TOOS, Iiraan oo Mareykanka uga digtay in dib loogu celinayo "meel aan laga soo laaban karin" ka dib weeraro ka dhacay Hormuz
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu duqeeyay toddobo doomood oo "dheereeya" Iiraan ah oo ku sugan Gacanka Hormuz, xilli Washington ay raadineyso inay maraakiibta ku xayiran Gacanka ka hagto marin biyoodka oo inta badan xiran.
Tebin toos ah
Nin wata magaca 'Soomaali' oo ka careysiiyay Kuuriyada Koonfureed
Xigashada Sawirka, Reuters
Johnny Somali oo u dhashay dalka Maraykanka oo caro ka abuuray dalka Koonfurta Kuuriya kadib markii uu dhunkaday taallo ka tarjumaysa adoonsiga Galmada ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah.
Maamulka Seoul ayaa ku soo oogay dacwad dadweyne bishii november ee 2024-kii ka dib markii uu daabacay muuqaal isaga oo dhunkanaya oo ku dheelaya qoob ka ciyaar taalada xilli uu booqasho ku joogay Kuuriyada Koonfureed. Waxaa laga mamnuucay inuu dalka ka dhoofo tan iyo markaas.
25-jirkaan magaciisa saxda ah yahay Ismael Ramsey Khalid, ayaa caan ku ah waxyaabaha kiciya bulshooyinka taas oo sababtay in laga mamnuuco dhowr goobood oo kamid ah baraha bulshada.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu dadka dhibaateeyay xilli uu u safrayay dalalka Japan iyo Israel.
Arbacadii maxkamad ku taal Kuuriyada Koonfureed ayaa Khalid ku xukuntay eedaymo badan, oo ay ku jiraan inuu ahaa qof dhib ku ah dadweynaha iyo inuu faafiyay been abuur.
"Eedaysanuhu wuxuu si isdaba joog ah u galay dambiyo ka dhan ah xubnaha aan la cayimin ee dadweynaha si uu faa'iido uga helo YouTube wuxuuna u faafiyay xogaha isagoo aan tixgalinayn sharciga Kuuriya," ayay tiri maxkamaddu, sida ay sheegtay warbaahinta Kuuriyada Koonfureed.
In kasta oo aan ilaa hadda diiradda saarnay marin biyoodka Hormuz maanta, haddana weerarrada Israa'iil iyo Xisbullah ayaa ka sii socda Lubnaan.
Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa saaka u sheegay dadka ku nool laba magaalo oo ku yaal koonfurta Lubnaan inay ka guuraan, iyagoo sheegay in "jabitaanka Hezbollah ee heshiiska xabad joojinta awgeed", ciidanku "ay ku qasban yihiin inay si xoog leh uga hortagaan".
Wax yar ka hor, ciidamada difaaca cirka ee Israa'iil ayaa ku eedeeyay kooxda ay taageerto Iiraan inay laba weerar oo madaafiic ah ku qaadeen ciidamadooda koonfurta Lubnaan. Xisbullah ilaa hadda kama aysan hadlin.
Weeraradii Israa'iil ay Isniintii ku dishay 17 qof Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan. Waxay tirada dadka la dilay tan iyo Khamiistii ka dhigaysaa 110, sida ay sheegtay wasaaradda.
Imaaraadka
Carabta (UAE) ayaa sheegtay in Iiraan ay markii ugu horreysay gantaallo iyo
diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadday dalkaas tan iyo markii xabad joojin ay
la gashay Mareykanka 8-dii Abriil, taasoo muujinaysa xiisad cusub oo ka taagan
gacanka.
Sida laga
soo xigtay warbixinnada Imaaraadka Carabta, Iiraan waxay laba diyaaradood oo
aan duuliye lahayn ku weerartay markab marayay marin biyoodka Hormuz, oo ah
waddo muhiim u ah maraakiibta shidaalka adduunka.
Dhanka kale,
militariga Mareykanka ayaa sheegay inay howlgal weyn ka sameeyeen marin
biyoodka Hormuz, halkaas oo ay ku weerareen toddobo doomood oo kuwa xawaaraha
sare ku socda.
