Maxaad ka taqaan dahablaha caanka ahaa ee geeriyooday ee la sawiran qalanjada Soomaaliyeed

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Jessica Lamb
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Dahablaha Talyaaniga u dhashay ee Paolo Bulgari, oo gacan ka geystay in ganacsiga qoyskiisa laga dhigo sumad caalami ah oo caan ku ah waxyaabaha lagu raaxaysto ayaa ku geeriyooday Rome isagoo 89 jir ah.
Qoyskiisu waxay ku dhawaaqeen warkan, iyagoo xasuusanaya inuu yahay "dahablaha ugu weyn waqtigeenna" sida laga soo xigtay warbaahinta Talyaaniga.
Paolo Bulgari wuxuu ahaa Guddoomiyaha Kooxda Bvlgari tan iyo 1984-kii, dahabkooduna wuxuu qurxiyay xiddigaha Hollywood iyo boqortooyada Ingiriiska oo ay ku jirto Diana, Amiiradda Wales.
Shirkadda Bvlgari waxay soo dhigtay bog internet ah oo loogu talagalay "nafta hal-abuur dhab ah" taas oo shaqadeedu "sii socon doonto si loo dhiirrigeliyo jiilasha soo socda".
Shirkadda, Bulgari, waxaa aasaasay awoowgiis oo ahaa tumaal Giriig ah oo si fiican u yaqaannay farsamada tumidda birta, Sotirios Voulgaris, kaas oo ku sugnaa Rome dabayaaqadii qarnigii 19-aad, wuxuuna markii dambe magaciisa u beddelay Bulgari oo Talyaani ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Asal ahaan wuxuu ka yimid Paramythia, oo ah tuulo buuraley ah oo ku taal gobolka Epirus ee waqooyi galbeed Giriigga oo caan ku ah dahabka lacagta ah, Voulgaris wuxuu ka cararay xukunkii Cusmaaniyiinta wuxuuna degay Napoli ka hor inta uusan dukaan ka furin Rome.
Paolo Bulgari ayaa ku biiray shirkadda wax yar ka dib markii uu ka baxay dugsiga, isagoo noqday khabiir ku takhasusay dhagaxyada qaaliga ah, ugu dambayntiina wuxuu hoggaaminayay ganacsiga iyo kormeerka kobaca caalamiga ah.
Qoyska Bulgari waxay doorbideen dhagaxyo qaali ah, dahab jaalle ah oo qani ah, cabbirro badan iyo isku darka midabyo aan la filayn si ay uga soocaan astethetic-ga jilicsan ee la xiriira guryaha dahabka ee Paris.
Ganacsigu wuxuu u gudbay suuqyada raaxada waxaana qayb ka ahaa mujowharaadka ilaa saacadaha, cadarka, alaabta maqaarka xoolaha ka samaysan iyo hoteellada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Paolo Bulgari wuxuu bilaabay inuu la shaqeeyo aabihiis 1960-kii isagoo ku takhasusay aqoonta dhagaxyada qaaliga ah, oo uu ka mid ahaa khubarada ugu horreeya adduunka, iyo hagaajinta sifaynta (yacna soocidda iyo caddaynta) bilicda ee asalka u ah qaabka Bvlgari" shirkadda Bvlgari ayaa ku soo dhigtay baraha bulshada.
"Wuxuu qalbigiisa ku shubay farsamadiisa iyo kobcinta hibada naqshadeeyayaasha da'da yar, isagoo uga tagaya calaamad aan la tirtiri karin adduunka dahabka.
"Mahadsanid, Mudane Paolo, dhaxalkaaga oo ah iftiin cajiib ah oo dhiirigelin hal abuur leh ayaa sii wadi doona inuu dhiirrigeliyo jiilalasha soo socda".
Qoraalku wuxuu xiganayay hadal ka yimid Paolo Bulgari oo ahaa: "Wax walba waxay noqon karaan il dhiirigelin. Hal abuurka ma laha xeerar. Weligoodba ma lahayn".
Dadka caanka ah ee macaamiisha u ah astaanta naqshadeyntiisa waxaa ka mid ahaa Elizabeth Taylor, Audrey Hepburn, Marilyn Monroe, Ingrid Bergman, Sophie Loren, Anne Hathaway, Zendaya iyo Rihanna.
Sannadkii 2011-kii, qoysku waxay saamigooda maamulka ka iibiyeen shirkadda Faransiiska ah ee alaabta raaxada soo saarta ee LVMH, heshiis qiimihiisu ahaa qiyaastii 3.7 bilyan oo Yuuro.
Sannadkii 2019-kii, isaga iyo xaaskiisu waxay aasaaseen Hay'adda Paolo Bulgari (Paolo Bulgari Foundation) si ay u taageeraan dhalinyarada iyagoo u fududeynaya waxbarashada iyo tababarrada shaqada, gaar ahaan xaafadaha danyarta ah ee ku yaalla duleedka magaalada Rome.
Aaskiisa waxaa lagu qaban doonaa magaalada Rome maalinta Isniinta 23-ka Nofeembar.






















