You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Farxiya Cilmi: Boqoradda badda ee ku guulaysatay abaalmarinada caalamiga ah
- Author, Martha Saranga
- Reporting from, Dar es Salaam
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
"Waxaan ku jiri karaa biyaha hoostooda ilaa laba saacadood," ayay tiri Farhia Elmy, oo ah gabar Soomaaliyeed oo aad u xiiseeya biyaha, taasoo jacaylka ay u qabto dabaasha u beddeshay fursad.
Waxa ay badda dhex quustaa iyada oo ku lebbisan dhar caadi, sida qamaar sidii iyada oo dul joogto dhul engegan.
Gabadhan oo 26 jir ah, ayaa ah Soomali-Tanzanian, waxa ay dooratay waddo aanay dad badani arkin ama khatar u arkaan: cilmiga badda. Qaar badan, baddu waa u muuqaal qurux badan ama meel lagu nasto. Farhia, waxay u tahay jacayl iyo nolol, iyo sidoo kale duni qarsoon, oo wax badan ku kaysan yihiin, iyo su'aalo aan dhammaad lahayn.
Farhia, oo had iyo jeer si dagan oo dhoola cadeysa, ayaa si xiiso leh u sharaxday, "Baddu waa wax aad qaas u ah oo dad badan aysan u fiirsan.
"Waxay i siisay fursad weyn oo aan ku noqdo cilmi-baare wanaagsan."
Waxa ay ka sheekeeysay in socdaalkeedu uu ku bilowday si yaab leh oo qoto dheer. "Maalin aan wax akhrinayay ayaa waxaan la kulmay jumlad dhahaysa boqolkiiba 95 badda waligeed lama arkin, waxaan dareemay in dunidu ii furtay albaab cusub, waxaan doonayay inaan wax badan ogaado."
Si kastaba ha ahaatee, riyadeedu may ahayn wixii qoyskeedu qorsheeyay.
Waalidkeed waxay rabeen inay noqoto dhakhtar bani'aadamka daweeta. "Xitaa waxaa la rabay in la ii diro Shiinaha si aan u barto caafimaadka," ayay dib u xusuustay.
Laakiin masiibadii COVID-19 ayaa beddeshay habka nolosheda. Halkii ay dibada u dhoofi lahayd, way iska sii joogtay oo waxa ay bilowday barashada cilmiga badda, go'aankaas oo maanta u muuqda mid rajo wanaagsan ay ka heshay.
Farhia waxay cilmiga badda ka baratay Jaamacadda Dares Salaam. Maanta, waa ilaaliye badda iyo xayawaanada ku jira iyo sidoo kale aasaasaha Seablue Innovators, shirkad ujeedadeedu tahay inay horumariso nolosha iyada oo loo marayo kheyraadka badda.
Wakhtigeeda inta badan waxa ay ku qaadataa badda iyo biyaha hoostooda, iyada oo samaysa cilmi-baaris, beeris, sahamin, iyo hawlo kale oo muhiim ah oo badda hoosteeda ah.
"Badda hoosteeda aad bay u qurux badan tahay, markaad tagto, walbahaarka oo dhami wuu kaa baxayaa," ayay tiri iyadoo faraxsan. "Waa daawo. Ku dabaalashada badda gunteeda ma aha oo kaliya jimicsi jireed, laakiin sidoo kale waa mid maskaxeed. Inta badan waxaan dhaqaalaystaa neefta, taas oo ah jimicsi maskaxeed iyada qudheedu."
Badda hoosteeda, mar waxay isticmaashaa neefta lagu kaydiyo taangiga, gaar ahaan haddii ay muddo dheer ku jirayso, mar marna ma isticmaasho. Sirta weyni waa ku-dhaqanka, go'aan qaadashada iyo ka adkaanta cabsida.
Si ka duwan sheekooyinkii hore ee ku saabsanaa makhluuqaadka qadiimiga ah ee qariibka ah, Farhia waxay ahaanaysaa mid cilmi ahaan daacad ah. "Weligay ma arag mana rumaysan sheekooyinka ku saabsan badda. Baddu waa duni gebi ahaanba gooni ah, laakiin waa mid dhab ah, oo leh xaqiiqo u gaar ah."
Mar ayaa doon la iga reebay inaan dumar ahay darteed
Laakiin safarkeedu ma ahayn caqabado la'aan. Bulsho aan aqoon u lahayn xirfadeeda awgeed, waxay la halgantay sidii ay u caddayn lahayd qiimaheeda shaqsi ahaan, gaar ahaan maadaama ay dumar tahay.