Madaxweyne
Donald Trump ayaa sheegay in hawlgalku uu qayb ka yahay qorshe loogu magac
daray "Mashruuca Xorriyadda" oo loogu talagalay in lagu hubiyo marin
ammaan ah oo ay maraakiibta maraan.
Intaa waxaa
dheer, Mareykanka ayaa sheegay in laba markab ganacsi ay si guul leh uga
gudbeen Marinka Hormuz Isniintii, iyagoo ay ilaalinayaan ciidamada Mareykanka,
si loo yareeyo khatarta soo food saarta shaqaalaha badda.
Iiraan,
dhankeeda, waxay sii wadday inay ku adkeysato inay maamusho amniga marin
biyoodka Hormuz waxayna ku hanjabtay inay xannibi doonto ama weerari doonto
ciidamada shisheeye ee isku dayaya inay galaan aagga.
Wasaradda
arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa ku warantay in markab shidaal oo
xiriir la leh shirkadda shidaalka ee Adnoc, oo ah shirkad shidaal oo ay
leedahay dowladda, lagu beegsaday Gacanka Hormuz.
Kuuriyada
Koonfureed ayaa sidoo kale sheegtay in qarax uu ka dhacay mid ka mid ah
maraakiibteeda oo ku sugnaa meel u dhow Imaaraadka Carabta.
Mas'uuliyiinta
Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay la
tacaaleen 12 gantaal oo ballistic ah, saddex gantaal oo cruise ah iyo afar
diyaaradood oo aan duuliye lahayn.
Iiraan oo Mareykanka ku eedeysay jebinta xabad-joojinta
Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeenka
baarlamaanka Iiraan – ahna ninka ugu sarreeya ee hogaaminaya wadahadalladii
bishii hore ee ay la yeesheen Mareykanka - ayaa sheegaya in Mareykanku uu
khatar geliyay amniga maraakiibta iyo tamarta ee marin biyoodka Hormuz.
Qoraal uu ku
qoray bogga X subaxnimadii maanta oo ku qoran afka Faarisiga - ka dib markii
Donald Trump uu ku dhawaaqay "Mashruuca Xorriyadda" oo bilaabmay
Isniintii, Maxammad Ghalibaf wuxuu ku eedeeyay Mareykanka "inuu ku
xadgudbay xabad joojinta" iyo "inuu ku soo rogay xayiraad" marin
biyoodka.
Wuxuu
qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo ka digaya "xaaladda hadda
jirta" inaysan "u dulqaadan karin" Mareykanka, halka uu sheegay
in Iiraan "aysan xitaa weli waxba bilaabin".
Sida aad ku heli kartid baasaboorka cusub ee Faransiiska iyo sharuudaha kaa xiga
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Faransiiska ayaa bilowday qorshe cusub oo ay baasaboor iyo degenaasho ku siineyso dadka ajnebiga ah dibeda dalkaas jooga.
Qorshahan cusub oo ay dooneyso inay kusoo jeedato dadka leh xirfadaha shaqo iyo dadka dhaqaalaha leh ee maalgashiga sameyn kara ayaa albaabka u furaya in dadka soo-galootiga ah ay ku yimaadaan dalkaas hab fudud oo sharci ah, oo ay ku heli karaan baasaboor shaqo iyo degenaasho muddo afar sano dhan.
Laakiin dadka doonaya inay ka faa'iideystaan qorshaha Baasaboorka shaqo ee Faransiiska waa inay marka hore ba buuxiyaan sharuudo dhowr ah oo ka horreeya.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inay doonayaan inay qorshahan ku xoojiyo dhaqaalaha wadanka Faransiiska waxuu bilaabay qorshe dadyowga xirfadda sare leh loogu ogolaanaayo in ay helaan fursad ay kaga shaqaysan karaan uguna noolaan karaan wadanka Faransiiska.
