Vladimir
Putin wuxuu kamid yahay hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee saameynta badan
caalamka, waxaa la sheegay in noloshiisa ay tahay mid aad u qarsoodi ah isla
markaana uusan la kulmin dadka aan xiriirka la lahayn in arrin laga maarmaan ah
uu ula kulmo mooyaane.
Arrintani
ayaa horseeday in dad badan ay la yaabaan nolosha madaxweynaha Ruushka.
Wakhti dambe
ayuu soo kacaa
Madaxweynaha
Ruushka wuxuu ku daahaa hurddada subixii, wuxuu quraacdaa duhurradii.
Wuxuu cunaa
cunto ka kooban ukun lasoo shiilay, mishaaryo iyo cabitaan.
Sida uu ku waramay
wargeyska Newsweek ee kasoo baxa Ruushka in qaar kamid ah cuntada uu cuno
madaxweynaha laga keeno beer uu leeyahay hoggaamiyaha madhabta Orthodox-ka ee
dalkaas Patriarch Kirill.
Marka uu
cuntada dhameystana wuxuu cabbaa koob bun ah.
Kadib waxaa
uu sameeyaa jimicsi .
Wargeyska
Newsweek ayaa sidoo kale ku warramay in madaxweyne Putin uu maalin kasta
dabbaasho muddo labo saacadood ah, marka uu ku sugan yahay goobta uu ku
dabbaalanayo wuxuu ka fakaraa dalkiisa Ruushka.
Intaa ugama
haro jimicsiga, wuxuu aadaa goob lagu jimicsado, xitaa wuxuu qaadaa biro culus
si uu jirkiisa u xoojiyo.
Madaxweynahan
65 jirka ah waxay aad uga taxaddaraa in muuqaalka jirkiisa uu u ekaado dadka
jimicsiga sida daran u sameeya ama orodyahanada, waxaana la sheegaa in si
wanaagsan uu u labisto.
Putin, wuxuu
aad ugu labistaa dharka isku joogga ah, oo dooqiisa uu tosho
wuxuu aad u jecel yahay catarka.
Sanadkii
2015-kii, waxaa sawir laga qaaday Putin iyo Ra'iisul wasaare Dmitry Medvedev
xilli uu isu diraarinayay jimicsiga, sida laga soo xigtay warbaahinta Esquire
waxaa dharka uu jimicsiga ku aado qiimahodu lagu qiyaasay 3,200 oo doolar.
Wuxuu inta
badan aada shaqada marka la gaaro duhurkii, wuxuu markii ku bilaabaa akhrinta
macluumaadka ee ku saabsan xaaladda dalka oo ay kamid yihiin wararka la xiriira
sirddoonka.
Wararkaas
waxay isugu jiraan kuwa sirddoonka gudaha ay usoo gudbiyaan , arrimaha dibadda
iyo in uu dhageysto codad laga soo duubay warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda.
Madaxweynaha
Ruusha waa nin firfircoon xilliga habeenkii, wuxuu seexdaa xilli dambe,
shaqadiisa si wanaagsan ayuu u gutaa, sida uu qoray wargeyska Newsweek.
Marka uu u
safrayo dibadda
Putin ma
cuno cunto uu u soo diyaaryiyay qofkii uu martida u ahaa tan inta ay ka
ansixiyaan saraakiisha Kremlin-ka.
Wargeyska
Telegraph ayaa horraan ku warramay in Putin uu aad u jecel yahay nooc kamid ah
jallaatada taas oo la yiraahdo pistachio.
Madaxweyanaha
Shiinaha Xi Jinping ayaa Putin sanadkii 2017 xilli uu ka qeybgalayay shirka
madaxda G20 haddiyaad ahaan u siiyay jallaato.
Wuxuu jecel
yahay ka qeybgalka ciyaaraha lagu dheelo dhulka barafka ah
Maqaaxida
Petersburg Podvorye ee ku taalla dalkaas waxaa yaalla dalab la yiraahdo
Vladimir Putin, waa cunto isugu jirto hilib, qudaar , rooti iyo waxyaabo kale.
Putin wuxuu
ka qeyb qaataa ciyaaraha lagu dheelo dhulka barafka ah.