Xiisada u dhaxeysa Pakistan iyo Afgaanistaan ayaa gaartay meeshii ugu sareysay kadib dagaaladii habeenkii Khamiista ka dhacay xuduuda iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada cirka Pakistan ay ka fuliyeen gudaha Afgaanistaan.
Labada dal waxay sheegteen inay dileen tobonaan askari oo midba midka kale ka dilay, sidoo kalena ay qabsadeen saldhigyo xuduudeed, ayna khasaare xooggan u geysteen bartilmaameedyo ciidan. BBC way awoodi wayday inay si madax banaan u xaqiijiso khasaarahan.
Hawlgalladan militari ee ka dhanka ah Afqaanistaan ee Pakistan ayaa loogu magac daray 'Ghadbullah Haqq'.
War deg deg ah, Iiraan oo diiwaan gelisay dhacdooyin ka dhashay duqeymihii iyo weerarradii Mareykanka iyo Israa'iil
Maxamed
Reza Zafarghandi, wasiirka caafimaadka ee Iran, ayaa sheegay in qoraalladiisii
ugu dambeeyay intii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ee
ka dhanka ahaa Iran, “ku dhowaad 240 weerar lagu qaaday xarumaha caafimaadka
iyo isbitaallada la diiwaangeliyay, oo ay ku jiraan 50 isbitaal iyo ku dhowaad
50 xarumood oo gurmad degdeg ah oo waxyeello soo gaartay.”
Sarkaalkan
dowladda Iran ayaa sheegay in faahfaahinta weerarradan la diiwaangeliyay oo la
kaydiyay.
Maalmihii
ugu horreeyay ee duqeymaha cirka ee ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen
Tehran, sawirro muujinaya burburka dhowr isbitaal oo ku yaalla caasimadda ayaa
la baahiyay, taasoo keentay in war-baahinta caalamka ka hadlaan.
Xaaska Trump oo ka carootay hadal uu yiri nin majaajileyste ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaaska madaxweyne Trump ee Melania ayaa ku tilmaantay
majaajiliistaha lagu magacaabo Jimmy Kimmel nin fulay ah, ka dib markii uu sheegay inay “ula muuqato haweeney sugaysa inay noqoto carmal.”
Ninkaan ayaa soo jeedinayay khudbad majaajilo ah ka hor munaasabaddii Sabtida Washington ka
dhacday, oo markii dambe lagu kala cararay kadib markii uu nin isku dayay inuu weeraro xafladda kaas oo lagu eedeyay inuu doonayay inuu dilo Trump iyo saraakiil kale oo Mareykan ah.
Sarkaal
Mareykan ah ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Donald Trump uusan ku
qanacsanayn soo jeedin ka timid Iiraan, sababtoo ah ma aysan ka hadlin
barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.
Reuters
ayaa soo xigatay sarkaalka Mareykanka isagoo oronayaTrump: “Ma jecla soo
jeedintan.”Trump
ayaa kala hadlay soo jeedinta la-taliyeyaashiisa sare-sare ee amniga qaranka
Mareykanka.
Khilaafka
u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa weli meel sare taagan, iyadoo sahayda
tamarta ee gobolka ay hoos usii dhacayso.
Ilo
dhanka Iiraan ah ayaa horrey u sheegay in soo jeedintu ay dib u dhigeyso
wadahadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ilaa uu dagaalku
dhammaado, lana xalliyo khilaafaadka la xiriira maraakiibta iyo marin-biyoodka Hormuz.
Washington
ayaa sheegtay in arrimaha nukliyeerka ay tahay in la wajaho bilowga hore.
Ilo
ka socda Pakistan, oo dhexdhexaadin ka dhex wada, dhinacyada ayaa sheegay in
dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo farqiga u dhexeeya Mareykanka iyo
Iiraan aysan istaagin.
Si
kastaba ha ahaatee, rajada dib u soo nooleynta dadaallada nabadda ayaa sii
yaraanaysa tan iyo markii Trump uu toddobaadkan dhammaadkiisa ku dhawaaqay inuu
baajiyay booqasho ay ku tegi lahaayeen magaalada caasimadda Pakistan ee
Islamabad ergaygiisa gaarka ah Steve Wittkopf iyo wiilka uu sodogga u yahay ee
Jared Kushner.