Qorshahan iyo baasaboorka shaqo waxuu fursad siinayaa ganacsatada, dadka fanka ka shaqeeya iyo saynisyahannada, iyo xitaa dadka kale ee leh xirfada shaqo. Mudo afar sanno ah ayuuna qofka ajanabiga ah ee xirfadlaha ahi ku noolaan karaa dalkaan.
Tan iyo markii qorshahaan laga bilaabay dalka Faransiiska sanadkii 2017, waxaa la kordhiyay dadka ajaanibta ah ee ka shaqaysan kara gudaha dalka kuwaas oo lagu daro maalgashadayaasha iyo shaqaalaha mushaarka badan qaata.
Sida ay
sheegtay warbaahinta dowladda , qarax ka dhacay warshadda rashka ee gobolka
Hunan ee dalka Shiinaha ay ku dhinteen 26 qof, halka 61 kalena ay ku
dhaawacmeen.
Shaqaalaha
samatabbixinta ayaa xakameeyay qaraxa warshadda dab-damiska ee Huasheng ee ku
taal koonfurta magaalada Liuyang, ka dib markii qarax uu dhacay galabnimadii
Isniinta uu mas'uuliyiinta ku qasbay inay daadgureeyaan qof walba oo ku jira
meel 3km (1.9 mayl) u jirta warshadda.
Mas'uuliyiintu
waxay geeyeen in ka badan 1,500 oo qof oo gurmadka degdegga ah sameeya, oo ay
weheliyaan eeyo, diyaarado aan duuliye lahayn iyo robotyo. Waxay badbaadiyeen
toddobo qof oo ku xayirnaa burburka hoostiisa.
Warbaahinta
dowladda Shiinaha ayaa weriyay in booliiska, oo baaraya sababta qaraxa, ay
qaadeen "tallaabooyin xakameyn ah" oo ka dhan ah
shaqaalaha mas'uulka ka ah shirkadda rashka.
Mas'uuliyiintu
waxay sheegeen in laba bakhaar oo ku yaal aagga warshadda ay khatar sare
ku keeneen dadaallada samatabbixinta, sida ay ku warantay warbaahinta dawladdu.
Marka laga
soo tago daadgureynta dadka u dhow warshadda dab-damiska, samatabbixiyeyaashu
waxay sidoo kale hirgeliyeen tallaabooyin sida qoyaanka aagga si looga hortago
shil labaad inta lagu jiro howlaha samatabbixinta.
Dib u milicsashada nolosha aabbihii dhidibada u aasay Somaliland
Iiraan oo ka hadashay qorshaha cusub ee Trump ee Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi ayaa si adag u dhaleeceeyay howlgalka Mareykanka ee loogu magac daray "mashruuca Xorriyadda", isagoo sheegay in uusan lahayn xal militari isla markaana uu sii kordhin karo xiisadda ka taagan Gacanka Hormuz.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadda u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka ay sii kordheyso, ka dib weeraradii dhawaan Mareykanku ku qaaday doomaha Iiraan ee ku sugan aagga ugu muhiimsan ee maraakiibta saliidda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay Aqalka Cad isagoo la hadlayay masuuliyiin iyo marti kale.
Khudbadda ayaa markii hore loogu talagalay inay diiradda saarto arrimaha gudaha, balse Trump wuxuu hadalkiisa ku bilaabay isagoo tixraacaya waxa uu ugu yeeray “isbeddel yar” oo ku saabsan Iran, waxaana uu sheegay in arrimuhu “si aad u wanaagsan u socdaan.”
Trump ayaan xusin xiisadda sii korodhaysa ee dhacday Isniintii, mana uusan ka hadlin saameynta suurtagalka ah ee ay ku yeelan karto qiimaha saliiddu.
Hoggaamiyaha darbijiifka ahaa ee saddex madaxweyne iyo Shabaab la diriray
Xigashada Sawirka, AFP
Waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu saameynta weynaa Soomaaliya ee xukumi jiray mid ka mid ah gobolada ugu kheyraadka badan. Waxa uu saameyn weyn oo ciidan iyo hoggaamin ku lahaa isbaheysiga dooxada jubba, Shabeelada Hoose iyo gobolka Banaadir. Waxa uu la dagaalay saddex madaxweyne, Cabdulaahi yuusuf, Shariif Sheekh Axmed, iyo Maxamed Farmaajo, iyo kooxda Al-Shabaab, oo uu mar ka mid ahaa 'dadkii barbaariyay'.
