War deg deg ah, Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu Xuutiyiinta si toos ah ula hadlo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in
dowladda Mareykanka ay si dhow ula socoto xaaladda ka taagan Yemen iyo
nawaaxigeeda, ayna xiriir la leedahay Xuutiyiinta.
Wariye ku sugan gobolka Kansas ayaa Vance weydiiyay haddii
uu ka walaacsan yahay qabsashada Jasiiradda Bream ee Badda Cas ee ay
Xuutiyiintu la wareegeen.
Vance ayaa sheegay: “Waxaan si dhow ula soconnaa xaaladda.
Waxaan si joogto ah ula xiriirnaa Imaaraadka, Sacuudiga iyo dhinacyada kale ee
gobolka ee arrintani saamaysay.”
Wuxuu intaas ku daray in maamulka Mareykanku arrintan mudnaan
gaar ah siinayo, isla markaana uu si toos ah ula hadlayo Xuutiyiinta.
Vance wuxuu sheegay in Mareykanku sii wadi doono la
socodka xaaladda, isagoo xusay in Washington ay hubin doonto in danaha
Mareykanka la ilaaliyo.
War deg deg ah, Trump oo ku shaaciyay war cusub oo Ruushka iyo Ukraine ku saabsan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ukraine iyo Ruushka
ay isku raaceen in aysan weerarro ku qaadin xarumaha tamarta ee labada dal.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku yiri: “Ukraine waxay
oggolaatay in aysan bartilmaameedsan xarumaha tamarta ee Ruushka. Ruushkuna
sidaas oo kale ayuu oggolaaday.”
Trump ayaa shalay sidoo kale sheegay in kororka qiimaha naaftada uu ka
dhashay dagaalka Ukraine, ee uusan ka dhalan dagaalka Iran. Wuxuu Ukraine ugu
baaqay inay joojiso weerarrada ay ku qaaddo xarumaha shidaalka ee Ruushka.
Ciidamada Ukraine ayaa shalay sheegay inay habeenkii ka horreeyay
weerareen laba warshadood oo shidaal sifaysa oo Ruushka ku yaalla, mid
koonfurta dalka iyo mid kale oo qiyaastii 900 kiiloomitir bari kaga beegan
Moscow.
Weerarrada Ukraine ee xarumaha shidaalka Ruushka ayaa sababay yaraansho
shidaal oo laga soo sheegay qaybo badan oo dalkaas ah.
Dhanka kale, xaaladda ka taagan Bab al-Mandab iyo Badda Cas, iyo
amni-darrada ka jirta Marinka Hormuz, ayaa kordhisay walaaca laga qabo in
sahayda shidaalka adduunka ay carqalad gasho.
War deg deg ah, Degdeg: Xutiiyiinta Yemen oo weerar kale ku qaaday Sacuudiga
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay maanta weerar kale oo
ay adeegsanayaan gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen
goobo militari oo ku yaalla Sacuudiga.
Kadib weerarka, hay’adaha difaaca rayidka Sacuudiga ayaa digniin kooban
u diray dadka ku nool magaalooyinka Khamis Mushait iyo Abha, oo ku dhow xadka
Yemen.
Qof ku nool Khamis Mushait ayaa wakaaladda AFP u sheegay inuu maqlay qaraxyo
xooggan, kuwaas oo sababay dab muddo dheer socday.
“Xitaa fursad aan ku seexanno ma helin,” ayuu yiri.
Xuutiyiinta ayaa dhawaan sheegtay inay gacanta ku dhigeen qaybo ka mid
ah xeebaha Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab. Muhiimadda marinkan ayaa sii
korortay kadib dhibaatooyinkii soo wajahay maraakiibta ganacsiga ee isticmaala Marinka
Hormuz intii uu socday dagaalkii Mareykanka iyo Iran.
War deg deg ah, Dabley hubeysan oo dad safar ah laayay iyo xogo dheeraad ah oo laga helay
Xigashada Sawirka, ADO MUSA
Qoraalka sawirka, .
Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay rag hubeysan ka geysteen
gobolka Plateau ee bartamaha waqooyi ee Nigeria, sida ay sheegayaan wararka ka
imanaya deegaankaas.
Axaddii, kooxo hubeysan ayaa weerarro ka fuliyay deegaannada Mangu iyo
Riyom, halkaas oo dad safar ku jiray lagu dilay.
