeceeyay in uu ku guul dareystay in uu la yimaado hal abuur la taaban karo oo ku saabsan wax soo saarka shirkadda.
Si kastaba ha ahaatee, qareenada ayaa dhaleeceeyay shirkadda Apple, iyagoo sheegay in qaababka cusub ee garaadka macmalka ah loo xayeysiiyay si ay u siiyaan dadka isticmaala iPhone nooc cusub oo ah codka Siri ah. Sida laga soo xigtay iyaga, Apple ayaa sheegtay in ay beddeli doonto "codka xaddidan oo loo beddeli doono nidaam ku shaqeeya garaadka macmalka ah oo dhamaystiran," kaas oo ahaa xayaysiis marin habaabina oo ay sii daayeen.
Qareenadu waxay yiraahdeen "macaamiisha waxaa la siiyay iPhone 16 iyada aan lahayn 'Apple Intelligence' barnaamijka loogu magacdaray iyo barnaamijka Siri ee la wanaajiyey sida la sheegay ee waligiis lagu shubin taleefanadaan cusub."