Warbaahinta Mareykanka oo hadal-haysa nuxurka warqadda JD Vance u diray Mohsen Rezaei

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbaahinta Maraykanka ee Axios ayaa qortay in Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, uu warqad uu u diray Mohsen Rezaei, oo ah mas’uul sare oo amniga qaranka Iiraan ah, ku adkeeyay in wadaxaajood kasta oo looga hortagayo weerarro militari oo Maraykanku qaado uu khasab ka dhigo in laga wada hadlo arrinta nukliyeerka Iiraan.
Mas’uul Maraykan ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa sidaas u sheegay Axios.
Dhanka kale, wargeyska The New York Times ayaa qoray in warqadda Vance ay gaartay Mohsen Rezaei toddobaadkii hore, iyadoo loo sii mariyay dhexdhexaadiyeyaal u dhashay Qatar.
Toddobaadkii hore, waxaa soo baxay warar sheegaya in wafdi Qatar ah uu gaaray Tehran, xilli ay halkaas booqasho ku joogeen wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, iyo taliyaha ciidamada qalabka sida ee Pakistan, Asim Munir.
Hase yeeshee, warbaahinta xiriirka dhow la leh Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa beenisay in diyaaraddii siday wafdiga Qatar ay halkaas ka degtay.
Sidoo kale, telefishinka Al-Carabiya ayaa habeenkii Arbacada sheegay in dadaallo lagu doonayo in Turkigu martigeliyo kulan ka hor 4-ta Nofeembar, si dib loogu bilaabo wadaxaajoodyada u dhexeeya Tehran iyo Washington.
Warbaahintu waxay intaas ku dartay in arrinta nukliyeerka Iiraan ay ka mid noqon doonto qodobada laga wada hadlayo.
Dhanka kale, mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa Arbacadii soo-jeedinta Qatar ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, isagoo carrabka ku adkeeyay in Iiraan aysan wax tanaasul ah ka sameyn doonin arrinta nukliyeerka.
Sidoo kale sii akhri wararkan