Sagaal ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa rakaab u socday magaalada Jos,
kuwaas oo rag hubeysan ay rasaas ku fureen tuulada Dungus.
Lix qof oo kale ayaa lagu dilay deegaannada Mangu iyo Riyom, sida uu BBC
u sheegay hoggaamiyaha dhalinyarada Riyom, Dalyop Solomon Montrey.
Wuxuu sheegay in kooxaha hubeysan ay habeenkii weerareen waddada weyn ee
Abuja, iyagoo markii hore dilay darawalkii gaari iyo dad kale, kadibna tirada
dhimashadu ay gaartay sagaal.
Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug
Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb qaatey
doorashadii ka dhacday Galmudug taas oo markii dambe maxkamadda sare ee
Soomaaliya amartay in dib loogu celiyo ayaa soo saaarey warsaxaafadeed ay ku
cadeeeyeen mowqifkooda doorashada la filayo inay ka dhacdo maamul goboleedka
Galmudug.
War-saxaafadeed ay soo saareen ururku ayey kaga hadleen
dhowr qoddob oo ku saabsan doorashada
“Ururka Towfiiq wuxuu si Rasmi ah uga caddaynayaa
mowqifkiisa ku aaddan doorashada ku celiska ah ee Galmudug, isagoo xaqiijinaya
in Ururku diyaar u yahay ka qaybgalka doorashoyinka isku sidkan, si waafaqsan
sharciga, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa intaas raaciyeen in “ Ururka Towfiiq wuxuu ka
walaacsan yahay tallaabada ay qaadeen Guddiga Doorashada, oo si ula kac ah uga
reebeen ururka liiska ururrada ka qaybgalaya doorashada Galmudug, Waxaa xusid
mudan in Ururka Towfiiq uu ahaa ururkii maxkamadda ka dalbaday in doorashada
lagu celiyo, kaddib markii uu arkay in la hareer maray habraacyadii iyo
shuruucdii doorashada dalka. Sidaas darteed, waxaa layaab noqotay in ururkii
dalbaday saxida doorashada, uu baraha bulshada ku arko ka reebidiisa
doorashada.”
“Ururka Towfiiq wuxuu sidoo kale Guddiga
ugu baaqayaa inay ka fogaadaan wax kasta oo loo fasiran karo eex, takoor ama
awood sheegasho, ayna ku shaqeeyaan dhexdhexaadnimo, caddaalad iyo ku dhaqanka
sharciga. Ururku wuxuu aaminsan yahay in tallaabada Guddiga Doorashada ay
qaadeen ay la xiriirto dacwaddii Ururku ka gudbiyey natiijadii doorashada.
Arrintaasna Ururku wuxuu u arkaa mid aan waafaqsanayn mabaadi’da caddaaladda
iyo hannaanka, Ururka Towfiiq wuxuu si gaar ah ugu baaqayaa Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ah ilaaliyaha Dastuurka iyo
dowladnimada dalka, inuu si degdeg ah u soo farageliyo arrintan, isla markaana
uu xaqiijiyo in dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan sharciga iyo amarka
maxkamada sare.”
Gabagabada war-saxaafadeedka ururka Towfiiq ayaa baaq loogu
diray taageerayaashooda “Ururku Towfiiq wuxuu ugu baaqayaa Bulshada
reer Galmudug iyo taageerayaasha Ururka towfiiq in ay udiyaar garoobaan kulamo
iyo banaanbaxyo nabadeed ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan in aydoonayaan
doorasho udhacda si xor iyo xalaal ah”
Mucjisada lagu arkay ilmo ku dhex jira caloosha hooyo xaamilo ah iyo waxa lagu soo dhex arkay caloosha ilmahaas
Xigashada Sawirka, Qasim Sheikh
Qoraalka sawirka, Arrintan ayaa lagu tilmaamay mucjiso
Dhowaan ayay ahayd , markii haweeney xaamilo ah oo aaday isbitaal dowladeed oo ku yaala Hindiya si ay u marto tijaabada Kombiyuutarka Uur-kujirta ee ultrasound, dhakhaatiirtu ay ku arkeen Ilmaha ku jira caloosha haweenayda. Laakiin mucjisada la arkay ayaa ah wax u eg ilmo kale oo ku sii dhex jira caloosha ilmaha ay uurka ku sido.
