You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sidee u dhacay dilka Wasiirkii Difaaca Mali, maxaase ka jira inuu dagaallamay?
Wasiirkii difaaca Mali ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday qarax ismiidaamin ahaa oo gaari lagu soo raray, kaas oo lagu beegsaday gurigiisa oo u dhow caasimadda Bamako.
Warar ay baahiyeen dhowr warbaahin ayaa sheegay in Sadio Camara uu ku dhintay weerarro isdaba joog ahaa oo ay fuliyeen mintidiinta jihaadiga ah iyo kooxo gooni u goosad ah oo ka dhacay dalka oo dhan.
Telefishinka dowladda ayaa dhowr saacadood kadib xaqiijiyay geeridiisa, isagoo sheegay in uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray dagaal uu la galay kooxda weerararka gaysatay. Warar ayaa sidoo kale sheegaya in madaxa xukunka militariga, Gen Assimi Goïta, loo qaaday meel ammaan ah kadib markii gurigiisa la beegsaday.
Waqooyiga dalka, askar Ruush ah oo ay dowladda Mali qoratay oo calooshood u shaqeystayaal ah ayaa la sheegay inay ka baxeen magaalada Kidal kadib laba maalmood oo dagaallo ah, sida ay sheegtay kooxda fallaagada Azawad Liberation Front (FLA).
Sannado badan, Mali waxaa ragaadiyay kacdoonno ay wadaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo Daacish, iyo sidoo kale FLA.
Afhayeenka dowladda Issa Ousmane Coulibaly ayaa sheegay in Camara lagu dilay markii "gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu waday qof ismiidaamiye ah uu beegsaday guriga wasiirka".
Bayaanka ayaa intaa ku daray inuu is-difaacay oo uu "dilay qaar ka mid ah dagaallamayaasha", balse uu dhaawac halis ah soo gaaray, ugu dambeyntiina uu ku geeriyooday isbitaal.
Warar ay baahiyeen dhowr warbaahin ayaa sheegay in Sadio Camara uu ku dhintay weerarro isdaba joog ahaa oo ay fuliyeen mintidiin jihaadiga ah iyo kooxo gooni u goosad ah oo ka dhacay dalka oo dhan.
Telefishinka dowladda ayaa dhowr saacadood kadib xaqiijiyay geeridiisa, isagoo sheegay in uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray dagaal uu la galay kooxda weerararka gaysatay. Warar ayaa sidoo kale sheegaya in madaxa xukunka militariga, Gen Assimi Goïta, loo qaaday meel ammaan ah kadib markii gurigiisa la beegsaday.
Waqooyiga dalka, askar Ruush ah oo ay dowladda Mali qoratay oo calooshood u shaqeystayaal ah ayaa la sheegay inay ka baxeen magaalada Kidal kadib laba maalmood oo dagaallo ah, sida ay sheegtay kooxda fallaagada Azawad Liberation Front (FLA).
Sannado badan, Mali waxaa ragaadiyay kacdoonno ay wadaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo Daacish, iyo sidoo kale FLA.
Afhayeenka dowladda Issa Ousmane Coulibaly ayaa sheegay in Camara lagu dilay markii "gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu waday qof ismiidaamiye ah uu beegsaday guriga wasiirka".
Bayaanka ayaa intaa ku daray inuu is-difaacay oo uu "dilay qaar ka mid ah dagaallamayaasha", balse uu dhaawac halis ah soo gaaray, ugu dambeyntiina uu ku geeriyooday isbitaal.
Kooxdu waxay sidoo kale sheeganaysaa inay la wareegtay maamulka magaalada, taas oo ahayd xarun aan rasmi ahayn oo ay ku sugnaayeen dhaqdhaqaaqa gooni-u-goosadka in ka badan toban sano, ka hor inta aysan ciidanka Mali, oo gacan ka helaya calooshood-u-shaqeystayaal Ruush ah, aysan qabsan dabayaaqadii 2023-kii.
Mid ka mid ah taliyeyaasha FLA ee ka qayb galay weerarka Kidal ayaa BBC u sheegay Sabtidii in kooxda ay diyaarinaysay weerarka "bilo badan," isagoo intaas ku daray: "Hadafkayaga ugu weyn hadda waa inaan qabsanno Gao, kadibna Timbuktu si fudud ayay u dhici doontaa."
Warbaahinta dowladda ee ORTM ayaa sheegtay in 16 qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah iyo askar, ay ku dhaawacmeen weerarrada, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay sababeen "khasaare kooban."
Waxay sidoo kale sheegtay in dhowr "argagixiso" la dilay, iyadoo intaas ku dartay in xaaladdu "si buuxda gacanta loogu hayo" dhammaan meelaha weerarradu saameeyeen.
Si kastaba ha ahaatee, militariga ayaa xaqiijiyay in dagaalku weli ka socdo Kidal, sidoo kale Kati iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.
War-saxaafadeed la soo saaray Axaddii, waxay ku sheegeen in rabshadaha "aan laga aamusnaan doonin."
Waxay sidoo kale intaas la raaciyay in digniin qaran la soo saaray, iyadoo la kordhiyay roondooyinka waaweyn isla markaana la adkeeyay baraha hubinta si loo xoojiyo amniga.
Bandow ayaa lagu soo rogay meelaha qaar. Magaalada Bamako, waxaa ka jira bandow laga bilaabo 21:00 habeenimo ilaa 06:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah.
Ka dib weerarradii ballaarnaa ee isdaba-joogga ahaa ee Sabtidii, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa cambaareeyay "falalka rabshadaha ah," isagoo muujiyay "taageeradiisa shacabka Mali."
Ururka iskaashiga gobolka ee Galbeedka Afrika, ECOWAS, ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay weerarrada.
Mali, Niger iyo Burkina Faso ayaa ka baxay ECOWAS kadib afgembiyo milatari oo ay xukunka kula wareegeen ciidamadooda.
Maxamuud Cali Yuusuf Ali, oo ah guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayaa sheegay inuu si qoto dheer " uga walaacsanyahay walaac qoto xaaladda.
Kooxda FLA ayaa sanado badan dagaal ugu jirtay in ay dhisto dowlad Tuareg ah oo ka madax-bannaan waqooyiga Mali, halkaas oo ay si ballaara u maamusho qaybo badan oo dalka ah.
Mali waxaa hadda xukuma talis milatari oo uu hoggaamiyo Gen. Assimi Goïta, kaas oo markii ugu horreysay xukunka la wareegay afgambi dhacay 2020, isagoo ballanqaaday inuu soo celin doono amniga isla markaana la dagaallami doono kooxaha hubeysan.
Taliska militariga ayaa markii uu xukunka qabtay taageero dadweyne helay, maadaama uu ballanqaaday inuu wax ka qabanayo qalalaasaha amni ee muddada dheer socday ee ka dhashay kacdoonkii Tuareg ee waqooyiga, kaas oo markii dambe ay la wareegeen kooxo jihaadiyiin ah.
Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay iyo kuwa Faransiiska ee loo diray la tacaalidda kacdoonka sii fidayay ayaa ka baxay dalka kadib markii taliska militarigu xukunka la wareegay, iyadoo dowladda militari ay markaas shaqaaleysiisay calooshood-u-shaqeystayaal Ruush ah si ay uga caawiyaan amniga.
Si kastaba ha ahaatee, kacdoonka jihaadiga ah ayaa sii socda, waxaana qaybo badan oo ka mid ah waqooyiga iyo bariga dalka weli ka maqanyihiin yihiin gacanta dowladda.