Imaaraadka iyo Soomaaliya oo isku adeegsaday hadalladii ugu adkaa iyo khilaafka oo sii xoogeysanaya

Dr Anwar iyo Wasiir Fiqi
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si kulul u cambaareeyay faragalin uu sheegay in dalkiisa ay ku haysay muddo dheer dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa arrintaas waxaa ka jawaabay Dr. Anwar Gargash oo ah la taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Carabta.

Qoral uu bartiisa soo dhigay Anwar Gargaash, ayuu ku sheegay in hadaladda madaxweynaha Soomaaliya aaney is waafaqsaneyn isla markaana uu dantiisa gaarka ah ka hormarinayo tan guud.

"Weerarka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Soomaaliya uu ku qaaday Imaaraadka Carabta ayaa muujinaya isbeddelka iyo iswaafaq la'aanta mowqifyadiisa iyo siyaasaddiisa, wuxuuna su'aal gelinayaa in uu danihiisa gaarka ah ka hormarinayo kuwa dalkiisa," ayu uku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa X.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbadii uu shalay jeediyay ku sheegay in Imaaraadku uu hareer maray dowladda federaalka isla markaana uu faragelin ku sameyay arrimaha gudaha Soomaaliya.

"Muddo sannado ah, Imaaraadka Carabta waxay si joogto ah u faragelineysay arrimaheenna gudaha iyo siyaasaddeenna qarannimo, isaga oo hareer marayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sharciga ah" ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Hase-yeeshee Dr Anwar oo ah la taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Carabta ,Maxamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa sheegay in dalkiisu uu Soomaaliya garab siiyay.

"Imaaraadka Carabta wuxuu garab istaagay Soomaaliya iyo shacabkeeda xilliyadii ugu adkaa, waxaana laga xumaaday in loollanka awoodda ee gudaha dalka uu Soomaaliya ku jiidayo khilaafaad goboleed aan u adeegayn danaha shacabka iyo himilooyinkooda ku aaddan amniga iyo xasilloonida" ayuu yiri Dr Anwar.

Wuxuu intaasi ku daray Dr Anwar in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadku sii jiro doono isagoo ka maran siyaasad iyo dano gaar ah. Qoraalka uu ku baahiyay bartiisa X, ayuu ku yiri: "Xiriirka aan la leenahay shacabka Soomaaliyeed wuxuu ahaan doonaa mid ka qoto dheer kana maran khilaafaadka siyaasadeed ee ku-meelgaarka ah, dano gaar ah iyo hamiga siyaasadeed".

Jawaabta Wasiir Fiqi

Axmed macalin Fiqi, wasiirka Gaashaandhigga
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hadalka la taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Carabta Dr Anwar Gargash, waxaa si adag uga jawaabay wasiirka Gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, isagoo u marsiinaya jawaabtiisa barta X.

Axmed Macallin Fiqi oo qoraal ugu jawaabay Dr Anwar ayaa sidaan u dhigay farriintiisa: " fikradahaaga xun ee wax duminaya ayaa saldhig u noqday siyaasadaha dowladdiinna ee hurinta dagaallada, iibsashada daacadnimada dadka iyo wiiqidda madax-bannaanida dalalka kale,".

Wuxuu intaasi ku daray Axmed Macallin Fiqi, in Imaaraadku aanu burburin karin Soomaaliya dhaqaalana aan loo adeegsan karin rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

"Si wanaagsan u baro taariikhda Soomaaliya. Lacagtiinnu ma iibsan karto rabitaankeenna, mana burburin karto midnimadeenna,".

Wasiir Fiqi oo hadalkiisa qoraalka ah sii wata ayaa yiri: Jooji ka macaashka musiibooyinka shucuubta, hana ku dhisan dalkaada burburka dalalkooda".

Wuxuu sii raaciyay : "Dhiigga dadka aan waxba galabsan ma aha badeecad la kala iibsado".

Muxuu ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya shalay?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qalabka warbaahinta dawladda kala hadlay shacabka ayaa si kulul u cambaareeyay faragalin uu sheegay in dalkiisa ay ku haysay muddo dheer dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

"Muddo sannado ah, Imaaraadka Carabta waxay si joogto ah u faragelineysay arrimaheenna gudaha iyo siyaasaddeenna qarannimo, isaga oo hareer marayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sharciga ah" ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay shan qodob oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin faragalinta Imaaraadka ee arimaha gudaha ee Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiisyo dekedeed uu la galay maamull goboleedyo, kuwaas oo ku saabsan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo. Dekedahaasi ma aha buu yiri hanti ay maamul goboleedyo gaar ahi leeyihiin.

Xasan Sheekh waxa kale oo uu faragalinta Imaaraadka ku sheegay inuu dhisay saldhigyo milatari iyo ciidamo ka baxsan nidaamka amniga Soomaaliya, isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladdiisa.

"Ciidan aan ka amar qaadan talisyada qaranka waa ciidan wiiqaya awoodda iyo midnimada hay'adaha amniga dalka. Xilli aan si weyn ugu baahnnahay isku-duubni si aan ula dagaallanno argagixisada caalamiga ayeey abuureen ciidamo iyo qaab-dhismeedyo amni oo isbarbar socda, kuwaas oo wiiqaya awoodda iyo isku-duubnida amniga qaranka" ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Imaaraadka Carabta in uu maamul goboleedyo qaarkood siiyay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale, si ay uga horyimaadaan buu yiri Dowladda Federaalka Soomaaliya.

"Waxay dhiirrigeliyeen khilaafaadka siyaasadeed, waxayna huriyeen kala fogaanshaha iyo kala qaybsanaanta ummadda Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay in la wiiqo awoodda dowladnimada Soomaaliya, si dalka loo gaarsiiyo heer ay fududaato in dibadda laga maamulo. Taas oo aan si cad u diidnay welina u diidanahay" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dawladda Imaaraadka ku eedeeyay in ay kaalin weyn ku lahayd aqoonsiga ay Israa'iil siisay Somaliland.