Geelle iyo madaxda kale ee Afrika ee wax ka beddelay dastuurka si ay xukunka usii hayaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dimuqraadiyadda dalal dhowr ah oo Afrikaan ah ayaa weli wajahaysa caqabado la xiriira hoggaamiyeyaal adeegsanaya wax-ka-beddelka dastuurka si ay meesha uga saaraan xayiraadaha ka hor istaagaya inay sii haystaan xukunka. Qaar ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray xaddidaadda tirada muddo-xileedyada madaxweynaha, halka kuwo kalena ay wax ka beddeleen tirada muddo-xileedyada loo oggol yahay. Waxaa sidoo kale jira hoggaamiyeyaal ansixiyey dastuuro cusub, dabadeedna fasiraadda ay ka bixiyeen ay u adeegsadeen inay dib uga bilaabaan tirinta muddada ay xilka hayeen.
Dooddan ayaa mar kale soo cusboonaatay kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Félix Tshisekedi, uu 9-kii Nofeembar 2026 saxiixay sharci dhigaya in afti dadweyne laga qaado arrimaha la xiriira dastuurka. Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay ujeeddadeedu tahay dib-u-habayn lagu sameeyo hay'adaha dowladda, balse mucaaradka ayaa ka cabsi qaba in ay noqon karto waddo u sahleysa Tshisekedi inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, taas oo uusan oggolayn dastuurka hadda jira.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taariikhda Afrika waxaa ka jira tusaalooyin dhowr ah oo hoggaamiyeyaal ku guuleystay inay wax ka beddelaan qodobbada dastuurka, isla markaana sii joogaan xukunka muddo ka badan tii markii hore loo oggolaa. Dalalka qaarkood, dastuurku wuxuu markii hore dhigayey in madaxweynuhu xilka hayn karo ugu badnaan laba muddo-xileed, balse wax-ka-beddello lagu sameeyey ayaa meesha ka saaray xayiraadahaas ka hor dhammaadka muddadii ay xilka hayeen, ama u suurageliyey inay dib u bilaabaan tirinta muddo-xileedyadooda.
Hase yeeshee, isku day kasta oo noocaas ah ma uusan guuleysan. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ayaa la kulmay mucaaradad kaga timid shacabka, baarlamaanka, xisbiyadooda ama maxkamadaha, taas oo sababtay inay ku guuldarreystaan helitaanka wax-ka-beddelladii ay doonayeen.
Kuwani waa tusaalooyin hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo ku guuleystay inay dastuurka wax ka beddelaan iyo kuwo isku daygoodu fashilmay:
Yoweri Museveni – Uganda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa talada dalkaas hayay tan iyo sannadkii 1986-kii. Dastuurkii 1995-kii ayaa dhigayay in madaxweynuhu xilka hayn karo ugu badnaan laba muddo-xileed, mid kastaana uu yahay shan sano. Sida ku cad qodobbadaas, kaddib markii uu ku guuleystay doorashooyinkii 1996-kii iyo 2001-dii, muddo-xileedkiisii labaad wuxuu dhammaan lahaa sannadkii 2006-dii, mana uusan xaq u yeelan lahayn inuu mar kale isu soo taago xilka madaxweynaha.
Hase yeeshee, sannadkii 2005-tii, isaga oo ku jira muddo-xileedkiisii labaad, baarlamaanka Uganda ayaa ansixiyay wax-ka-beddel dastuurka lagu sameeyay oo gebi ahaanba meesha ka saaray xaddidaadda tirada muddo-xileedyada madaxweynaha. Isbeddelkaasi wuxuu Museveni u suurtageliyay inuu mar kale u tartamo doorashadii 2006-dii, taas oo uu ku guuleystay. Waxa uu sidoo kale ka qaybgalay doorashooyinkii xigay, dhammaantoodna ku guuleystay, inkasta oo mucaaradku marar badan cabashooyin ka muujiyeen doorashooyinka.
