Jimcisiga oo la ogaaday inuu daweeyo xanuunkaan dadka ku badan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Jimicsiga ayaa faa'iido u leh bukaanada qaba xanuunada ku dhaca kala goysyada jirka, waxaana lagu tilmaamaa "daawaynta ugu weyn" ee xanuunka, sida laga soo xigtay urur arrimaha caafimaadka qaabilsan oo ka dhisan Ingiriiska.
Machadka qaranka ee caafimaadka iyo daawada ee UK ayaa leh: "Marka aad jimicsiga sameyneyso waxaad dareemi kartaa xanuun marka hore laakiin wuxuu kaa caawinayaa inuu yareeyo xanuunka cudurrada ku dhaca kala goysyada jirka"
War deg deg ah, Duuliye diyaaradeed oo ku geeriyooday weerar Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Riyaad
Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images
Shirkadda
diyaaradaha ee Sacuudiga, Saudia, ayaa xaqiijisay geerida mid ka mid ah
duuliyayaasheeda, kadib dhacdo Khamiistii ka dhacday garoonka diyaaradaha
caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyad.
Shirkaddu
waxay duuliyaha ku sheegtay Xamuud Cali
Al-Kulthami.
Wakaaladda
wararka ee Reuters ayaa horay u sheegtay, iyada oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal
ah, in diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Sacuudiga, isla
markaana taalla terminal ka mid ah garoonka Riyad, uu dab si weyn u
waxyeelleeyay.
Dhanka kale,
Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in saddex qof ay ku
dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerarro Khamiistii lagu qaaday
garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyad, halka hal diyaarad
ay waxyeello soo gaartay.
War deg deg ah, Faransiiska iyo Sacuudiga oo dejinaya qorshayaal cusub oo liddi ku ah Xuutiga Yemen
Jeneraal
Fabien Mandon, oo ah madaxa taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee
Faransiiska, ayaa Khamiistii sheegay in Faransiiska iyo Sacuudigu ay ka wada
hadlayaan dhowr qorshe oo la adeegsanayo qalabka milatari iyo ciidamada
Faransiiska si loo ilaaliyo dekedda shidaalka ee Yanbu.
“Arrintan ayaa
hadda si wadajir ah dib loogu eegayaa Sacuudiga. Waxaan qiimeynaynaa qorshayaal
kala duwan oo lagu ilaalinayo dekedda Yanbu, oo hore loo weeraray, isla
markaana muhiim u ah ganacsiga shidaalka,” ayuu Mandon ka sheegay dhageysi
baarlamaan.
Madaxa taliska
guud ee ciidamada qalabka sida ee Faransiiska ayaa sheegay in dalkiisu uu hore
gobolka u geeyay ku dhowaad 2,000 oo askari si ay gacan uga geystaan ilaalinta
xulafadiisa ku sugan Gacanka Faaris, oo ay ku jiraan Qadar iyo Kuwait.
Dekedda
shidaalka ee Yanbu, oo ku taalla xeebta galbeed ee Sacuudiga, ayaa dalka u
saamaxaysa inuu dhoofiyo shidaalkiisa isaga oo aan marin Marinka Hormuz.
War deg deg ah, Xasan ayaa la toogan doonaa iyadoo dadweynuhu daawanayaan, arrin aan waayahaan dhicin
Xigashada Sawirka, Bell County Sheriff's Office/Reuters
Xoghayaha
Difaaca Mareykanka, Pat Hegseth, ayaa sheegay in dadweynuhu si toos ah u daawan
karaan dilka toogashada ah ee lagu fulinayo sarkaal hore oo ka tirsanaa
milatariga Mareykanka.
Sarkaal ka
tirsan Waaxda Difaaca ayaa BBC-da u sheegay in si toos ah loo baahin doono
dilka Nidal Malik Xasan, oo sannadkii 2009 dilay 13 askari oo Mareykan ahaa oo
aan hubaysnayn, kuna sugnaa saldhigga milatariga ee Fort Hood.
Waxaa la
rumeysan yahay inay tani noqon doonto dilkii ugu horreeyay oo la fuliyo iyadoo
dadweyne daawanayaan gudaha Mareykanka muddo ku dhow 100 sano.
John Mills, oo
ah qareen u dooda maxaabiista lagu xukumay dilka, ayaa sheegay in baahinta
tooska ah ee dilka noocan ahi aysan horay uga dhicin waayadan casriga ah, isla
markaana go’aanka lagu saleeyay arrin sharci ahaan aan caddayn.
“Waxaan hubin
doonnaa in dadku ay arki karaan, oo uu noqonayo mid dadweynuhu daawan karaan,”
ayuu yiri Pat Hegseth.
“Dadku waxay u
baahan yihiin inay fahmaan in falalka noocaas ahi ay leeyihiin cawaaqib culus.”
Wareysi uu
siiyay telefishinka muxaafidka ah ee Real America’s Voice, Hegseth wuxuu
sheegay in Xasan lagu dili doono toogasho, isaga oo intaas ku daray in sidaas
ay tahay inay dhacdo.
Pentagon-ka
ayaa horraantii toddobaadkan ku dhawaaqay in Xasan lagu fulin doono xukunka
dilka ah. Tani waxay noqonaysaa dilkii ugu horreeyay ee lagu fuliyo askari ka
tirsan milatariga Mareykanka muddo ka badan 60 sano.
Nidal Malik Xasan,
oo ahaa dhakhtar ciidan darajadiisuna ahayd gaashaanle dhexe, ayaa sannadkii
2009 rasaas ku furay saldhigga Fort Hood. Wuxuu dilay 13 askari oo Mareykan ahaa
oo aan hubaysnayn, halka 32 kalena uu dhaawacay.
