Maxay yihiin muraayadaha Meta, ee lagu duubi karo muuqaallo qarsoodi ah?

Muraayado
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxaa jira qalab casri ah oo qofku ku qaadi karo sawirro ama muuqaallo isaga oo aan gacanta ku hayn telefoon ama kamarad.

Qaar ka mid ah qalabkan ayaa qofka u saamaxaya inuu si fudud sawirro iyo muuqaallo u duubo, isaga oo aan dadka ku hareeraysan si fudud uga warqabin waxa uu samaynayo.

Qalabkaas waxaa ka mid ah muraayadaha ama ookiyaalayaasha casriga ah ee Meta (Meta Smart Glasses), kuwaas oo loogu talagalay in qofku sawirro iyo muuqaallo ku qaado isaga oo xiran, sida muraayadaha indhaha ee caadiga ah.

Haddaba, waa maxay muraayadaha Meta, sideese u shaqeeyaan? Qofku ma u adeegsan karaa inuu dadka kale ka duubo muuqaallo iyaga oo aan ka warqabin?

Qaybaha uu ka kooban yihiin muraayadaha Meta

Waa qalab tiknoolajiyadeed casri ah oo ay samaysay shirkadda Meta oo kaashanaysa shirkadda Ray-Ban.

Si ka duwan muraayadaha indhaha ee caadiga ah, ama ookiyaalahan waxaa ku dhex jira kamarad yar iyo makarafoon, kuwaas oo qofka u saamaxaya inuu sawirro iyo muuqaallo qaado, telefoon ku hadlo, muusig dhageysto, isla markaana isticmaalo adeegyo kale oo ku shaqeeya sirdoonka macmalka ah (AI).

Waxa ay kaga duwan yihiin kamaradaha telefoonka ayaa ah in qofku muuqaal ka duubi karo jihada uu eegayo, isaga oo aan gacanta ku hayn telefoon ama kamarad kale.

Hase yeeshee, tiknoolajiyaddan ayaa dhalisay dood badan oo ku saabsan ilaalinta xogta gaarka ah ee dadka, gaar ahaan suurtagalnimada in muraayadahan loo adeegsado in sawirro ama muuqaallo laga qaado dad kale iyaga oo aan oggolaansho laga haysan.

Kuwani waa qaar ka mid ah qaybaha ku jira muraayadaha Meta:

  • - Kamarad yar: Muraayadahan waxaa ku dhex jira kamarad awooddeedu tahay 12 megapixel. Noocyada cusub waxay duubi karaan muuqaallo tayo sare leh oo gaaraya 3K Ultra HD, taas oo suurtagelinaysa in sawirrada iyo muuqaalladu noqdaan kuwo cad oo faahfaahsan.
  • - Kaydinta xogta: Waxay leeyihiin meel xogta lagu kaydiyo oo dhan 32GB, taas oo qofka u saamaxaysa inuu sawirrada iyo muuqaallada ku kaydsado muraayadaha ka hor inta uusan telefoonkiisa ugu wareejin.
  • - Sameecado: Waxaa ku dhex jira sameecado yaryar oo qofka u saamaxaya inuu muusig iyo warar dhageysto, isla markaana ka jawaabo wicitaannada telefoonka isaga oo aan dhegaha wax kale gashan.
  • - Makarafoon: Waxay leeyihiin makarafoon qabta codka qofka marka uu telefoonka ku hadlayo ama uu adeegsanayo hawlaha kale ee muraayadaha.
  • Muraayadahan ayaa si isa soo taraysa caan uga noqonaya suuqyada caalamka, iyadoo dadka qaar ay u adeegsadaan fududeynta xiriirka, qaadista sawirrada iyo duubista muuqaallada.

Sida muraayadaha Meta loogu duubo muuqaallo

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qofka isticmaala muraayadaha Meta wuxuu bilaabi karaa duubista muuqaalka isaga oo riixaya badhan ku yaalla muraayadaha ama adeegsanaya amar cod ah.

Sida ay sheegeen shirkadaha Meta iyo Ray-Ban, muraayadahan waxaa ku yaalla nal yar oo cad, kaas oo iftiima marka sawir ama muuqaal la qaadayo, si dadka ku dhow ay u ogaadaan in wax la duubayo.

Qaar ka mid ah noocyada cusub, kamaraddu way istaagtaa haddii nalkaas la daboolo.

Waxaa sidoo kale jira nooc kale oo loo yaqaan Meta Ray-Ban Display, kaas oo mid ka mid ah muraayadihiisa ku dhex leh shaashad yar oo midab leh.

Hase yeeshee, markii madaxa shirkadda Meta, Mark Zuckerberg, uu dadweynaha tusayay sida muraayaduhu u shaqeeyaan, waxaa dhacay arrimo aan sidii la qorsheeyay u dhicin.

Tusaale ahaan, wuxuu isku dayay inuu WhatsApp, oo ay sidoo kale leedahay Meta, uga waco muraayadaha, balse wicitaanku ma suurtagelin inkasta oo uu dhowr jeer isku dayay.

Zuckerberg ayaa dadkii daawanayay ku yiri: "Ma garanayo waxa aan idhaahdo. Mar walba arrintan ayaan ku qaldamaa."

Shirkadda Meta ayaa markii ugu horreysay suuqa moodada iyo muraayadaha indhaha soo gashay sannadkii 2023, markaas oo ay soo saartay muraayadaha Ray-Ban Meta oo ay iska kaashadeen shirkadda Ray-Ban.

Tan iyo xilligaas, shirkaddu waxay si joogto ah muraayadaha ugu soo kordhinaysay teknoolajiyado cusub, gaar ahaan kuwa ku shaqeeya sirdoonka macmalka ah (AI).

Waa imisa qiimaha muraayadaha ama Ookiyaalayaasha Meta?

Qiimaha muraayadaha Meta ayaa ku kala duwan nooca muraayadaha iyo teknoolajiyada ku dhex jirta.

Intii lagu guda jiray munaasabadda Meta Connect, madaxa shirkadda Meta, Mark Zuckerberg, ayaa ku dhawaaqay in muraayadaha cusub ee qorraxda ee Oakley Meta Vanguard lagu iibinayo 499 doollar, halka nooca cusub ee Ray-Ban Meta uu ku kacayo 379 doollar.

Dhanka kale, shirkadda Meta ayaa dhaqaale badan ku bixinaysa horumarinta teknoolajiyada garaadka macmalka ah (AI).

Bishii July 2026, Mark Zuckerberg ayaa ku dhawaaqay in shirkaddu ay boqollaal bilyan oo doollar ku maalgelin doonto dhismaha xarumo waaweyn oo kaydiya isla markaana farsameeya xogta, si loo horumariyo loona maamulo teknoolajiyada AI gudaha Mareykanka.