Haweeney shan carruur ah ku umushay deegaan ay abaar ka jirto iyadoo saddex keliya ay badbaadeen

Tsega iyo carruurteeda

Xigashada Sawirka, YECHELA CLINIC

Qoraalka sawirka, Tsega iyo carruurteeda
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Tsega Astraw iyo seygeeda Kibrom Nuguse waa lammaane, waxaana hadda laga joogaa laba sano tan iyo markii ay nololo ku midoobeen.

Lammaanahan waxay deggan yihiin Gobolka Tigray, gaar ahaan degmada Abergele.

Tsega waa 25 jir, halka ninkeeda Kibrom uu yahay 27 sano jir.

Markii uurkeedu lix bilood marayay, ayay Tsega baaritaan caafimaad martay, waxaya dhaqaatiirtu u sheegeen inay siddo saddex carruur ah. Intaas ka dib isbitaal ma aysan aadin ilaa xilligii ay umuleysay, mana ogeyn inay shan carruur ah uurka ku siddo.

Tsega waxay sheegtay in fooshii ay soo martay ay ahayd mid aad u dhib badnayd oo ay ku dhibtootay.

Shantii carruur ahayd ee dhashay waxaa ka badbaaday saddex kaliya oo caafimaadkoodu wanaagsan yahay. Waxay fooshu qabatay iyadoo guriga joogta, kadibna gaari ambalaas ah ayaa lagu geeyay isbitaalka, waxayna ku dhashay Isbitaalka Heerka Koowaad ee Yechila.

Dhakhtarkii Tsega ka umuliyay oo lagu magacaabo Dr. Gebreyohannes Nuguse ayaa sheegay in ilmaha saddexaad iyo kan shanaad ay dhinteen markii ay dhasheen kadib.

Qaybo ka mid ah Itoobiya waxaa ka jira abaar, meelo qaar oo roob ka da'ayna uu ka da'ay baraf culus oo roob wata iyo daadad.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhibaatada ka taagan Tigray kaliya roob yarida kuma koobna, waxaa intaas u sii dheer saameynta colaadda gobolkaas.

Tsega oo sheegtay in noloshoodu hore uga wanaagsanayd, ayaa hadda sheegtay in abaartu ay xaaladdooda uga sii dartay.

Waxay sheegtay in beerihii qoysku ku tiirsanaa ay abaartu waxyeello u geysatay, sidaas darteedna ay hadda ku adag tahay inay daboolaan baahida saddexda carruur ah.

"Noloshu waa adag tahay, deegaankeenna waa abaar dhul hoose ayuu ku yaala. Waxaan ku noolnahay hal aqal oo yar, waxba ma haysanno," ayay tiri iyadoo ka hadlaysa xaaladda ay ku sugan tahay.

Beeralaydu waxay BBC-da u sheegeen in markii hore marka abaartu timaado ay caado u ahayd inay xoolahooda kaxaystaan oo ay u guuraan goobaha roobku ka da'ay, balse hadda xaaladda amni xumo awgeed ay fursaddaasi yaraatay.

Madaxa Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee gobolka, Ato Alemberhan Harifeyom, ayaa BBC-da u sheegay in dhibaatada dhanka beeraha iyo cunto-yarida ka jirta Tigray ay tahay mid halis ah, haddii xaaladda gobolku ay sidan ku sii socotana ay dhibaatadu sii socon karto sanadaha soo socda.

Wuxuu sheegay in shaqooyinkii dib u soo kabashada ee dagaalka ka dib aan si ku filan loo fulin, taas oo wiiqday waaxda beeraha, isla markaana ay taasi beeralayda ka dhigtay kuwo aad ugu nugul abaarta.

Xaaladdan oo ay weheliso isbeddelka cimilada ee uu keeno masiibada El Nino, cilmi-baarayaashu waxay ka digayaan in Bariga Afrika ay ka dhici karaan xaalado cimilo oo daran, oo ay ku jiraan abaaro iyo daadad.