Haweenka Afgaanistaan ee deeqaha waxbarasho ka helay jaamacado ku yaalla UK , balse"qalbi-jab" ay ku dhamaatay rejadooda

Xigashada Sawirka, Shahira Sadat
- Author, Yogita Limaye
- Role, Wariyaha BBC ee Koonfurta Eeshiya
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Markii Shahira Sadat loo soo diray martiqaad wareysi ee deeqda waxbarasho ee Chevening, rajo muddo dheer ay sugaysay ayaa qalbigeeda ka iftiintay.
Injineerada software-ga ee Kabul ku nool waxay saddex sano ku bixisay halgan adag oo ka dhan ah xayiraadaha Taliban, iyadoo ka gudbaysa caqabado badan, kuna shaqaynaysa mugdi iyo internet la'aan, si ay u diyaariso codsiyadeeda jaamacadaha UK iyo deeqaha waxbarasho.
"Farxad aan hadal lagu soo koobi karin ayaan dareemay. Waxaan markii ugu horreysay naftayda u ogolaaday inaan ku riyoodo waxbarasho aan UK ku qaato," ayay tiri.
Balse bishii March ee sannadkan, Xafiiska Arrimaha Gudaha ee UK ayaa ku dhawaaqay hakin degdeg ah oo lagu joojiyay fiisooyinka waxbarasho ee ka yimid Cameroon, Myanmar, Sudan iyo Afghanistan.
Fiisooyinka shaqada xirfadlayaasha ee Afghanistaan sidoo kale waa la hakiyay. Waxaa la sheegay in go'aankan uu ka dhashay ku-xadgudub ballaaran oo lagu sameeyay fiisooyinka, iyo sare u kac weyn oo ku yimid codsiyada magangelyo ee ka imanaya waddooyinka fiisooyinkaas.
Xilligaas, Xoghayaha Arrimaha Gudaha Shabana Mahmood waxay sheegtay inay "qaadayso go'aan aan hore loo arag oo ah in la diido fiisooyinka muwaadiniinta doonaya inay ka faa'iidaystaan deeqsinimadeena".
Maraykankuna wuxuu hore sannadkan u mamnuucay dhammaan fiisooyinka muwaadiniinta Afghanistaan.
Sadat waxay gacanta ku haysatay saddex warqadood oo aqbalid ah oo ay ku baranayso shahaadada masters-ka ee AI iyo barashada mashiinka, kuwaas oo ka yimid Sussex, Bradford iyo Northeastern University London.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hadda oo ay fursad u haysato inay maalgelin ka hesho nidaamka Chevening ee ay maalgeliso dowladda UK, waxay dareentay in waxbarashadii Afghanistan looga diiday ay ugu dambayntii gaari karto.
Kadib waxaa yimid fariin email ah oo sheegaya in aan mar dambe la aqbali doonin inay wax ku barato UK sababtoo ah waxay ka timid Afghanistan.
"Waxay runtii ahayd mid qalbi-jab leh. Waxaan lumiyay dhammaan dhiirigelintaydii,Waxaan ooyay saacado iyo saacado," ayay tiri Sadat, iyadoo indhaheedu ay ilmo ka buuxsameen.
"Kaliya waxbarasho iguma ahayn; waxay ahayd fursad aan ku soo celiyo xirfaddayda oo aan u dhiso mustaqbal naftayda."
Afghanistan, amarrada ka yimid hogaamiyaha ugu sarreeya Taliban waxay si aad ah u xaddideen nolosha haweenka. Ma dhigan karaan dugsiyada sare ama jaamacadaha, waxaana laga mamnuucay inta badan noocyada kala duwan ee shaqada.
Magaalada galbeed ee Herat, Alia - oo aan magaceeda beddelnay - waxay heshay diidmo la mid ah tii Sadat. Dalabkeedi ay u dirtay barnaamijka masters-ka warbaahinta digital-ka ah ee UK waa laga diiday, taas oo ay sheegtay inay ku reebtay dareen ah inay xayiran tahay.
"Wax walba waa la mamnuucay sababtoo ah waxaan ahay haweeney Afghan ah," ayay tiri, iyadoo codkeedu uu qalbi jab ku muuqdo
Goob aad u tartan badan oo arday caalami ah oo ku tartamaya inay helaan deeqaha waxbarasho ee UK, haweenka Afghanistaan waxay haysta caqabado dheeraad ah oo ay tahay inay maraan.
Alia waxay ahayd inay dhigato dugsi qarsoodi ah si ay ugu diyaar garowdo imtixaanka luqadda Ingiriisiga, iyadoo ka soo horjeeda xayiraadaha Taliban. Muddo yar ka dib machadkii waa la ogaaday, maamulkuna wuu xiray sidaasi darteed waxay ku sii waday macalin online ah oo ka yimid Canada.
Caqabadda xigta waxay ahayd inay dhab ahaan uu fadhiisato imtixaanka. Inta badan xarumaha imtixaanka ee la oggol yahay ma aqbali jirin ardayda dumarka ah, ayay tiri Sadat, iyagoo ka baqaya inay ku dhacaan xeerarka nidaamka.
Ka dib waxaa timid dhibaatada ah in la helo jaamacad UK ah oo diyaar u ah inay aqoonsato shahaado lagu qaatay Afghanistan.
Inta lagu jiro hawsha oo dhan, Sadat iyo Alia labaduba waxay sheegeen in koronto la'aanta joogtada ah ay carqaladeeyeen diyaargarowgooda.
