Itoobiya oo uga digtay Eritrea inay isdifaaci doonto kaddib markii ciidamo ay ka gudbeen xadka

Itoobiya
Qoraalka sawirka, Ciidamada Itoobiya ayaa toddobaadkii hore la wareegay magaalada Mekelle, oo ah magaalada ugu weyn gobolka Tigray, kana qabsaday xoogaggii fallaagada ahaa
    • Author, Hafsa Khalil
    • Author, Kaleb Moges
    • Role, BBC Africa
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Itoobiya ayaa Eritrea ku eedaysay inay "duullaan xooggan oo dhan walba ah" ku qaadday gobolka waqooyi ee Tigray, waxayna ka digtay inay isdifaaci doonto, maalmo kaddib markii dadka deegaanka ay BBC-da u sheegeen in ciidamada Eritrea ay ka gudbeen xadka oo ay gudaha u galeen Itoobiya.

Warqad loo diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay BBC-du aragtay, wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa tallaabada Eritrea ku tilmaamay "fal gardarro cad ah oo siinaya Itoobiya xaqeeda sharciyeed ee isdifaaca."

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa arrintaas kaga jawaabay isagoo sheegay in dalkiisu wajahayo "dagaal gardarro ah oo aan wax sabab ah loo hayn" oo uga imanaya deriskiisa Itoobiya.

Dagaallo ayaa laba toddobaad ka hor ka dhex qarxay dowladda Itoobiya iyo xisbiga maamula gobolka Tigray, ee loo yaqaan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF).

Labada dhinacba wuxuu midba kan kale ku eedaynayaa inuu jabiyay heshiiskii 2022 ee soo afjaray dagaalkii sokeeye.

Itoobiya ayaa sheegaysa in Eritrea ay taageerayso TPLF, balse Eritrea way beenisay eedeyntaas.

Intii uu socday dagaalkii sokeeye ee labada sano qaatay, Eritrea waxay ahayd xulafo muhiim ah oo dowladda Itoobiya la safnayd, iyadoo ciidamada Eritrea ay garab dagaallamayeen kuwa Itoobiya si ay ula dagaallamaan TPLF.

Hase yeeshee, xiriirka labada dal ee deriska ah ayaa tan iyo markaas sii xumaaday, arrintaas oo inta badan la xiriirta damaca Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ee ah inuu gacanta ku dhigo mid ka mid ah dekedaha Eritrea ee Badda Cas. Xiisaddaas ayaa ugu dambayn sababtay in xiriirka diblomaasiyadeed la jaro toddobaadkii hore.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isagoo Eritrea ku eedeeyay inay ku xadgudubtay madaxbannaanida Itoobiya, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay gudaha u soo galeen gobolka Tigray masaafo gaareysa 60km (37 mayl).

Waxaa la soo wariyay in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ay Arbacadii iyo Khamiistii bartilmaameedsadeen ciidamada Eritrea ee ku sugnaa magaalada Adigrat ee gobolka Tigray, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo inuu dagaalku ku fido guud ahaan gobolka.

Hay'adda fadhigeedu yahay Maraykanka ee la socota isku dhacyada, ACLED, ayaa sheegtay in "ciidamo iyo saanad militari oo Eritrea leedahay" oo ku sugnaa Adigrat lagu dhuftay "duqeymo badan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah" habeenkii.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in "ay jireen duqeymo aad u fara badan", isagoo intaas ku daray in qaar ka mid ah gaadiidkii xamuulka ee ay lahaayeen ciidamada Eritrea la burburiyay.

Goobjooge kale ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay u muuqdeen kuwa dib ugu guranaya waqooyiga kaddib duqeymahaas, sida ay AFP sheegtay.

Ilaa hadda, ma jiraan warar si madaxbannaan loo xaqiijiyay oo ku saabsan khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarradaas.

BBC-da ma awooddo inay si toos ah uga warranto gudaha gobolka Tigray.

Itoobiya

Warqadda Itoobiya ee ku taariikhaysnayd 8-da Oktoobar kuna socotay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri: "Xilligan adag, marka Itoobiya aysan haysan wax kale oo ay samayso oo aan ka ahayn inay isdifaacdo, waxaan ku tiirsannahay fahamkiinna, taageeradiinna iyo garab istaaggiinna."

Hase yeeshee, iyadoo Itoobiya ay ku eedaynayso deriskeeda Eritrea inay taageerto TPLF, Eritrea ayaa dhankeeda ku eedaysay hoggaanka Itoobiya inay mas'uul ka yihiin colaadda sii huraysa, isla markaana ay raadinayaan marmarsiinyo ay ku qabsadaan dhul ka tirsan Eritrea.

Maanta, Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa ku tilmaamay eedeymaha loo jeediyay Asmara inay yihiin "laba-wejiilennimo heerkeedii ugu sarreeyay."

Qoraal uu ku daabacay barta X, wuxuu ku sheegay in Itoobiya ay "si cad uga shaqaynayso sidii ay isbeddel maamul uga hirgelin lahayd Eritrea, iyadoo hoy iyo taageero siinaysa kooxo calooshood-u-shaqaystayaal ah oo isu sheegaya mucaarad."

Eritrea waxay ka go'day Itoobiya sannadkii 1993, hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa caadi kusoo noqday sannadkii 2018 markii Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu xukunka la wareegay.

Xiisaddan ugu dambeysay ayaa daba socota bilo ay jireen khilaafyo iyo sidoo kale dhismaha isbahaysi cusub oo kooxo hubeysan oo Itoobiyaan ah, oo ay ku jirto TPLF, ay sameysteen bishii Sebtembar.

Toddobaadkii hore, ciidamada TPLF ayaa ka baxay magaalada Mekelle oo ah magaalada ugu weyn gobolka Tigray. Magaaladaasi waxay qiyaastii 115km (71 mayl) koonfur kaga beegan tahay Adigrat, waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada dowladda Itoobiya.