Hal Daqiiqo Ku Ogoow Da'da Dhabta Ah ee Maskaxdaada

Maskaxda
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Cilmi-baarayaashu waxay soo bandhigeen xog aad u xiiso badan oo ku saabsan gaboobidda maskaxda, waxaana hadda kuu sheegi doonnaa si aad adiguna u ogaato.

Waxaa laga yaabaa inaad la yaabto, laakiin marka aad dabeecadda dadka dib u eegto, waqtigu qof walba si isku mid ah uma saameeyo.

Dadka qaar si degdeg ah ayay u gaboobaan, halka qaar kale ay weli u muuqdaan sida inay labaatameeyo jiraan, iyagoo aan wax raad ah oo gaboobid ah lahayn.

Tani waxay ka dhigan tahay in laba qof oo isku meel, isku maalin ku dhashay ay yeelan karaan da' isku mid ah, balse da'da ka muuqata jirkooda iyo waqtiga ku jira unugyadooda aysan isku mid noqon karin.

Cilmi-baarayaashuna waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay is-maandhaafkan u fahmi lahaayeen.

"Guud ahaan, da'da waxaa lagu eegi karaa laba jiho, kuwaas oo ah da'da taariikheed oo ah marka uu qofka dhashay iyo da'da bayoolojiga ah ," ayuu yiri Prof. David Sharp oo ka tirsan Imperial College London.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Dadka qaar marka loo eego da'dooda dhabta ah waxay u muuqdaan kuwo aad uga yar, qaarna waxay u muuqdaan kuwo ka weyn

Cilmi-baarayaashu waxay hore u isku dayi jireen inay arrintan fahmaan iyagoo baaris ku sameynaya jirka oo dhan ama xubnihiisa.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haddase waxay ogaadeen halka ay tahay inay si gaar ah u baaraan si ay si fiican u fahmaan habka gaboobidda.

"Horumar aad muhiim u ah oo goobtan ka dhacay waa inaan ka gudubnay eegista jirka oo dhan, oo aan awoodnay inaan xubin kasta oo jirka ah si gooni ah u baarno," ayuu yiri Sharp.

"Sidaa darteed, waxaa jiri kara da'da wadnaha, da'da beerka iyo da'da maskaxda. Kuwani waxay muujin karaan halista qofka uu ugu jiro inuu ku dhaco cudurka wadnaha, beerka ama maskaxda."

Cilmi-baarayaashu hadda waxay aaminsan yihiin in maskaxda oo ah xarunta ugu muhiimsan ee maamusha xubnaha jirkeena ay si sax ah u muujin karto da'da bayoolojiga ah ee qofka.

Tusaale ahaan, daraasad dhowaan lagu sameeyay 45,000 oo qof ayaa lagu ogaaday in dadka maskaxdoodu ay ka hor gaboobday da'dooda caadiga ah, halista ay ugu dhiman karaam sabab kasta oo ay tahay 15 sano gudahood ay kor u kacday 182%.

Cilmi-baarista lagu daabacay joornaalka 'Nature Medicine' waxay ku salaysnayd falanqaynta sifooyinka borotiinnada ku jira dhiigga, si loo cabbiro da'da bayoolojiga ah ee maskaxda.

Habab kale ayaa sidoo kale jira. Cilmi-baarayaasha sida Sharp waxay adeegsadaan farsamooyinka sawir-qaadista maskaxda sida MRI, si ay u qiimeeyaan da'da maskaxda. Habkan ayay ku qiyaasaan inta ay gaboobtay maskaxda ku jirta madaxeena.

"Markaad sawir (Scan) ka qaaddo maskaxda qofka, waxaad arki kartaa sida qaab-dhismeedkeeda iyo cabbirkeeda ay isu beddelaan marka ay sii gaboobayso," ayuu yiri Sharp. "Sida caadiga ah, marka qofku sii weynaado, maskaxdiisu way yaraataa. Tani waxay sababtaa in meelo bannaan oo yar ay ka dhex abuurmaan qaybaha kala duwan ee maskaxda."

Daraasadda uu Sharp sameeyay waxay muujisay in haddii da'da maskaxdu ay ka weyn tahay da'da qofka, dadku waxay ku dhibtoonayaan inay wax ku qabtaan gacmahooda, awoodda gacmahoodu way daciiftaa, marka ay socdaan xawaarahoodu wuu gaabiyaa, awoodda ay wax ku fahmaan way yaraataa, sidoo kale fursadda ay si degdeg ah u dhimanayaan way sii kordheysaa.

Sidaa darteed, maadaama ogaanshaha da'da maskaxdeenu ay intan muhiim u tahay, maadaama aynaan MRI oo ah aaladda lagu ogaan karo da'da maskaxdeena si fudud guriga ugu heli karin, waxaa jira dhowr hab oo qarsoon oo naga caawin kara inaan ku qiyaasno da'da dhabta ah ee maskaxdeena, iyadoo lagu saleynayo daraasado cilmiyeed.

