Laba markab oo midkood Ruushku leeyahay oo lagu weeraray bariga Liibiya iyo baaritaan degdeg ah oo lagu baaqay

Liibiya
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Qaramada Midoobay ayaa saaka ku baaqday in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday oo lagu qaaday laba markab oo ku sugnaa xeebaha Liibiya, midkoodna uu ahaa markab laga leeyahay Ruushka.

Mas'uuliyiinta bariga Liibiya ayaa sheegay in markab ganacsi oo labaad ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn weerareen fiidnimadii Axadda, meel u dhow magaalada Benghazi. Weerarkaas ayaa dhacay saacado kaddib markii markab Ruushka laga leeyahay uu haleelay qarax la rumeysan yahay inuu ka dhashay weerar diyaarad aan duuliye lahayn.

Hawlgalka Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya UNSMIL, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan weerarradii Axaddii lagu qaaday dekedda Benghazi iyo xeebaha magaalada. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo sameeyo baaritaan madax-bannaan, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo mas'uul ka ahayd weerarrada.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digtay in Liibiya lagu jiido iska horimaadyo ballaaran oo heer gobol ama heer caalami ah, iyadoo carrabka ku adkeysay in dalka aan laga dhigin goob ay quwadaha shisheeye ku dagaallamaan.

Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Benghazi ayaa sheegtay in markab ganacsi, iyadoo aan caddeyn inuu Ruushku leeyahay, Axaddii diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen xeebaha Benghazi. Wasaaraddu waxay sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalihii markabka ay dhaawacmeen.

Warbaahinta ayaa ku warrantay in markabkaasi uu ku safrayay calanka Malta.

QM ayaa hadda dalbanaysa baaritaan degdeg ah

"Kuma lug laha dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine."

Telefishinka Al-Hadath ee Liibiya, oo xiriir dhow la leh ciidamada uu hoggaamiyo Jeneraal Khalifa Xaftar, ayaa sheegay in ciidamadaasi ay iska caabiyeen weerar cusub oo ay geysteen diyaarado aan duuliye lahayn. Telefishinku wuxuu intaas ku daray in ciidamada ay ku guuleysteen inay xeebaha magaalada Benghazi ku celiyaan in ka badan 12 diyaaradood oo meel fog laga hago.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo BBC-du ay xaqiijisay goobta laga duubay, ayaa muujinaya markabkii la weeraray oo dab iyo qiiq xooggan uu qariyay. Sawirrada dayax-gacmeedka ee shirkadda Planet Labs ayaa sidoo kale muujinaya markab ku gubanaya dekedda Benghazi.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Weerarkan, oo aysan jirin cid sheegatay mas'uuliyaddiisa, ayaa dhacay xilli Ukraine ay kordhisay weerarrada riddada dheer ee ay ku beegsanayso bartilmaameedyada Ruushka, iyadoo uu socdo dagaalka labada dal. Dagaalka ayaa billowday markii Ruushku duullaan ku qaaday dhulka Ukraine sannadkii 2022, inkastoo colaadda labada dal ay soo bilaabatay sannadkii 2014. Dagaalka ayaa sababay dhimashada boqollaal kun oo qof iyo barakaca malaayiin kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP.

Finland ayaa Sabtidii sheegtay inay ogaatay weerar ay Ukraine ku qaaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu bartilmaameedsaday markab xamuul oo Ruushku leeyahay, kaas oo ku sugnaa Badda Baltic. Finland waxay sheegtay in "Kyiv ay xaq u leedahay inay is difaacdo".

Inkasta oo mas'uuliyiinta bariga Liibiya aysan cid gaar ah ku eedeyn weerarkii shalay, haddana waxay carrabka ku adkeeyeen in Liibiya aysan qayb ka ahayn dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Maamulka fadhigiisu yahay Benghazi ayaa qoraal ku sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan in qaraxu ka dhacay gudaha markabka oo ku xirnaa dekedda, isla markaana ay u badan tahay in lagu weeraray gaadiid aan duuliye lahayn.

Maamulka ayaa xaqiijiyay in markabka Ruushka uu ku sii jeeday dalkiisa, balse uu dekedda Benghazi u istaagay shidaal iyo sahay. Joojinta markabka ayaa qayb ka ahayd heshiisyada iskaashiga dhinaca badda iyo fududeynta adeegyada ee labada dal.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dekedda Benghazi, saldhigga ciidamada badda iyo bakhaaradoodu ay badqabaan. Shaqada dekedda ayaa si caadi ah dib ugu bilaabatay kaddib markii dabka la damiyay, goobtana la xaqiijiyay ammaankeeda.

Maamulka Benghazi ayaa sheegay in baaritaan dhammaystiran la furayo, iyadoo lala kaashanayo mas'uuliyiinta Ruushka, si loo ogaado sida weerarku u dhacay, halka uu ka yimid iyo cidda ka dambeysay.

Dhankeeda, Dowladda Midnimada Qaran ee fadhigeedu yahay Tripoli, galbeedka Liibiya, ayaa sheegtay inay diiddan tahay in dalka laga dhigo goob ay quwadaha shisheeye ku loollamaan ama ku kala aargutaan.

Bishii Maarso, markabka Ruushka ee Arctic Metagas ayaa ku degay xeebaha Liibiya kaddib weerar uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku eedeeyay Ukraine.

Markabkaasi, oo ka tirsanaa waxa loo yaqaan "maraakiibta qarsoon" ee Ruushka, ayaa siday qiyaastii 62,000 oo tan oo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah, isagoo ku sii jeeday Masar.

Dowladda Liibiya ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay inay diiddan tahay in dhulka, dekedaha iyo biyaha xeebaha dalka loo adeegsado hawlgallo milatari ama kuwo saadka ciidan oo khatar gelin kara amniga shacabka iyo madax-bannaanida dalka.

Waxay sidoo kale ka digtay in martigelinta ciidamo shisheeye oo aan sharciyad haysan, loona oggolaado inay adeegsadaan xarumaha qaranka, ay horseedi karto in colaadaha dibadda ay ku fidaan gudaha Liibiya.

Liibiya waxaa ka jira kala qaybsanaan siyaasadeed iyo mid hay'adeed tan iyo markii xukunka laga tuuray, lana dilay hoggaamiyihii dalkaas Muammar Gaddafi sannadkii 2011. Ciidamada uu hoggaamiyo Jeneraal Khalifa Xaftar ayaa gacanta ku haya bariga dalka, halkaas oo maamulka ka jira uu taageero ka helo. Galbeedka Liibiya waxaa maamula dowladda fadhigeedu yahay Tripoli, oo uu hoggaamiyo Cabdulxamiid Dabiiba.