Baadiyaha Soomaaliya ilaa Baarlamaanka Sweden: Nolosha la yaabka leh ee Mursal Ismaaciil

Xigashada Sawirka, Mursal/AFP
- Author, Maxamed Baashi Khaliif
- Role, BBC Somali
- Published
- Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo
"Weligey waxaan jeclaa inaanan is dhiibin, haddey adag tahay iyo haday fududahayba"
Waa erayo uu maankiisa ku guntay muddo soddon sano ka hor ah isagoo markaas jooga miyi qoyskiisu ku noolaa iyagoon haysan xoolo badan.
Halgan qofeed, dhaawac uu gaarsiiyey ratigii reerka iyagoo geedi ah, walaashiis oo umul raacday daryeel la'aan caafimaad, waxbarasho la'aan ayaa ku qasabtay inuu beddelo noloshii miyiga raadiyana sidii uu gaari lahaa wax laabtiisa ku sawirnaa.
Qofka aan ka hadlayno waa Mursal Ismaaciil Ciise, oo noqday xildhibaan fariisanayaa barlamaanka dal ka mida kuwa ugu hodansan uguna hormarsan adduunka balse rubac qarni ka hor taasi u ahayd hiigsi nololeed.
Sheekada Mursal waxay ka bilaabaysaa yarantiisi ilaa heerka uu maanta gaaray.
Korriimadiisii ilaa kaalin-galkiisii nolosha

Xigashada Sawirka, Mursal
Mursal Ismaaciil Ciise, wuxuu ku dhashay miyiga degmada Qandala ee gobolka Bari basle si rasmi ah uma garayo taariikhda saxda ah ee uu dhashay hase yeeshee waxaa loo sheegay oo uu qiyaas ahaan ku tilmaamsada abaartii dabadheer oo ku beegan ilaadii sanadkii 1975-tii.
Markuu yaraa ila dhowrkii sano jirkiisii hore wuxuu raaci jiray maqasha balse markuu soo gaaray da'da 12 sano jir wuxuu sheegay inuu qeyb ka galay masuuliyadda reerka gaar ahaan dhaaminta, oodista iyo xoolo raacidaba. Wuxuuna miyiga joogaay ilaa uu soo gaaray toddobo iyo toban jir.
Qoyskiisa waxaa xoolo u ahaa riyo iyo ido aan tiro gaarin ama boqol, waxaana u weheliyey labo rati oo gadiid u ahaa reerka iyo mar dembe oo oo Mursal xusay in odey ay ehel ahaayeen uu kaalmo u siiyey hal geela basle uu xusay inaysan iyana tarmin.
Wuxuu intaa ku daray in uu xasuusto in intii uu miyiga joogay inuu ka shaqayn jiray gurida xabkaha iyo qoryaha oo uu u iib geyn jiray magaalada halka marar qarna uu caano an badnayn u iib geyn jiray wallow uu xusay in caano badan oo iib gala aysan xoolahoodu lahayn.
Qisadii sababta u ahayd inuu miyiga ka soo tago

Xigashada Sawirka, Mursal/Socail
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo uu BBC-da u sheegay inuu markasta jeclaa in isbeddel uu samaayo haddana tani waa dhacdo ka mid ah kuwii soo dedejiey inuu miyaga ka soo xirxirto.
''annagoo geedi ah, ayaa ratigii reerku ku guuriyey anigoo hoggaanka haya gabar walaashay ahna u tilmaamaya mesha aan reerka ku furi doono ayuu ratigii madaxa igu dhuftay oo i cunay, nabar weyna i gaarsiiyey, nabarkaasa ayaa sabab u ahaa inaan baadiyaha ka soo tago"ayuu yiri Mursal.
Wuxuu intaa raaciyey in markii uu reerkii meel ku furay isagoo dhawacii qaba ay dadka mesha degganaa u sheegeen inay iyagu reerka xerada u oodayaan isna uu aado tuulooyinkii u dhawaa si uu nabarka ugu helo daweyn balse wuxuu xusay in tuuladii uu yimid uusan ka helin wax daryeel caafimaad ah, fursaduse siisay inuu helo gaari u socda Boosaaso oo sidaas ku tagay magaalada.
Dhaawicii inkasta oo hurgumay haddana sida Mursal sheegay wuu bogsaday miyigiise kuma laaban oo wuxuu ku nagaaday Basaaso.
Intii uu ku noolaa Boosaaso, wuxuu BBC-da u sheegay inuu helay fursad kale.
''Waxaan Saqaye ama Kirish-boy ka noqday gaari abtigey lahaa muddo saddex bilood ah balse markii dambe waa ka tagay oo waxaan furtay kabar, kabarkaas waxaan ku furtay lacag 80 kun oo shiling ah oo aan ka helay xabag aan iibsaday" ayuu intaas raaciyey.
Wuxuu sheegay in kabarkii muddo ka dib uu ka burburay oo kacay kadibna uu bilaabay inuu shaqaale noqdo '' Waxan bilaabay inaan talagad baraf ku jiro ku wareejiyo suuqa, dekadda xitaa marbaan xamaali ka noqday" ayuu yiri Mursal isagoo xasuunaya maalmihiisa halganka nololeed ee xamaaliga.
Markuu muddo yar shaqadaas uu waday ayuu ka tagay isagoo dib ugu laabtay miyigii balse wuxuu mar kale go'aansaday inuu quraan barasho u aado Boosaaso.
Waxbarashadii uu isugu isbaray