Haweenaydan oo kasoo jeeda degmada Buldhana ee dalka Hindiya oo u aaday isbitaalka si xaaladeeda ula socoto ayaa dhakhaatiirta inta baaritaanka ay ku wadeen ku ogaadeen inuu ku dhexjiro ilmo kale oo aad u yar.
Waaxda caafimaadka Buldhana ayaa u sheegay BBC caafimaadka jireed ee haweenayda in uu yahay caadi ayna gabi ahaan caafimaad qabto.
Wasaaradda
Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda Maraykanka ee garaadka macmalka ah (AI) ee Anthropic, kaddib markii
uu sheegay in horumarka Shiinaha ee dhinaca AI uu khatar amni qaran ku noqon
karo Maraykanka.
Afhayeenka
wasaaradda, Guo Jiakun, ayaa sheegay in hadallada Dario Amodei ay yihiin
sheekooyin ku saabsan hanjabaad, iska horimaad iyo tartan xaasidnimo ah, kuwaas
oo aan cidna dan u ahayn.
Dhammaadkii
toddobaadka, madaxda saddex shirkadood oo AI ah ayaa ku biiray baaqyo lagu
doonayo in la yareeyo xawaaraha horumarka warshaddan. Waxay sheegeen in
horumarka degdegga ah ee garaadka macalaka AI, iyadoo aan la helin xeerar iyo
tallaabooyin amni oo ku filan, uu khatar ku noqon karo bani’aadamka.
Digniinahaas
kaddib, qiimaha saamiyada qaar ka mid ah shirkadaha AI ayaa hoos u dhacay.
Bilyaneer Afrikaan ah oo qaaday tallaabo dan u ah shacabka
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Bilyaneer Aliko Dangote.
Iibkii
saamiyada ee ugu weynaa abid Afrika ayaa laga bilaabay Nigeria, waxaana
bilaabay bilyaneerka Aliko Dangote. Warshaddiisa sifaynta saliidda ayaa
bixinaysa in ka badan afar bilyan oo saamiyo ah, iyadoo rajaynaysa inay soo
xareyso ku dhowaad 1.6 bilyan oo doollar si loogu maalgeliyo ballaarin weyn oo
warshadda ah.
Mr. Dangote
ayaa arrintan ku tilmaamay “saami helidashacabka”, isagoo sheegay inuu doonayo in dadka caadiga ah ee reer
Nigeria oo ay ku jiraan darawallada iyo cunto-kariyeyaasha ay awoodaan inay
saamiyo ku yeeshaan shirkadda.
Warshadda
sifaynta saliiddu waxay hawlgal bilowday sannadkii 2024, waxaana qorshuhu yahay
in awoodda ay saliidda ku farsamayso la labanlaabo marka la gaaro 2029.
U diyaar garowga saacadda qiyaamaha: Ma dhamaadkii dunida ayaa lagu dhawaaday?
Madooneysaa inaad ka mid noqoto dadka isku diyaarinaya dhammaadka adduunka? Haddii jawaabtu haa tahay, halkeed ka bilaabaysaa?
Bishii February 2025, khubarada Jaamacadda Chicago waxay saacaddii Qiyaamaha u soo dhaweeyeen 89 ilbiriqsi uun ka hor saqda dhexe. Waa heerkii ugu halista badnaa abid ee laga digay sababtoo ah waligeed sidan uguma dhawaan waqtigii lagu tilmaamay dhammaadka.
Sidoo kale, Janaayo 27, 2026, Alexandra Bell, oo ah madaxweynaha iyo agaasimaha guud ee Bulletin of the Atomic Scientists, ayaa ku dhawaaqay in saacada qiyaamaha (Doomsday) loo raray saqda dhexe oo dhiman 85 ilbiriqsi.
Warsidaha wuxuu soo saaray digniintiisii ugu xoogganayd weli. Saacadda Doomsday oo loo arko calaamad cabbiraysa sida ugu dhow ee bini'aadanku ugu soo dhawaaday inay is burburiyaan tan iyo bilowgii xilligii Nukliyeerka - ayaa loo raray saqda dhexe oo dhiman 85 ilbiriqsi, waana meesha ugudhow taariikhda siddeed iyo toban sano.
