6 hab oo cabsi badan oo ay cirbixiyeennadu ugu dhiman karaan Dayaxa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dayaxu wuxuu leeyahay khataro badan oo aadanaha ku dhaca. Dabcan, deegaankiisa adag wuxuu halis gelin karaa nolosha qof kasta oo ku dhiiraday inuu ku socdo dushiisa.
Markii cirbixiyeennada Apollo ay u safreen dayaxa in ka badan 50 sano ka hor, waxay awood u yeesheen inay sidaas sameeyaan iyagoo kaashanaya tignoolajiyada horumarsan, qalab ilaalin oo gaar ah, iyo nidaam taageero oo ballaaran oo laga maamulo Dhulka.
Laga bilaabo shucaaca adag ee hawada sare ilaa kulaylka iyo qabowga daran, deegaanka Dayaxu wuxuu halis joogto ah ku ahaa badbaadadooda. Suudkooda gaarka ah la'aantiis iyo taageero dhow oo ka timid xarun kontorool oo ku taal Dhulka, badbaadada halkaas waxay noqon lahayd mid aan macquul ahayn.
Si kastaba ha ahaatee, in ka badan nus qarni ka dib, aadanuhu waxay isu diyaarinayaan inay ku laabtaan dayaxa. Hawlgalladan cusub hadda looguma talagelin degitaan gaaban iyo bixitaan, laakiin waxay ku wajahan yihiin sameynta joogitaan bini'aadam oo joogto ah.
Qorshayaashu waxay higsanayaan inay dhisaan deegaanno, kaabayaal iyo nidaamyo taageero nololeed oo u sahli doona cirbixiyeennada inay ku noolaadaan oo ay ka shaqeeyaan muddo dheer dusha sare ee Dayaxa, tallaabo loo arko inay lagama maarmaan u tahay diyaarinta safarrada mustaqbalka ee Mars.
Bishii Maarso 2026, hay'adda hawada sare ee Mareykanka, NASA, ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku dhisayso saldhig $20 bilyan ah oo u dhow cirifka koonfureed ee Dayaxa, kaas oo la filayo inuu noqdo degsiimadii ugu horreysay ee aadanaha ee joogtada ah ee ka baxsan Dhulka.
Degmadu waxay ugu dambeyntii ku faafi kartaa dhul ballaaran oo boqolaal mayl laba jibbaaran ah. Markii hore, waxaa ku shaqeyn lahaa ilo koronto oo shucaac ah, ka hor inta aysan u guurin fallaaraha nukliyeerka kaas oo ka caawin lahaa inay u adkeysato xaaladaha adag ee habeenka dayaxa, kaas oo soconaya toddobaadyo.
Si kastaba ha ahaatee, dhismaha saldhigga waa qayb ka mid ah caqabadda. Hawsha ugu adag waxay noqon kartaa hubinta in dadka deggan ay sii wadaan inay si ammaan ah u noolaadaan. In kasta oo in ka badan 20 sano oo nolosha ah oo saaran Saldhigga Hawada Sare ee Caalamiga ah (ISS) ay bixisay aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan ku noolaanshaha hawada sare, Dayaxu wuxuu la yimaadaa deegaan gebi ahaanba ka duwan iyo khataro.
1. Luminta cadaadiska iyo neef-qabatowga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee cirbixiyeennada ku nool Dayaxa waa la'aanta hawo nadiif ah. Si ka duwan Dhulka, Dayaxu ma haysto hawo ku filan oo taageerta nolosha aadanaha.
Haddii dharka hawada sare ee cirbixiyeenka ama hoyga hawada sare uu dillaaco, bini'aadamku wuxuu la kulmi karaa jawiga khatarta ah ee hawada sare. Haddii ay sidaas tahay, waxay miyir qabi lahaayeen 10 ilaa 15 ilbiriqsi ka hor inta aysan ka bixin oksijiin la'aan. Haddii aan la soo celin cadaadiska hawada, waxyeello joogto ah ama dhimasho ayaa dhici lahayd qiyaastii 90 ilbiriqsi gudahood.
