You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sarkaal booliis ah oo ka warramay hawlgal haraaga meydka bini'aadam looga soo saarayo caloosha yaxaaska
- Author, Mayeni Jones
- Role, Africa correspondent
- Reporting from, Johannesburg
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Sarkaal booliis ah ayaa dib u xusuustay daqiiqaddii laga soo dejiyay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah isagoo lagu sii daayay webi ay yaxaaso ku badan yihiin oo ku yaalla Koonfur Afrika, taasoo qayb ka ahayd hawlgal lagu soo saarayo haraaga meyd bini'aadam ah.
Kabtan Johan Potgieter ayaa loo xil saaray qabashada yaxaas la tuhunsanaa inuu cunay ganacsade uu qaaday daad.
"Yaxaasku wuxuu ag yaallay jasiirad… runtii ma jirin waddo kale oo lagu gaari karo marka laga reebo hawada," ayuu u sheegay BBC.
Kadib hawlgalka, haraaga meyd bini'aadam ah ayaa laga helay gudaha yaxaaska oo dhererkiisu yahay 4.5 mitir (15 fiit) miisaankiisuna yahay 500 kiilo (1,100 rodol). Baaritaanno DNA ah ayaa socda si loo xaqiijiyo aqoonsigooda.
Gaariga ninkan ayaa toddobaadkii hore ku xayirmay isagoo isku dayaya inuu ka gudbo buundo hoose oo ku taalla webiga Komati oo daad qaaday. Markii booliisku gaareen goobta, gaarigu wuu marnaa, taasoo keentay inay ka shakiyaan inuu daadku qaaday.
Diyaarado aan duuliye lahayn ah iyo diyaarado qumaatiga u kaca ayaa loo adeegsaday hawlgalka raadinta, taasoo booliiska u horseedday jasiirad yar oo ay yaxaaso badan qorraxda ku jiifeen, mid ka mid ahna ay rumaysnaayeen inuu ninka cunay.
Yaxaaska la tuhunsanaa ayaa waxaa toogtay saaxiibbada Potgieter ka hor inta aan isaga loo yeerin.
"Wuxuu u rogmey dhabarkiisa, waxayna u maleeyeen inuu dhintay. Laakiin markii aan dib u eegnay, wuxuu mar kale u rogmey dhinaciisa midig oo xoogaa kor ayuu dabaashay," ayuu sharraxay.
Jiritaanka yaxaaso kale, faras-badeedyo iyo dhagxaan ku jira webiga ayaa ka dhigay mid aad khatar u ah in la isticmaalo doon si meydka loo soo saaro, ayuu Potgieter u sheegay BBC.
"Waxaa jiray yaxaaso kale oo ag joogay, kuwaas oo u badan inay u yimaadeen dhiigga ku jiray biyaha. Laakiin nasiib wanaag, buuqa helikobtarka iyo dabaysha uu abuurayay ayaa ka fogeeyay, mana i dhibin," ayuu yiri sarkaalka khibradda leh.
Markii uu Potgieter oggolaaday inuu fuliyo hawlgalka soo saarista meydka, dib u laabasho ma jirin.
"Markii aan halkaas ka laalaadayay, ma jirin wax aan kula xiriiri karo duuliyaha. Marka xitaa haddii aan fikirkayga beddelo oo aan go'aansado inaan ka noqdo, taasi suurtagal ma ahayn," ayuu intaa raaciyay.
"Waa inaan ku dhegganaadaa qorshaha oo aan sameeyaa sidii loo qorsheeyay… haddii kale arrimuhu way khaldami lahaayeen."
Axaddii, ku-simaha taliyaha booliiska Koonfur Afrika ayaa ammaanay "geesinnimada aan caadiga ahayn" ee Potgieter, isagoo hawlgalka ku tilmaamay "mid aad u khatar badan oo adag."
Potgieter, oo ka tirsan cutubka quusitaanka ee booliiska qaranka, ayaa sheegay inuu si dhab ah u hubay in yaxaasku dhintay kaliya markii isaga lagu dejiyay webiga oo uu xarig ku xiray.
"Markaas ayaan ogaaday inuu 100% dhintay. Haddii kale, hubaal wuu i weerari lahaa," ayuu yiri.
Potgieter ayaa u sheegay warbaahinta Koonfur Afrika ee News24 in qaybo ka mid ah jirka iyo kabo laga helay gudaha yaxaaska. Hadhaagaas weli lama aqoonsan.
Inkasta oo Potgieter uu 38 sano ka tirsanaa Adeegga Booliiska Koonfur Afrika, haddana waligiis looma dirin hawlgal noocan oo kale ah.
"Tani dhab ahaantii waa markii iigu horreysay, waxaana rajeynayaa inay sidoo kale noqoto tii ugu dambeysay… runtii ma jirto hab lagu sii diyaargaroobo," ayuu yiri.
Sarkaalka ayaa sheegay in qoyskiisu ku faraxsanaayeen inuu si nabad ah ku soo laabtay, inkastoo aysan ogeyn sida uu hawlgalku u khatar badnaa ilaa ay ka arkeen muuqaalka internetka.
Potgieter ayaa sheegay in shaqadiisu ay tahay halis mudan in loo qaato qoysaska dadka la waayay ama dhintay dartood.
"Waxaan leennahay dareen naxariis leh oo ku wajahan qoysaska dhibbanayaasha. Waxay ka murugaysan yihiin qof ay jeclaayeen. Mar walba waa xanuun in qof la waayo, waxayna ka sii daran tahay haddii aadan xitaa ogeyn halka uu ku dambeeyay ama waxa ku dhacay.
"Sidaas darteed tani waa mid ka mid ah waxyaabaha nagu dhiirrigeliya — inaan qoysaskan ka caawinno sidii ay u samri lahaayeen si ay noloshooda u sii wataan."