Tani looguma dhawaaqin sidii riwaayad oo kaleama war caadi ah oo keliya, laakiin sida ay u weyn tahay iyo digniinta ay bixinayso ayaa keenay in lagu degdego. Saynisyahano,siyaasad qaabeeyeyaal iyo saynisyahanno ku guulaystay abaalmarinta Nobel ayaa wakhtiga cayimay, waxayna si deggan uga hadleen khatarta sii kordhaysa ee caalamiga ah, wada shaqaynta sii xumaanaysa, iyo guul-darrooyinka hoggaamineed ee bini'aadamka oo si wadajir ah qarka ugu saaran masiibo. Waxay xusuusiyeen caalamka in saqda dhexe aysan ahayn qaddar lama huraan ah balse ay tahay digniin ay tahay in la fiirsado oo la fahmo.
Hay’adda atoomikada caalamiga oo war ka soo saartay Iiraan
Xigashada Sawirka, Joe Klamar / AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Rafael Grossi, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tamarta Atomikada Caalamiga ah (IAEA),
Rafael Grossi, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tamarta Atomikada
Caalamiga ah (IAEA), ayaa sheegay in “kormeerka Hay’addu ku hayso barnaamijka
nukliyeerka Iran uu sannadka 2026 sii xumaaday.”
“Dabayaaqadii Febraayo, weerarro cusub ayaa lagu qaaday
Iran. Waxaa nagu qasbanaatay inaan dib u yeerno kormeerayaasheenna. Marka laga
reebo kormeerkii aan bishii Juun ku sameynay warshadda tamarta nukliyeerka ee
Bushehr, in ka badan lix bilood kama aanan fulin Iran wax hawlo xaqiijin ah oo
goobta ah,” ayuu ku yiri hadal uu maanta ka jeediyay furitaanka Shirweynaha
70-aad ee Guud ee Hay’adda Tamarta Atomikada Caalamiga ah, kaas oo ka dhacaya
Vienna.
Waxa uu sidoo kale sheegay in muddo ka badan hal sano ay
Hay’addu lumisay helitaanka xogta ku saabsan uranium-ka heerkiisu hooseeyo iyo
uranium-ka si aad ah loo hodmiyey, oo gaarsiisan ilaa 60 boqolkiiba, kuwaas oo
ku jiray xarumo lagu duqeeyay intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday.
Mr. Grossi wuxuu carrabka ku adkeeyay in “xaaladda
barnaamijka nukliyeerka Iran ay saameyn ku leedahay nidaamka caalamiga ah ee ka
hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka.” Waxa uu sheegay in dib loogu laabto
diblomaasiyadda iyo wada-xaajoodyadu ay “muhiim tahay,” isaga oo sidoo kale ku
dhawaaqay in Hay’addu diyaar u tahay inay taageerto dadaalladaas.
Mohammad Eslami, oo ah madaxa Hay’adda Tamarta Atomikada
Iran, ayaa sidoo kale lagu waday inuu maanta ka qeybgalo shirka. Hase yeeshee,
Idaacadda iyo Telefishanka Qaranka Iran ayaa ku dhawaaqay inuusan awoodin inuu
galo Austria oo uu ka qeybgalo shirka, taas oo ay ku sababeeyeen “cadaadis
Mareykan ah.”
Maxamed Bin Salman oo la kulmay taliyaha taliska dhexe ee Maraykanka, maxayse ka wadahadleen
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman
Telefishanka
dowladda Sacuudiga ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga,
Mohammed bin Salman, uu Isniintii maanta la kulmay taliyaha Taliska Dhexe ee
Mareykanka (US Central Command), Admiral
Brad Cooper.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay
ee gobolka, xilli ay sii kordhayaan weerarrada ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ee
Ansaru Allah ku qaaddo Boqortooyada Sacuudiga.
Kulankan ayaa dhacay maalmo kadib markii saddex ilo-wareed
oo xog-ogaal ah ay Reuters u sheegeen in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga
uu ka codsaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaalmo militari si uu uga
hortago Xuutiyiinta.
Warbaahinta Mareykanka ee Axios ayaa soo xigtay saraakiil
Mareykan ah oo sheegay in Dhaxal-sugaha Sacuudigu uu Khamiistii laba jeer
telefoon kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isaga oo ku
boorriyay inuu duqeymo ka dhan ah Xuutiyiinta qaado.
Warbixintu waxay sheegtay in Trump uu diiday codsigaas,
halka saraakiisha Mareykankuna ay sheegeen in maamulka Mareykanku uusan
xilligan qorsheynayn inuu si toos ah tallaabo militari uga qaado Xuutiyiinta.
