Reuters: Wadahadallada wafdiga Iran iyo dhexdhexaadiyeyaasha Qatar ee Doha oo weli socda
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa, iyadoo soo xiganaysa mas’uul xog-ogaal ah, sheegtay in wadahadallada u dhexeeya wafdiga Iran iyo dhexdhexaadiyeyaasha Qatar ee magaalada Doha ay weli socdaan.
Kadib wadahadallo xooggan oo ay Jimcihii Tehran kula yeesheen dhexdhexaadiyeyaasha Qatar, ergada Iran ayaa shalay u safray Doha si ay u sii ambaqaadaan wadaxaajoodyada. Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya inay weli ku sugan yihiin caasimadda Qatar, halkaas oo ay wadahadalladu ka socdaan.
Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in wafdi Mareykan ah uu ku wajahan yahay Doha si uu wadahadallada ugu biiro, wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa shalay carrabka ku adkeeyay in Tehran aysan xilligan qorsheyneyn inay Mareykanka la gasho wadahadal.
Cabbas Caraqji, ayaa sheegay in Iran ay go’aan ka gaari doonto wadahadal toos ah ama dadban oo ay la yeelato Mareykanka kaddib marka la buuxiyo shuruudaheeda.
Wadahadalladan ayaa dhacaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Tehran iyo Washington, iyadoo ay soo dhow yihiin doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, isla markaana ay kordhayaan walaacyada laga qabo suurtagalnimada dagaal cusub.
Dhanka kale, wakaaladda wararka ee dowladda Qatar ayaa maanta sheegtay in markab Qatar leedahay oo siday gaaska dabiiciga ah ee dareeraha laga dhigay (LNG) ay la kulmay jimcihii weerar aan la aqoonsan, xilli uu marayay Gacanka Faaris.






