Geelle oo mar lixaad ku guuleystay doorashada Jabuuti

Jabuuti

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuleystay doorashadii lixaad ee muddo-xileedkeedu yahay shanta sano iyadoo natiijada la shaaciyay maanta ka dib doorasho ay qaadaceen inta badan mucaaradka, isagoo helay in ka badan 97.81% codadkii la dhiibtay, xogta rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Sabtidii ayaa muujisay.

Codbixintii Jimcihii ayaa waxaa ku tartamay hal musharrax oo la tartamayey Maxamed Faarax Samatar. Xogta wasaaradda arrimaha gudaha ayaa muujisay in uu kaalinta labaad galay isagoo helay 2.19% 168,233 cod ee la dhiibtay.

Geelle ayaa ku guuleystay doorashadii ugu dambeysay ee 2021-ka, waxaana qaadacay inta badan mucaaradka, isagoo helay in ka badan 97% codadkii la dhiibtay. Waxa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka tagayo sanadkan, balse wax ka bedelka dastuurka bishii November ayaa meesha ka saaray da'da sare ee 75 musharaxiinta madaxtinimada.

Jabuuti

Dadka dhaliila codeynta ayaa ku tilmaamay mid aan loo tartamin, halka taageerayaashuna ay ku doodayaan in hoggaamiyaha 78 jirka ah uu xasillooni gaadhsiiyay dalka ku yaalla Geeska Afrika oo istaraatiiji ah.

Siyaasiga caanka ah ee Daahir Axmed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in sababta ay u qaadacayaan doorashada Jabuuti ay tahay in aan loo oggolayn in ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, taasoo ay aaminsan yihiin in ay wax u dhimeyso hannaanka dimuqraadiyadda iyo sharcinimada natiijada doorashada.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u ololeeyay xasiloonida iyadoo ay jirto xiisadaha gobolka, gaar ahaan kuwa ku xiran colaadaha Bariga Dhexe, halka Samatar uu diiradda saaray dib u habeynta dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa xukunka hayay tan iyo 1999-kii, waana madaxweynihii labaad ee dalkaasi yeesho tan iyo markii uu xornimada ka qaatay Faransiiska 1977-kii.

Jabuuti

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wareysi uu sanadkii 2022 siiyay BBC ayuu ku sheegay inuu xilka ka degayo haddii uu muddo-xileedka u dhammaado.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wareysigaas ayuu Madaxweyne Geelle siiyay BBC-da ayuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha dowladdiisa, mucaaradka, sicirka nolosha, kobaca, halista kooxaha jihaad doonka ah, xiriirka Soomaaliya iyo xasaradaha Itoobiya.

Ismaaciil Cumar Geelle waddankiisa waxa uu buundo uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiinaha la wadaagto qaaradda Afrika, sidaasna waxa uu ku noqday marinkeeda cusub.

Wariyaha BBC-da, Nicolas Négoce, oo dhowr oo wareystay Madaxweynaha Jabuuti ayuu u sheegay in uu xilka wareejin doono sanadka 2026-ka.

Mowqifka istaraatiijiga ah ee Jabuuti ee Gacanka Cadmeed waxay la macno tahay inay hoy u tahay saldhigyada ciidamada Maraykanka iyo Faransiiska.

Dalka ayaa sidoo kale loo arkaa inuu ka xasiloon yahay gobol ay ku jirto Soomaaliya oo aysan dowladdu ka talin dalka oo dhan iyo Yemen oo dagaallo sokeeye ay ka socdaan.

Dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in tani ay fasireyso dhaleeceynta aamusan ee Madaxweyne Geelle uga imaaneyso reer Galbeedka.