Sababtan awgeed, nidaamyada hawada, albaabada badbaadada iyo dharka cirbixiyeennada ayaa ka mid noqon doona qalabka ugu muhiimsan ee degitaanka joogtada ah ee aadanaha ee Dayaxa.
Dharka hawada sare waa gaashaanka ugu weyn ee ka ilaaliya cirbixiyeennada deegaanka dayaxa ee khatarta ah. Asal ahaan, dharka ayaa ku haya cirbixiyeennada nolol iyagoo ku hareeraysan lakab khafiif ah oo hawo cadaadis leh oo u oggolaanaya inay neefsadaan oo ay ilaaliyaan heerkulka jidhka ee caadiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, nidaamku waa mid nugul hal hab oo muhiim ah: hal dalool ayaa sababi kara in nidaamka taageerada nolosha uu fashilmo. Xawaaraha khatarta waxay ku xiran tahay cabbirka daadinta. God aad u yar, oo ah cabbirka godka biinka, ayaa u oggolaan kara hawada inay si tartiib tartiib ah uga baxdo, taasoo siinaysa cirbixiyeenka waqti uu ku qaado tallaabo degdeg ah. Laakiin god aad u weyn ayaa sababi kara in dharka uu lumiyo cadaadiska ilbiriqsiyo gudahood.
Marka heerarka oksijiinta ay si degdeg ah u yaraato, maskaxdu waxay bilowdaa inay waydo gaaska lagama maarmaanka ah ee ay u baahan tahay si ay u shaqeyso. Muddo gaaban gudaheed, cirbixiyeenku wuxuu waayi karaa awoodda uu si cad u fikiri karo ugu dambayntiina wuu miyir beeli karaa.
2. Heerkul aad u sarreeya ama aad u hooseeya

Xigashada Sawirka, ESA
Deegaanka Dayaxa waxaa ka jira heerkul aad u daran oo aan caadi ahayn. Maadaama uusan lahayn jawi kaydiya ama qaybiya kulaylka, heerkulka ayaa si weyn isu bedbeddela inta u dhaxaysa maalinta iyo habeenka.
Inta lagu jiro maalinta Dayaxa, heerkulku wuxuu ka badnaan karaa 120 digrii Celsius, halka habeenkiina uu hoos ugu dhaco ilaa -130 digrii Celsius. Godadka waaweyn ee hadhka joogtada ah ku jira, kuwaas oo aanay qorraxdu gaadhin muddo balaayiin sano ah, heerkulku wuxuu hoos ugu dhici karaa ilaa -240 digrii Celsius.
Deegaan noocaas ah, cirbixiyeen aan haysan qalab ilaalin oo gaar ah ma awoodi karo inuu muddo dheer noolaado. Taasi waa sababta dharka cirbixiyeennada loogu sameeyay nidaamyo horumarsan oo maamula heerkulka, si ay jirka uga ilaaliyaan inuu baraf noqdo marka uu jiro qabow aad u daran ama uu saameyn ugu yeesho kulaylka ba'an ee qorraxdu.
Dharkani wuxuu ka kooban yahay lakabyo badan oo ka samaysan agab adkeysi leh sida Mylar, Kevlar, iyo qalab kale oo haya kulaylka isla markaana ka hortagaya waxyeellada. Waxa kale oo ay leeyihiin nidaam jirka qaboojiya oo biyaha gaarka ah ku wareejiya jirka cirbixiyeenka, taas oo ka caawisa in laga saaro kulaylka xad-dhaafka ah lana ilaaliyo heerkul ku habboon badbaadada.
Si bini'aadamku u dego Dayaxa si joogto ah, xakamaynta heerkulku waxay noqon doontaa mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee lagu xaqiijinayo badbaadada iyo sii-jiritaanka cirbixiyeennada.
