Gabadhaan yar ayaa iyadoo 6 jir ah u muuqata qof waayeel ah oo 80 jir ah; waa maxay cudurkan ay qabto?

- Author, Nandini Vellaisamy
- Role, BBC-da Laanta Tamil-ka
- Published
- Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo
"Marka ay dadku gabadhayda arkaan, waxay ka dhiibtaan fikrado kala duwan. Waxay xitaa i weydiiyaan: Maxaad gabadhan bannaanka ugu soo kaxaysaan? Miyaanay habboonayn in guriga lagu hayo? Laakiin gabadhaydu waa sida ay tahay. Waa inay bannaanka u soo baxdaa, dadkuna waa inay arkaan," ayay tiri Anjali.
Anjali iyo Akhil waa lammaane ku nool tuulada Mananthavady ee degmada Wayanad, gobolka Kerala ee Hindiya. Gabadhooda oo lix jir ah, Thakku oo sidoo kale loo yaqaan Aayza, ayaa wajahday aflagaaddo iyo jeesjees uga yimaada bulshada dhexdeeda, sababo la xiriira cudur hidde-side ah oo naadir ah oo ay qabto.
Iyadoo aanay waxaas oo dhan u oggolaan inay niyad-jabiyaan, Aayza waxay ku taamaysaa inay mustaqbalka dhakhtarad noqoto. Waalidkeeduna waxay ku dadaalayaan sidii ay uga caawin lahaayeen inay rumayso riyadeeda.
Aayza waxaa ku dhacay cudur hidde-side ah oo naadir ah oo loo yaqaan Cutis Laxa.
Hooyadeed Anjali ayaa sheegtay: "Markii Thakku ay lix bilood jirtay, laalaabkii maqaarkeeda kama yaraanayn. Taasi waxay nagu kalliftay inaan isbitaalka geyno. Dhakhaatiirtu waxay noo sheegeen in loo baahan yahay baaritaan hidde-side si loo ogaado dhibaatada haysata. Bil kaddib ayaa natiijadii baaritaanka soo baxday, waxaana dhakhaatiirtu noo sheegeen in gabadheennu qabto cudur naadir ah oo loo yaqaan Cutis Laxa."
Iyadoo laba sano iyo bar jir ahayd ayay martay laba qalliin
Anjali ayaa sheegtay in cudurkan uu Aayza ku keeno dhibaatooyin caafimaad oo soo noqnoqda, sida hargab, qufac iyo qandho, isla markaana maalmo badan oo bil kasta ka mid ah ay ku qaadato isbitaalka.
"Bil kasta waa inaan ugu yaraan laba ilaa saddex isbitaal u tagnaa si dhakhaatiirtu u baaraan," ayay tiri Anjali.
Waxay sidoo kale sheegtay in markii Aayza ay jirtay laba sano iyo bar lagu sameeyay laba qalliin, kuwaas oo mid looga sameeyay cilad ka jirtay mid ka mid ah indhaheeda.

Sida ay sheegtay dhakhtarad Anjana oo daaweysa Aayza, dadka qaba cudurkan waxaa ku dhici kara dhibaatooyin caafimaad oo la xiriira hab-dhiska neefsashada iyo cudurrada wadnaha. Cudurka Cutis Laxa wuxuu leeyahay noocyo kala duwan.
Dhakhtar Anjana ayaa tiri: "Cimriga qofka qaba cudurkan wuxuu ku xiran yahay nooca cudurka ee haya iyo sida uu u saameeyo xubnaha gudaha ee jirka. Waqtigan xaadirka ah, waxaa la heli karaa oo keliya daaweyn lagu xakameeyo calaamadaha cudurka. Ilaa hadda ma jiro daawo si buuxda u bogsiin karta cudurkan."