Waa Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha dagaalka ee loogu cabsida badnaa, laakiin lagu tilmaamo in uu yahay nin kadhaadh badan oo hadba shaati cusub tosha. Waxa uu ka badbaaday duulaankii ay Maxkamadaha Islaamiga ah ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga saareen qabqablayaashii la midka ahaa, isaga oo ba ka mid noqday hoggaankii sare ee maxkamada Islaamiga ah. Waxa uu qeyb ka ahaa dagaalkii dhexmaray maxkamadaha iyo ciidamada Itoobiya, isaga oo la shaqeeyay Shabaab kahor inta uusan ku biirin Xisbul Islaam iyo kahor heshiiskii uu la galay dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxaa uu ahaa hoggaamiyehii ku dhawaaqay inay qabsanayaan Addis Ababa, eray loo arkay inay eersadeen maxkamadihii Islaamiga ahaa ee awoodda isbidayay. Marka kale, sanadkii hore waxa uu isaga oo ciidamo wata ku dhawaaqay in aysan dowlad ka jirin Soomaaliya xilli lagu muransanaa mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Farmaajo. Hoggaamiyaha xabsi guriga ku jira ee mar ahaa ninka ugu awoodda badan xarakooyinka hubeysan, Xasan Daahir Aweys, waxa uu Indho-cadde ku tilmaamay ‘nin burburiya koox walba oo uu qeyb ka noqdo’.
Wax ka ogow cuntada, jimicsiga iyo jiifka madaxweyne Putin
Xigashada Sawirka, Getty Images
Vladimir
Putin wuxuu kamid yahay hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee saameynta badan
caalamka, waxaa la sheegay in noloshiisa ay tahay mid aad u qarsoodi ah isla
markaana uusan la kulmin dadka aan xiriirka la lahayn in arrin laga maarmaan ah
uu ula kulmo mooyaane.
Arrintani
ayaa horseeday in dad badan ay la yaabaan nolosha madaxweynaha Ruushka.
Wakhti dambe
ayuu soo kacaa
Madaxweynaha
Ruushka wuxuu ku daahaa hurddada subixii, wuxuu quraacdaa duhurradii.
Sida uu ku waramay
wargeyska Newsweek ee kasoo baxa Ruushka in qaar kamid ah cuntada uu cuno
madaxweynaha laga keeno beer uu leeyahay hoggaamiyaha madhabta Orthodox-ka ee
dalkaas Patriarch Kirill.
Marka uu
cuntada dhameystana wuxuu cabbaa koob bun ah.
Kadib waxaa
uu sameeyaa jimicsi .
Wargeyska
Newsweek ayaa sidoo kale ku warramay in madaxweyne Putin uu maalin kasta
dabbaasho muddo labo saacadood ah, marka uu ku sugan yahay goobta uu ku
dabbaalanayo wuxuu ka fakaraa dalkiisa Ruushka.
Intaa ugama
haro jimicsiga, wuxuu aadaa goob lagu jimicsado, xitaa wuxuu qaadaa biro culus
si uu jirkiisa u xoojiyo.
Muuqaalka
iyo dharkiisa
Madaxweynahan
65 jirka ah waxay aad uga taxaddaraa in muuqaalka jirkiisa uu u ekaado dadka
jimicsiga sida daran u sameeya ama orodyahanada, waxaana la sheegaa in si
wanaagsan uu u labisto.
Sanadkii
2015-kii, waxaa sawir laga qaaday Putin iyo Ra'iisul wasaare Dmitry Medvedev
xilli uu isu diraarinayay jimicsiga, sida laga soo xigtay warbaahinta Esquire
waxaa dharka uu jimicsiga ku aado qiimahodu lagu qiyaasay 3,200 oo doolar.