Sannadkii 2017-kii, dowladdiisa ayaa samaysay wax-ka-beddel kale oo meesha ka saaray xaddidaaddii da'da ee 75-ka sano ahayd, taas oo dastuurku u dejiyay musharraxiinta madaxweynaha. Tallaabadaasi waxay Museveni u oggolaatay inuu sii tartamo, inkasta oo uu da'daas ka weynaa.
Labadaas wax-ka-beddel ayaa meesha ka saaray caqabadihii ugu waaweynaa ee la xiriiray tirada muddo-xileedyada iyo da'da musharraxa, taas oo u suurtagelisay Museveni inuu sii joogo xukunka ilaa maanta, isaga oo ka mid ah madaxweynayaasha Afrika ee muddada ugu dheer xilka soo hayay.
Paul Biya – Cameroon

Xigashada Sawirka, Paul Biya
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Paul Biya ayaa xilka madaxweynaha Cameroon qabtay sannadkii 1982-kii. Dastuurkii 1996-kii ayaa dhigayay in madaxweynuhu xilka hayn karo ugu badnaan laba muddo-xileed, mid kastaana uu yahay toddoba sano. Maaddaama Biya uu hore ugu guuleystay doorashooyinkii 1997-kii iyo 2004-tii, muddo-xileedkiisii labaad waxaa la filayay inuu dhammaado sannadkii 2011-kii, taas oo, sida ku cad qodobbada dastuurkaasi, noqon lahayd dhammaadka hoggaamintiisa.
Hase yeeshee, bishii Diseembar 2007-dii, Biya ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo in meesha laga saaro xaddidaadda muddo-xileedyada. Sannadkii 2008-dii, baarlamaanka ayaa ansixiyay wax-ka-beddel dastuurka lagu sameeyay oo meesha ka saaray qodobkii ka hor istaagayay madaxweynaha inuu xilka hayo wax ka badan laba muddo-xileed. Isbeddelkaasi wuxuu meesha ka saaray xayiraaddii la filayay inay soo afjarto xukunkiisa sannadkii 2011-kii.
Kaddib wax-ka-beddelkaas, Biya ayaa sii watay tartanka doorashooyinka, wuxuuna ku guuleystay doorashooyinkii 2011-kii, 2018-kii iyo 2025-kii. Sidaas darteed, halkii uu xilka ka degi lahaa sannadkii 2011-kii, sida laga filayay dastuurkii hore, wuxuu sii hoggaamiyay Cameroon muddo-xileedyo kale.
Wax-ka-beddelladaasi waxay mucaaradad kala kulmeen kooxo siyaasadeed iyo shacab, kuwaas oo ku doodayay in ujeeddadoodu ahayd in madaxweynaha laga ilaaliyo xaddidaadda muddada uu xilka hayn karo.
Paul Kagame – Rwanda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dastuurkii Rwanda ee sannadkii 2003-dii ayaa dhigayay in madaxweynuhu xilka hayn karo ugu badnaan laba muddo-xileed, mid kastaana uu yahay toddoba sano. Paul Kagame ayaa madaxweynaha loo doortay sannadkii 2003-dii, wuxuuna mar kale ku guuleystay doorashadii 2010-kii. Sida ku cad qodobbada dastuurkaasi, muddo-xileedkiisii labaad ayaa la filayay inuu noqdo kii ugu dambeeyay, waxaana laga doonayay inuu xilka ka dego sannadkii 2017-kii.
Hase yeeshee, sannadkii 2015-kii, Rwanda ayaa qabatay afti dadweyne oo lagu ansixiyay wax-ka-beddel dastuurka lagu sameeyay, kaas oo wax ka beddelay nidaamka muddo-xileedyada madaxweynaha. Isbeddelladaasi waxay Kagame u oggolaadeen inuu u tartamo muddo-xileed kale oo toddoba sano ah, kaas oo ka bilaabmay 2017-kii, kaddibna uu laba jeer oo kale u tartami karo muddo-xileedyo min shan sano ah.