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ay sheegtay hay'adda caalamiga ah ee samafalka ee Cutis Laxa Internationale, cudurkan waxaa dunida oo dhan qaba ku dhowaad 400 oo qof, taas oo u dhiganta hal qof 2 milyan oo qofba. Dalka Hindiya waxaa laga diiwaangeliyey toddobo qof oo qaba cudurkan.
Hay'addani waxay taageero nafsi ah siisaa dadka la nool cudurkan, sidoo kalena qoysaskooda waxay siisaa hagitaan iyo la-talin ku saabsan sida loola tacaalo xaaladdan.
Dhakhtar Anjana ayaa deris la ah Aayza. Gabadha yar waxay ku hammiyaysaa inay marka ay weynaato dhakhtarad noqoto, sida dhakhtarka deriskeeda oo kale.
Aayza waxay aad u jeceshahay qoob-ka-ciyaarka, wax sawiridda iyo heesaha. Marka la weydiiyo inay sawir samayso, waxay markiiba sawirtaa dhakhtar. Haddii la weydiiyo qofka ay sawirtay, waxay ku jawaabtaa in uu yahay dhakhtar Anjana.
Hooyadeed Anjali ayaa sheegtay: "Mustaqbalka, Thakku waxaa laga yaabaa inay la kulanto dhibaatooyin la xiriira murqaha. Waxaa dhici karta inay awoodi weydo inay oroddo ama booddo. Xitaa qoob-ka-ciyaarka, heesaha iyo sawiridda ayaa laga yaabaa inay ku adkaadaan."
"Way adkayd in arrintan la aqbalo"
Aayza aabbaheed Akhil wuxuu ka shaqeeyaa shirkad gaar loo leeyahay, isaga oo ah waardiye amni.
Akhil ayaa yiri: "Billowgii, aad bay noogu adkayd inaan aqbalno xaaladdan. Sababtoo ah waligeen ma maqal, mana arag cudur sidan oo kale ah. Arrintani waxay nagu keentay murugo iyo xanuun badan. Waxay noo ekayd in jirka ilmo yar ay ku jirto haweeney waayeel ah oo 70 ilaa 80 jir ah.
Markii aan gabadhayda u geeyay dhakhaatiirta, waxay noo sheegeen inaanu jirin wax daawo ah oo cudurkan lagu bogsiin karo. Aad ayaan uga murugoonnay markii aan warkaas maqalnay."

Aabbaha Aayza ayaa sheegay in ay aad ugu adag tahay in mushaharkiisa bishii uu ka daboolo kharashaadka daaweynta gabadhiisa.
"Waxaan kharashaadka ku daboolnaa oo keliya dakhligeenna, annagoo si dhib leh iskaga maarayna. Si aan u bixinno kharashaadka daaweynteeda, waxaan dhimnaa kharashaadka kale ee qoyskeenna. Inta badan daaweynteedu waxay ka socotaa gobolka Kerala," ayuu yiri Akhil.

Wuxuu intaas ku daray: "Aad ayaan ugu faanayaa riyadeeda. Waxay doonaysaa inay marka ay weynaato dhakhtar noqoto. Xaafaddayada waxaa deggan haweeney dhakhtar ah, Aayza ayaana go'aansatay inay iyaduna dhakhtar noqoto ka dib markii ay aragtay. Haweeneydaas ayaa ku dhiirrigelisay. Aad ayaan ugu farxaa marka aan maqlo Aayza oo leh waxay doonaysaa inay dhakhtar noqoto."
Aayza waxay hadda dhigataa fasalka koowaad ee dugsi dowladeed oo ku yaalla meel u dhow gurigooda. Markii la weydiiyay maaddada ay ugu jeceshahay, si degdeg ah ayay ugu jawaabtay "Xisaabta". Iyadoo aan wax daqiiqad ah lumin ayay buuggeeda ku qortay layliyo isku-dar ah, dabadeedna si sax ah ayay u xallisay.