Ilaha Reuters ayaa intaas ku daray in Trump uusan oggolaan
duqeymo Mareykan ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta, balse Washington ay Riyadh ku
wargelisay inay taageero ka siin doonto dhinacyada is-weydaarsiga xogaha
sirdoonka iyo aqoonsiga bartilmaameedyada.
Baqaei: Sacuudi Carabiya ayaa codsatay in kulanka Cumaan aan hadda la qaban
Ismaaciil Baghaei ayaa shir jaraa’id oo toddobaadle ah ku sheegay in kulankii maanta ka dhici lahaa Cumaan uusan qabsoomin, kaddib markii Sacuudi Carabiya ay codsatay in aan la qaban.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iiraan iyo toddobada dal ee Khaliijka Faaris ayaa qorsheynayay inay ku kulmaan magaalada Salalah ee Cumaan, si ay aragtiyo uga dhiibtaan sidii loo mari lahaa Marinka Hormuz.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa yiri:
“Tani waxay ahayd fursad ay Iiraan iyo Cumaan abuureen, waxaana la filayay in dalalka gobolka ay ka faa’iideystaan oo ay qadariyaan fursaddan.”
Waxa uu sheegay in, “inkastoo aan qabno cabashooyin badan oo sharci ah,” haddana kulankani uu ahaa “fursad ku habboon” oo lagu wada hadli karo iyadoo laga fogaanayo “faragelinta dhinacyada kale” ee arrimaha dalalkan.
War deg deg ah, Degdeg: Iran oo diyaarad ku soo ridday Marinka Hormuz
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran, IRNA, ayaa sheegtay in
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo
nooca MQ-1 ah, taas oo lagu soo riday Marinka Hormuz.
Waaxda xiriirka dadweynaha ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in
diyaaradda la qabtay lana “burburiyay” iyadoo la adeegsanayo nidaam
cusub oo casri ah oo difaaca cirka ah, kaas oo ku shaqaynayay shabakadda
isku-xiran ee difaaca circa ah.
War deg deg ah, Ruushka oo ku dhawaaqay inuu soo riday in ka badan saddex boqol oo diyaaradood
Xigashada Sawirka, t.me/synegubov
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada difaaca cirka ay
intii u dhaxaysay xalay 8-dii fiidnimo ilaa 8-dii subaxnimo ee saaka ay soo
rideen ama burburiyeen 399 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Ukraine laga
leeyahay.
Ruushku wuxuu sheegay in diyaaradahaas lagu qabtay 10 gobol oo Ruushka
ah, Crimea iyo Badda Madow.
Guddoomiyaha gobolka Rostov ayaa hore u sheegay in ku dhowaad 50
diyaaradood lagu soo riday gobolka, iyadoo burbur yar uu ka dhacay Rostov iyo
deegaanno kale.
Dhanka kale, Ciidamada Cirka Ukraine ayaa sheegay inay burburiyeen 85 ka
mid ah 108 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Ruushku habeenkii weerarka u
adeegsado Ukraine.
Sidee ayay sagaalkan waddan u heleen hubka nukliyeerka?
Hubka nukliyeerka ayaa gebi ahaanba beddelay sida ay ummaduhu uga fikiraan dagaalka iyo amniga.
Laakiin waddamadani si isku mid ah uma gaarin heerkan. Qaarkood waxay bilaabeen inay horumariyaan hubka nukliyeerka intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, kuwa kalena intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa, halka qaar ka mid ah tartanka gobolka iyo cabsida amniga ay ahaayeen arrimo muhiim ah.
Sidee bay ku heleen hubka nukliyeerka?
Mareykanka wuxuu ahaa dalkii ugu horreeyay adduunka ee hubka nukliyeerka ku horumariya Mashruuca qarsoodiga ah ee Manhattan intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Bishii Agoosto 1945, waxay u adeegsatay laba bambo oo atomi ah Hiroshima iyo Nagasaki ee Japan. Ficilkani wuxuu muujiyay awoodda weyn ee hubkan wuxuuna bilaabay tartanka nukliyeerka.
