Golihii hore u burburay ee Tigray oo dib isugu yimid, kuna dhawaaqay madaxweyne

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Kadib dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray, guddigii baarlamaanka gobolka oo hore u burburay ayaa mar kale dib isugu yimid, wuxuuna doortay Dr. Debretsion Gebremichael, oo ah guddoomiyaha TPLF, inuu noqdo madaxweynaha gobolka. Sidaas waxaa weriyay Telefishinka Tigray.

Guddigan baarlamaanka ee dowlad-goboleedka Tigray oo la kala diray, ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah dib ugu bilaabay shaqadiisii shalay, isagoo ku andacoonaya in "dowladdu jebisay heshiiskii", sida uu qabo heshiiskii Pretoria ee 23-ka Oktoobar 2022 ee dhex maray dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Baarlamaanka oo qabtay kulankiisii lixaad ee caadiga ahaa 5-ta May 2026 ayaa sheegay inuu doortay, marka laga reebo madaxweynaha gobolka, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa.

Sidaas awgeed, Kiros Hagos ayaa loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka, halka Mihret Berhe loo doortay ku-xigeenka guddoomiyaha.

Qoraal kasoo baxay guddiga dhexe ee TPLF 19-ka Abriil 2026 ayaa lagu sheegay in la go'aamiyay in baarlamankii si dimuqraaddi ah loo doortay lix sano ka hor uu dib u bilaabo shaqadiisa.

TPLF waxay go'aankan shaacisay ku dhawaad laba toddobaad kadib markii dowladda federaalka ay hal sano u kordhisay muddada xilka madaxweynaha maamulka ku-meelgaarka ah ee Tigray, Lt. Gen. Tadesse Werede, oo la sameeyay kaddib heshiiskii Pretoria.

Maamulka ku-meelgaarka ah ee Tigray iyo TPLF waxaa dhex marayay khilaafaadyo toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo Gen. Tadesse Werede uu si joogto ah uga soo horjeeday dib-usoo-celinta baarlamaankii hore, isagoo sheegay inay sii adkeyn karto dhibaatada gobolka.

Maalin ka hor kulanka baarlamaanka, Gen. Tadesse ayaa digniin bixiyay, isagoo sheegay in tallaabooyinka ay qaadeyso TPLF ay sababi karaan isku dhac.

Wuxuu yiri: "Xaaladda aan ku sugannahay hadda waa jid aad u khafiif ah oo u dhexeeya nabad iyo dagaal. Daruurtii dagaalka weli ma kala bixin, waxayna mar kale keeni kartaa roob; waxaan ku jirnaa xaalad halis ah oo si fudud ugu leexan karta dagaal."

TPLF, oo laga qaaday aqoonsigii sharci ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa ku doodaysa in baarlamaanka gobolka ee laga soo doortay doorashadii lix sano ka hor uu weli sharci yahay.

TPLF waxay hore BBC ugu sheegtay in doorashadaas aan lagu burin heshiiska Pretoria, balse "la hakiyay" oo keliya.

Afhayeenka TPLF, Mikael Asgedom, ayaa sheegay in dowladdii gobolka ee markaas la sameeyay "aan la burburin; balse maamulka ku-meelgaarka ah waxaa lagu sameeyay wadahadal".

Ilaa hadda dowladda federaalka wax jawaab ah kama aysan bixin go'aanka TPLF ee ku saabsan soo celinta baarlamaanka gobolka iyo magacaabista madaxweyne.

Kulankii ugu horreeyay ee baarlamaanka ee la qabtay 5-ta May 2026, kaas oo Dr. Debretsion lagu doortay, ayaa ansixiyay ajendaha dib-loogu-bilaabayo shaqadii dowlad-goboleedka Tigray ee muddo lix sano ah hakad gashay, iyadoo cod aqlabiyad ah lagu meel mariyay oo ay jireen laba qof oo ka aamusay.

Dr. Debretsion waxaa loo doortay madaxweyne iyadoo uu jiray hal diidmo iyo saddex qof oo ka aamusay, sida ay warbaahinta gobolka sheegtay.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale ansixiyay in dr. Debretsion uu sii wado hawshiisa fulineed ilaa kulanka xiga, isagoo sameynaya isbeddellada lagama maarmaanka ah, iyadoo uu jiray hal diidmo iyo hal qof oo ka aamusay.

Habkii loo doortay baarlamaankii hore ee Tigray—kaas oo la kala diray—ayaa lagu sheegay inuu sababay muran xooggan oo u dhexeeyay TPLF iyo dowladda federaalka, isla markaana uu ka mid ahaa sababihii kiciyay dagaalkii dhiigga badan ku daatay.

Waxaa xusid mudan in doorashadii uu gobolka kaligiis qabsaday—iyadoo aanay ansixin Guddiga Doorashooyinka Qaranka—lagu sheegay inay ka hor imanayso dastuurka dalka, sidaas darteedna "aan la aqbali karin, aanay sharci ahayn, isla markaana aysan wax fulin ah lahayn," sida Golaha Federaalka uu si wadajir ah u go'aamiyay waqtigaas.