Sirdoonka Maraykanka: Qorshaha Iiraan ee ah inay disho dad Maraykan ah 'meel sare ayuu gaaray'

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraal sirdoon oo dhawaan loo diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegaya, sida laga soo xigtay qiimeynta hay'adaha sirdoonka ee dalka, "Iiraan waxay si weyn u kordhisay dadaalkeeda ay ku beegsaneyso diblomaasiyiinta iyo mas'uuliyiinta Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo meelo kale oo adduunka ah, qorshayaasha weerarrada dilalkana waxay gaareen marxalado horumarsan."
Warqadda waxaa Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka Jay Clayton u diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio Oktoobar 23. Mareegta wararka ee Axios ayaa heshay warqadda.
Warqadda ayaa ka digtay in sirdoon ku saabsan qorshayaasha la sheegay ee Iiraan loo diyaariyo shaqaale badan oo dowladda Mareykanka ah, gaar ahaan kuwa laga yaabo inay halis ku jiraan laakiin aan hadda helin macluumaadkan qarsoodiga ah.
Warqaddaan halka bog ah ma magacaabin shakhsiyaadka la sheegay inay halis ku jiraan, mana sheegayso dalal gaar ah oo ka baxsan Bariga Dhexe ama faahfaahinta qorshayaasha la sheegay.
Sida laga soo xigtay warbixinta Axios, mas'uuliyiinta Mareykanka waxay sheegayaan in macluumaadkan sirdoonku uu yahay mid ka mid ah sababaha keenay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay go'aansato inay yareyso tirada shaqaalaha safaaradaheeda ku yaal dhowr waddan oo Bariga Dhexe ah.

Xigashada Sawirka, US Department of State / Axios
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Jimcihii dhintay tirada shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo kuwa dowladda ee safaaradaheeda ku yaalla Imaaraadka Carabta, Lubnaan, Qadar iyo Urdun.
Horay, qoysaska iyo shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee Safaaradda Mareykanka ee Riyaad iyo qunsuliyadaha Mareykanka ee Jeddah iyo Dhahran ayaa sidoo kale lagu amray inay ka baxaan Sacuudi Carabiya.
Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay Axios in walaac laga qabo weerarrada suurtagalka ah ee Xuutiyiinta Yemen iyo qorshayaasha la sheegay ee Iiraan ay ku weerarayaan Mareykanka ay horseedeen hoos u dhaca joogitaanka shaqaalaha dowladda Mareykanka ee gobolka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, laba sarkaal oo sare oo ka tirsan amniga Iiraan ayaa u sheegay Reuters in Tehran ay diyaarisay qorshayaal lagu bartilmaameedsanayo fiilooyinka isgaarsiinta badda hoosteeda ee Gacanka Faaris, tallaabadaas oo la fulin karo haddii Mareykanka iyo Israa'iil ay mar kale weeraraan Iiraan.
Labada sarkaal, oo codsaday inaan la magacaabin, ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan goobta ama habka weerarrada suurtagalka ah. Laakiin mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in Iiraan ay sidoo kale qaadi karto tallaabooyin looga hortagayo dayactirka fiilooyinka burburay, taasoo sii dheereynaysa carqaladeynta isgaarsiinta, oo ay ku jirto internetka.
Sarkaal ayaa ka digay in haddii weerar kale lagu qaado Iiraan, "aysan jiri doonin khadad cas oo harsan" iyo in bartilmaameedyada suurtagalka ah ay noqon doonaan fiilooyinka isgaarsiinta badda hoosteeda iyo saldhigyada militariga, oo ay ku jiraan saldhigyada militariga ee qarsoodiga ah.
Reuters waxay sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan iyo Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka aysan ka jawaabin codsiyada faallo ee ku saabsan hadallada.


