Nidaamkaas cusub awgiis, halkii uu xilka ka degi lahaa sannadkii 2017-kii, Kagame wuxuu sii watay hoggaaminta dalka kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii sannadkaas, isaga oo helay ku dhowaad 98.8% codadkii la dhiibtay.
Sannadkii 2024-kii, wuxuu mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinnimada, isaga oo galay muddo-xileed kale oo shan sano ah. Wax-ka-beddelladaas dastuurka ayaa u suurtageliyay inuu sii joogo xukunka ilaa maanta.
Alassane Ouattara – Ivory Coast

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa ka faa'iideystay dastuur cusub oo la ansixiyay sannadkii 2016-kii si uu mar kale ugu tartamo xilka madaxweynaha, inkasta oo uu hore u soo dhammeystay laba muddo-xileed. Dastuurkii hore ee sannadkii 2000 ayaa dhigayay in madaxweynuhu xilka hayn karo ugu badnaan laba muddo-xileed oo min shan sano ah.
Ouattara ayaa madaxweyne loo doortay sannadkii 2010-kii, wuxuuna mar kale ku guuleystay doorashadii 2015-kii. Sida ku cad qodobbada dastuurkii hore, muddo-xileedkiisii labaad waxaa la filayay inuu dhammaado sannadkii 2020-ka, mana ahayn inuu mar kale tartamo. Hase yeeshee, sannadkii 2016-kii, dowladdiisa ayaa meelmarisay dastuur cusub.
Isbeddelkaasi wuxuu dhaliyay dood ku saabsan sida loo tirinayo muddo-xileedyada madaxweynaha. Dowladda ayaa ku doodday in muddo-xileedyadii uu Ouattara soo qabtay intii uu dhaqan-galka ahaa dastuurkii hore aan lagu darin tirinta muddo-xileedyada uu dhigayo dastuurka cusub. Fasiraaddaas ayaa Ouattara u suurtagelisay inuu mar kale u tartamo doorashadii 2020-ka, taas oo uu ku guuleystay, inkasta oo mucaaradku ay ka horyimaadeen go'aankaas.
Sannadkii 2025-kii, wuxuu mar kale u tartamay xilka madaxweynaha, wuuna ku guuleystay doorashada. Adeegsiga dastuurka cusub iyo fasiraadda ahayd in tirinta muddo-xileedyada dib looga bilaabo ayaa Ouattara u suurtageliyay inuu xilka sii hayo muddo ka badan labadii muddo-xileed ee uu xaddidayay dastuurkii hore.
Ismaaciil Cumar Geelle – Jabuuti

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xilka madaxweynaha Jabuuti hayay tan iyo sannadkii 1999-kii. Dastuurkii dalkaas ee 1992-kii ayaa dhigayay in madaxweynuhu xilka hayn karo ugu badnaan laba muddo-xileed, mid kastaana uu yahay lix sano. Kaddib markii loo doortay sannadihii 1999-kii iyo 2005-tii, muddo-xileedkiisii labaad waxaa la filayay inuu dhammaado sannadkii 2011-kii, mana ahayn inuu mar kale tartamo.
Hase yeeshee, sannadkii 2010-kii, isaga oo ku dhow dhammaadka muddo-xileedkiisii labaad, baarlamaanka ayaa ansixiyay wax-ka-beddel dastuurka lagu sameeyay oo meesha ka saaray xaddidaadda tirada muddo-xileedyada madaxweynaha. Tallaabadaasi waxay u furtay waddada uu mar kale ugu tartami karo doorashadii 2011-kii, taas oo uu ku guuleystay.
Intaas kaddib, Geelle wuxuu sii waday ku guuleysiga doorashooyinkii 2016-kii iyo 2021-kii. Sidaas darteed, halkii uu xilka ka degi lahaa sannadkii 2011-kii, wuxuu sii hoggaamiyay dalka muddo-xileedyo kale, kaddib markii meesha laga saaray xaddidaaddii labada muddo-xileed. Tallaabadaasi waxay dhaleeceyn kala kulantay mucaaradka, kuwaas oo ku doodaya inay sii xoojisay awoodda oo ku ururtay gacanta hal qof.