Qiyaas Xawaaraha Socodkaaga

Marka aan dhaqaaqno, waxaa laga yaabaa inay noo muuqato inaan kaliya sameyneyno dhaqdhaqaaq jireed, laakiin cilmi-baarayaashu waxay sheegayaan in dhaqdhaqaaqu uu xiriir toos ah la leeyahay caafimaadka maskaxdeena.

Daraasad lagu sameeyay kun qof oo ku nool New Zealand, waxaa lagu ogaaday in ogaanshaha inta mitir ee dadku ku socon karaan hal saac marka ay da'doodu tahay 45 ay aad muhiim ugu tahay in la fahmo faraqa u dhexeeya da'dooda dhabta ah iyo da'da maskaxdooda.

Dr. Line Rasmussen, oo hoggaaminaysay daraasadda, waxay sheegtay in 'kaliya socod' lagu ogaan karo in maskaxdaadu ay la mid tahay da'daada ama ay ka gaboobday da'daada.

"Si kastaba ha ahaatee, waxay ku xiran tahay qaybaha kala duwan ee jirkeena, waxa aan u baahanahay oo kaliya waa inaan isku darno dhammaantood, sida dheelitirka, awoodda aragga, nidaamka neefsashada, tijaabooyinka maskaxda iyo kuwo kale, sidaasna waxaan ku ogaan karnaa xaaladda maskaxdeenu ku sugan tahay" ayay tiri.

Dr. Line iyo asxaabteedu waxay sheegayaan in dadka dhaqdhaqaaqoodu hooseeyo, marka maskaxdooda MRI lagu eego, ay leeyihiin maskax yar iyo jilif maskax oo dhuuban.

Waxa kale oo la ogaaday in kuwa aan dhaqaaqin wax badan ay guud ahaan leeyihiin awood xasuus oo ka yar 16 [IQ].

Xawaaraha socodkeena wuxuu sidoo kale bixiyaa calaamado ku saabsan fursadda aan u leenahay inaan noolaano inta aan noolaan karno.

Daraasad kale oo Jaamacadda Pittsburgh lagu sameeyay ayaa muujisay in dadka 75 sano jirka ah ee socodkoodu gaabis yahay ay haystaan fursad 19% oo keliya ah oo ay ku noolaadaan 10 sano oo kale.

Dadka isku da'da ah ee si degdeg ah u socda waxay haystaan fursad 87% ah oo ay ku noolaadaan 10 sano oo kale.

Daraasaddii Dr. Line iyo asxaabteedu waxay xaqiijisay in haweenka 75 sano jirka ah ee socodkoodu gaabis yahay ay haystaan fursad 10% oo keliya ah oo ay ku noolaadaan 10 sano oo kale, halka kuwa socodkoodu degdeg yahay ay haystaan fursad 91% ah oo ay ku noolaadaan 10 sano oo kale.

Sidaa darteed, haddii aad la jaanqaadi karto xawaaraha hoos ku qoran ee ku saleysan jinsigaaga, waxaad xaqiijin kartaa in da'daada dhabta ah iyo da'da maskaxdaadu ay isku mid yihiin.

Haweenka

- Da'da 40-49: 1.39 mitir ilbiriqsikiiba (qiyaastii 5.0 kiilomitir saacaddii)

- Da'da 50-59: 1.31 mitir ilbiriqsikiiba (qiyaastii 4.7 kiilomitir saacaddii)

- Da'da 60-69: 1.24 mitir ilbiriqsikiiba (qiyaastii 4.5 kiilomitir saacaddii)

- Da'da 70-79: 1.13 mitir ilbiriqsikiiba (qiyaastii 4.1 kiilomitir saacaddii)

- Da'da 80-89: 0.94 mitir ilbiriqsikiiba (qiyaastii 3.4 kiilomitir saacaddii)

Ragga

- Da'da 40-49: 1.43 mitir ilbiriqsikiiba (qiyaastii 5.1 kiilomitir saacaddii)

- Da'da 50-59: 1.43 mitir ilbiriqsikiiba (qiyaastii 5.1 kiilomitir saacaddii)

- Da'da 60-69: 1.34 mitir ilbiriqsikiiba (qiyaastii 4.8 kiilomitir saacaddii)

- Da'da 70-79: 1.26 mitir ilbiriqsikiiba (qiyaastii 4.5 kiilomitir saacaddii)

- Da'da 80-89: 0.97 mitir ilbiriqsikiiba (qiyaastii 3.5 kiilomitir saacaddii)

Si kastaba ha ahaatee, ma aha maskaxdeena oo keliya ee go'aamisa xawaaraha socodkeena.

Dr. Line waxay bixisaa talo xirfadeed iyadoo leh "Dadku si ay u ogaadaan da'da maskaxdooda, waa inay sameeyaan baaritaanno dheeraad ah oo ka baxsan tan."