Jaajarka oo dabka looga tago ma wuxuu dhammeeyaa korontada?

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Jaajarka oo looga tago godka korontada miyaa keena in koranto badan lagugu soo dalaco, mise taleefanada ayaa ka dab cunis badan mashiinada kale sida TV-yada, microwave-yada iyo qalabka kale ee gurigu ee korantada ku shaqeeya?

Waxaan la hadalnay khubaro si aan u ogaano.

Daraasad lagu sameeyay Ingiriiska 2019- kii ayaa aaladaha noocaan ah loogu magac daray 'vampire tools' oo macnaheedu yahay aaladaha bahalka dhiigacaba oo kale ah

Dhanka kale, daraasad sidoo kale la sameeyay 2019-kii, ayaa lagu ogaaday intee in le'eg oo tamart ah ayaa la badbaadin karaa sanad kasta hadii la damiyo aaladaha aan la isticmaalayn markaas oo ku jira godka gorontada oo daaran.

Waxaa ka mid ah qalabyadaas kuwa jikada sida microwaves, mishiinada kafeega, kuwa rootiga duba, kombiyuutarka, iyo kuwa daabacaada, iwm.

Daraasadu waxay ogaatay in muwaadin kasta oo British ah uu ka baaqsan karo £ 147 oo lacagta Ingiriiska ah sannadkii oo koronto uga baxda isagoo daminaya aaladahaan. Daraasadda waxaa la sameeyay 2019, markaa qaddarkani wuu kordhi karaa sanadkaan 2026.

Aaladahaan elegtarooniga ah ayaa isticmaala korontada xitaa marka aan la isticmaalayn balse ay godka isaga jiraan.

Hay'adda Keydka Tamarta (EST) ayaa sheegtay in macaamiishu ay u baahan yihiin inay ka fiirsadaan aaladaha ay uga tagayaan godka korontada.

According to the Energy Saving Trust, 'Appliance models, their durability and individual usage figures or prices depend on many factors.'

Daraasadu waxay sheegtay in inta aaladahaasi kujiraan godka korontada ay si tartiib tartiib ah u cunayaan koronto. Way sahlanaan kartaa in telefiishanka looga tago dabka laakiin aad rumuutka ka damiso, laakiin wali waxaa kugu socda koronto qaali ah.

Marka loo eego xarunta EST, inta u dhaxaysa sagaal iyo 16 boqolkiiba korontada lagu isticmaalo guryaha ayaa la isticmaalaa marka ay qalabku dansan yihiim.

Korontadu makugu socotaa xitaa hadii aaladdu dansan tahay?

Waxa ay khubaradu sheegeen in haddii charger-ka talefanka gacanta looga tago godka uu isticmalo koronto aan sidaas u badnayn.

Injineer Akhlaq Axmed oo ah khabiir dhinaca tamarta ah ayaa sheegay in jaajarada talefannada gacanta ama aaladaha tamarta yar ee la midka ah ay culays aad u yar ku hayaan nidaamka korontada.

Isagoo la hadlayay BBC News Urdu, waxa uu sheegay in haddii aan ka soo qaadno in dalka Pakistan ay ku sugan yihiin 100 milyan oo taleefoonnada gacanta ah iyo hmarkii aan ka hadalno culeyska korontada ay isticmaali karaan uu yahay mid aad uga yar boqolkiba hal korontada dalka.

"100 milyan oo jaajarada mobilada isku mar kuma xirna godka, dadku waxay isticmaalaan waqtiyo kala duwan.

Sida uu sheegay, haddii uu yahay jaajar fiican oo tayadiisu wanaagsan tahay, waxa uu isticmaalayaa ilaa 10 Watts oo koronto ah, haddii dab-qabadyadu ay tayadoodu liidato, waxa ay isticmaashaa ugu badnaan 50 Watts oo koronto ah.

Injineer Akhlaaq Axmed ayaa sheegay in marka la eego koronto uu isticmaalo jaajar god shidan isaga jira uusan wax weyn ka bedelin biilasha korontada.