Wuxuu inta
badan aada shaqada marka la gaaro duhurkii, wuxuu markii ku bilaabaa akhrinta
macluumaadka ee ku saabsan xaaladda dalka oo ay kamid yihiin wararka la xiriira
sirddoonka.
Wararkaas
waxay isugu jiraan kuwa sirddoonka gudaha ay usoo gudbiyaan , arrimaha dibadda
iyo in uu dhageysto codad laga soo duubay warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda.
Madaxweynaha
Ruusha waa nin firfircoon xilliga habeenkii, wuxuu seexdaa xilli dambe,
shaqadiisa si wanaagsan ayuu u gutaa, sida uu qoray wargeyska Newsweek.
Marka uu u
safrayo dibadda
Putin ma
cuno cunto uu u soo diyaaryiyay qofkii uu martida u ahaa tan inta ay ka
ansixiyaan saraakiisha Kremlin-ka.
Wargeyska
Telegraph ayaa horraan ku warramay in Putin uu aad u jecel yahay nooc kamid ah
jallaatada taas oo la yiraahdo pistachio.
Madaxweyanaha
Shiinaha Xi Jinping ayaa Putin sanadkii 2017 xilli uu ka qeybgalayay shirka
madaxda G20 haddiyaad ahaan u siiyay jallaato.
Wuxuu jecel
yahay ka qeybgalka ciyaaraha lagu dheelo dhulka barafka ah
Maqaaxida
Petersburg Podvorye ee ku taalla dalkaas waxaa yaalla dalab la yiraahdo
Vladimir Putin, waa cunto isugu jirto hilib, qudaar , rooti iyo waxyaabo kale.
Putin wuxuu
ka qeyb qaataa ciyaaraha lagu dheelo dhulka barafka ah.
Hogaamiye milatari oo wasiir isu magacaabay
Xigashada Sawirka, AFP
Hoggaamiyaha militariga ee dalka Mali, Jeneraal Assimi
Goïta, ayaa la wareegay xilka wasiirka difaaca ka dib markii sarkaalkii hore u
hayay xilka lagu dilay weeraro lama filaan ah oo dhacay.
Dalka Galbeedka Afrika ku yaala ayaa weli ku jira xaalad
amni darro in ka badan toddobaad, ka dib markii isbahaysi ay leeyihiin
jihaadiyiin iyo fallaago gooni-u-goosad ah ay bilaabeen weerarradooda guud
ahaan dalka.
Intii uu socday weerarka, wasiirki difaaca, Sadio Camara
ayaa lagu dilay qarax gaari oo ismiidaamin ahaa, kaas oo ka dhacay
gurigiisa oo ku dhow caasimadda Bamako.
Wareegto laga akhriyay telefishanka dawladda Isniintii
ayaa lagu sheegay in Goïta uu beddeli doono Camara oo ahaa wasiirki difaaca.
Waxaa kaaliye u noqon doona taliyaha ciidanka, Jeneraal Oumar Diarra,
oo loo magacaabay ergeyga wasiirka.
Go'aanka Goïta ee ah inuu isku mar hoggaamiyo
madaxtooyada iyo wasaaradda gaashaandhigga ayaa u badan tahay in loo fasiran
karo isku day lagu doonayo in awoodda lagu xoojiyo xilli awooddiisa ay u
muuqato mid halis ku jirta..
Ma laga yaabaa in dagaal kulul uu dhex maro Turkiga iyo Israa’iil?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladaha Israa'iil iyo Turkiga ayaa waxay lahaayeen xiriir diblumaasiyadeed oo sii xumaanayay saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaana uu hadda gaaray heer laga yaabo in uu dagaal qarxo.
Hogaamiyayaasha dalalkan ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan, iyadoo laga cabsi qabo in labada dal ay is weeraraan.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, ayaa 11-kii Abriil ku eedeeyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu taageero "maamulka" ee Iran oo uu dilayo muwaadiniintiisa Kurdiyiinta.
