Dowladda Israa'iil: Netanyahu ayaa isku dayaya inuu mideysnaanta garabkiisa siyaasadeed ilaaliyo, halka Eisenkot uu doonayo inuu ballaariyo xulafadiisa siyaasadeed

Gadi Eisenkot iyo Benjamin Netanyahu
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wada-xaajo siyaasadeed ayaa ka socda Israa'iil, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu soo dhiso dowladda cusub, kaddib doorasho uu midkoodna labada garab siyaasadeed ee waaweyn ku guulaysan aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka ee looga baahan yahay dhismaha xukuumadda.

Arrintan ayaa imanaysa xilli hoggaamiyaha xisbiga Yeshar, Gadi Eisenkot, uu dadaal ugu jiro ballaarinta xulafada uu la yeelan karo xisbiyada kale, halka ra'iisul wasaaraha xilka ka sii degaya, Benjamin Netanyahu, uu isku dayayo inuu mideysnaanta garabkiisa siyaasadeed ilaaliyo.

Eisenkot ayaa la kulmay hoggaamiyaha mucaaradka, Yair Lapid, waxaana la filayaa inuu sidoo kale la kulmo hoggaamiyaha xisbiga Yisrael Beiteinu, Avigdor Lieberman, si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada iskaashi siyaasadeed.

Kulamadan ayaa ka horreeya wadatashiyada uu madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog, la yeelan doono xisbiyada siyaasadeed maalinta Arbacada.

Madaxweyne Herzog ayaa Arbacada la filayaa inuu helo natiijooyinka rasmiga ah ee doorashada, kaddibna uu wadatashiyo la bilaabo wakiillada xisbiyada si uu u ogaado cidda ay ku talinayaan in loo xilsaaro dhismaha dowladda cusub.

Waxaa la filayaa in madaxweynuhu hoggaamiyaha mid ka mid ah xisbiyada siiyo fursad 28 maalmood ah oo uu ku soo dhiso xukuumad, laga bilaabo Khamiista soo socota. Muddadaas waxaa suuragal ah in 14 maalmood oo dheeraad ah loo kordhiyo.

Eisenkot, oo 66 jir ah, ayaa afar shuruudood u dejiyay xisbiyada uu doonayo inay ka mid noqdaan dowladda cusub. Shuruudahaas waxaa ka mid ah:

1. In Israa'iil loo aqoonsado dowlad Yuhuud ah, dimuqraadi ah oo xorriyadda ku dhisan, isla markaana ku salaysan sinnaanta muwaadiniinta.

2. In la dhowro mabaadi'da ku xusan Baaqa Madaxbannaanida Israa'iil.

3. In dhammaan muwaadiniinta lagu waajibiyo adeeg ciidan, adeeg qaran ama mid rayid ah.

4. In Xamaas loo aqoonsado urur argagixiso, lana ballanqaado in la burburiyo awooddeeda milatari iyo tan maamul ee Marinka Gaza.

Eisenkot ayaa sheegay in xildhibaan kasta oo aqbala mabaadi'daas uu la shaqayn karo dowladda cusub. Si kastaba ha ahaatee, si cad ugama uusan reebin xisbiyada Yuhuudda aadka ugu adag dhinaca diinta ama xisbiyada Carabta.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in laga faa'iidaysto waxa uu ku tilmaamay aqlabiyadda baarlamaanka, si loo dhiso guddi rasmi ah oo baaritaan ku sameeya dhacdooyinkii 7-dii Oktoobar 2023.

Intaa waxaa dheer, waxa uu doonayaa in la meel mariyo sharciyo la xiriira waajibinta adeegga milatari, isla markaana xilka laga beddelo guddoomiyaha hadda ee baarlamaanka Israa'iil, Amir Ohana.

Taageerayaasha isbahaysiga siyaasadeed , oo ay hoggaamiyaan xisbiyada Carabtu, ayaa u dabbaaldegaya natiijada doorashada.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xisbiyada ay taageerayaashoodu u badan yihiin Yuhuudda ee ka soo horjeeda Netanyahu ayaa ku guuleystay 48 kursi, halka xisbiga Liiska Midowga Carabta ee Ra'am iyo isbahaysiga Liiska Wadajirka ah oo ay u badan yihiin Carabtu ay wada heleen 19 kursi.

Haddii labada garab ay isbahaystaan, waxay heli karaan aqlabiyad raaxo leh oo ka kooban 67 kursi, taas oo u suurtagelin karta inay dhisaan dowlad ka soo horjeedda Netanyahu. Hase yeeshee, qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ayaa ka soo horjeeda fikraddan.

Xisbiyada Carabta ayaa hal mar oo keliya si rasmi ah uga mid noqday dowladda Israa'iil. Taasi waxay dhacday sannadkii 2021-kii, markii xisbiga Ra'am ee uu hoggaamiyo Mansour Abbas uu ku biiray isbahaysigii xilligaas talada hayay. Hase yeeshee, dowladdu muddo dheer ma sii waarin.

Mansour Abbas ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay in waayo-aragnimadaas mar kale la soo celiyo.

Hoggaamiyaha Liiska Wadajirka ah, Yousef Jabareen, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inuu diyaar u yahay inuu baarlamaanka dhexdiisa ku taageero Eisenkot, isaga oo aan ku biirayn dowladdiisa. Wuxuu sababaha arrintaas ku sheegay dagaalka Gaza iyo arrimo kale.

Eisenkot ayaa dhinaca ammaanka inta badan la wadaaga aragtida Netanyahu, oo ay ku jiraan siyaasadaha la xiriira Marinka Gaza