Ma jeclaan lahayd inaad ogaato in noloshaadu ay goor hore dhammaan doonto?

Nolosha
Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Haddii aad ogaan karto inaad leedahay hidde-side sababi kara in noloshaadu goor hore dhammaato, ma jeclaan lahayd inaad ogaato?

Taasi waa xaaladdii ay Laura Sides wajahday markii loo soo bandhigay baaritaan lagu ogaanayo nooc dhif ah oo xanuunka asaasaqa ah oo ku dhaca dadka da'da yar, kaas oo aabbaheed laga helay isaga oo ku jira da'adaafartameeyada.

Laura ayaa Dr Sian Williams, oo daadihisa barnaamijka Life Changing ee BBC Radio 4, uga warrantay go'aankii ay ku qaadatay inay baaritaanka samayso iyo sida uu go'aankaasi u saameeyay nolosheeda inteeda kale.

Laura waxay sheegtay in markii ay yarayd ay mar walba dareemi jirtay inay aabbaheed aad isugu dhow yihiin, maadaama ay lahaayeen "dabeecad isku mid ah". Aabbaheed wuxuu ahaa dhakhtar guud, waxayna ku tilmaantay "aabbe aad u wanaagsan oo jacayl badan".

Markii calaamadaha cudurka Alzheimers ee aabbaheed ay sii xumaadeen, Laura waxay ka tagtay jaamacadda si ay u daryeesho.

"Waxaan wada qaadan jirnay waqti aad u qurux badan," ayay tiri, iyadoo xusuusanaysa safarradii ay ku tageen xeebta.

"Waxaan u diyaarin jiray qubays, muusig ayaan u shidi jiray, waxaanan madaxiisa ku shubi jiray biyo diirran oo aan weelal ku soo qaado, aad buuna ugu raaxaysan jiray."

Laura Sides

Markii ay aabbaheed u raacday ballan caafimaad oo isbitaal, markaas oo dhakhtar Laura u sheegay in ay jirto boqolkiiba 50 fursad ah inay ku dhacdo isla nooca Alzheimers-ka ku bilowda da'da yar, kaas oo loo yaqaan "nooca London".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxa keliya ee maskaxdayda ku jiray waxay ahayd in arrintu tahay sida lacag qadaadiic ah oo hawada loo tuuro, oo labada dhinac midkood ku dhici karto," ayay tiri.

"Weli si weyn ayaan ugu mashquulsanaa xaaladdiisa [aabbaheed]. Sidaas darteed, arrintaas si qoto dheer ayaan naftayda uga qariyay."

Aabbaheed Laura, wuxuu geeriyooday sanadkii 2009, sannad keliya kaddib markii ay hooyadeed geeriyootay.

"Si kedis ah ayaan u dareemay rabitaan xooggan oo ah inaan meesha ka tago," ayay tiri. Sidaas darteed, waxay qorshaysatay safar ay kaligeed adduunka ku soo marayso, ugu dambayntiina waxay degtay magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Halkaas ayay fikradaha ku saabsan inay dhaxli karto cudurkii aabbaheed ku "bilaabeen inay maskaxdeeda ku soo noqnoqdaan". Sannadkii 2013-kii ayay u tagtay dhakhtar ku takhasusay cudurka.

Dhakhtarku wuxuu u sheegay in baaritaan lagu ogaan karo, iyadoo la adeegsanayo hubanti boqolkiiba 99.999 ah, inay dhaxli doonto asaasaqa ku bilowda da'da yar iyo in kale. Wuxuu sheegay in haddii ay hidde-sideha cudurka leedahay, da'da la filayo inay hoos u dhac ku bilowdo ay noqon doonto inta u dhexeysa 46 iyo 48 sano.

"Waxaan is iri, weli da'daas ma gaarin. Ma doonayo inaan baaritaankaas sameeyo," ayay tiri.

Markii Laura, ay gashay da'da soddomeeyada, waxay ogaatay inay marba marka ka dambaysa ka sii fikirayso baaritaanka, waxayna go'aansatay inay rabto inay ogaato.

Hase yeeshee, marka hore waxaa qasab ku noqotay inay muddo lix bilood ah qaadato la-talin ku saabsan baaritaanka hidde-sideyaasha.

"Ma jiraan dhinacyo badan oo nolosha ah oo aad ku ogaan karto waxa mustaqbalkaaga kuu qoran, xogta noocaas ahna aad bay u adkaan kartaa in qofku la qabsado," ayay tiri.

Kadib markii ay lix toddobaad sugaysay natiijada baaritaanka, ugu dambayntii waxaa la gaaray maalintii ay jawaabta heli lahayd. Laura waxay sheegtay inay dareemaysay "cabsi aad u weyn".