Midowga Soofiyeeti wuxuu bilaabay dadaalkiisii uu ku doonayay inuu ku sameeyo bam atomi ah intii lagu jiray dagaalka wuxuuna si guul leh u sameeyay tijaabadiisii ugu horreysay 1949. Tani waxay soo afjartay kaligii talisnimada Mareykanka waxayna bilowday tartan hubka nukliyeerka ah oo weyn oo u dhexeeya labada waddan. Britain, oo la shaqeysay Mareykanka xilligii dagaalka, ayaa noqotay waddankii saddexaad ee haysta hubka nukliyeerka 1952.
Faransiiska iyo Shiinaha ayaa ku xigay sannadihii 1960-meeyadii, iyagoo sameeyay tijaabooyinkoodii ugu horreeyay sannadihii 1960-kii iyo 1964-tii siday u kala horreeyaan. Waqtigaas, Mareykanka, Midowga Soofiyeeti, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska, iyo Shiinaha ayaa naftooda u xaqiijiyay inay yihiin waddamo leh hubka nukliyeerka. Walwalka laga qabay in waddamo kale ay ku daydaan tallaabadan ayaa horseeday in la sameeyo Heshiiska Ka Hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT) sannadkii 1970-kii.
Turkiga ma garab istaagi doonaa Sacuudiga dagaalka Xuutiyiinta?
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Heeshiika Makka
Kadib markii Xuutiyiintu weerarro ku qaadeen Sacuudiga, waxaa la is weydiinayaa in Turkey, oo qayb ka ah heshiiska Makka, uu garab istaagi doono Riyad.
Heshiiska ayaa dhigaya in haddii mid ka mid ah dalalka la weeraro, weerarka loo arko in dhammaan saddexda dal la weeraray. Saddexda dal waa Turkey, Sacuudiga iyo Pakistan.
Si kastaba, Turki ilaa hadda ma muujin wax calaamad ah oo muujinaysa inay si toos ah uga qaybgalayso dagaalka Yemen. Dowladda Turkey waxay kaliya cambaareysay weerarradii Xuutiyiinta ee dhowaan dhacay.
Falanqeeyayaasha iyo warbaahinta Turkiga ayaa aaminsan in Ankara aysan doonayn inay ku lug yeelato dagaalka Yemen, iyagoo ka digaya in arrintaasi ay Turkey gelin karto "dabin ama dagaal dheer oo Yemen ah."
Mid ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegay in weerarrada Xuutiyiintu ay noqon karaan tijaabo lagu eegayo sida ay Turki uga dhab tahay heshiiska, halka falanqeeye kale uu ku tilmaamay faragelinta Turki ee dagaalka "khalad istiraatiiji ah."
Guud ahaan, warbaahinta Turkey ayaa shaki ka muujisay in qodobka difaaca wadajirka ah ee heshiiska Makka dhab ahaan loo adeegsan doono difaaca Sacuudiga haddii Xuutiyiintu weeraraan.
Warbaahinta dowladda taageerta badankeed kama hadlin doorka ay Turkey ku yeelan karto dagaalka. Telefishinka TRT, tusaale ahaan, wuxuu tabiyay weerarrada iyo horumarka Xuutiyiinta, balse ma xusin heshiiska Makka.
Qaar ka mid ah warbaahinta iyo falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in heshiisku Turkiga ku jiidi karo dagaalka Yemen.
Falanqeeye Barçin Yenanç ayaa is weydiiyay in weerarrada Xuutiyiinta ee Sacuudiga ay yihiin tijaabo lagu eegayo sida Turkiga uu uga go'an yahay heshiiska.
Inkasta oo ay jiraan shakiyo badan, akoon caan ah oo arrimaha milatariga ka faallooda barta X ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka ee Turkiga iyo qalab kale oo milatari laga yaabo in "dhowaan" lagu arko Yemen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in qodobka difaaca wadajirka ah ee heshiiska Makka uu farsamo ahaan la mid yahay Qodobka 5-aad ee heshiiska NATO.
Si kastaba, ma uusan caddeyn in qodobkaasi si toos ah u dhaqan-gelayo marka mid ka mid ah dalalka la weeraro.
Wuxuu sheegay in sida heshiiska loo fulinayo ay ku xirnaan doonto wadatashi iyo go'aanka hay'adaha ay khuseyso.
Waxaa isa soo taraya su'aalaha ku saabsan doorka ay Turkigu ka qaadan karo dagaalka Yemen, gaar ahaan kadib markii Xuutiyiintu weerarro ku qaadeen Sacuudiga.