Zimbabwe sidoo kale, baarlamaanka ayaa sannadkii 2026 ansixiyay wax-ka-beddel dastuuri ah oo lagu kordhinayo muddada xil-haynta madaxweynaha iyo baarlamaanka, lagana dhigayo toddoba sano halkii ay markii hore ka ahayd shan sano, xilligii madaxweyne Emmerson Mnangagwa. Tallaabadan ayaa lagu difaacayaa doodda ah inay horseedayso sii socoshada siyaasadaha dowladda, halka dadka dhaliilsan ay ku tilmaamayaan xeelad lagu kordhinayo muddada xukunka.
Hoggaamiyeyaashii isku dayay inay dastuurka wax ka beddelaan balse ku guuldarreystay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hoggaamiyeyaasha Afrika oo dhan kuma guuleysan inay wax-ka-beddelka dastuurka u adeegsadaan inay xukunka sii joogaan.
Burkina Faso, madaxweynihii hore Blaise Compaoré ayaa sannadkii 2014-kii isku dayay inuu wax ka beddelo dastuurka si uu mar kale ugu tartamo xilka madaxweynaha, kaddib markii uu talada dalka hayay tan iyo sannadkii 1987-kii. Isku daygaasi wuxuu dhaliyay bannaanbaxyo waaweyn oo ugu dambeyn ku qasbay inuu xilka iska casilo bishii Oktoobar 2014-kii, uuna dalka ka baxo. Hase yeeshee, sannadihii hore, Compaoré wuxuu ku guuleystay inuu meesha ka saaro xaddidaadda muddo-xileedyada sannadkii 1997-kii, ka hor intii aan dib loo soo celin xaddidaadda labada muddo-xileed sannadihii 2000/2003.
Nigeria, madaxweynihii hore Olusegun Obasanjo ayaa intii u dhaxeysay 2005-tii iyo 2006-dii isku dayay inuu helo wax-ka-beddel dastuuri ah oo u oggolaanaya inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, kaddib markii uu ku guuleystay doorashooyinkii 1999-kii iyo 2003-dii. Hase yeeshee, baarlamaanka ayaa soo jeedintaas diiday sannadkii 2006-dii, waxaana ka horyimid xitaa qaar ka mid ah xildhibaannada xisbigiisa.
Zambia, madaxweynihii hore Frederick Chiluba ayaa isaguna sannadkii 2001-dii isku dayay inuu dastuurka wax ka beddelo si uu u helo muddo-xileed saddexaad. Hase yeeshee, wuxuu waayay taageero ku filan oo uga timaadda xisbigiisa iyo baarlamaanka, inkasta oo xisbigiisu haystay kuraas badan oo baarlamaanka ah.
Malawi, madaxweynihii hore Bakili Muluzi ayaa sannadkii 2002-dii isku dayay inuu dastuurka wax ka beddelo si uu u helo muddo-xileed saddexaad, kaddib markii uu soo dhammeystay laba muddo-xileed. Hase yeeshee, wuxuu ku qasbanaaday inuu ka tanaasulo qorshihiisa, kaddib markii uu la kulmay mucaaradad xooggan isla markaana uu waayay taageero ku filan.
Senegal, madaxweynihii hore Abdoulaye Wade ayaa maxkamaddu u oggolaatay inuu mar kale u tartamo doorashadii 2012-kii, kaddib markii uu ku dooday in dastuurka cusub ee sannadkii 2001-dii uu dib uga bilaabay tirinta muddo-xileedyadiisa. Hase yeeshee, wuxuu wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday Macky Sall, taas oo keentay in isku daygiisii ahaa inuu xukunka sii joogo uu ku fashilmo sanduuqa codbixinta.


























