You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sacuudiga oo adeegyo casri ah kusoo kordhiyay Xajka sanadkan
Khadka Tareenka ee Sacuudi Carabiya ayaa ballaariyay awoodda Waddada Xawaaraha Sare ee Xarameynka ilaa in ka badan 2.21 milyan oo kuraas ah xilliga Xajka 2026 iyadoo Boqortooyada ay kor u qaadayso adeegyada gaadiidka isaga kala goosha Makkah iyo Madinah, sida ay dhowaan werisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga.
Kororkan ayaa ka dhigan in ka badan 210,000 kursi oo dheeraad ah marka la barbar dhigo sanadkii hore, oo ay weheliso 5,308 safar oo la qorsheeyay - ballaarinta qiyaastii 11 boqolkiiba si loo daboolo baahida xujeyda ee sii kordheysa.
Howlaha gaadiidka xajka ayaa billowday shalay oo ay ahayd 5-ta bisha May, iyadoo laga duuli doono garoonka diyaaradaha ee King Abdulaziz International Airport ee magaalada Jiddah, kuna sii jeeda magaalada Makkah, taasi oo muujineysa in si rasmi ah uu u billowday adeegga tareennada ee xilliga xajka.
SAR waxa ay sheegtay in shabakaddu ay geyn doonto ilaa 35 tareen oo awood u leh in ay kus ocdaan xawaare ilaa 300 kph inta u dhaxaysa 453-km. Safarka Maka iyo Madiina wuxuu qaadanayaa qiyaastii laba saacadood, iyadoo shan saldhig oo isku xira labada magaalo ee barakeysan loo sii marayo Jiddah.
Kobcinta awoodda tareennada waxay la socotaa Istaraatijiyadda Gaadiidka Qaranka iyo Saadka ee Sacuudi Carabiya iyo himilooyinka ballaaran ee Hiigsiga 2030 ee Sacuudiga si kor loogu qaado dhaqdhaqaaqa iyo horumarinta adeegyada xujeyda inta lagu guda jiro Xajka, sida ay sheegtay dowladda.
Markii ugu horreysay ee loo furay dadweynaha si ay u shaqeeyaan Oktoobar 2018, jidka tareenka ee Haramain wuxuu isku xiraa magaalooyinka barakeysan ee Makkah iyo Madinah, isagoo joogsada Jeddah, King Abdulaziz International Airport, iyo King Abdullah Economic City ee Rabigh.
Waxa ay tareennada shaqeeyaan sanadka oo dhan, iyaga oo dejiyay rakaabka caadiga ah, dalxiisayaasha, iyo xujaajta.
Ogow qodobbadan ka hor inta aadan Xajka u tagin Sacuudiga
Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday qodobbada Xajka ee laga doonayo xujeyda. Ujeedka qodobbadan ayey wasaaraddu ku sheegtay in ay tahay badqabka xujeyda iyo in ay si fudud oo deggan u gutaan waajiboodkooda Xajka.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sharraxday qodobbada iyadoo sheegtay in ay ka kooban yihiin ilaa iyo shan qodob:
- Qodobka koowaad waa soo galitaanka Sacuudiga. Dadka fiisaha cumarada haysta ayaa ugu dambeyn loo ogol yahay in ay dalka soo galaan 13kii April.
- Qodobka labaad ayaa ahaa in dadka fiisaha cumarada haysta ay wadanka uga baxaan ugu dambeyn 29-ka April. Labada qodob waxay muujinayaan in dadka fiisooyinka cumrada haysta ay dalka ku soo galaan ugana baxaan bisha April inta aysan dhammaan.
- Qodobka saddexaada ayaa ka hadlayay dadka haysta deganaashaha dalka. Wixii ka dambeeyay 23kii bishii April dadkaas iskama gali karaan magaalada Makkah. Hadii aysan haysan ogolaashaha lagama maarmaanka ah waa loo diidayaa in ay galaan iyadoo lagu celinayo halkii ay markii hore ka yimaadeen. Balse waxaa jira in dadka qaar qodobkan fasaxyo. Dadka ka reeban qodobka saddexaad waxaa ka mid ah dadka haysta aqoonsiga deganaashaha magaalada Makkah, kuwa haysta ogolaashaha shaqo ee goobaha barakeysan iyo dadka soo qaata fiisaha xajka.
- Qodobka afaraad ayaa qeexaya fiisooyinka cumrada ay soo saarto 'Nusuk' in la joojiyay 29-kii April ilaa iyo 10-ka June ee sanadkan. Qodobkan xitaa wuxuu quseeya muwaadiniinta Sacuudiga, kuwa deganaashaha haysta, muwaadiniinta dalalka kale ee Khaliijka iyo cid kasta oo haysata fiiso kale.
- Qodobka shannaad ee ugu dambeeya ayaa ka hadlay sida lagu galayo Makkah. Shaqsiyaadka haysta fiisooyinka xajka ayaa loo ogol yahay in ay galaan magaalda Makkah. Wasaarada waxay ku adkeysay dhammaan dadka in ay si buuxda u raacaan qeynuunadan Xajka si loo xaqiijiyo badqabka iyo ammaanka xujeyda. Cidii jabisa qeynuunadan waxay la kulmeysaa ciqaab dhinaca sharciga ah.