Hooyada Aayza ayaa tiri: "Aayza hadda si dhab ah uma fahamsana waxa ku dhacay. Laakiin mararka qaarkood waxay i weydiisaa: 'Maxay dadka oo dhan sidaas iigu eegaan? Maxay cidina saaxiib iila noqon weyday?' Markii ugu horreysay ee ay dugsiga tagtay ayay la kulantay xaalad sidan oo kale ah.
Ardayda kale waxay ugu yeeri jireen 'Ammumma', oo macnaheedu yahay ayeeyo, si ay ugu jeesjeesaan. Markaas kaddib ayaan dugsiga tagnay, waxaanan maamulaha uga warrannay wixii dhacay. Maamuluhu wuxuu ardayda kale si fiican ugu sharxay cudurkan, wixii markaas ka dambeeyayna xaaladdu gebi ahaanba way is beddeshay."
Aayza oo waxbarashada ku wanaagsan
Macallimaddeeda Aishwarya ayaa tiri: "Wax kasta aad bay ugu fiican tahay. Hadday tahay inay saaxiibbadeed caawiso ama hawl kale oo kasta, si wanaagsan ayay u qabataa. Bilowgii, carruurta qaarkood ee dugsiga ayaa ku jeesjeesi jiray, laakiin hadda dhammaantood si saaxiibtinimo leh ayay ula dhaqmaan.
Mar walba waxay tiraahdaa: 'Waxaan doonayaa inaan dhakhtar noqdo oo aan daweeyo carruurta kale ee aniga oo kale ah.' Markaan maqlo hadalladeeda, waxaan qalbigayga ka ducaystaa in riyadeedu dhab noqoto."

Aayza waxay Instagram-ka ku leedahay in ka badan 25,000 oo qof oo raacsan. Arjun oo ah wiil deris la ah ayaa markii uu arkay sida ay Aayza u jeceshahay qoob-ka-ciyaarka, soo jeediyay in muuqaalladeeda lagu baahiyo baraha bulshada. Waalidkeeduna way oggolaadeen, iyagoo doonayay inay gabadhooda farxad geliyaan. Sannadkii 2024 ayay sameeyeen akoonka Instagram-ka, ilaa maantana Arjun ayaa maamula.
Arjun ayaa sheegay: "Bilowgii, dadku waxay qori jireen faallooyin aad u taban. Aad bay u adkayd inaan u dulqaato dhammaan hadalladaas. Waxaan caado ka dhigtay inaan tirtiro faallooyinka xun ka hor inta aysan dadka kale arkin.
Markii hore, dadku Thakku waxay u arkayeen oo keliya qof ay tahay in loo naxo ama loo damqado. Laakiin markii dambe way aqbaleen sida ay tahay, waxayna bilaabeen inay si wanaagsan u eegaan. Mar ayay Thakku igu tiri: 'Hadda aad baan caan u noqday, sidaas darteed waa inaan shaqada ilaalo ka qortaa.'"

Si kastaba ha ahaatee, dhakhtarka dhimirka Dr. Krupakar ayaa ka digay in gabadh horeba ula nool cudur dhif ah, iyadoo weli da' yar, baraha bulshada la qabsigoodu uu u horseedi karo culays maskaxeed oo dheeraad ah. Markii arrintan wax laga weydiiyay, waalidiinta Aayza waxay sheegeen inay aaminsan yihiin in muuqaalladaas gaagaaban ay dunida u soo bandhigi doonaan dhinaca wanaagsan ee gabadhooda, isla markaana ay yareyn doonaan faallooyinka taban ee laga qoro.
Waalidkeed ayaa iyagoo ku faanaya sheegay in Aayza ay tahay gabadha noloshooda farxad u keenta, inkastoo ay la kulmeen caqabado badan.
"Waxay doonaysaa inay marka ay weynaato dhakhtar noqoto, annaguna waxaan hubin doonnaa inaan siinno waxbarashada ugu wanaagsan ee heer jaamacadeed, inta awooddeennu saamaxdo," ayay tiri Anjali.
Aabbaheed Akhil ayaa isaguna isagoo dareenkiisu kacsan yahay yiri: "Gabadhaydu waa naftayda iyo noloshayda."

























