Maxay ka wada hadleen Raysal Wasaare Abiy Axmed iyo madaxweynaha Iiraan??

Madaxweynaha Iraan Masuud Pezeshkiyaan iyo Raysal WasaarahaItoobiya, Abiy Axmed

Xigashada Sawirka, @drpezeshkian2

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iraan Masuud Pezeshkiyaan iyo Raysal WasaarahaItoobiya, Abiy Axmed
Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa intii uu ku guda jiray shirkii dalalka BRICS ee ka dhacay dalka Hindiya kulan la yeeshay hoggaamiyeyaal kala duwan oo caalamka ah.

Hoggaamiyeyaashii uu la kulmay waxaa kamid ah madaxweynaha Iiraan, Mascuud Pezeshkian.

Iiraan oo haatan Mareykanka dagaal kula jirta ayaa horey ula safatay waddamada lixda ah ee BRICS.

Raysal wasaare Abiy ayaa Sabtidii shirkii BRICS kula kulmay Mascuus Pezeshkian, iyagoo ka wada hadlay arrinta Badda Cas.

"Wadahadalkayagu wuxuu ku saabsanaa xaaladda ka taagan gobolka Badda Cas iyo amniga guud ee gobolka, waxaana ka wada hadalnay muhiimadda wada-hadalka iyo sidii xasilloonida gobolkaas loo xaqiijin lahaa," ayuu ku qoray bartiisa bulshada.

Wada-hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Xuutiyiintu xoojiyeen dagaalka ay ugu jiraan sidii ay u maamuli lahaayeen marin-biyoodka Bab al-Mandab ee Badda Cas.

Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ayaa dagaal culus kula jirta ciidamada dowladda Yemen ee uu taageero Sacuudi Carabiya.

Dagaalkan ayaa sabab u noqday in dad badan ay ka qaxaan gudaha Yemen iyadoo tiro kor u dhaafeysa 2,000 oo qof ay u qaxeen dalka Jabuuti.

Itoobiya oo doonaysa inay marin u hesho Badda Cas isla markaana ay isku haystaan Ereteriya iyo Masar, waxaa adag in si dhab ah loo fahmo ujeedka ka dambeeya wada-hadalkan.

Si kastaba ha ahaatee, markii Mareykanka iyo Israa'iil ay si wadajir ah dagaal ugu qaadeen Iran, Iran waxay xirtay marin-biyoodka Hormuz, taasoo keentay in qiimaha shidaalka adduunka uu kor u kaco.

Marin-biyoodka Hormuz oo ay maraan 20% shidaalka adduunka ayaa mararka qaar xirma, mararka qaarna furan.

Markii dagaalku sii xoogaystay, Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto ayaa ku hanjabay inay xiri doonaan Badda Cas.

Kooxdan ayaa u diiday Sacuudi Carabiya inay maraakiibteeda ka gudubto Badda Cas.

'Waxaan doonaynaa inaan wax ka baranno shacabka reer Iran'

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maalmo ka hor, Xuutiyiintu waxay dadka ku abuureen cabsi markii ay la wareegeen deegaannada xeebta Yemen ee ku dhow marin-biyoodka Bab el-Mandeb.

Iyadoo taasi jirto, Itoobiya oo ka mid ah dalalka uu saameeyay shidaal-yarida ka dhalatay dagaalka Iran, ayaa sheegtay in wada-hadal laga furi karo dhinac kale.

Madaxweynaha Iran ayaa dhankiisa sheegay in dagaalka uu Mareykanku ka wado Bariga Dhexe uusan waxba tari doonin, balse uu sababi doono daadinta dhiig iyo sii kordhinta dhibaatada gobolka, sida uu sheegay xafiiskiisa.

"Iran waxaa lagu qaaday weerar aan loo aaba yeelin, cadawguna wuxuu isku dayayaa kala qeybsanaan iyo inuu dhiig daadiyo"

"Si kastaba ha ahaatee, falalkani waxay sii xoojinayaan midnimada dalka," ayuu yiri.

Sidoo kale, xiriirka Itoobiya iyo Iran waa "mid qooto dheer oo muhiim ah" waxaana bayaanka lagu sheegay in labada dal ay xiriir lahaayeen muddo ka badan 70 sano.

Sidoo kale, Pezeshkian ayaa bartiisa X ku qoray inay ka wada hadleen xoojinta xiriirka Iran iyo Itoobiya.

_ Faahfaahinta sawirka, Wafdiga Itoobiya iyo wafdiga Iran ee Hindiya.

Xigashada Sawirka, @drpezeshkian2

Qoraalka sawirka, _ Faahfaahinta sawirka, Wafdiga Itoobiya iyo wafdiga Iran ee Hindiya.

Kadib, xafiiska Madaxweynaha Iran ayaa bayaanka uu soo saaray ku sheegay, in Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ,uu sidoo kale ka hadlay shacabka Iran.

Abiy wuxuu yiri "Kacdoonka, adkaysiga iyo waddaninimada ay muujiyeen shacabka Iran waa guul weyn oo Itoobiya ay doonayso inay wax ka barato," ayuu yiri.

Wuxuuna intaa ku daray inuu ka "tacsiyeeyay geeridii hoggaamiyihii sare ee Iiraan, Ayatollah Sayyid Cali Khamenei".