Waxay sidoo kale ka baqayeen xiritaanka internet-ka ee dalka oo dhan ee uu soo rogay hogaamiyaha ugu sarreeya Taliban bishii Sebtembar 2025.
Arday badan ayaa sidoo kale la daalaa dhacaya sidii ay fiisaha u codsan lahaayeen, maadaama ay ku qasban yihiin inay u safraan dalalka deriska ah oo ay adag tahay in muwaadiniinta Afghanistaan ay galaan.
Ka dib markii ay ka gudubtay caqabado badan, Alia waxay hakadka fiisaha u aragtaa mid aad looga niyad jabo: "Waxaan rabaa inaan dowladda UK u sheego: ha noola dhaqmin sida dowladeena. Waxay naga qaadeen waxbarashada, sidaa darteed beesha caalamku waa inay na siisaa tixgelin dheeraad ah."
Markii BBC ay wax ka weydiisay hakinta, Xafiiska Arrimaha Gudaha ee UK wuxuu soo hadal qaaday dib u furitaankii Nidaamka Dib-u-dejinta Qaxootiga ee UK, "oo ay ku jiraan haweenka iyo gabdhaha Afghanistaan".
Waxa kale oo uu sheegay inuu soo bandhigayo "kormeer magac leh iyo waddooyin waxbarasho oo loogu talagalay qaxootiga", kuwaas oo qaxootiga siin doona "waddo ammaan ah oo ay ku yimaadaan UK oo ay noloshooda dib uga dhistaan".
Hase yeeshee, Xafiiska Arrimaha Gudaha kama jawaabin su'aalo gaar ah oo ku saabsan in waddooyinkani ay u furan yihiin haweenka ku nool Afghanistan ee aan loo aqoonsan qaxooti, sida Sadat iyo Alia, ama inta boos ee loo qoondeeyay Afghanistaan.
Xogta Hay'adda Tirakoobka Waxbarashada Sare waxay muujineysaa in wax ka yar 400 oo ka mid ah in ka badan 680,000 oo arday caalami ah oo ku sugnaa UK sanadkii 2024-25 ay ka yimaadeen Afghanistan.
Tan iyo markii maqaalkan la daabacay, Xafiiska Arrimaha Gudaha wuxuu BBC-da la wadaagay xog muujineysa in saddexdii sano ee ka horreysay hakadka fiisaha, tirada codsiyada magangelyo ee ka yimid Afghanistaan ee la xiriira waddooyinka fiisaha waxbarasho ay ka badnaayeen tirada fiisooyinka la bixiyay.
Laga bilaabo Janaayo ilaa Sebtembar 2025, 360 fiiso waxbarasho ayaa la bixiyay, 470 codsi magangelyo ayaa la sameeyay - oo ay ku jiraan arday Afghanistaan ah oo hore uu yimid UK. Sannadkii 2024, 550 codsi magangelyo ayaa la sameeyay, halka 470 fiiso waxbarasho oo cusub la bixiyay.
Waxaan weydiinnay Zainab Rezaie, oo ah ardayad Afghan ah oo Birmingham u guurtay sanadkii 2024 kadibna magangelyo codsatay, sababta ay jidkaas u dooratay.

Rezaie, oo hadda PhD-ga waxbarashada ka wadata Jaamacadda Exeter, waxay sheegtay inay aad uga walwalsaneyd waxa ku dhici doona kadib qalin-jebinteeda. Waxay ka baqaysay in haddii fiisaheedu uu dhaco ka hor inta aysan shaqo helin ama aysan u beddelan fiiso kale, aysan haysan doonin wax khiyaar ah oo aan ahayn inay ku laabato Afghanistan oo ay maamulaan Taliban, halkaas oo - gaar ahaan marka la eego heerkeeda waxbarasho - aysan awoodin inay shaqeyso, isla markaana fursadaha nolosheeda ay si weyn u xaddidan yihiin.
Rezaie waxay tiri waxay magangelyo u codsatay si ay "nafteeda u siiso fursad ay ku fekero".
"Farqiga ugu weyn waa in aanan ku xirnayn qolkeyga. Waxaan xaq u leeyahay in aan maalin kasta wareego, in aan baxo, in aan jimicsado, in aan wax iibsado. Markaad ku nooshahay bulshada Galbeedka, waxaa laga yaabaa inaadan weligaa ka fikirin in xorriyadda aad ku baxdo wakhti kasta ay tahay faa'iido weyn. Laakiin Afghanistan, dhaqdhaqaaq kasta oo haweenku sameeyaan waa in la qorsheeyaa."
Waxay tiri "weligeed ma ahayn doorashadayda" in aan u imaado oo aan ku noolaado UK anigoo ah magangelyo-doon. "Waxay sameysaa dadaal badan oo maskaxeed in aad halkan kaligaa ku noolaato oo aad ka go'do qoyskaaga, si aad ula qabsato bulshada... Qofna si farxad leh, si ikhtiyaari ah uma doorto tan."
Wali waxaa jira fursado ay Afghanistaan wax ku baran karaan dibadda, Yurub, Aasiya iyo meelo kale, laakiin haweenka aan la hadalnay waxay ka baqayaan in wadamada kale ay raaci doonaan tallaabooyinka Maraykanka iyo UK.
Waxay dareemayaan in bulshada caalamku ay si tartiib ah albaabadeeda ugu xirayso iyaga.

























