You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa kuma ninkii weeraray xafladii cashada ee Trump ku sugnaa?
- Author, Jaroslav Lukiv
- Author, Emma Pengelly & Thomas Copeland
- Role, BBC Verify
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Ninka la qabtay ka dib markii rasaas lagu furay gudaha hotelka ay ka dhacaysay casho sharafta wariyaasha Aqalka Cad habeenkii sabtida ayaa saraakiisha ciidamada amaanka waxa ay magaciisa ku sheegeen Cole Tomas Allen.
Eedeysanaha oo 31 jir ah ayaa ka soo jeeda Torrance ee gobolka Los Angeles, California.
Ka dib markii ay ciidamada ammaanku ku xireen gudaha hotelka Washington Hilton, wuxuu u sheegay saraakiisha sharciga inuu doonayo inuu toogto saraakiisha maamulka Trump, labo ilo ayaa u sheegay CBS, oo xulafo la ah BBC-da.
Wareysi uu Axaddii siiyay NBC's Meet the Press, ayuu ku-simaha xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Todd Blanche ku sheegay in weli baaritaan lagu hayo sababta looga shakisan yahay ninkaan, balse natiijooyinka "hordhaca ah" ay muujinayaan in uu bartilmaameedsanayay mas'uuliyiinta maamulka, "ay u badan tahay" oo uu ku jiro madaxweyne Donald Trump.
Blanche waxa uu sheegay in baarayaashu ay hadda eegayaan wararka sheegaya in ninka la sheegay in uu hubaysnaa uu hubkiisa ku ururiyay huteelka.
"Si dirqi ah ayuu u jiiray ilaalada," Blanche ayaa yiri, isagoo raaciyay in tuhmanuhu ay u badan tahay inuu tareen kaga soo safray Los Angeles kuna sii jeeday Chicago, ka dibna Washington DC.
iyadoo soo xiganaya ilo wareedyo, CBS ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan shan ilaa sideed xabadood la riday intii uu shilka socday. Muuqaallada CCTV-ga ee uu soo bandhigay Trump ayaa muujinaya qof ku soo jiiraya saraakiisha ammaanka, ka dibna la soo eryanayo.
Shir jaraa'id oo ay horay u qabteen booliiska ayaa sheegeen in saraakiisha ammaanka iyo ninka laga shakiyay ay isweydaarsadeen rasaas, iyadoo aan la sheegin tirada rasaasta lagu furay.
Taliyaha bilayska ku-meel-gaarka ah ee Washington, Jeffery Carroll, ayaa sheegay in tuhmanaha aysan ku dhicin rasaas balse loo qaaday isbitaalka si loo qiimeeyo xaalkiisa.
Eedeysanaha ayaa marti ku ahaa hotelka Washington Hilton oo ay ka socotay cashada wariyaasha, ayuu yiri Carroll, isaga oo intaa ku daray in uu ku hubaysnaa qori gacmeed, iyo mindiyo badan.
"Xilligan, waxay u muuqataa inuu yahay qof kaligiis ah, nin hubaysan oo keligiis ah," ayuu yiri taliyaha booliiska.
Trump ayaa markii dambe soo bandhigay sawir aad u dhow oo muujinaya nin aan feero qaawan oo dhulka yaala oo gacmihiisa oo katiinadaysan dhabarka u saaran yihiin, dushiisana ay taagan yihiin ciidamada ammaanka.
Axadii, Trump wuxuu Fox News u sheegay in tuhmanuhu "nacayb badan qalbigiisa ku hayay in muddo ah", wuxuuna sheegay in qoyskiisu ay ogaayeen inuu qabay "dhibaatooyin". Waxa uu intaa ku daray in tuhmanuhu uu haystay "liis", wuxuuna soo jeediyay inuu "aad uga soo horjeedo Masiixiyiinta".
Warbaahinta Mareykanka ayaa soo tebisay qoraalo ka dhan ah Trump oo baraha bulshada uu ku qoray Allen oo 31 jir ah, isagoo soo xiganaya ilo sharci fulineed.
CBS News ayaa aragtay dukumeenti qoran oo la rumeysan yahay inuu xiriir la leeyahay tuhmanaha. Warbaahinada kale ee Maraykanka ayaa isla dukumentiga tabisay.
BBC-da si madax-banaan uma xaqiijin qoraallada lagu eedeeyay, waxaana la sheegay in loo diray xubnaha qoyska eedaysanaha ka hor isku-dayga weerarka.
Sawirro ayaa markii dambe soo baxay muujinaya saraakiil ka tirsan FBI-da iyo booliiska oo baaraya goob ku taal gobolka California oo la rumeysan yahay inuu xiriir la lahaa ninka la sheegay inuu hubeysnaa.
BBC Verify waxay eegtay isticmaalka internetka ee tuhmanaha.
Diiwaan gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Los Angeles ayaa u muuqataa inay muujinayso inuusan u diiwaan gashanayn xisbina.
Marka loo eego diiwaanka Guddiga Doorashada Federaalka, oo ay aragtay BBC Verify, Oktoobar 2024 Allen wuxuu $25 (£18) ugu deeqay goobta lacag ururinta ee ActBlue lacagta loo qoondeeyay ololaha madaxweynaha ee Kamala Harris.
Allen wuxuu isku sifeeyaa inuu yahay injineer makaanik, horumariye ciyaaraha iyo macalin sida ugu qoran boggiisa LinkedIn.
Marka loo eego muuqaalkiisa, wuxuu bartay injineernimada farsamada ee Machadka Teknolojiyadda California (Caltech) oo ah jaamacad aad u horaysa, halkaas oo uu kaga qayb qaatay isbahaysigeeda Masiixiga.
Wuxuu Masters kaga qalin jabiyay cilmiga kumbuyuutarka sanadkii 2025 isagoo ka qaatay Jaamacadda Gobolka California, Dominguez Hills.
Dhinaca Facebook, sawirada Allen - oo ay BBC Verify barbar dhigtay isna yeesheen kuwii laga qaaday markii lagu qabtay huteelka Washington Hilton - ayaa muujinaya isaga oo dhoola caddaynaya sawirradii qoyska ee xafladaha kirismaska iyo qalin-jabinta.
Bishii Disembar 2024, waxaa loo magacaabay macalinka bisha ee C2 Education, oo bixisa muraajaco iyo u diyaarinta imtixaanka kuliyada ardayda, sida lagu sheegay barta Facebook ee ururka.
Waxa uu halkaas macallin ku-meel-gaar ah ka ahaa tan iyo 2020, profile-kiisa LinkedIn ayaa laga soo xigtay.
Jeanine Pirro, oo ah qareenka Mareykanka ee Washington, ayaa sheegtay in tuhmanaha uu hadda wajahayo labo dacwadood - isagoo isticmaalayay hub intii uu socday dambiga rabshada sababay iyo weerar uu ku qaaday sarkaal federaal ah isaga oo isticmaalaya hub halis ah.
Waxay intaa lagu daray in si rasmi ah maalinta Isniinta ah loogu soo oogi doono maxkamad federaal ah.