Afhayeenka
Pentagon-ka, Sean Parnell, ayaa bayaan uu Isniintii ku baahiyay barta X ku
sheegay in Xoghayaha Difaaca Pat Hegseth uu ku taliyay xukunka dilka ah, kaas
oo uu ansixiyay Madaxweyne Donald Trump.
Tani waxay
noqon doontaa dilkii ugu horreeyay ee askari milatari Mareykan ah lagu fuliyo
toogasho tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
War deg deg ah, Degdeg: Toogasho ka dhacday magaalada New York iyo warar dheeraad ah oo laga helayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Sarkaal ka tirsan hay’adda Mareykanka u qaabilsan
socdaalka iyo fulinta sharciga socdaalka ee ICE, ayaa nin ku toogtay deegaan ka
tirsan magaalada New York.
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka, oo ay hoos tagto
ICE, ayaa xaqiijisay in sarkaalku uu hubkiisa adeegsaday intii lagu jiray
“hawlgal gaar ah oo lagu soo qabanayay soogalooti sharci-darro ku jooga dalka,
isla markaana leh taariikh dembiyeed”.
Wasaaraddu waxay qoraal ku sheegtay in ninkaasi uu weli
nool yahay, isla markaana la dhigay isbitaal ku yaalla deegaanka.
Duqa magaalada New York, Zohran Mamdani, ayaa dhacdada ku
tilmaamay “arrin aan la aqbali karin oo aad u culus”.
“Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan in saraakiishu ay
hareereeyeen ninka iyo ilmo shan jir ah oo gaarigiisa ku jiray, ka hor inta
aysan dhowr xabbadood ridin,” ayuu yiri Mamdani. Wuxuu sheegay in ilmaha uusan
wax dhaawac ah soo gaarin.
BBC-da ayaa la xiriirtay Wasaaradda Amniga Gudaha ee
Mareykanka si ay faahfaahin uga hesho hadallada Mamdani.
Guddoomiyaha gobolka New York, Kathy Hochul, ayaa sheegay
inay arrintan kala hadashay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayna muujisay
caro ay ku sheegtay inay ku hadlayso magaca shacabka New York.
Trump weli si cad ugama uusan hadlin toogashada.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in ninka, oo aan
magaciisa la shaacin, uu ka soo jeedo Jamhuuriyadda Dominican-ka, isla markaana
uu horey u galay dambiyo.
War deg deg ah, Shirkado diyaaradeed oo ku dhawaaqay in ay joojiyeen duulimaadyadii Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta
Xigashada Sawirka, Reuters
Shirkadaha diyaaradaha ee Lufthansa ee Jarmalka iyo Air India ee Hindiya
ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan duullimaadyadooda taga Riyad, caasimadda
Sacuudiga, kaddib weerarrada Xuutiyiinta Yemen.
Joojinta duullimaadyada ayaa timid iyadoo ay sii xoogeysanayaan
weerarrada Xuutiyiinta ee lagu beegsanayo garoomada diyaaradaha iyo xarumaha
shidaalka ee Sacuudiga.
Xuutiyiinta Yemen oo xulafo la ah Iran ayaa Khamiistii kordhiyay
weerarrada ay ku qaadayaan Sacuudiga, iyagoo gantaallo ku beegsanaya hawada
dalka iyo xarumaha shidaalka. Weerarrada toddobaadkan ayaa sababay dhimashada
saddex qof, waxayna si weyn u waxyeelleeyeen diyaarad.
Kooxda ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay garoonka diyaaradaha Riyad,
waxayna shaqaalaha uga digtay inay ka fogaadaan xarumaha tamarta oo ay
qorsheynayaan inay weeraraan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaarad rakaab oo ay leedahay
shirkadda diyaaradaha qaranka Sacuudiga ay waxyeello ka soo gaartay weerarradii
lagu qaaday garoonka King Khalid ee Riyadh.
War deg deg ah, Xuutiyiinta oo weerar la beegsaday diyaarado fadhiyay garoonka diyaaradaha Riyaad iyo faahfaahin ka soo baxaysa
Xigashada Sawirka, Reuters
Laba qof oo goobjoogayaal ah ayaa wakaaladda wararka ee
AFP u sheegay in diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha qaranka Sacuudiga
ee Saudia ay soo gaartay waxyeello muuqata, kaddib markii Xuutiyiinta Yemen ay
sheegteen inay Khamiistii weerarro isdaba joog ah ku qaadeen garoonka
diyaaradaha Riyad.
Ilo xog-ogaal ah ayaa arrintan AFP u sheegay in ugu yaraan
hal diyaarad ay garoonka ku soo gaaray burbur xooggan, halka ilo kale ay
sheegeen in saddex diyaaradood la weeraray.
Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay Khamiistii garoonka ku
qaadeen saddex weerar oo kala duwan. Qaraxyo badan ayaa laga maqlay guud ahaan
caasimadda, halka ciidamada isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ay sheegeen
inay soo rideen gantaallo lagu soo riday garoonka.
Labada goobjooge ayaa sheegay in jirka diyaarad Sacuudigu
leeyahay oo taagnayd Terminal 4 uu ka muuqday dhaawac, oo ay ku jiraan
dildilaacyo iyo waxyeello kale. Terminal-kan waxaa hadda duullimaadyada gudaha
u isticmaala shirkadaha Sacuudiga iyo Riyad Air.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale hore u
sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in diyaarad rakaab oo ay
leedahay shirkadda diyaaradaha ee dowladda Sacuudiga uu dab xooggan waxyeello
ugu geystay iyadoo taagnayd mid ka mid ah terminal-lada garoonka Riyad.
Xafiiska warbaahinta dowladda Sacuudiga, Hay’adda Duulista
Rayidka ee dalka iyo shirkadda diyaaradaha Saudia midkoodna kama uusan hadlin
arrintan.