15-kii Abriil, madaxweyne Erdogan ayaa khudbad uu jeediyay ku yiri "iyagoon xitaa ka fiirsan dhimashada 73,000 oo reer Gaza ah, waxay u soo baxeen inay farageliyaan qarankeena iyaga oo u maraya walaalaheena Kurdiyiinta."
Falanqeeyayaasha la hadlay BBC-da Turkiga ayaa sheegay in suurtagalnimada isku dhac dhexmara Turkiga iyo Israa'iil ay aad u sareyso, balse labada dhinac ay wadaan dadaallo ay kaga hortagayaan weeraro.
Xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa Turkiga iyo Israa'iil ayaa kor u kacday kadib weerarkii Xamaas ee October 7, 2023, iyo hawlgalkii militariga Israa'iil ee Marinka Gaza.
Saddexdii sano ee la soo dhaafay, labada dal ayaa midba midka kale farta ku fiiqayay, illaa Turkiga uu ku dhawaaqay inuu joojinayo ganacsiga Israa'iil.
Khasaaraha ka dhashay weerarka ay Iiraan ku qaaday Ilaha shidaalka Imaaraadka
Xigashada Sawirka, Reuters
Wasaradda
arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa ku warantay in markab shidaal oo
xiriir la leh shirkadda shidaalka ee Adnoc, oo ah shirkad shidaal oo ay
leedahay dowladda, lagu beegsaday Gacanka Hormuz.
Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale sheegtay
in qarax uu ka dhacay mid ka mid ah maraakiibteeda oo ku sugnaa meel u dhow
Imaaraadka Carabta.
Mas'uuliyiinta
Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay la
tacaaleen 12 gantaal oo ballistic ah, saddex gantaal oo cruise ah iyo afar
diyaaradood oo aan duuliye lahayn.
Mas'uuliyiinta maxalliga ah ee Imaaraadka ayaa
sheegay in qaraxyadaas ay sababeen dhaawacyo sidoo kale dekeddashidaalka laga dhoofiyo Fujairah uu soo gaaray dhaawac kadib markii lala
beegsaday drone.
Abu Dhabi waxay weerarrada ku tilmaantay
"daandansi dagaal oo halis ah” waxayna
sheegtay inay xaq u leedahay inay ka jawaabto.
Telefishanka
dawladda Iiraan ayaa soo xigtay sarkaal aan magaciisa la sheegin oo sheegaya in
Iiraan "aysan qorsheynayn inay bartilmaameedsato ilaha shidaalka Imaaraadka".
Mareykanka oo duqeeyay doomaha dheereeya ee Iiraan xilli Iiraan ay weerar ku qaaday xarunta shidaalka ee Imaaraadka Carabta
Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu duqeeyay toddobo doomood oo "dheereeya" Iiraan ah oo ku sugan Gacanka Hormuz, xilli Washington ay raadineyso inay maraakiibta ku xayiran Gacanka ka hagto marin biyoodka oo inta badan xiran.
Imaaraadka Carabta iyo Kuuriyada Koonfureed labaduba waxay Isniintii sheegeen in la duqeeyay maraakiibta ku sugan kanaalka muhiimka ah. Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in dab uu ka kacay dekedda shidaalka ee Fujairah ka dib weerar Iiraan ay geysatay.
Shirkadda maraakiibta ee Maersk ayaa BBC-da u sheegtay in mid ka mid ah maraakiibteeda calanka Mareykanka uu si guul leh uga baxay marin biyoodka isagoo haysta ilaalin milatari oo Mareykan ah - iyadoo Trump uu ugu yeeray "Xorriyadda Mashruuca".
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi ayaa sheegay in dhacdooyinka ka dhacay marin biyoodka "ay caddeynayaan in xal militari uusan jirin oo lagu xallin karo xiisad siyaasadeed".
Trump ayaa yiri: "Waxaan soo ridey toddobo doonyood oo yaryar ama, sida ay jecel yihiin inay ugu yeeraan, doonyo 'degdeg ah'. Waa waxa kaliya eeu harsan." Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay adeegsadeen diyaaradaha qumaatiga u kaca si ay u weeraraan doonyaha.