Xog la yaab leh oo uu sheegay madaxii hore ee hay'adda sirdoonka Israa'iil ee Mossad

Madaxii hore ee Mossad
Published
Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Subaxnimadii 13-kii Juun 2025, markii Israa'iil ay billowday weerarkeedii ka dhanka ahaa Iiraan intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday, waxaa la baahiyay muuqaal ay ku dhegganayd astaanta rasmiga ah ee sirdoonka Israa'iil ee Mossad. Muuqaalku wuxuu muujinayay saraakiil ka tirsan hay'adda oo diyaarinaya qalab milatari, si ay gudaha Iiraan u geeyaan una hawlgeliyaan.

Sida ay sheegeen saraakiil Israa'iili ah, muuqaalladu waxay muujinayeen howlgal lagu beegsanayay nidaamka difaaca cirka ee Iiraan. Baahinta muuqaallada hawlgallada hay'ad sirdoon, gaar ahaan saacadihii ugu horreeyay ee dagaal, ayaa ahayd arrin aan caadi ahayn.

In ka badan 16 bilood kaddib dagaalka, madaxii hore ee Mossad, David Barnea, ayaa hadda sheegay in hay'adda lafteedu ay si ula kac ah u baahisay muuqaalladaas.

Waxa uu sheegay in ujeeddadu ahayd in ciidamada ammaanka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay xiraan dad badan, iyaga oo isku dayaya inay aqoonsadaan wakiillada Israa'iil. Tallaabadaas ayaa adkaynaysay in la kala saaro wakiillada dhabta ah ee Mossad iyo dadka kale ee tuhmanayaasha ah.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Israa'iil, Barnea ayaa arrintan ka sheegay khudbad uu jeediyay 22-kii Oktoobar. Waxa uu sheegay in tani ay ahayd sababta keentay in 21,000 oo qof lagu xiro Iiraan "maalintii labaad ee dagaalka".

Waxa uu sidoo kale sheegay in "99.9 boqolkiiba wakiillada Mossad aan weligood la aqoonsan", isaga oo ku andacooday in qaar ka mid ah wakiilladii ka qayb qaatay howlgalka ay weli ku nool yihiin magaalada Tehran.

Inkasta oo marka la eego xeeladaha dagaalka xogta, guusha howlgal ay ku xiran tahay sirta xogta iyo in aan la aqoonsan saraakiishii fulisay, haddana maxay Mossad si ula kac ah u shaacin lahayd qayb ka mid ah hawlgalladeeda qarsoon?

Aviva Gutman, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Aberystwyth ee dalka Britain, kuna takhasustay taariikhda hay'adaha sirdoonka, ayaa BBC Persian u sheegtay in ay u aragto baahinta muuqaalladaas xeelad lagu "muujinayo awoodda" laguna doonayo in lagu maamulo qaabka loo fasirayo dagaalka.

Waxay sheegtay in tallaabadaasi ay kor u qaadi karto kalsoonida shacabka Israa'iil, isla markaana ay shaki iyo kalsooni-darro ka dhex abuuri karto hay'adaha ammaanka ee Iiraan.

Gutman ayaa habkan ku tilmaantay qayb ka mid ah waxa ay ugu yeertay "dagaalka baraha bulshada" ama dagaalka lagu maamulayo aragtida iyo fasiraadda dhacdooyinka.

Waxay sheegtay in hay'adaha sirdoonku ay si isa soo taraysa isugu dayayaan inay guulahooda si degdeg ah u shaaciyaan, si ay saamayn ugu yeeshaan sida ay dadku u arkaan dhacdooyinka.

"Mossad waxay doonaysaa inay maamusho qaabka dhacdooyinka loo tebiyo, isla markaana ay xaqiijiso in shacabka gudaha Israa'iil iyo kuwa caalamkuba ay howlgalkaas u arkaan mid guulaystay," ayay tiri.

''Ma ah in qofkasta la aamino"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee sannadkii 1404-ta taariikhda Iiraan, ciidamada ammaanka ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay in la xiray dad looga shakisan yahay inay la shaqeynayeen Israa'iil, iyaga oo shacabka ugu baaqay inay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

Waddooyinka ayaa la dhigay isbaarooyin, halka saraakiisha garsoorkuna ay ka hadleen ciqaab la marsiinayo dadka looga shakisan yahay basaasnimada.

11-kii Agoosto, Saciiid Montazer Al-Mahdi, oo ah afhayeenka ciidamada ammaanka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa ku dhawaaqay in ku dhowaad 21,000 oo qof la xiray intii uu dagaalku socday.

Hadda, David Barnea ayaa mar kale xusay tiradaas, isaga oo ku tilmaamay qayb ka mid ah sharraxaaddiisa ku saabsan howlgalka guusha leh ee Mossad.

Barnea ayaa xiritaannadaas ku sheegay inay dhaceen maalintii labaad ee dagaalka, halka booliska Iiraan ay tiradaasi ku xireen muddadii uu socday dagaalka 12-ka maalmood.

Barnea ayaa sidoo kale sheegay in "dhammaan dadkii la xiray" markii dambe la sii daayay.