3. Dhhicitaanka dhagaxda-cirka

Xigashada Sawirka, ESA
Halis kale oo weyn oo soo wajahda cirbixiyeennada jooga Dayaxa ayaa ah inay ku dhacaan qaybo yaryar oo dhagaxyo hawada sare ah, kuwaas oo loo yaqaanno "micrometeoroids". Hawada sare, walxuhu waxay ku socdaan xawaare aad u sarreeya, taas oo ka dhigaysa in xitaa qayb yar oo ka mid ah ay sababi karto waxyeello weyn marka ay wax ku dhacaan.
Xawaarahaas darteed, xabbad yar oo boorka hawada sare ah ayaa burburin karta muraayadda koofiyadda dharka cirbixiyeenka ama dalooli karta dharka laftiisa. Si ka duwan Dhulka, Dayaxu ma laha jawi gubi kara ama gaabin kara xawaaraha walxahan burburka ah ka hor inta aysan dhulka soo gaarin.
Haddii qayb ka mid ah walxahaas ay dalooliyaan dharka cirbixiyeenka, cadaadiska hawada ayaa si degdeg ah u luminaya; xaaladduna waxay sababi kartaa in qofku miyir-beelo daqiiqado gudahood, ugu dambeyntiina uu dhinto haddii aan la helin gargaar degdeg ah.
Taasi waa sababta ay lagama maarmaan u tahay in goobaha lagu noolaado Dayaxa iyo dharka cirbixiyeennada laga sameeyo agab adag oo u adkeysan kara ku-dhaca qaybaha yaryar ee hawada sare, kuwaas oo ku socda xawaare aad u sarreeya.
4. Shucaac waxyeello leh oo ka yimaada qorraxda iyo hawada sare
Si ka duwan Dhulka, Dayaxu ma laha jawi ama goob birlabeed si uu uga ilaaliyo noolaha shucaaca waxyeelada leh ee ka yimaada Qorraxda iyo hawada sare. Sidaa darteed, cirbixiyeennada ku nool halkaas waxay la kulmi doonaan heerar shucaac oo aad u sarreeya.
Khubaradu waxay ku qiyaaseen in cirbixiyeennada dusha sare ee Dayaxu ay la kulmi karaan heerarka shucaaca oo si weyn uga badan kuwa laga helo Dhulka. Marka muddada ay ku jiraan Dayaxa ay sii kororto, waxaa sidoo kale kordha xaddiga shucaaca ee uu jirku nuugo.
Soo-gaarista muddada dheer ee shucaaca waxay waxyeellayn kartaa unugyada iyo DNA-da, taasoo kordhinaysa khatarta kansarka iyo cudurrada kale ee halista ah. Heerarka sare, shucaacu wuxuu sababi karaa cudur shucaac oo daran wuxuuna saameyn karaa xubnaha jirka.
In kasta oo dharka hawada sare ee gaarka ah loogu talagalay in looga ilaaliyo cirbixiyeennada qaar ka mid ah shucaacan, khatarta ugu weyn waxay ka timaaddaa duufaannada qorraxda. Kuwaas waxay dhacaan marka Qorraxdu si lama filaan ah u sii deyso mowjado waaweyn oo walxo tamar sare leh ah oo si degdeg ah ugu socdaala hawada sare.
Xitaa cirbixiyeennada saaran Saldhigga Caalamiga ah ee Hawada Sare waxaa mararka qaarkood lagu qasbaa inay gabbaad ka dhigtaan meelo gaar ah oo bixiya ilaalin dheeraad ah ilaa duufaannadu ka gudbaan. Dayaxa, halkaas oo aan lahayn ilaalin dabiici ah oo ka timaadda jawiga ama goobta birlabka, saameynta duufaannada qorraxda ayaa xitaa ka sii weynaan karta.
