Muslimiinta Mareykanka oo horumar siyaasadeed sameynaya, taasoo walaac ku abuurtay garabka midig

Zahran Mamdani oo xuska 11-ka September ku soo dhoweynaya ehelada dadkii ku dhintay weerarradii 11-ka September ee New York.

Xigashada Sawirka, Spencer Platt/Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dib-u-eegista wargeysyada maanta waxay diiradda saaraysaa saddex arrimood: kororka saamaynta Muslimiinta ee siyaasadda iyo bulshada Mareykanka, muhiimadda "rajo degdeg ah" xilli dunidu wajahayo isbeddelka cimilada, iyo khatarta caafimaad ee ka dhalan karta waqtiyada cuntada oo aan joogto ahayn.

25 sano kadib weerarradii 11-kii September, laba maqaal oo ka hadlaya laba arrimood oo kala duwan oo ka jira New York ayaa muujinaya isbeddellada ka dhacay magaalada iyo guud ahaan Mareykanka.

Qoraaga Nesrine Malik oo wax ku qortay The Guardian ayaa sheegtay in majaladda New York ay ka hadashay waxa ay ugu yeertay "Magaalada Habibi", iyadoo tilmaamaysa isbeddel dhaqameed ay hoggaaminayaan jiil cusub oo reer New York ah oo sii muujinaya joogitaankooda iyo saamayntooda.

Sida majaladdu sheegtay, jiilkan wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa Koonfur-galbeedka Aasiya iyo Waqooyiga Afrika, oo ay ku jiraan dalal laga bilaabo Falastiin ilaa Iran iyo xitaa Suudaan.

Dhanka kale, Vanity Fair waxay ka hadashay baaqyada lagu doonayo in Zahran Mamdani laga hor istaago ka qaybgalka xuska 11-ka September. Majaladdu waxay sheegtay in qaar ka mid ah doodaha arrintan ay ku salaysan yihiin dareen xooggan, iyadoo Mamdani oo ah duqa Muslimka ah ee ugu horreeya magaalada New York loo arko, dadka qaar, inuu matalayo kuwii weerarka geystay.

Nesrine Malik waxay aaminsan tahay in labada maqaal ay muujinayaan waxa isbeddelay iyo waxa weli sidii hore ah jiil kadib.

Waxay sheegtay in dadka asal ahaan ka soo jeeda dalalka Muslimiinta ay sii yeelanayaan joogitaan iyo saamayn, ayna hadda ka muuqdaan meelo ka baxsan dukaamada iyo goobaha cuntada xalaasha ah, oo ay ku jiraan barnaamijyada madadaalada, maqaayadaha caanka ah iyo siyaasadda.

Nesrine Malik waxay aaminsan tahay in Zahran Mamdani uu matalayo jiilkan cusub, isla markaana uu noqday qof dardargeliyay in si weyn loo aqoonsado jiritaankooda iyo saamayntooda. Waxay sheegtay in dadka jiilkan ka tirsan ay daneeyaan waxa ka dhacaya bulshooyinka ay ku nool yihiin, iyo sidoo kale xaaladda Gaza iyo meelo kale oo dunida ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Malik waxay sidoo kale sharraxday sababta ay u adeegsanayso erayga "dad asal ahaan ka soo jeeda bulsho Muslim ah" halkii ay ka oran lahayd "Muslimiin". Waxay sheegtay in aqoonsigani uu diinta ku salaysan yahay, balse uu ka koobnaan karo dadka si dhab ah u dhaqma Islaamka iyo kuwa diinta u arka qayb ka mid ah dhaqankooda iyo asal ahaan.

Waxay tilmaantay in dhaxalka iyo aqoonsigan uu si weyn ugu dhex milmay bulshada Mareykanka ee guud, iyadoo aan laga tanaasulin aqoonsigooda.

Malik waxay sidoo kale xustay Mamdani iyo Abdul Rahman El-Sayed, oo ah musharrax Dimuqraadi ah oo u tartamaya Aqalka Senate-ka Michigan, kuwaas oo ay sheegtay inay diidan yihiin taageero aan shuruud lahayn oo loo muujiyo awoodda iyo siyaasadda Mareykanka.

Labadooduba waxay ku dhiirran yihiin inay dhaliilaan taageerada Mareykanka ee Israel iyo waxa ay ku tilmaameen cawaaqibtii aadka u xumayd ee ka dhalatay "dagaalkii argagixisada" ee Mareykanku ka waday Bariga Dhexe.

Qoraaga Nesrine Malik waxay ku doodaysaa in tani ay tahay natiijo dabiici ah oo ka dhalatay jiil cusub oo Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeeda qoysas muhaajiriin ah, kuwaas oo leh aragti ka duwan oo ku saabsan Mareykanka, kana yar cabsi iyo is-hoosaysiin.

Waxay sheegtay in dadka ka soo hayaamay dalal uu Mareykanku hore dagaallo ciidan iyo kuwo siyaasadeed uga qaaday aysan khasab ahaan noqon kuwa si cabsi leh ugu milma bulshada Mareykanka. Taa beddelkeeda, waxay noqon karaan dad ka gudba xuduudaha iyo aqoonsiyada qaran ee ciriiriga ah.

Hase yeeshee, Malik waxay tilmaamaysaa is-khilaaf kale: iyadoo jiilkan uu helayo awood siyaasadeed iyo mid bulsho, ayaa Islaam nacaybka Mareykanka sidoo kale sii xoogeysanaya.

Sida laga soo xigtay Pew Research Center, aragtida dadka Mareykanka ee Islaamka waxay noqotay mid "si xun loo arko" isla markaana si weyn ugu kala qaybsanyihiin dhinaca siyaasadda. Boqolkiiba dadka aaminsan in Islaamku diimaha kale uga badan yahay inuu dhiirrigeliyo rabshadaha ayaa ka kacay 25% sanadkii 2002 ilaa 51% maanta.

Malik waxay soo xigatay qoraaga Rosina Ali, oo sheegtay in Islaam nacaybka maanta aan laga sooci karin fashillada siyaasadda Mareykanka gudaha iyo dibaddaba. Sida ay sheegtay, "dagaalka argagixisada" wuxuu noqday xaalad adag oo dibadda ah, halka qalalaasihii dhaqaale uu sababay in malaayiin Mareykan ah ay waayaan guryahooda iyo kaydkooda.

Rosina waxay sheegtay in garabka midig ee Mareykanka uu Islaam nacaybka u adeegsado siyaasaddiisa, iyadoo dhibaatooyinka dalka lagu fasirayo, sida ay sheegtay, inay ka yimaadeen "duullaan shisheeye ama dhaqan shisheeye sida Islaamka."

Ugu dambayntii, Malik waxay leedahay dhibaatadu ma aha oo keliya in Muslimiintu aysan mar dambe madaxa hoos u dhigin, balse ay noqdeen qayb ka mid ah siyaasadda horusocodka ah, taasoo awood u leh inay cod-bixiyeyaal abaabusho, isla markaana isku xirto dhibaatooyinka nolol-maalmeedka, siyaasadda arrimaha dibadda iyo waayo-aragnimada takooridda.