"Ma ogeyn in Fitamiin D uu igu yar yahay ilaa aan shaqada ku dhex suuxay"

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Vicki Loader
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Saskia Reeves-Priestley, oo 23 jir ah, ayaa shaqeyneysay markii ay si lama filaan ah u dhacday.
"Waxaan dareemay wareer, lallabbo aad u badan iyo wadne xanuun, waxaana kaloo dareemayay kulayl aad u badan" ayay xasuusataa.
Saskia oo ah macallimad waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah, waxay ahayd goolhaye kubadda dheesha oo afar jeer usbuucii ciyaarta kubadda cagta waxayna dareemeysay qaab ciyaareed wanaagsan. In kasta oo astaamaheeda aysan si toos ah ula xiriirin yaraanta fitamiin D, haddana waxay ogaatay in wax khaldan yihiin.
Baaritaannada dhiigga ee xigay waxay muujiyeen in fitamiinka uu heerkiisu aad u hooseeyo oo uu ahaa "ku dhawaad eber".
Boqortooyada Ingiriiska, yaraanta fitamiin D ayaa ku faafaya kooxo da' yar, gaar ahaan gabdhaha iyo haweenka da'da yar.
Fitamiin D-ga waxaa laga heli karaa cuntada aan cunno, sida kalluunka dufanka leh iyo hilibka, ama waxaa laga heli karaa kaabayaasha nafaqada.
Hase yeeshee, inta badan waxaa soo saara jirkeenna marka falaaraha ultraviolet-ka ee qorraxdu ay ku dhacaan maqaarka. Haddii qorraxdu uusan jirku si ku filan u helin, taas oo ku xiran gobolka aad adduunka ka joogto ama xilliga sannadka, waxay taasi yareyneysaa awoodda uu jirku ugu soo saari karo fitamiinkan.
Daboolida qaybaha jirka iyo isticmaalka kareemka qorraxda ka ilaaliya maqaarka ayaa iyaguna saameyn ku leh arrintan, inkastoo ay bixiyaan ilaalin.
Dadka maqaarkoodu madow yahay waxay u baahan yihiin inay la helaan iftiin aad u xooggan si ay u soo saaraan xaddi la mid ah fitamiin D-ga ay soo saaraan dadka maqaarkoodu cad yahay.
Dhakhaatiirtu badanaa ma sameeyaan baaritaanno dhiig oo lagu eegayo yaraanta fitamiin D-ga, balse waxay qoraan kaabayaal nafaqo (supplements) haddii bukaanku ka walwalo suurtagalnimada inuu halis sare ugu jiro yaraanta fitamiinkan.


Waa maxay astaamaha lagu garto Vitamin-D yarida, sideese u saameeyaan nolol maalmeedka?
La'aanta fitamiin D waxay la xiriirtaa rickets, oo ah cudur lafaha ku dhaca oo saameeya carruurta iyo ilamaha aadka u yaryar. Dadka waaweyn, waxay ku keentaa daciifnimo xagga lafaha oo loo yaqaan osteomalacia.
"Waxay ugu yeeraan cudurka aamusan" ayay tiri Dr. Suma Uday, oo ah dhakhtar ku takhasustay cudurrada carruurta oo doonaysa inay dadka ka wacyigeliso dhibaatadan.
Uday waxay ka digaysaa in yaraanta fitamiin D ee dhalinyarada iyo dadka waaweyn ay adag tahay in la ogaado oo aan la dareemin ama si khaldan loo baaro.
Calaamadaha waxaa ka mid ah daal iyo xanuun ku dhaca kala goysyada iyo lafaha.
"Asal ahaan, si aamusnaan ah ayay lafaha u burburisaa, taasoo ka dhigaysa kuwo jilicsan oo u nugul jab" ayey raacisay.
Kiiska Amaka

Xigashada Sawirka, Amaka Osu
Amaka ayaa diyaarinaysay casho iyadoo joogta hoyga ardayda ee jaamacadda ee magaalada Liverpool, markii ay dareentay inay gariirayso.
"Si fiican uma arkayn waxa hortayda yaallay" ayay tiri. Qofka ay qolka wada degan yihiin ayaa u qaaday qaybta xaaladaha degdegga ah; markii dambena, waxaa iyadana laga helay yaraanta fiitamiin D-ga.
Marka laga reebo daal, waxay sheegtay inaysan lahayn wax calaamado kale ah: "Waxaan ahay ardayad 21 jir ah. Waan shaqeeyaa, waxna waan bartaa, mar walbana waan daalanahay" ayey tiri
Waxay xustay in hooyadeed uu hore ugu dhacay yaraanta fiitamiin D-ga, balse waxay qiratay inaysan weligeed filanayn inuu iyadana ku dhici karo.
Ka dib markii ay qaadatay kaabayaasha nafaqada, Amaka waxay dareemaysaa fiicnaan badan, hase yeeshee waxay ka welwelsan tahay inay arrintu mar kale dhacdo. "Waxay ahayd wax aad looga naxo, mana doonayo inaan mar kale la kulmo xaalad noocaas ah."
Gabdhaha oo uu aad ugu yaraado Vitamin D
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Uday waxay ku biirtay dhakhaatiir iyo aqoonyahanno kale oo sameeyay koox la yiraahdo "ACT NOW Vitamin D", kuwaas oo ku baaqaya in la beddelo heerka loo isticmaalo in lagu go'aamiyo in qof uu qabo yaraanta fiitamiin D-ga.
Sida ay sheegtay, tallaabadani waxay suurtagelinaysaa in la ogaado dad badan oo qaba yaraanta fiitamiin D-ga, waxayna bixinaysaa sawir sax ah oo ku saabsan baaxadda dhibaatada. Intaas waxaa dheer, waxay xustay in tani ay sahlayso in xaaladdan wax laga qabto (la daweeyo) waqti hore.
Uday waxay ka digtay "yaraan waarta" oo ku dhacda haweenka: taas oo saameyn ku yeelata xilliga qaan gaarnimada, xilliga uurka, iyo ugu dambeyntii ilmaha dhasha.
"Haddii aan laga daweynin bilowga" ayay tiri, "tani waxay saameyn doontaa jiilal badan."
"Waa wax lala yaabo," ayuu yiri Professor Martin Hewison oo ka tirsan Jaamacadda Birmingham ee UK.
Wuxuu ii sheegayaa, inkastoo 100 sano ay ka soo wareegtay markii la helay fitamiin D, "rickets ma baaba'in".
"Haddii aan bulshada ku hayno rickets, waxaa jiri doona dad badan oo qaba yaraanta fitamiin D."
Hewison wuxuu aaminsan yahay in dowladdu ay sahamin doonto suurtagalnimada in si ballaaran loo xoojiyo cuntada iyadoo lagu darayo fiitamiinnada inta lagu jiro wax soo saarka. Dalalka sida Kanada iyo Sweden waxay leeyihiin siyaasado qasab ah.
Dalka UK, cuntooyinka qaarkood sida badarka quraacda iyo baastada ayaa hodan ku ah fitamiin D, laakiin isticmaalkoodu waa ikhtiyaari.
Bilaha jiilaalka, dadku waxay bilaabaan inay lumiyaan heerkooda fitamiin D.
"Malaha waa inaan aqbalnaa in kooxo gaar ah, kaabista fitamiin D-ga ay u tahay wax caadi ah" ayuu ku doodayaa Hewison.
Saskia hadda waxay si joogto ah u qaadataa kaabisyada fitamiin D, waxayna ku laabatay cayaaridda kubadda.























