Weerar internetka ah oo lagu bartilmaameedsaday hay'adaha muhiimka ah ee Maraykanka oo FBI ka mid tahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in hay'adda dambi baarista ee FBI iyo Waaxda Beeraha lagu bartilmaameedsaday weeraro internetka ah.
NBC iyo CNN ayaa ahaa warbaahintii ugu horreysay ee soo tebisa labada weerar.
Wali ma cadda in weerarradani ay xiriir la leeyihiin ama koox ama shakhsiyaad ka soo shaqeysay.
Tani waxay imaanaysaa iyadoo walaac laga qabo mowjadaha kala dhantaalidda qalabka ku shaqeeya internetka ee dhawaanahan ka jiray hay'adaha muhiimka ah ee Mareykanka.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, carqaladeyn baahsan oo ku timid nidaamyada kala duwan, oo ay ku jiraan gaadiidka, isgaarsiinta, iyo ganacsiga elektaroonigga ah, ayaa dhibaatooyin u geystay tiro badan oo isticmaaleyaal ah oo ku kala nool Mareykanka.
Xitaa mareeg si weyn loo qariyey oo ay leedahay Hay'adda Amniga Qaranka ee Maraykanka (NSA) ayaa la sheegay inay saameyn ku yeesheen carqaladahan.
Isla weerarradaas, nidaamyada lacag bixinta beeraleyda ee Waaxda Beeraha ee Maraykanka ayaa iyaguna noqday bartilmaameedka weerar dhanka internetka ah. Waaxdu waxay ka walaacsan tahay in qaybo kale oo ka mid ah shabakaddeeda ay iyaguna saameyn ku yeelan karaan.
Bishii la soo dhaafay, nidaamyada duulista, bangiyada, iyo amniga qaranka ee Maraykanka ayaa la kulmay weerarro dhanka internetka ah, kuwaas oo sababay carqalado baahsan, taas oo keentay inuu is casilo Sean Crancross, oo ahaa agaasimaha ugu sarreeya amniga internetka ee Aqalka Cad.
Qolyaha kombiyuutarrada jabsada ayaa la rumeysan yahay inay adeegsanayaan sirdoon macmal ah si ay u aqoonsadaan daciifnimada nidaamyada laga yaabo inaysan dadku ogaan karin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump oo ugu baaqay dadka Amerikaanka inay is-dejiyaan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Donald Trump wuxuu isku dayay inuu yareeyo walaacyada dadweynaha wuxuuna ku booriyay dadka inay "dejiyaan."
Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in carqaladaha dhawaan dhacay aysan la xiriirin falal dambiyeed.
Waaxda Beeraha ee Mareykanka ayaa Jimcihii shaqaalaheeda ku wargelisay in nidaamkeeda lacag bixinta kabista beeraha uu ahaa bartilmaameedka weerar internetka ah, sida ay sheegtay NBC. Wargeysku wuxuu soo xigtay laba sarkaal oo hore oo saraakiil waaxeed ah oo sheegay in jabsashada ay u isticmaali karaan nidaamka lacag bixinta si ay u helaan macluumaad xasaasi ah.
"Waaxdu waxay ka shaqaysaa arrimo bayooloji ah oo walaac leh, haddii qof cadow ah ama la tartan kula jira uu helo isla macluumaadkaas, waxay u isticmaali karaan cilmi baarista arrin annaga naga soo horjeeda" sarkaal hore oo USDA ah ayaa u sheegay NBC.
CNN ayaa sidoo kale shalay soo warisay in FBIda lagu bartilmaameedsaday weerar internetka markii labaad tan iyo Sebtembar.
Sida laga soo xigtay warbixinta oo soo xiganaysa laba qof oo yaqaan baaritaanka, hay'adda federaalka waxay baaraysaa suurtagalnimada in kooxaha wax jabsada ay soo dhex galeen Xarunta Sirdoonka Dembiyada Qaranka.
Xaruntu waxay leedahay xog ururin macluumaad dambiyeed oo isku xirta hay'adaha fulinta sharciga ee federaalka, gobolka, iyo kuwa maxalliga ah. Kaydka xogta waxaa loo isticmaalaa in la isku dhaafsado macluumaadka ku saabsan waarannada xiritaanka iyo hubinta taariikhda.
"Saraakiisha booliiska ee dalka oo dhan waxay ku tiirsan yihiin nidaamkan maalin kasta si ay u aqoonsadaan dambiilayaasha la raadinayo, dib u eegaan warqadaha dacwadaha, iyo inay helaan macluumaad si toos ah u saameyn kara badbaadada saraakiisha iyo dadweynaha" ayuu sarkaal hore oo FBI ah u sheegay CNN.
Sarkaalkii hore ayaa sidoo kale muujiyay walaac ah in jabsadayaashu ay "khalkhal gelin karaan saxnaanta iyo daacadnimada macluumaadka ay saraakiisha booliisku ku tiirsan yihiin".
Soo dhex galidda internetka ee cusub ee lagu sameeyay FBI iyo Waaxda Beeraha waxaa lagu tilmaamay weerarro jabsasho waxayna ka duwan yihiin carqalado farsamo oo dhawaan dhacay, oo ay ku jiraan dhibaatooyin la xiriira nidaamka iimaylka ee Microsoft Outlook iyo Maamulka Duulista Federaalka.
Bishii Sebtembar, koox wax jabsata oo lagu magacaabo ShinyHunters ayaa bartilmaameedsatay macluumaadka shaqaalaha shakhsi ahaaneed iyo kuwa xasaasiga ah iyada oo loo marayo bogga internetka ee shaqaalaysiinta FBI.






