Arrintan ayaa muhiimad gaar ah leh, maadaama Turkey, Sacuudiga iyo Pakistan ay horraantii bishii Agoosto kala saxiixdeen heshiiska Mecca, kaas oo dhigaya in weerar hubeysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan karo weerar lagu qaaday dhammaantood.
Inkasta oo heshiisku leeyahay qodob dhigaya difaac wadajir ah, haddana weli ma cadda in Turki ay waajib ku tahay inay si militari ah uga jawaabto weerar kasta oo Sacuudiga lagu qaado.
Sawirro cusub oo dayax-gacmeed lagu qaaday ayaa muujinaya khasaaraha
ka dhashay weerar diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu qaaday dhuumaha
shidaalka ee isku xira bariga iyo galbeedka Sacuudiga.
Weerarka ayaa sababay in qayb ka mid ah xarunta dhuumaha
ay shaqada joojiso. Sawirrada ayaa muujinaya dhismayaal iyo kaabayaal shidaal
oo si weyn u burburay.
Sacuudiga ayaa sheegay in weerarka laga soo qaaday gudaha
Ciraaq, halka Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen mas’uuliyadda weerarka.
Dhuumahan ayaa muhiim u ah Sacuudiga, maadaama ay
shidaalka ka qaadaan xeebaha bari ee Gacanka una gudbiyaan xeebaha galbeed ee
Badda Cas. Taasi waxay Sacuudiga u oggolaanaysaa inuu shidaalkiisa dhoofiyo
isagoo ka fogaanaya Marinka Hormuz.
Riyad ayaa dowladda Ciraaq ugu baaqday inay ka hortagto in
dhulkeeda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Sacuudiga.
Wakaaladaha wararka iyo warbaahinta Iran ayaa sheegay in
weerarro cusub lagu qaaday xarumaha shidaalka ee Sacuudiga, oo ay ku jirto
shirkadda Aramco.
Wararkan oo aaney weli xaqiijin ilo madax-bannaan ayaa
sheegaya in weerarrada ay fuliyeen Xuutiyiinta Yemen.
Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa habeenkii Axadda
digniin ku saabsan weerarro cirka ah u diray dadka ku nool Jazan, Najran, Abha
iyo Khamis Mushait.
Wakaaladda Tasnim ee xiriirka la leh Ilaalada Kacaanka
Iran ayaa sheegtay in weerarradu bartilmaameedsadeen Abha iyo Khamis Mushait,
isla markaana digniino laga maqlay magaalooyinkaasi.
Ilaa hadda, faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha
ama waxyeellada ka dhalatay weerarrada lama shaacin.
Dowladda Yemen oo sheegaysa in ay Xuutiyiinta kala wareegtay deegaanno ay horey u qabsadeen
Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay inay dib
ula wareegeen goobo ay horay u galeen dagaalyahanno ka tirsan Xuutiyiinta,
kuwaas oo ku yaalla galbeedka magaalada Taiz.
Wakaaladda wararka Yemen ee Saba, oo taageerta dowladda, ayaa soo
xigatay ilo militari oo sheegay in ciidamada ay la wareegeen goobo u dhow deegaanka
Jardad, oo ka tirsan degmada Al-Shamaitain.
Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay u sii gudbeen dhanka deegaanka
Ghayl Bani Omar, iyadoo howlgalladu ay weli socdaan.
Dowladdu waxay sheegtay in ujeeddada howlgalladan ay tahay in
Xuutiyiinta laga saaro gobolka Taiz.
War deg deg ah, Kumanaan reer Yemen ah oo ku barakacay colaadda dalkaasi ka taagan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 76,000 qof
ay ku barakaceen Yemen, tan iyo markii Xuutiyiintu bishii Luulyo ku dhawaaqeen
xannibaad ka dhan ah maraakiibta u socda Sacuudiga.
Tirada dadka barakacay ayaa afar-laab korodhay
toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda
iyo Xuutiyiinta oo Iran taageerto ay sii xoogeysanayaan.
Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in qoysas
badan ay habeenkii guryahooda ka cararaan, iyagoo aan haysan meel ammaan ah oo
ay ku dhuuntaan.
Gobolka Taiz ayaa ah meesha ugu daran, waxaana halkaas ku
barakacay ku dhowaad 50,000 qof, oo ka tirsan qiyaastii 8,300 qoys.