Xigashada Sawirka, Mursal
Mursal, inkastoo uusan miyigu ku helin waxbarasho diini iyo maadi midna hadda wuxuu xusay in muddo kooban uu fursad u helay inuu yimaado tuulo u dhawayd miyigii reerkoodu yaallay oo uu ka soo cararay halkaasna uu ku bartay higaada iyo quraanka ilaa jus Camana ilaa Tabarak uu ka gaaray.
''Markii an higaada si fiican u bartay oo an kicin karo xuruufta quraanka ayaan anigu isa sii baray oo ila shan iyo toban jus is baray quraanka"ayuu BBC-da u sheegay Mursal.
Waxbarashada maadiga ah wuxuu Mursal xusay inuu wax qorista bilaabay isagoo 22-sano jir kuna bartay iskoolo gaar loo leeyahay kana bartay luuqada Ingiriiska basle uusan fursad u helin inuu heerarka iskoolada ee hoose/dhexe iyo saraba uu Soomaaliya ka helo.
Mursal, markasta wuxuu qabay hamuum waxbarasho taas ayaa ku dhalisay in sagaashameeyadii uu u safro Muqdisho oo qaraabiisu degganaaayeennsi halkaas uu waxbarasho uga helo basle tilmaamay in nasiib darro uu la kulmay dagaaladii sokeeyo ee xilligaas ka oognaa Muqdisho.
Wuxuu intaa raaciyey inuu Muqdisho kasoo barakacay oo uu tagay Kismaayo basle isla mushkiladii uu halkaas ugu soo carary ayaa iyana ka taagnayd kadina uu uga soo gudbay dalka Kenya halkaas oo muddo ku noolaa.
Hayaankiisii qurbaha
Markii xaaladduhu u muuqdeen kuwa adag, fursadaha oo yaraa iyo isagoo u hamuum qabay helida waxbarasho isbaddel u horseeda oo uu ka waayey magaalooyinkii uu malaynayey inuu ka heli doono, Mursal waxaa sii xooggaystay hilow uu doonayey inuu raadiyo meel ka baxsan Afrika oo fursado nololeed iyo hiigsi aayatiin uu ka helo.
Isagoo ka hadlayey hayaankiisii qurbaha iyo sida uu ku bilowday isagoo ku sugan Soomaaliya ayuu yiri:
''Waxaan dhageysan jiray BBC-da oo markasta oo ay ka sheekaynayso wadamada caalamka waxaa i qaban jiray hilow ah inaan safro iyo tan kale oo ahayd nolosha oo iska adkaatay,miyaga oo abaaro adag ka jireen waxyaabahaas ayaa u badnaa"
Mursal, wuxuu BBC-da u sheegay in safarkiisii Yurup uu ahaa mid ka mida sida dadka badi Soomaalida ah ku gaareen dalalkaas markii dambana uu ku tagay dalka Sweden dhammaadka sanadkii 2003-dii.
Halkaas waxaa uga bilaabatay nolol ka duwan tii miyiga, magaalooyinkii Soomaaliya iyo Kenya oo uu muddo kooban ku noolaa.
Markii uu tagay Sweden waxaa uu xasuusta wixii la yaabka ku noqday ''Waxaan ka imid meel aad u kulul oo Bariga fog ee Soomaliy ah (goboblka Bari), markan Sweden tagayna waxaa lay geeyey waqooyiga Sweden oo qabowgu iyo barafku aad u badan yahay, qoraxna aan la arkayn."ayuu yiri.
Markii uu Waqooyiga Sweden tagay waxaa markiiba la geeyey iskool dadka waaweyn ee magangelyo doonka la geeyo si ay ugu bartaan luuqada laakiin Mursal wuxuu xusay in hamuuntii waxbarasho ee haysay owgeed uu si fiican muddo kooban u bartay luuqada Swedishka.
"Welwelka iigu weyn ma ahayn oo kaliya in intii sharciga la ii diido dalka layga masaafuriyo, welwelkaan dareemayey wuxuu ahaa haddii lay musaafurinayo in wadanka la iga musaafuriyo anigoon aqoon afka Swedishka" ayuu BBC-da u shegay Mursal.
Isagoo la yaabkii uu kala kulmay Sweden ka sii sheekaynaya ayuu Mursal xusay " waxaa qaadan waa igu noqday in intii meel aan seexdo iyo cunto la i siiyey hadda lacag la iigu daray,"
Wuxu magangelyo waydiistay dalka Sweden dhamaadkii 2003-dii balse bilowgii hore lama aqbalin codsigiisii qaxootinimo iyadoo labo jeer la siiyey diidmo marna loo sheegay unuu dal isaga baxo. ma quusan ee welo rajo ayuu naawilayey.
Sanadkii 2006-dii ayaa la aqbalay codsigiisii magengalyo doonka oo la siiyey sharciga degganaanshaha dalkaas.
Markii uu sharciga helay Mursal, weli wuxuu qabay jacaylkiisii waxbarasho saddex bil ka dibna isagoo afka Swedishka aad u yaqaan ayuu sheegay inuu tagay qaybtii waxbarashada ee gobolkiisa isagoo ka dalbaday in lagu imtixaano luuqada oo uu si fiican u bartay.
Barashada luuqada Swedishka ee uu sida wanaagsan u bartay waxay fure u noqotay inuu kaalin muuqata ku yeesho halkiii uu ku noolaa isagoo xafiis lagu caawinayey dadka qaxootiga ah ka helay fursad uu dadka an luuqada aqoon uu u turjumo isagana ay u noqotay shaqo.
"Kaddibna waxan bilaabay inaan xubin ka noqdo ururada bulshada e Swedishka , dadkii kale ee soogalootiga ahaa ee imaanayey aan caawiyo,annigo ku dhinac waday waxbarashaydii"
Dadaalkiisaas wuxuu dhaxalsiiyey Mursal in la dhigo isuduwe waxbarasho oo dadka waaweyn ah 2007-dii. Sanadkii xigey wuxuu BBC-da u sheegay inuu galay siyaasadda degaankii uu ku noolaa. Sanadkii 2010-kii wuxuu u tartamay Baarlaamka gobolka Dalarna balse kuma guuleysan.
Afar sano ka dib ayuu Mursal mar kale u tartamay Barlamaanka gobolka Dalarna, oo ku guuleystay xildhibaan sanadkii 2014-kii isagoo ilaa 2022-kii uu ahaa qofka u metalaya xisbigiisa Cagaaran isla guddoominta maamulka gobolka oo ay isla maamulayeen saddex oo kale.
Labo jeer ayuu sidoo kale Mursal Ciise, xisbigiisa ku matalay u tartamida xildhibaan Midowga Yurub balse kuma guuleysan.
Baarlamaaka Sweden

