Afar faa'iido caafimaad oo ay leedahay in aad banaanka aado xilliga roobku da'ayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laga soo bilaabo udgoonka gaarka ah ilaa walxaha taban ee uu ku sii daayo hawada, roobku wuxuu faa'iidooyin cajiib ah u leeyahay jirka bini'aadamka, gaar ahaan hagaajinta niyadda.
Roobabku kaliya ma keenaan yaraynta kulaylka, laakiin daraasaduhu waxay muujinayaan inuu sidoo kale wanaajin karo niyadda, nadiifiyo hawada, kiciyo xusuusta iyo caawin karana jirka inuu dego.
Waxay ahayd maalintii lixaad oo isku xigta oo heerkulku dareemay inuu kor u dhaafay 38 darajo Celsius magaalada New Milford, Connecticut, markii cirku bilaabay inuu isu beddelo midab guduudan oo naxdin leh.
Waxa aan hoggaaminayey aqoon-is-weydaarsi bannaanka ah, waxa aan arkay ka qaybgalayaashii oo aad ula yaaban daruur dheer oo foolxun oo naga dul wareegaysa.
Isla markiiba, onkod ayaa gariiray, waxaana cirka isku shareeray hillaac sidii shabkada caarada oo aan sinnayn.
1. Wuxuu dheeli tiara kiimikada jirka
Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ayaa ah in roobku uu hawada ku daro ion taban. Kuwani waa unugyo oksijiin ah oo leh koronto dheeri ah oo la abuuro marka dhibcaha roobka ay isku dhacaan ama kala tagaan marka ay dhulka ku dhacaan.
Khubaradu waxa ay sheegeen in unugyadani ay kicin karaan soo saarista maadada serotonin ee maskaxda,taas oo ah kiimiko xiriir la leh farxadda,d ejinta iyo hoos u dhaca niyad xumada.
Ku socodka roobka ayaa kaa caawin kara hagaajinta niyaddaada iyo fayoobida maskaxdaada. Si kastaba ha ahaatee, taxaddar ayaa loo baahan yahay haddii uu jiro hillaac ama onkod.
Saynis yahanada qaarkood waxay soo jeedinayaan in saamayntan togan ay sababi karto qaybo taban oo hawada ku jirta oo kordhiya heerka ogsijiinta dhiiga ku jirta, taas oo wanaajin karta niyadda si la mid ah saamaynta jimicsiga jirka ee xoogan.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma jirto caddayn toos ah oo si qeexan u sharraxaysa habka bayoolojiga ee keena saamayntan.
Pam Dalton, oo ah saynisyahan garashada oo ka tirsan Xarunta Monell ee Sayniska Dareenka Kiimikada ee Maraykanka, ayaa sheegay inaan weli si buuxda loo fahmin sababta dareenka xun u saameeyo niyadda, daalka, caafimaadka wadnaha iyo cadaadiska dhiigga.
"In kasta oo tani ay tahay mid xiiso leh, weli ma jiro heshiis cilmiyeed oo ballaaran oo ku saabsan faa'iidooyinkeeda bayooloji ahaan.," ayuu yiri Dalton.
2. Hawada ayuu nadiifiyaa kana dhigaa mid si sahlan loogu neefsan karo
Roobku waxa kale oo uu caawiyaa nadiifinta hawada iyaga oo ka saaraya waxyaabo sabeynaya sida boorka, wasakhowga, iyo xasaasiyadaha.
Ilaysyada taban ee la soo saaro xilliga roobka ayaa soo jiita walxahan yaryar oo hoos u dhiga dhulka, taas oo hawada ka dhigaysa mid nadiif ah oo fududaysa in la neefsado.
Waxa ay khubaradu sheegeen in tani ay wax ka tari karto caafimaadka neef-mareenka, sidoo kalena ay hoos u dhigi karto niyad xumada, maadaama hawada wasakhaysan lala xiriiriyay werwer iyo dhibaato dhinaca maskaxda ah.
"Waxaa jira cadaymo soo jiidasho leh oo muujinaya in ions taban ay awood u leeyihiin inay ka saaraan boorka, bakteeriyada, xasaasiyadda, iyo walxaha kale ee hawada, kuwaas oo laga yaabo inay faa'iido u leeyihiin caafimaadka neefsiga ee dad badan," ayuu yiri Dalton.
Ilaa toban sano ka hor, si buuxda uma cadda sida ay wax-ku-oolka ah ee ay wax u tari karaan nadiifinta hawada.
3. Carafta roobku waxay kicisaa xasuusaha
Urta roobka ee loo yaqaan Petrichor waxay ka mid tahay udgoonka sida fudud loo aqoonsan karo.
Urtan waxay dhacdaa marka roobku ku dhaco dhul engegan oo uu sii daayo qaybo ka mid ah ciidda, dhirta, iyo bakteeriyada dabiiciga ah.
"Perichor waxay dhacdaa marka roobka uu sii daayo hawo" ayuu yiri Phil Stevenson, oo ah barafisoor ku takhasusay kimistariga dhirta ee Jaamacadda Greenwich, ahna madaxa cilmi baarista dhirta iyo fangaska ee Kew Gardens ee UK.
Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in uduggani uu kicin karo xasuus hore iyo dareen gudaha ah sababtoo ah urta waxa ay xiriir dhaw la leedahay qaybta maskaxda ee habaysa dareenka iyo xusuusta.
Taasi waa sababta urta roobka ay inta badan kiciso dareenka degenaanshaha, xusuusta caruurnimada, ama dareenka raaxada oo aan si fudud loo sharaxi karin.
4.Jabaqda roobku waxay dajisaa maanka
Marka laga soo tago udgoonka, dhawaaqa roobka ayaa sidoo kale saameyn ku leh maskaxda. Dhawaaqa qabow ee roobka ayaa la muujiyay inuu yareeyo heerarka hormoonnada walaaca ee jirka iyo caawinta jirka inuu nasto.
Khubarada caafimaadka dhawaaqa ayaa sheegay in dhawaqa biyuhu ay hawl galiyaan hab-dhisyada jirka, kuwaas oo ka caawiya in uu nasto, hoos u dhigo garaaca wadnaha, isla markaana yareeya cadaadiska.
Tani waa sababta codka roobka inta badan loogu isticmaalo aaladaha caawinta hurdada iyo dejinta maskaxda.
Roobabku maahan dhacdo cimilo oo caadi ah.
Marka loo eego sayniska, roobku waa ka badan yahay dhacdo cimilo oo caadi ah. Waxay hagaajin kartaa niyadda, nadiifin kartaa hawada, kicin kartaa xusuusta, waxayna dejin kartaa maskaxda.











