Shaqaale sheegay in ay arkeen isticmalayaasha ookiyaalaha Meta oo galmo samaynaya iyo shirkadda oo muran ka dhexeeyo

Mark

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Meta waxaa saaran cadaadis ah in ay sharaxdo sababta ay u baabi'isay heshiis weyn oo ay la gashay shirkad ay u isticmaali jirtay in ay u tababarto AI, wax yar ka dib markii qaar ka mid ah shaqaalaheeda fadhigoodu yahay Kenya ay ku eedeeyeen in ay ku qasbanaadeen in ay daawadaan waxyaabo aan undhaha y roonayn oo ay qabteen okiyaalaha caaqilka ah ee Mata.

Bishii Febraayo, shaqaalaha shirkadda, Sama, ayaa u sheegay laba wargeys oo Iswidhish ah inay arkeen dadka isticmaala muraayadaha oo galaya suuli galmana sameynaya.

In ka yar laba bilood ka dib, Meta waxay soo afjartay qandaraaskii ay kula jirtay Sama, taas oo Sama ay sheegtay inay keeni doonto in 1,108 shaqaale ah ay noqdaan shaqo la'aan.

Meta ayaa sheegtay in ay sabab u tahay Sama oo aanay gaarin heerkii la doonayay, taa oo ah hadal ay Sama diiday. Urur shaqaale Kenya ayaa ku andacoonaya in go'aanka Meta uu sabab u ahaa shaqaalaha oo hadlay.

Meta kama aysan hadlin eedeymahaas balse waxay u sheegtay BBC News bayaan ay soo saartay "inay go'aansatey inaan joojino shaqadeena Sama sababtoo ah ma ay buuxin heerarkeena".

Sama oo difaacday shaqadeeda.

"Sama waxay si joogto ah u buuxisay heerarka hawlgalka, amniga iyo tayada looga baahan yahay hawlgelinta macmiilkayaga, oo ay ku jirto Meta," ayaa lagu yiri bayaan.

"Marna nalama ogaysiin wax kasta oo hoos u dhac ah oo aan ku buuxin waynay heerka la doonayo, waxaanan si adag ugu taagnahay tayada iyo hufnaanta shaqadeena."

'Jir qaawan'

Dabayaaqadii bishii Febraayo, wargeysyada Svenska Dagbladet (SvD) iyo Goteborgs-Posten (GP) ayaa daabacay baaritaan ay ku jiraan akoonada shaqaale aan la magacaabin oo laga codsaday inay dib u eegaan muuqaallada laga duubay ookiyaalayaasha Meta.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxaan aragnaa wax walba - laga bilaabo qolalka fadhiga ilaa meydad qaawan," mid ka mid ah shaqaalaha ayaa sheegay.

Waqtiga daabacaadda, Meta waxay qiratay shaqaalaha qandaraas-hoosaadka ah inay mararka qaarkood dib u eegis ku sameeyaan waxyaabaha lagu duubay muraayadaha casriga ah marka ay dadku la wadaagaan Meta AI.

Waxay sheegtay in tani ay ujeedadeedu tahay horumarinta khibradda macaamiisha, ayna tahay caado ay wadaagaan shirkadaha kale.

Si kastaba ha ahaatee, baahintaas ayaa ku kalliftay hay'adokorjoogteeyo shaqooyinkaan inay tallaabo qaadaan.

Wax yar ka dib baaritaankii Iswiidhan, kooxda ilaalinta xogta UK, Xafiiska Warfaafinta (ICO) ayaa Meta u qortay waxa ay ugu yeertay "warbixin iyaga khuseysa".

Xafiiska Gudoomiyaha Ilaalinta Xogta ee Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay bilaabayaan baaritaan ku saabsan walaacyada sirta ah ee ay soo bandhigeen ookiyaalayaashu.

War qoraal ah oo uu kaga jawaabayay wararka shaqo joojinta ayaa afhayeen u hadlay Meta u sheegay BBC, "bishi hore, waxaanu hakinay shaqadii Sama nagala dhaxaysay intii aanu eegaynay sheegashooyinkan.

"Waxaan u qaadannaa arrimahaan si dhab ah. Sawirada iyo fiidiyowyadu waa kuwo gaar u ah isticmaalayaasha. Dad ayaa loo xilsaaraa inay dib u eegaan waxyaabaha AI loogu talo galay in uu fahmo si ay u hagaajiyaan waxqabadka, taas oo aan mar walbo waydiino ogolaansho isticmaaleyaasha."

'Heerarka sirta'

Bishii Sebtembar Meta waxa ay daaha ka rogtay muraayado kala duwan oo AI ku shaqeeya oo ay iska kaashanayaan noocyada Ray-Ban iyo Oakley.

Astaamaha waxaa ka mid noqon kara tarjumaadda qoraalka, ama ka jawaabista su'aalaha ku saabsan waxa isticmaaluhu eegayo - gaar ahaan waxay waxtar u leedahay kuwa indhoolayaasha ah ama qayb ahaan aragga la'.

Si kastaba ha noqotee, sida aaladaha ay u noqdeen caann, sidoo kale waxay leeyihiin walaac ku saabsan si xun u isticmaalkooda khaldan.

Shaqaalaha ay wargaysyada Iswiidhishku la hadleen waxay ahaayeen xog-ururiyeyaal, iyagoo barayay AI-ga Meta inay u tarjumaan sawirrada iyagoo gacanta ku calaamadinaya nuxurka.

Mid ka mid ah tusaale ahaan, shaqaale ayaa u sheegay wargaysyada, ookiyaalaha nin leeyahay ayaa looga tagay qolka jiifka halkaas oo ay markii dambe filim ka qaadeen haweeney, sida muuqata xaaska ninka, oo dharka iska siibaysa.

Ookiyaalayaasha Meta ayaa nal ku leh cirifka kaa oo shidma marka kaamiradu wax duubayso.