Xigashada Sawirka, Mursal
Mursal Ismaaciil Ciise, ayaa bishii September ee sanadkan 2026 ka miro dhaliyey riyo uu si weyn qalbiga u hayey, dadaal waqti badannah, garab istaagii Xisbigiisa ka dib waxaa loo doortay xildhibaan Baarlamaaka Sweden ah isagoo ka socda xisbiga Cagaaran ama dooga ah kuna matelaya gobolka Dalarna oo ah halkii uu nolosha Sweden ka bilaabay dhowr iyo labaatan sano ka hor.
Waxyaabaha ugu waaweynaa ee ku riixay inuu galo Barlamaanka Sweden ayuu BBC-da u sheegay Mursal inay ahayd dadaalkisa qof ahaaneed iyo inuu tusaale u noqdo dadka soogalootiga ah.
"Hiigsigeygu wuxuu ahaa inaan sawir wanaagsan u noqdo bulshooyinka soogalootiga ah iyo dabcan gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed inay noqon karto bulsho dadkan iyo dalkan wax ku soo kordhisa" ayuu intaas raaciyey Mursal.
Hadda wiilkii ka yimi miyiga Soomaaliya, wuxuu ka mid yahay sharci dajiyaasha dalka Sweden oo ka mid ah tobbanka wadan ee Yurub ugu hodansan ugan waxsoo saarka badan.
Dib u milicsigiisii Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Mursal
Mursal, kuma ekaan noloshiisa hormarinteeda balse wuxuu BBC-da u sheegay inuu qalbiga ku hayey xaaladdihii qalafsanaa ee ka jiray halkii uu ku soo koray ee miyiga degmada Qandala ee gobolka Bari ee Puntland.
Wuxuu ceelal biyo, goobo caafimaad iyo waxbarasha ka hirgaliyey deganadii uu yaraantiisuu ku ogaa duruufahaaas.
Isagoo la shaqayneyey muddo dheer hay'ad gargaar oo ka shaqaysa in kabadan 200 dal ayuu sheegay inay u sahashay inuu kalaankiis ka geysto deeganadaas
"Waxaan markasta qalbiga ku hayey biyaha iyo caafimaadka oo ahaa labada shay ee ugu darnaa degaankaas" ayuu yiri Mursal.
"Isku day, ha niyad jabin, waad gaaari doontaa, waxyaabaha aan suurtagalka ahayna waxay u baahan yihiin waqti dheerada oo kaliya" waa weerihii maankiisa ku dhashay isagoo miyi jooga muddo ka dibna ku furay Baarlaamka Sweden.



























