TOOS, Xuutiyiinta oo sii wada weerarrada garoomada diyaaradaha Sacuudiga iyo dalal muwaadiniintooda uga digay safarka

Xuutiyiinta oo sii wada weerarrada garoomada diyaaradaha Sacuudiga iyo dalal muwaadiniintooda uga digay safarka

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Xasan ayaa la toogan doonaa iyadoo dadweynuhu daawanayaan, arrin aan waayahaan dhicin

    Ninkaan ayaa horey u dilay dad gaaraya 13 qof

    Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pat Hegseth, ayaa sheegay in dadweynuhu si toos ah u daawan karaan dilka toogashada ah ee lagu fulinayo sarkaal hore oo ka tirsanaa milatariga Mareykanka.

    Sarkaal ka tirsan Waaxda Difaaca ayaa BBC-da u sheegay in si toos ah loo baahin doono dilka Nidal Malik Xasan, oo sannadkii 2009 dilay 13 askari oo Mareykan ahaa oo aan hubaysnayn, kuna sugnaa saldhigga milatariga ee Fort Hood.

    Waxaa la rumeysan yahay inay tani noqon doonto dilkii ugu horreeyay oo la fuliyo iyadoo dadweyne daawanayaan gudaha Mareykanka muddo ku dhow 100 sano.

    John Mills, oo ah qareen u dooda maxaabiista lagu xukumay dilka, ayaa sheegay in baahinta tooska ah ee dilka noocan ahi aysan horay uga dhicin waayadan casriga ah, isla markaana go’aanka lagu saleeyay arrin sharci ahaan aan caddayn.

    “Waxaan hubin doonnaa in dadku ay arki karaan, oo uu noqonayo mid dadweynuhu daawan karaan,” ayuu yiri Pat Hegseth.

    “Dadku waxay u baahan yihiin inay fahmaan in falalka noocaas ahi ay leeyihiin cawaaqib culus.”

    Wareysi uu siiyay telefishinka muxaafidka ah ee Real America’s Voice, Hegseth wuxuu sheegay in Xasan lagu dili doono toogasho, isaga oo intaas ku daray in sidaas ay tahay inay dhacdo.

    Pentagon-ka ayaa horraantii toddobaadkan ku dhawaaqay in Xasan lagu fulin doono xukunka dilka ah. Tani waxay noqonaysaa dilkii ugu horreeyay ee lagu fuliyo askari ka tirsan milatariga Mareykanka muddo ka badan 60 sano.

    Nidal Malik Xasan, oo ahaa dhakhtar ciidan darajadiisuna ahayd gaashaanle dhexe, ayaa sannadkii 2009 rasaas ku furay saldhigga Fort Hood. Wuxuu dilay 13 askari oo Mareykan ahaa oo aan hubaysnayn, halka 32 kalena uu dhaawacay.

    Afhayeenka Pentagon-ka, Sean Parnell, ayaa bayaan uu Isniintii ku baahiyay barta X ku sheegay in Xoghayaha Difaaca Pat Hegseth uu ku taliyay xukunka dilka ah, kaas oo uu ansixiyay Madaxweyne Donald Trump.

    Tani waxay noqon doontaa dilkii ugu horreeyay ee askari milatari Mareykan ah lagu fuliyo toogasho tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

  2. War deg deg ah, Degdeg: Toogasho ka dhacday magaalada New York iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

    .

    Sarkaal ka tirsan hay’adda Mareykanka u qaabilsan socdaalka iyo fulinta sharciga socdaalka ee ICE, ayaa nin ku toogtay deegaan ka tirsan magaalada New York.

    Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka, oo ay hoos tagto ICE, ayaa xaqiijisay in sarkaalku uu hubkiisa adeegsaday intii lagu jiray “hawlgal gaar ah oo lagu soo qabanayay soogalooti sharci-darro ku jooga dalka, isla markaana leh taariikh dembiyeed”.

    Wasaaraddu waxay qoraal ku sheegtay in ninkaasi uu weli nool yahay, isla markaana la dhigay isbitaal ku yaalla deegaanka.

