Addoonsiga casriga ah oo ku badanaya wadammo ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Eritrea

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Sare u kaca qiimaha maciishadda iyo tignoolajiyada cusub ayaa horseedaya heerarkii ugu badnaa ee iska faa'iidaysiga gudaha Ingiriiska, sida uu ka digay gudoomiyaha madaxa banaan ee la dagaalanka addoonsiga (IASC).

In ka badan 23,000 oo laga yaabo in ay yihiin dhibanayaal addoonsiga casriga ah ayaa loo gudbiyay kooxda kormeerka sanadkii 2025, kaa ah koror 22% ah sannadkii hore iyo tiradii ugu badnayd ee abid la diiwaan geliyo.

Warbixin la daabacay Isniintii ayaa ka digtay in ka ganacsada dadka, shaqada qasabka ah iyo isga faa'iidaysiga galmada ay adkaan doonto in la ogaado sanadaha soo socda haddii aan tallaabo degdeg ah laga qaadin shabakadaha dambiyadan ka dambeeya.

In ka badan shan meelood meel ahaan dhibbanayaasha 2025 waxay dagan yihiin Ingiriiska.

Muwaadiniinta Eritrea (13%) ayaa ahaa kooxda labaad ee ugu weyn, waxaana ku xiga muwaadiniinta Vietnam (9%).

Warbixintu waxay ku soo beegantay in ka badan 10 sano kadib markii uu dhaqan galay sharciga addoonsiga casriga ah, waxayna soo ururisay cadaymaha in ka badan 50 hay'adood si ay u falanqeeyaan sida iska faa'iidaysiga dhiig miiradka ahi u kobcayo.

Waxay tilmaamaysaa warbixintu saddex arrimood oo waaweyn oo keenaya kor u kaca: kharashka nolosha oo kor u kacay, deynta iyo shaqooyinka aan damaanadda lahayn.

Isku dhacyada iyo barakaca adduunka ayaa u sahlaya dadka wax tahriibiya inay ka faa'iidaystaan dadka nugul, warbixintu waxay sidoo kale ka digaysaa, inta AI iyo aaladaha dijitaalka ah ay awood u siinayaan dadka wax tahriibiya inay "qortaan, gacanta ku dhigaan, ayna kontoroolaan dhibbanayaasha".

Eleanor Lyons, oo loo magacaabay IASC bishii Oktoobar 2023, ayaa sheegtay in warbixintu ay hoosta ka xariiqday "sida ka faa'iidaysiga sii kordhayo ee u saameeyay dadka gudaha UK".

Waxay tiri: "Noocyada ka faa'iidaysiga ee ugu foosha xun ayaa ku sii faafaya dalkan waxayna u socdaan si ka dhaqso badan sidii aan uga jawaabi lahayn.

"Way sii fidi doontaa wayna adkaan doontaa in la joojiyo hadii aynaan hadda wax ka qaban."

Iyada oo u warramaysay barnaamijka BBC Radio 4 Today, Lyons waxay sheegtay "in ay u badan yihiin wiilal iyo gabdho Ingiriis ah oo ay dembiilayaal ka faa'ideystaan".

Waxay sharaxday in carruurta looga faa'iidaysan karo hawlaha wada sheekaysiga ee ciyaaraha fiidiyowga, iyadoo dembiilayaasha ay sidaas ku helayaan kalsooni ay ku beeegsadaan carruurta nugul.

"Taasi waa bilawga safarka maskax ka qabsashada iyo rikaateynta," ayay tiri, iyagoo markaas bilaabay inay ka faa'iidaystaan carruurta.

Waxay sheegtay in wiilasha sida caadiga ah looga faa'iidaysto si dambiilanimo ah, halka gabdhaha ay inta badan la kulmaan ka faa'iidaysiga galmada.

"Taasi waxay kor u kacday in ka badan 50% shantii sano ee la soo dhaafay waxayna ku dhacaysaa kuwaba kuwa ay ka yar yihiin,".

Laakiin waxay sheegtay in carruurta iyo dadka waaweynba ay "ka baqayaan inay dadka u sheegaan" haddii ay dhibaato la kulmaan.

"Waxaan u maleyn jirnay in tani ay inta badan tahay wax ka dhaca meelaha fog fog" laakiin waxay ka dhacdaa UK oo dhan, ayay tiri.

'Tirooyinku waxay u taagan yihiin dadka la dhibay'

Lyons ayaa sheegtay in jawaabta Ingiriiska ay tahay "aysan ku dheeli tirnayn miisaanka iyo kakanaanta khatarta", waxayna ugu baaqday dowladda inay soo bandhigto isbeddello ay ku jiraan maalgelinta booliiska takhasuska u leh iyo ganaaxyada ganacsiyada lagu helo inay ku xad-gudbeen xeerarka ka-faa'iidaysiga dadka nugul.

"Tirooyinkan aad arkaysaan waxay u tagaan yihiin dadka dhabta ah ee lagu xadgudbo siyaalo badankeena aynaan qiyaasi karin, haddii ay tahay haweenka lagu qasbay ganacsiga galmada, carruurta ay qasbeen kooxaha daroogada, ama shaqaalaha ku xayiran xaalado naxariis darro ah oo aan lahayn jid ay ka baxaan, inta badan waxay ku nool yihiin cabsi buuxda," Lyons ayaa raacisay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in "ay ka go'an tahay in dib u eegis lagu sameeyo nidaamka addoonsiga ee casriga ah si loo yareeyo fursadaha si xun u isticmaalka nidaamka, iyadoo sidoo kale la hubinayo in si sax ah loo ilaaliyo kuwa u baahan".

Waxay intaa ku dareen in waaxdu ay la shaqaynayso dadka ka badbaaday falalkaan ayna qaadeen tallaabo lagu dhimayo dib u dhaca kiisaska.

Xeerka addoonsiga casriga ah ee 2015 wuxuu isugu keenay dembiyada ka-faa'iidaysiga ee jira hal sharci, wuxuuna abuuray waajibaadyo iyo awoodo cusub si loo ilaaliyo dhibanayaasha iyo maxkamadaynta dembiilayaasha.