You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Nin maydkiisa la raadinayay oo hadda loo malaynayo in uu ku jiro caloosha yaxaaska
Booliiska ayaa ku dhawaaqay in la helay meydka nin ganacsade ahaa oo toddobaadkii hore la waayay kaddib markii daadad ay ku qaadeen webi ay ku badan yihiin yaxaasyadu.
Maamulka deegaanka iyo booliiska ayaa la sheegay in ay adeegsadeen diyaarado qumaati u kaca iyo diyaarado aan duuliye lahayn si ay u raadiyaan ganacsadaha la waayay.
Askari booliis ah ayaa lagu laalaadiyay xadhig, waxaana uu samatabixiye u qaaday Beerta Qaranka, kaddib markii yaxaas looga shakiyay in ninkaas la raadinayo uu yaxaas ku cunay webigan ay yaxaasyadu ku badan yihiin.
Kabtan Johan Patgeiter ayaa u sheegay warbaahinta News24 in yaxaaska lagu tuhunsanaa in uu cunay ganacsadaha la dilay.
"Ma fududa in lagu dhowaado ilkaha fiiqan ee yaxaaska," ayuu Kabtan Pottgaiter ku yiri wareysi uu siiyay News24.
Kaddib markii Potgator uu xarigga soo qabsaday ayaa labadoodaba la soo dhuftay oo laga soo saaray webiga Komati ee ku yaalla waqooyi-bari dalkaas.
Waxaa la sheegay in baaritaan DNA ah lagu sameyn doono si loo aqoonsado qofka meydkiisa laga helay webiga kaddib markii yaxaas cunay.
Waxaa sidoo kale la ogaaday in ninka toddobaadkii hore la waayay uu dhaqaaqi waayay kaddib markii gaarigiisa uu ku xayirmay isagoo isku dayaya inuu ka gudbo buundo halkaasi ku taalla.
Markii ay booliisku goobta gaadheen, gaadhiga ayaa madhnaa, waxaana la tuhmay in darawalkii biyuhu qaadeen.
Afhayeenka booliiska gobolka Mpumalanga, Korneyl Mavela Masondo, ayaa u sheegay SABC in maamulka deegaanka ay adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn iyo diyaarado qumaatiga u kaca si ay u fuliyaan baaritaanka, waxaanay arkeen yaxaasyada oo ku nasanaya jasiirad yar.
Sida uu sheegay Pottsgaiter oo waayo-aragnimo sanado badan leh awgeed, khubaradu waxay awoodaan inay aqoonsadaan xayawaan dhawaan wax cunay.
"Isagu ma isku dayo in uu dhaqaaqo isagoo calooshiisu buuxdo, mana galo webiga marka uu maqlo drone-ka iyo diyaaradda qumaatiga u kaca," ayuu ku yiri wareysi uu siiyay News24.
Intaas kaddib, waxaa la sheegay in yaxaaskii la dilay, Pottsgaiter-na uu xarig ku xiray oo uu u qaaday Beerta Qaranka ee u dhow.
Booliiska ayaa tallaabada kabtanka ku tilmaamay "hawl aad u khatar badan oo adag."
Yaxaaska oo dhererkiisu ahaa 4.5 mitir, miisaankiisuna ahaa 500 kiiloogaraam, ayaa loo qaaday Kruger National Park halkaas oo lagu baaray, lagana helay hadhaaga qof bani'aadam ah oo calooshiisa ku jiray.
Booliisku waxay sheegeen in ay heleen lix beer oo kabo ah marka laga soo tago jirka qofka, taasoo muujinaysa in uu dad kale la dilay ama "uu wax walba cuno."
Taliyaha ku-meelgaadhka ah ee booliiska Koonfur Afrika, Sarreeye Guuto Puleng Dimpane, ayaa ammaanay tallaabada ay ciidanku fuliyeen.