Dhageysiga
xiga ee kiiska Cole Thomas Allen, oo lagu tuhunsan yahay isku day dilka
madaxweynaha Maraykanka, ayaa loo qorsheeyay Khamiista.Dhageysigan
waxaa lagu go’aamin doonaa inta uu Allen ku sii jiri doono xabsiga ilaa
maxkamaddiisa ay ka bilaabanayso.
Halkan
waxaan faahfaahin doonaa eedeymaha loo haysto iyo ciqaabaha suurtagalka ah:Eedda
koowaad: Isku day dilka Madaxweynaha Maraykanka. Haddii lagu helo dembi, wuxuu
wajihi karaa xabsi daa’in oo federaal ah.
Eedda
saddexaad: Rasaas ku ridid hub inta lagu jiro fal dembiyeed rabshado wata.
Haddii lagu helo dembigan, wuxuu wajihi karaa ilaa 10 sano oo xabsi federaal
ah.
Madaxweynihii Mali iyo saraakiil kale oo war iyo wacaal aan laga haynin
Madaxii dowladda milatariga ee dalka Mali iyo qaar ka mid ah taliyeyaasha ugu sarreeya dalkaas ayaan wax war ah laga maqal tan iyo weerarradii ay fuliyeen kooxda Al-Qaacida iyo kooxda gooni u goosadka ah oo ka dhacay dalkaas.
Tani waxay dhalisay warar sheegaya in madaxweynaha la dhaawacay, ama laga yaabo in laga saaray dalka.
Waxa kale oo jira warar ku saabsan loollan awoodeed oo dalka ka dhex jira, iyadoo la rumeysan yahay in la isku dayayo in lagu beddelo General Malick Diaw oo laga dhigo madaxweyne ku meel-gaar ah , sida uu sheegay wargeyska madaxa-bannaan ee Nouvel Horizon.
Ururka Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin, ayaa hoggaamiyay weerarro lagu qaaday saldhigyo milatari oo ku yaal Bamako, kuwaas oo lagu dilay wasiirkii difaaca dalka, t General Sadio Camara.
Mas'uuliyiinta aan war iyo wacaal laga hayn waxaa ka mid ah Madaxweynaha, General Assimi Goïta, La-taliyaha Amniga Madaxweynaha, General Modibo Kone, Wasiirka SAmniga, General Ismael Wagué, iyo kuwo kale.
Aqalka Cad oo lagu lafa-guray qorshaha Iiraan ee Hormuz
Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeenka Aqalka Cad ee dalka Mareykanka Carolyn Levitt, ayaa la waydiiyay in madaxweynaha Mareykanka uu aqbali doono dalabka Iiraan ee ku saabsan in la is-dhaafsado furitaanka Marinka Hormuz iyo shuruudaha ay wataan, afhayeenka Aqalka Cad Carolyn Levitt ayaa tiri:“Waxaan xaqiijin karaa in madaxweynuhu uu la kulmay kooxda amniga qaranka subaxnimadii maanta.
Kulankaas wuu sii socon karaa. Si dhab ah uma sheegi karo, balse dalabkaas weli waa la tixgelinayaa. Levitt waxay carrabka ku adkaysay in qadka casaanka ah ee Donald Trump ee ku saabsan Iiraan ay si cad ugu sheegeen shacabka Mareykanka iyo sidoo kale dowladda Iiraan.
Afhayeenka Aqalka Cad waxay hadalkeeda ku soo gabagabeysay in Madaxweynaha Mareykanka uu si dhow oo shakhsi ah uga hadli doono arrintan.
War deg deg ah, Degdeg: "Soo jeedinta Iiraan ma waafaqsana dalabka Mareykanka"
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio,
ayaa sheegay in mowqifka Iiraan ee ku aaddan Marinka Hormuz, oo ay maraan ku
dhawaad shan meelood meel saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee
adduunka, uusan waafaqin dalabaadka Washington.
Wuxuu u sheegay Fox News: “Haddii waxa ay uga jeedaan
furitaanka marinka ay tahay in marinku furnaado kaliya marka lala socdo Iiraan
oo oggolaansho laga helo, haddii kalena ay weerari doonaan oo lacag laga qaado
maraakiibta, markaa tani ma aha furitaan marin.”