Si kastaba ha ahaatee, dhinaca dowladda Itoobiya wax bayaan ah lagama soo saarin oo sheegaya in Ra'iisul Wasaare Abiy uu sidaas yiri.

Barahooda bulshada arrintan laguma sheegin.

BBC waxay weydiisay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Amb. Nebiyat Getaachew iyo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Billene Seyoum faallo dheeraad ah oo ku saabsan hadalka Ra'iisul Wasaare Abiy. Ilaa haddana wax jawaab ah kama helin.

Taageeridda saaxiibbada Mareykanka

Si kastaba ha ahaatee, Raysal Wasaare Abiy ayaa xilligii dagaalka u dhexeeyay Mareykanka iyo Israa'iil iyo Iran uu xoogaystay, taleefan u diray dalalka Bariga Dhexe ee saaxiibka la ah Mareykanka, isagoo ku dhiirrigelinaya, isla markaana cambaareynaya falka Iran.

Markii weerarka lagu qaaday Iran uu xoogaystay, Iran waxay si xoog leh u weerartay dalalka Khaliijka ee xulafada la ah Mareykanka si ay uga gudubto dhibaatada.

Weerarkaas ayaa geystay khasaare, waddamadana waxay muujiyeen walaac xooggan.

Mid ka mid ah dalalka la weeraray waa Kuwait.

Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa la sheegay inuu la hadlay Amiirka Kuwait, isagoo si adag u cambaareeyay weerarka lagu qaaday madax-bannaanida dalka iyo hawadiisa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kuwait.

Si kastaba ha ahaatee, xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya xiligas waxba kama oran wada-hadalkan.

Waxa kale oo la soo sheegay inay muujiyeen taageeradooda tallaabo kasta oo ay qaado dowladda Kuwait iyo hoggaankeedu si loo ilaaliyo madax-bannaanida dalka, xasilloonidiisa iyo amnigiisa.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu la xiriiray Amiirka Qatar, si uu ugala hadlo dagaalka socda.

Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa la sheegay inuu ka waraystay xaaladda Qatar kadib weerarkii Iran, isagoo carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay dhinac taagan tahay Qatar inta xaaladdan ay taagantahay.

Bayaanka waxaa ku qoran in Ra'iisul Wasaare Abiy uu sheegay inuu aaminsan yahay in Qatar ay arrintan ku dhamayn doonto "nabad iyo xasillooni".

Dhinaca kale, Amiirka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani ayaa hoggaamiyaha Itoobiya uga mahadnaqay "saaxiibtinimadii" uu muujiyay, isagoo bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya.

Waxaa la sheegay in labada hoggaamiye ay isla garteen in wada-hadal iyo xal diblomaasiyadeed la hormariyo, si nabad loogu soo celiyo gobolka.

Intaa kadib, waxaa la sheegay in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya uu taleefan kula hadlay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda ee WAM.

Wicitaankooda taleefanka ayaa ku soo aaday xilli Iran ay si gaar ah u xoojisay weerarada ay ku hayso Imaaraadka iyo Qatar.

"Dagaalka sii xoogaysanaya wuxuu saameyn taban ku leeyahay gobolka, iyo sidoo kale nabadda iyo xasilloonida caalamka ee gobolka," ayaa la sheegay inay ka wada hadleen.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Ra'iisul Wasaare Abiy uu cambaareeyay weerarka Iran.

Warbixinta ayaa sheegtay inuu yiri weerarka Iran uu yahay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanida iyo sharciga caalamiga ah.

Tan iyo markii Ra'iisul Wasaare Abiy uu xilka qabtay, xiriirka Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa si weyn u xoogaystay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tan iyo markii Ra'iisul Wasaare Abiy uu xilka qabtay, xiriirka Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa si weyn u xoogaystay.

Waxaa la sheegay in Itoobiya ay garab taagan tahay Imaaraadka, isla markaana labada hoggaamiye ay ka wada hadleen in "dhibaatada si degdeg ah loo joojiyo".

Waxaa kale oo la sheegay inay ka wada hadleen in la sameeyo wada-hadal adag si uusan xaaladdu uga sii darin.

Hoggaamiyaha Itoobiya ayaa booqasho shaqo ku tagay Imaaraadka xilli duulimaadyada loo joojiyay dagaalka dartiis.

Waxay si gaar ah ula kulmeen Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan.

Raysal Wasaare Abiy wuxuu Facebook-giisa ku yiri, "Wada-hadalkayagu wuxuu ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa saaxiibtinimada muddada dheer ee Itoobiya iyo Imaaraadka ka dhexeysa, iyo sidii loo adkayn lahaa iskaashiga iyo xasilloonida gobolka."

Xiriirka Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa si gaar ah u xoogaystay tan iyo markii Raysal Wasaare Abiy Axmed uu xilka qabtay.

Waxaa intaa dheer, waxay u muuqataa in xiriirka Mareykanka iyo Itoobiya uu soo hagaagayo, kadib markii falanqeeyayaashu sheegeen in Madaxweyne Trump uu muujiyay mowqif uu kaga soo horjeedo Masar oo ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya.

Sidoo kale, Itoobiya waxay leedahay xiriir adag oo qoto dheer oo ay la leedahay Israa'iil, oo aan xiriir wanaagsan la lahayn Iran.

Iran waxay ka mid tahay dalalka lagu eedeeyay inay Itoobiya ka iibsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn xilligii dagaalkii Waqooyiga Itoobiya.