Xog ku saabsan baaritaankii lagu samaeyay guriga Ilhaan Cumar oo la sii daayay

Xildhibaanad Ilhaan Cumar
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Maxkamad federaali ah oo ku taalla Maraykanka ayaa shaacisay dukumentiyo si weyn loo faafreebay oo la xiriira baaritaan lagu sameeyay guriga xildhibaanad Ilhana Cumar bishii hore, inkastoo xeer-ilaaliyeyaashu ay isku dayeen inay hor istaagaan faafinta dukumentiyadaas.

Qiyaastii 169 bog oo dukumentiyo maxkamadeed ah oo la sii daayey ayaa muujinaya in baarayaashu ay raadinayeen caddeymo ku saabsan falal dembiyeedyo la xiriira nolosha Ilhaan Cumar, lagana soo bilaabayo illaa sannadkii 1980-kii.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga kana soo jeedda gobolka Minnesota, laguma soo oogin wax dembi ah, waxayna beenisay inay wax khalad ah samaysay. Waxay Soomaaliya ka soo guurtay una soo guurtay Maraykanka sannadkii 1995-kii, iyadoo heshay dhalashada Maraykanka sannadkii 2000.

Ilhaan Cumar oo si cad u dhaliili jirtay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa war ay ku faafisay baraha bulshada xilligii gurigeeda la galay, waxay tillaabadaas ku tilmaantay baaritaanka "isku day lagu beegsanayo cadowga siyaasadeed iyo in hay'adaha fulinta sharciga federaalka loo adeegsado dano siyaasadeed".

Kadib baaritaankii gurigeeda lagu sameeyay bishii Oktoobar, saraakiisha socdaalka ayaa bixiyay faahfaahin kooban, iyagoo sheegay in arrintu la xiriirto baaritaan dembiyeed heer federaal ah oo weli socda.

Gurigeeda ayaa baaritaan lagu sameyay

Xogaha ku jira dukumentiyada maxkamadda ee la shaaciyay ayaa muujinaya is-weydaarsi iyo muran dhexmaray garsoore iyo xeer-ilaaliyeyaasha federaalka oo ku saabsanaa fulinta amarka baaritaanka iyo in dukumentiyada loo bandhigo dadweynaha.

Inkasta oo dukumentiyada si weyn loo faafreebay, haddana waxay bixinayaan aragti kooban oo ku saabsan nooca baaritaanka laga yaabo inuu socdo.

Diiwaannadu waxay muujinayaan in dowladda Maraykanku maxkamadda ka codsatay amar lagu baarayo guriga Ilhaan Cumar ee magaalada Washington DC, si loo raadiyo caddeymo la xiriira dembiyo " ay ku lug leedahay Ilhaan Nur Said Elmi, oo sidoo kale loo yaqaan Ilhan Abdullahi Omar, kuwaas oo dhacay intii u dhexeysay sannadkii 1980-kii ilaa waqtigan xaadirka ah".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Noocyada gaarka ah ee dembiyada la baarayo ayaa laga qariyay dukumentiyada la shaaciyay.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen inay raadinayaan caddeymo ku saabsan dembiyo la sheegay inay dhaceen tobannaan sano ka hor, kuwaas oo aan wax xiriir ah la lahayn shaqada Ilhaan Cumar ee Congress-ka Maraykanka.

Diiwaannada socdaalka ee Ilhaan ayaa waxaa horey su'aalo uga keenay xildhibaannada Jamhuuriga, ku waas oo dhowr jeer dalbaday in la baaro.

Bishii Sebtembar, xoghayaha Amniga Gudaha ee Maraykanka, Markwayne Mullin, ayaa barnaamij uu daadihiyo qof taageera siyaasadda muxaafidka ah u sheegay in "wax ay dhici doonaan", isaga oo Ilhaan ku eedeeyay khiyaano guur.

Dhanka kale, Tom Homan oo ah mas'uulka Aqalka Cad u qaabilsan siyaasadda xuduudaha, ayaa telefishinka Fox News u sheegay in Ilhaan laga baarayo xadgudubyo socdaal oo aan si gaar ah loo cayimin.

Dhammaan tuhumadaas iyo eedeymaha ku daaban Ilhaan wey beenisay.

"Mar kale ayaan ku celinayaa si ay arrintu u caddaato intii suurtagal ah: Haba yaraatee kama welwelsani baaritaannadan, sababtoo ah waa baaritaanno aan sal iyo raad toona lahayn," ayay tiri Ilhaan Cumar.

Bishii hore, Trump ayaa isna ka hadlay baaritaanka lagu sameeyay guriga Omar, isagoo yiri: "Ma garanayo waxa ay arrintan ka wadaan, laakiin waxaan kuu sheegi karaa hal arrin: Waa musiibo."

Waqtiga la fuliyay hawlgalka baaritaanka guriga Ilhaan, oo ku beegnaa 22 maalmood ka hor doorashooyinkii dhexe ee Maraykanka ee bishii Nofeembar, ayaa walaac ku abuuray xildhibaannada kale ee Dimuqraadiga ah.

Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka waxay leedahay siyaasad muddo dheer jirtay oo dhigaysa in laga fogaado inta badan tallaabooyinka fulinta sharciga ee "u badan tahay in ay keenaan arrin muran dhalisa ama aragti noocaas ah", taas oo laga yaabo in loo arko in loo qaaday ujeeddo lagu saameynayo doorasho ama lagu waxyeellaynayo musharrax doorasho ka qaybgalaya.