Hawlo aan dhammaan oo maskaxdaada daaliyay? Shan tallaabo oo fudud ayaa dhibaatadaas kaga bixi kartaa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka maalinta shaqada kaa dhammaato, ma kugu adag tahay inaad maskaxdaada dejiso? Waxaa laga yaabaa inaad la daalaa dhacayso waxa loo yaqaanno saameynta Zeigarnik. Talooyinkan ayaa kaa caawin kara inaad si dhab ah u nasato.
Kombiyuutarkayga mar walba waxaa ka furan bogag badan oo aan wax ka raadiyo, badankooduna waa cilmi-baaris aan maqaalkan uga diyaarinayo. Maanta oo keliya, hal daaqad ayaan ka tiriyay 61 bog oo wada furan.
Markaan mashruuc soo gabagabeeyo, inaan xiro bogagga la xiriira waxay ii gelinaysaa dareen degganaansho ah. Sababtu waa in bog kasta uu matalo shaqo aan weli dhammaysnayn, taas oo cilmi-baaris lagu ogaaday inay maskaxda culays geliso, isla markaana ay diiradda yareyso.
Laakiin inta badan shaqada, isla marka uu hal mashruuc dhammaado, kan xiga ayaa bilaabma. Ama, xaaladdayda, mashaariicdu way is dul saaran yihiin.
Waxaan khubaro kala hadlay sida loo yareyn karo daalka maskaxda ee ay keenaan hawlaha aan weli dhammaan. Waxaan ogaaday in dejinta maskaxda ay leedahay faa'iido weyn, waxaana kaliya loo baahan yahay inaan qaadno tallaabooyin aan si miyir leh u samaynayno.
'Waxaan rabnaa inaan wax walba dhammeyno'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Fikradda ah in hawlaha aan dhammaan ay boos gaar ah ka qaataan xusuusteena waxay jirtay ku dhowaad 100 sano.
Sannadkii 1927, Bluma Zeigarnik oo ah cilmi-nafsi yaqaan Ruush ah ayaa soo saartay cilmi-baaris muujinaysa in dadku ay aad u xasuustaan hawlaha aan dhammaan ee dhexda lagu joojiyay, marka loo eego kuwa la dhammeeyay.
Waxaa la sheegaa in fikradda tijaabadan uu Zeigarnik ka qaatay macallinkiisa Kurt Lewin, markii uu ku arkay shaqaale makhaayad mashquul badan ka shaqeynaya. Wuxuu ogaaday inay dalabaadka waaweyn si fiican u xasuustaan inta aan lacagta la bixin, laakiin isla marka lacagta la bixiyo ay markiiba illoobaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay i xasuusinaysaa daawashada TV-ga, halkaas oo sheeko aan dhammaan ay igu qasabto inaan sii daawado, isla markaana ay safarka jilayaasha ka dhigto mid cusub oo maskaxdeena ku nool.
Cilmi-nafsigu ilaa maanta waxay u yaqaanaan tan "Saameynta Zeigarnik". Inkastoo kororka xusuusta ee la xiriira hawlaha aan dhammaan ay adkaatay in mar walba si isku mid ah loo soo celiyo, saameyntu waxay dhiirrigelisay daraasado badan oo muujinaya in hawlaha aan dhammaan ay maskaxdeena sii haystaan.
"Waxaan leennahay baahi maskaxeed oo ah inaan wax soo gabagabeyno, waxaana rabnaa inaan wax walba dhammeyno," ayay tiri Christine Syrek, oo ah bare cilmi-nafsi oo ka dhigta Jaamacadda Sayniska ee Bonn-Rhein-Sieg ee Jarmalka.
Marka hawluhu ay weli socdaan, in xogtoodu ay maskaxda ku sii jirto waa wax inoo taraya. "Waa wax waxtar leh, maxaa yeelay marka aan mar kale bilowno way inaga caawinaysaa: wax walba waxay maskaxdeena ugu jiraan iyagoo diyaar ah," ayay tiri Syrek.
Laakiin in maskaxdu ay sii shaqeyso waxay keeni kartaa dhibaato. Syrek iyo kooxdeeda waxay ogaadeen in shaqooyinka aan dhammays tirnayn ee dhammaadka toddobaadka ay keeneen walbahaar, hurdo la'aan, iyo in maskaxdu ay weli ku mashquusho shaqada.
Iyadoo taas la xasuusan yahay, halkan waxaa ku yaalla shan qaab oo kaa caawin kara in maskaxdaadu ay nasato.
1. Samee hadafyo waqti xaddidan leh
Shaqada aan dhammaan waxay dadka ka dhigi kartaa inay dareemaan awood yar. Hal daraasad, shaqaaluhu waxay ku dhibtoodeen inay nastaan marka hawluhu aysan dhammays tirnayn, taas oo keentay fikrado xun-xun.
Taas beddelkeeda, haddii ay dareemaan inay horumar sameeyeen, dareenkooda awoodda iyo xakamaynta ayaa soo hagaagay, walbahaarkooduna wuu yaraaday.
Tani micnaheedu ma aha inaan dhammeyno dhammaan hawlaha, ayay tiri Syrek. Beddelkeeda, waxay noqon kartaa in la sameeyo qorshe cad oo ku saabsan sida liiska hawlaha loo dhammeynayo.