Mararka qaar waxay isticmaashaa doomo caadi ah si ay biyaha u dhex gasho oo hawliheeda u gudato, taas oo iyana wax weyn ka tarta horumarinta deegaanka. Markii ugu horeysay ee ay bilowday in ay badda aado si ay u abuurto fursado uu ku quusto, waxay la kulantay caqabado:
"Waxaa i eryay kalluumaysatada mana aanan raacin doomahoodii," ayay tiri iyadoon laba-labayn. "Ma fududayn in nimanku i fahmaan, waxay dareemeen inaanan ka mid ahayn." Laakin ma aysan quusan.
waxay kaalmo weydiisatay maamulka, si rasmi ah ayaa loogu soo bandhigay fursad, waxayna si tartiib tartiib ah u bilaabatay inay hesho wadashaqeyn.
Xitaa qoyskeeda waqti ayay ku qaadatay in ay fahmaan. "Mar kasta oo aan hooyaday u sheego inaan biyaha hoostooda tagayo, aad bay u baqaydaa oo way ii ducaysaa," ayay si tartiib ah u tiri. Laakiin arrimuhu way is beddeleen. "Aabe hadda aad buu ii aaminaa, wuu igu faanaa, taasina waxay i siinaysaa awood aan ku sii wado."
Bulsho weynta, Farhia waxaa loo arkaa qof gaar ah. Qaar ayaa ka yaabban, qaarna waa taageeraan. "Qaar ka mid ah asxaabteyda ayaa la yaabay, laakiin qaar badan ayaa sidoo kale igu dhiirigeliya baraha bulshada," ayay sharraxday.
"Waan ku faraxsanahay in la i aqoonsaday"
Iyadoo ay jiraan caqabado, guusheeda ayaa hadana muuqata. Waalidkeygu waxay u ekaayeen inay diidanayeen jacaylkayga badda. Xataa bulshadu waxay dareemaysay in baddu tahay shaqo aanan u qalmin maadaama aan dumar ahay, iska daa inaan ahay gabar yare.
Balse hadda waxa ay magaalada Kigamboni ee gobolka Daarasalaam ku leedahay warshad yar oo soo saarta wax soo saarka badda, waxaana u suurtagashay in ay shaqo abuur u samayso dhalinyaro iyo haween, gaar ahaana hawlaha ay ka midka yihiin beerista dhirta iyo wax soo saarka dhirta badda ee deegaanka Kigambooni.
Tani ma aha ganacsi oo kaliya ee waa dhaqdhaqaaq bulsho.
"Waan ku faanayaa in la i aqoonsaday," ayay si xiiso leh u tiri. "Waxaan mar walba doonayay inaan u dhaqdhaqaaqo arimaha badda."
Dadaalkeeda ayaa sidoo kale keenay aqoonsi caalami ah. Waxay heshay abaalmarino kala duwan, oo ay ku jiraan Abaalmarinta Haweenka Sayniska, iyo sidoo kale Abaalmarinta Iqtiraaca taa oo shaqo u samaysa bulshada iyada oo loo marayo mashaariicdeeda lagu xoojinayo haweenka beeralayda ah iyo dhalinyarada jasiiradaha.
Si kastaba ha ahaatee, wali waxay wajaheysaa hadalo taban. "Haween waxaa badanaa loo arkaa inay tahay maqluuq aad u jilicsan," ayay tiri.
"Ilaa maanta, inta badan waxaan isku arkaa inaan ahay gabar kaligeed ah oo doon saaran. Laakin ima cabsi galiso."
"Waxaan rabaa inaan noqdo qof haga dalxiisayaasha badda"
Mar la weydiiyay halka ay hiigsanayso shanta sano ee soo socota, Farhia waxay si niyadsami leh ugu jawaabtay inay rajaynayso inay noqoto hage dalxiiseyaal oo qaas ah, gaar ahaan badda.
"Waxaan sidoo kale rabaa inaan soo saaro fiidiyowyo badan oo muujin doona nolosha biyaha hoosteeda ka jirta, kuwaa oo aan dadka ku barayo waxyaabo aysan weli garanayn."
Farhia, baddu uma ahan xirfad ee waa u hiwaayad.
Waa fursad lagu sahamiyo waxa aan la garanayn, lagu dhiirigelinayo bulshooyinka, laguna beddelo nolosha. Si hoose marka loo eego, ma aysan helin shaqo oo kaliya, laakiin sidoo kale waxay heshay ujeedo nololeed.
Farhia waxa ay codkeeda ku sheegtay in dunidu ay bilaabi doonto in ay u aragto bada in aanay ahayn cirifka dhulka oo kaliya balse ay tahay bilowga aqoon cusub.