Hase yeeshee, isla khudbaddaas ayuu ku sheegay in "qaar ka mid ah dadkii Iiraan lagu xiray ama lagu dilay, kuwaas oo looga shakiyay inay la shaqeynayeen wakiillada sirdoonka Israa'iil, aanay wax xiriir ah la lahayn Mossad."

20-kii Juun 2025, xilli uu socday dagaalkii 12-ka maalmood, hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ka digtay xarig aan sharciyeysneyn, jirdil iyo halista ah in xukun dil ah lagu rido dadka looga shakisan yahay inay la shaqeeyaan Israa'iil. Hay'addu waxay sidoo kale ku baaqday in la dhowro xuquuqda dadka la xiray.

Aviva Gutman ayaa aaminsan in Mossad ay tan iyo bilowgii dooneysay inay abuurto sawir muujinaya in wakiillada Israa'iil ay "meel walba joogaan".

Waxay sheegtay in ujeeddadu ahayd in shaki iyo jahawareer lagu dhex abuuro ciidamada ammaanka Iiraan, isla markaana la wiiqo kalsoonida ka dhex jirta hay'adaha dowladda. Sababta ayaa ah in haddii "qof kasta uu si qarsoodi ah u noqon karo wakiil Israa'iili ah, markaas aan cidna la aamini karin".

Gutman ayaa sidoo kale ka hadashay sida David Barnea uu dhacdooyinkan dib ugu sheegay. Waxay sheegtay in madaxii hore ee Mossad uu hadda xarigga dadkaas u soo bandhigayo sheeko guul ah oo qayb ka ahayd howlgal, kaas oo sida uu sheegay gacan ka geystay ilaalinta wakiillada Israa'iil.

Sida uu sheegay, ciidamada ammaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku jahawareeray tirada badan ee dadka looga shakiyay, taas oo u saamaxday wakiillada dhabta ah ee Mossad inay ka baxsadaan in la ogaado ama la qabto.

Maxay hay'adaha sirdoonku hawlahooda ugu soo bandhigaan dadweynaha?

Sida ay sheegtay Aviva Gutman, baahinta muuqaallada muujinaya howlgalada sirdoonka ma aha xeelad ay Mossad oo keliya isticmaasho.

Waxay tusaale u soo qaadatay muuqaallo laga duubay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay ku qaadday saldhigyada milatari ee Ruushka, iyo sawirrada la baahiyay ee duqeymaha Maraykanka uu ku qaaday dagaalyahannada kooxda Daacish.

Aragtideeda, ujeeddada tallaabooyinkan ayaa ah in kor loo qaado kalsoonida ciidamada gudaha iyo shacabka, isla markaana la wiiqo niyadda dhinacyada ka soo horjeeda.

Waxay sidoo kale tilmaantay in ay sii adkaaneyso in xogta la qariyo, maadaama kamaradaha taleefoonnada gacanta, qalabka ilaalada iyo tiknoolajiyadda garaadka macmalka ah ee dadka wejiyadooda aqoonsata ay si weyn u yareeyeen fursaddii xogta lagu qarin karay.

Sida ay sheegtay Gutman, hay'adaha sirdoonku mararka qaarkood waxay "daciifnimada u beddelaan fursad". Halkii ay xog-baxda u arki lahaayeen khatar, iyaga ayaa si ula kac ah u shaaciya qayb ka mid ah howlahooda si ay u maamulaan qaabka dhacdooyinka loo soo bandhigayo.

Mar ay BBC Persian wax ka weydiisay khataraha ka dhalan kara in Mossad ay shaaciso xogta sirdoonka, Gutman waxay tiri:

"Waxaan aaminsanahay in khataruhu ay aad u yar yihiin. Waxaa la qaadan karaa in Mossad ay xog shaacin doonto oo keliya marka ay hubto in wakiilladeeda aan lagu aqoonsan karin xogtaas. Sidoo kale, waxay xog ka baahin doontaa howlgal keliya haddii aan loo adeegsan karin in lagu carqaladeeyo howlgallada sirdoonka."

Ahmed Al-Rawi, oo ah bare cilmiga isgaarsiinta ka dhiga Jaamacadda Simon Fraser ee dalka Canada, isla markaana cilmi-baaris ku sameeya faafitaanka wararka been-abuurka ah, ayaa BBC Persia u sheegay in ujeeddada tallaabooyinkan ay tahay in la abuuro sawir muujinaya "awood aan la loodin karin", marka laga hadlayo ururinta xogta iyo ballaarinta baaxadda saameynta hay'adda, gaar ahaan saameynta ay dadku u arkaan in tallaabooyinkani leeyihiin.

Mr Al-Rawi ayaa howlgalada khiyaanada iyo marin-habaabinta ku tilmaamay mid ka mid ah xeeladaha dagaal ee ugu faca weyn. Waxa uu sheegay in Hay'adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA, ay sidoo kale farsamooyinkan xog-faafinta u adeegsato howlaheeda basaasnimada iyo qorista dad ay xog ka hesho.

Intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood, ciidamada milatariga Israa'iil ayaa sidoo kale baraha bulshada u adeegsaday inay si toos ah ula xiriiraan shacabka Iiraan.

18-kii Juun 2025, bogga afka Faarisiga ee milatariga Israa'iil ku leeyahay barta X ayaa ugu baaqay dadka reer Iiraan ee ka walaacsan mustaqbalka dalkooda inay kala soo xiriiraan milatariga iyaga oo adeegsanaya bogga internetka ee Mossad.

Farriinta ayaa sidoo kale xustay shaqsiyaad, kuwaas oo sida ay sheegtay milatariga Israa'iil, isu aqoonsaday inay ka tirsan yihiin hay'adaha ammaanka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Xilligaas, wargeyska The Times of Israel ayaa su'aal ka keenay ujeeddada tallaabadan, isaga oo isweydiiyay inay ahayd isku day lagu doonayay in lagu helo dad bixin kara xog sirdoon, in lagu abuuro xasillooni-darro gudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyadoo la adeegsanayo dagaal nafsi ah, ama in labadaas ujeeddo la wada lahaa.

Hadalladii ugu dambeeyay ee Barnea ma qayb ka yihiin dagaalka fikradaha?

Mar BBC Persian wax ka weydiisay in hadalladii ugu dambeeyay ee David Barnea ay qayb ka noqon karaan olole dagaal nafsi ah oo ka dhan ah Iiraan, Aviva Gutman waxay sheegtay inay suuragal tahay.

Aragtideeda, Mossad waxay weli dooneysaa inay maamusho sida loo soo bandhigayo sheekada howlgalkaas, isla markaana ay u muujiso inuu ahaa guul dhanka sirdoonka ah.

Ahmed Al-Rawi ayaa isaguna aaminsan in hadallada Mr Barnea ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah u sawiri karaan dowlad daciif ah oo aan xasilloonayn, isla markaana ay si weyn u saameyn karaan hay'adaha sirdoonka.

Sida uu sheegay, sheegashada ah in Iiraan ay ku sugan yihiin wakiillo badan oo Israa'iiliyiin ah waxay keeni kartaa in hay'adaha ammaanka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay kheyraadkooda u weeciyaan raadinta basaasiin laga yaabo inaysanba jirin.

Isaga oo ka hadlayay sheegashada gaarka ah ee madaxii hore ee Mossad ee ahayd in baahinta sawirradu ay gacan ka geysatay ilaalinta saraakiisha hay'adda, Mr Al-Rawi wuxuu yiri:

"Ma jirto hab lagu xaqiijin karo sheegashadan si buuxda oo aan shaki ku jirin."

Sida uu sheegay, Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay intii uu dagaalku socday la kulantay weerarro badan oo joogto ah, kuwaas oo dhinacyo kala duwan uga imaanayay.

Sidaas darteed, lama go'aamin karo doorka ay baahinta sawirrada Mossad ku yeelatay carqaladeynta howlihii hay'adaha ammaanka ee Iiraan.

Dagaalka maskaxda iyo saameynta uu ku leeyahay bini'aadamka

Hadalladii ugu dambeeyay ee madaxii hore ee Mossad, kuwaas oo ku saabsanaa in si ula kac ah loo baahiyay sawirrada howlgaladii laga fuliyay gudaha Iiraan intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood, ayaa sidoo kale muran ka dhex abuuray dadka isticmaala baraha bulshada ee aragtiyaha siyaasadeed ee kala duwan.

Marka laga soo tago basaasnimada iyo dagaalka nafsiyeed ee tallaabadani la xiriirto, waxaa sidoo kale dood laga qabaa cawaaqibka ay ku yeelan karto dadka rayidka ah.

Qaar ayaa aaminsan in Mossad ay ogayd inay suuragal tahay in ciidamada ammaanka Iiraan ay tallaabooyin aargoosi ah qaadaan, balse ay haddana halis gelisay nolosha iyo badbaadada dad aan wax xiriir ah la lahayn hay'adda.

Dhanka kale, dad kale ayaa ku adkeysanaya in mas'uuliyadda xarigga muwaadiniinta iyo tallaabooyinka laga qaadayo ay saaran tahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah, isla markaana falalkaasi ay tahay in loo arko natiijada siyaasadaha dowladda Iiraan.

Wareysi ay siisay BBC Persian, Aviva Gutman ayaa iyaduna tilmaantay "dhinaca anshaxa" ee hadallada David Barnea, iyada oo tiri:

"Xaqiiqda ah inuu u muuqdo mid ku qanacsan in kumannaan qof la xiro si loo badbaadiyo wakiillada Mossad waa arrin walaac leh."

Hase yeeshee, waxay carrabka ku adkeysay in marka laga eego dhinaca sirdoonka, abuurista shaki iyo kalsooni-darro ay noqon karto xeelad aad waxtar u leh.

Waxay sheegtay in xaalad qof kasta lagu eedeyn karo inuu la shaqeeyo Israa'iil, dadka qaarkood ay eedeymahaas u adeegsan karaan inay kaga aargoostaan dad kale ama ay meesha uga saaraan.