Marka dadku ay si firfircoon u qorsheeyaan, yoolal dejiyaan, oo ay saadaaliyaan caqabadaha, way u fududaataa inay iska daayaan. "Waxaan u baahanahay inaan maskaxdeena dejinno anagoo leh, 'Ma illoobi doono. Waan ogahay inaan qorey,'" ayay tiri Syrek.
Qorsheynta bilowga maalinta shaqada ayaa sidoo kale caawin karta. Marka dadku ay subaxdii mudnaanta siiyaan hawlaha, hal daraasad ayaa ogaatay inay ka caawisay inay si fudud ugu gudbaan maalintooda shaqada.
Xaaladdayda, waxaan u arkaa mid waxtar leh inaan subax kasta eego xusuus-qorkayga si aan u qorsheeyo waqti aan kala go' lahayn oo cilmi-baaris iyo qorid ah, taas oo iga dhigaysa inaan dareemo hubanti ah in maqaalkan la dhammeyn doono.
2. Dami barnaamijyada xusuusinta
Barnaamijyada taleefannadeena waxay fududeyn karaan in mar walba lala xiriiro.
Xitaa waqtiga aan nasanayno, maskaxdeenu waxay ku mashquuli kartaa ka fakarka xal u helidda dhibaatooyinka, ayay tiri Joan Ongchoco oo ah bare kaaliye ku takhasustay cilmi-nafsiga Jaamacadda British Columbia. "hadal-jeedintii toddobaadkii hore waxaan ku riyoonayay xitaa anigoo hurda," ayay tiri.
Hubinta emaylka oo joogto ah waxay kaloo keeni kartaa isku dhac u dhexeeya shaqada iyo qoyska, maadaama caadadani ay shaqada soo geliso guriga, sida lagu sheegay dib u eegis lagu sameeyay arrintan.
Sida ugu fudud ee walbahaarka noocan ah lagu yareeyo waa in emaylka la hubiyo marar ka yar. Waxaad sugi kartaa ilaa shaqada aad ka bilowdo, ama waxaad u qorsheyn kartaa waqtiyo cayiman oo aad ku hubiso.
Talo la mid ah waxay khuseysaa barnaamij kasta oo farriimaha degdegga ah ee shaqada loo adeegsado.
Inaan shaqada iska fogeyno inta aan fasaxa ku jirno waxay sidoo kale kordhin kartaa raaxada aan ka helno fasaxeena.
3. Haddii ay suurtagal tahay, iska ilaali in mashaariicda la is dul saaro
Tabaha badan ee browser-ka ee aan arko marka aan shaqada bilaabo maalin kasta waxay gacan ka geysan karaan "culeys xagga macluumaadka ah".
Tani waa sababta oo ah waxaan la kulannaa culeys maskaxeed oo weyn marka aan ka gudubno hal hawl oo aan u gudubno mid kale.
Haddii ay suurtagal tahay, waxay noqon kartaa mid faa'iido leh in hal hawl la dhammeeyo ka hor inta aan loo gudbin tan xigta, si loo yareeyo culeyska xusuusta shaqada, ayay tiri Ongchoco. "Mar kasta oo aad xirto fayl [maskaxda], waxaad xoraynaysaa awood, waana sababta aad u dareento tamar," ayay tiri Ongchoco.
4. Qorshee waqtiyada kama dambaysta ah ee ku xeeran fasaxyada
Waqtiyada ciidaha, gaar ahaan, waxay u noqon karaan kuwo culays badan dad badan. Laakiin daraasad la sameeyay ka hor iyo ka dib fasaxa Kirismaska waxaa lagu ogaaday in kuwa haysta hawlo yar oo aan dhammaan ay lahaayeen fayoobi ka wanaagsan markay shaqada ku soo noqdeen.
Maareeyayaashu waxay kaa caawin karaan iyagoo ku dhiirrigelinaya shaqaalaha inay horay u qorsheeyaan.
"Kahor [fasaxa] uma baahnid inaad wax walba dhammeyso," ayay ku talineysaa Syrek. Beddelkeeda, shaqada kaga tag xaalad aad og tahay inaad si fudud ugu soo laaban karto, adigoon u baahnayn inaad maskax ahaan ku mashquusho mar walba ama aad ka walwasho inaad illoobi karto wax muhiim ah.
5. 'Saameynta albaabka': Samee caadooyin kala-guur ah
"Caadooyinka kala-guurka" waxay naga caawin karaan inaan iska dayno fikradaha shaqada ku saabsan, ayuu yiri Oliver Weigelt, oo ah kaaliyaha bare cilmi-nafsiga ururka ee Jaamacadda Groningen.
Tusaale ahaan waa beddelidda deegaankaaga jireed, taas oo ka caawisa in maskaxdaada loo sheego in hawl ay dhammaatay.
"Markaan soo marnay albaab, nidaamkeena [maskaxda] wuxuu nadiifiyaa xusuusteeda si uu isugu diyaariyo waxyaabo kale oo soo socda," ayay tiri Ongchoco.
Ikhtiyaar kale oo fudud waa in laptop-kaaga loo raro qol kale. Tani waxay sidoo kale naga caawisaa inaan abuurno fogaan maskaxeed oo ka timaada hawl kasta oo aan haddii kale u aragno mid walbahaar leh, ayuu yiri Weigelt.


