    Duqa magaalada New York, Zohran Mamdani, ayaa dhacdada ku tilmaamay “arrin aan la aqbali karin oo aad u culus”.

    “Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan in saraakiishu ay hareereeyeen ninka iyo ilmo shan jir ah oo gaarigiisa ku jiray, ka hor inta aysan dhowr xabbadood ridin,” ayuu yiri Mamdani. Wuxuu sheegay in ilmaha uusan wax dhaawac ah soo gaarin.

    BBC-da ayaa la xiriirtay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka si ay faahfaahin uga hesho hadallada Mamdani.

    Guddoomiyaha gobolka New York, Kathy Hochul, ayaa sheegay inay arrintan kala hadashay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayna muujisay caro ay ku sheegtay inay ku hadlayso magaca shacabka New York.

    Trump weli si cad ugama uusan hadlin toogashada.

    Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in ninka, oo aan magaciisa la shaacin, uu ka soo jeedo Jamhuuriyadda Dominican-ka, isla markaana uu horey u galay dambiyo.

  3. War deg deg ah, Shirkado diyaaradeed oo ku dhawaaqay in ay joojiyeen duulimaadyadii Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    .

    Shirkadaha diyaaradaha ee Lufthansa ee Jarmalka iyo Air India ee Hindiya ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan duullimaadyadooda taga Riyad, caasimadda Sacuudiga, kaddib weerarrada Xuutiyiinta Yemen.

    Joojinta duullimaadyada ayaa timid iyadoo ay sii xoogeysanayaan weerarrada Xuutiyiinta ee lagu beegsanayo garoomada diyaaradaha iyo xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.

    Xuutiyiinta Yemen oo xulafo la ah Iran ayaa Khamiistii kordhiyay weerarrada ay ku qaadayaan Sacuudiga, iyagoo gantaallo ku beegsanaya hawada dalka iyo xarumaha shidaalka. Weerarrada toddobaadkan ayaa sababay dhimashada saddex qof, waxayna si weyn u waxyeelleeyeen diyaarad.

    Kooxda ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay garoonka diyaaradaha Riyad, waxayna shaqaalaha uga digtay inay ka fogaadaan xarumaha tamarta oo ay qorsheynayaan inay weeraraan.

    Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha qaranka Sacuudiga ay waxyeello ka soo gaartay weerarradii lagu qaaday garoonka King Khalid ee Riyadh.

  4. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo weerar la beegsaday diyaarado fadhiyay garoonka diyaaradaha Riyaad iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Sacuudiga

    Laba qof oo goobjoogayaal ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha qaranka Sacuudiga ee Saudia ay soo gaartay waxyeello muuqata, kaddib markii Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen inay Khamiistii weerarro isdaba joog ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha Riyad.

    Ilo xog-ogaal ah ayaa arrintan AFP u sheegay in ugu yaraan hal diyaarad ay garoonka ku soo gaaray burbur xooggan, halka ilo kale ay sheegeen in saddex diyaaradood la weeraray.

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay Khamiistii garoonka ku qaadeen saddex weerar oo kala duwan. Qaraxyo badan ayaa laga maqlay guud ahaan caasimadda, halka ciidamada isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ay sheegeen inay soo rideen gantaallo lagu soo riday garoonka.

    Labada goobjooge ayaa sheegay in jirka diyaarad Sacuudigu leeyahay oo taagnayd Terminal 4 uu ka muuqday dhaawac, oo ay ku jiraan dildilaacyo iyo waxyeello kale. Terminal-kan waxaa hadda duullimaadyada gudaha u isticmaala shirkadaha Sacuudiga iyo Riyad Air.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale hore u sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee dowladda Sacuudiga uu dab xooggan waxyeello ugu geystay iyadoo taagnayd mid ka mid ah terminal-lada garoonka Riyad.

    Xafiiska warbaahinta dowladda Sacuudiga, Hay’adda Duulista Rayidka ee dalka iyo shirkadda diyaaradaha Saudia midkoodna kama uusan hadlin arrintan.