Maxay ka dhigan tahay in Mareykanku uu cunaqabateyn kusoo rogayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada?

Xigashada Sawirka, Reuters
Maamulka Trump ayaa si weyn u dardargeliyay dadaallada uu ku doonayo inuu ku "burburiyo" Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) — taas oo uu ku tilmaamay hay'ad "aan xeerarka caalamiga ah ixtiraamin" — isagoo ku dhawaaqay cunaqabatayn ballaaran oo ka dhan ah maxkamaddaas.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in tallaabooyinka lagu mamnuucayo hay'adaha Mareykanka inay la macaamilaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) loo qaaday "si loo difaaco madax-bannaanida Mareykanka," wuxuuna ku eedeeyay maxkamadda inay isku dayayso inay dacwad ku oogto muwaadiniin Mareykan ah.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa sheegtay in tallaabooyinkani ay ahaayeen weerar lagu qaaday sareynta sharciga iyo aasaaska nidaamka sharciga caalamiga ah.
Shaacintan ayaa timid saacado uun ka dib markii garsoorihii hore ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Navi Pillay, la guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka ee sannadka 2026-ka, taas oo lagu aqoonsanayo dadaalkeeda ku aaddan horumarinta nabadda iyo sharciga caalamiga ah.
Mareykanka ayaa horey u saaray cunaqabateyn 17 garsoore iyo mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), balse tallaabadan ayaa u beegsanaysa maxkamadda hay'ad ahaan, waxayna ujeeddadeedu tahay in la curyaamiyo awooddeeda dhanka dhaqaalaha ee ay ku shaqeyso.
Mareykanka ayaa oggolaaday muddo ku-meel-gaar ah oo lix bilood ah ka hor inta aysan dhaqan-gelin qaar ka mid ah cunaqabateyntan cusub, taas oo ka dhigan in dalalka xubnaha ka ah ay sii wadi karaan bixinta kharashka hawlahooda.
UK ayaa ku biirtay Canada, Denmark, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Japan iyo Netherlands iyagoo xaqiijiyay "taageerada joogtada ah ee aan kala go 'lahayn" ee ay u hayaan ICC waxayna sheegeen inay "ka xunyihiin oo ay si xooggan uga soo horjeedaan" cunaqabataynta.