Sababtan awgeed, hoyga joogtada ah ee aadanaha ee Dayaxa wuxuu u baahan doonaa in lagu dhiso lakabyo qaro weyn oo ciida dayaxa ah ama in la isticmaalo gaashaanno gaar ah oo ilaalin ah si loo yareeyo shucaaca gaaraya cirbixiyeennada.
5.Sunta Carbon dioxide

Xigashada Sawirka, NASA
Neef kasta oo uu cirbixiyeenku qaato wuxuu sii daayaa kaarboon laba ogsayd. Qaybaha shaabadaysan ee dharka hawada sare, gaaska ayaa si dhakhso ah ugu ururi kara heerar khatar ah haddii nidaamka sifeynta boorsada dhabarka uu fashilmo.
Gudaha dharka hawada sare, cillad ku timaadda nidaamka sifeynta hawada ayaa sababi karta in CO₂ si dhakhso ah u ururto oo ay gaarto heerar khatar ah. Marka heerkani kordho, dhiiggu wuxuu noqdaa mid aashito badan leh, xaalad keeni karta madax-xanuun, wareer, iyo dhibaatooyin aragga ah.
Heerarka sare ee CO₂ waxay saameyn kartaa awoodda cirbixiyeenka ee fekerka iyo go'aannada saxda ah. Tani waxay horseedi kartaa jahwareer, feejignaan yaraan, iyo ugu dambeyntii miyir beelid. Deegaanka khatarta ah ee Dayaxa, qalad yar oo ku yimaada xukunka wuxuu yeelan karaa cawaaqib xun sida khatarta lafteeda.
Sababtan awgeed, nidaamyada nadiifinta iyo qaybinta hawada ayaa ka mid noqon doona teknoolojiyadaha ugu muhiimsan ee badbaadada cirbixiyeennada ku nool goobaha joogtada ah ee Dayaxa.
6. Boorka Dayaxa

Xigashada Sawirka, NASA
In kasta oo ay meel fog ka muuqato budo cawl khafiif ah, boorka dayaxa waa mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee soo food saara cirbixiyeennada. Waa natiijada balaayiin sano oo saameyn ah oo dhagaxaanta soo hoobta ay ka tageen.
Si ka duwan boorka caadiga ah ee Dhulka, boorka dayaxa wuxuu u eg yahay qaybo yaryar oo galaas jabay oo kale ah. Maadaama Dayaxu uusan lahayn dabaylo ama biyo si uu u saliideeyo walxaha, waxay haystaan qallafnaantooda iyo awoodda ay u leeyihiin inay xoqaan ama waxyeeleeyaan walxo kala duwan.
Khabiir Bailey ayaa sheegaya in boorka dayaxa uu ka mid yahay khataraha ugu badan ee la iska indho tiro.
"Cirbixiyeennada Apollo waxay ku tilmaameen budo fiican oo leh geeso fiiqan. Waxay geli kartaa mashiinno, waxay dhaawici kartaa meelaha bannaan waxayna sidoo kale khatar ku noqon kartaa indhaha iyo sambabada."
Dhibaatada ugu weyn ayaa ah in walxahan ay aad u yar yihiin macquulna ay tahay inay galaan sambabada. Haddii ay galaan jirka, waxay sababi karaan dhibaatooyin caafimaad xitaa waxay geli karaan dhiigga.
Marka laga soo tago inay khatar gelinayaan caafimaadka cirbixiyeennada, boorka ayaa sidoo kale dhaawici kara qalabka muhiimka ah ee saldhigga Dayaxa, isagoo ku dhegi kara kala-goysyada qalabka, muraayadaha qorraxda iyo nidaamyada kale ee loogu baahan yahay nolol maalmeedka.
Sababtan awgeed, xakamaynta iyo ka hortagga boorka dayaxa inuu soo galo deegaanka ayaa noqon doonta mid ka mid ah caqabadaha ugu muhiimsan ee haysta hoyga joogtada ah ee aadanaha ee Dayaxa.