Laura Sides

Waxay ballan qado la lahayd saaxiibteed kaddib kulanka dhakhtarka, balse baaritaanka waxay tagtay iyadoo kaligeed ah.

"Waxaan iri, 'Aan si toos ah u guda galno arrinta.' Waxay igu yiraahdeen, 'Aad baan uga xunnahay, warku ma fiicna, waxaadna dhaxashay hidde-sideha cudurka.'"

Waxay xusuusataa inay halkaas fadhiday iyadoo maskaxdeedu ku jirto "buuq aan caddayn oo wax walba ka dhigayay sidii wax ceeryaamo ah".

"Markii aan qolkaas ka soo baxay, saaxiibteey ayaa oohin la dhacday aad u daran." Laakiin Laura wax falcelin ah ma samayn.

"Waxaan tagnay qadadii, waqti fiicanna waan wada qaadannay. Ma garanayo in warku weli si dhab ah iigu dhacay iyo in kale."

Xaqiiqada arrintu waxay si buuxda ugu soo baxday markii dambe.

"Waan xanaaqay. Waxaan dareemay in arrintani ay ahayd caddaalad-darro weyn. Waxaan aad ugu wareeray sida la iga filayay inaan hadda u noolaado. Sidee ayaad ula noolaan kartaa aqoontaas?" ayay tiri.

Laura waxay bilowday inay dareento rabitaan xooggan oo ku kallifaya inay dib ugu laabato waddankeeda UK, gaar ahaan markii ay walaasheed uur yeelatay.

"Macno ma samaynayso inaan ku noolaado meel dunida dhinaceeda kale ah, iyadoo ay walaashay ilmo dhali doonto," ayay tiri.

Si kastaba ha ahaatee, safarradeedii ay adduunka ku soo maraysay way sii socdeen, iyadoo ka qayb qaadanaysay tijaabooyin caafimaad ka hor iyo kaddib markii cudurka laga helay.

"Waxay ila ahayd arrin aad u wanaagsan inaan ka qayb qaato wax faa'iido leh, iyadoo xaaladdu markii hore ahayd mid aad u xun," ayay tiri.

Katie Doy

Laura hadda waa 43 jir, waxaana saddex sano oo keliya ka xiga da'da ay dhakhaatiirtu saadaaliyeen inay bilaabi doonto inay dareento calaamadaha cudurka.

"Mar walba waxaan sugayaa in maalin uun ay wax si dhab ah ii soo wajahaan. Waxaan filayaa in maalin uun xaaladdaydu bilaabi doonto inay ka sii darto, laakiin arrintaasi habeenkii hurdada igama kiciso."

Waxay sheegtay inay "u mahadcelinayso, isla markaana nasiib badan u tahay dadka nolosheeda ku jira". Hase yeeshee, la kulanka dad cusub ayaa ku adag.

"Ma u sheegaa? Mise uma sheego? Goorma ayaan u sheegaa?

"Inta badanna, marka aan u sheego, xiriirkii halkaas ayuu ku dhammaadaa."

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in waayo-aragnimadeedu ay muujisay in fikirkaasi aanu mar walba sax ahayn.

"Waxaa la i tusay inaan heli karo jacayl, inkastoo aan xaaladdan qabo. Taasi waxay qalbigayga gelisaa kalsooni iyo farxad."

Laura, waxay sheegtay inay mar walba "si aan ka fiirsasho lahayn u malayn jirtay" inay hooyo noqon doonto.

"[Hooyonimadu] waxay ka mid ahayd waxyaabaha aadka u yar ee aanan waligay shaki ka gelin inaan ku fiicnaan doono, isla markaana aan doonayay inaan sameeyo. Taasi way adag tahay... laakiin macno ma samaynayso inaan sidaas sameeyo. ..."

Laura, nolosheeda hadda waxay diiradda saaraysaa inay waqti geliso waxyaabaha "farxad geliya".

"Ma aha inaan hiigsanayo waxyaabo waaweyn. Ma aha inaan doonayo inaan booqdo Grand Canyon... Waxaan rabaa inaan hadda waqti la qaato dadka aan aadka u jeclahay, ee aan agtooda ku dareemo ammaan.

"Waxaan jeclahay dabeecadda iyo inaan bannaanka joogo. Aad baan u jeclahay inaan biyaha dhex galo. Waxaa laga yaabaa inay u muuqato hadal caadi ah oo aan qoto dheerayn, laakiin... waxaan aaminsanahay in waxyaabaha yaryar ay dhab ahaantii yihiin waxyaabaha ugu waaweyn."

"Waxaan rajaynayaa oo keliya inaan sannado qurux badan oo kooban ku qaato dunidan...."