Geeridii gilgishay samafalayasha: Waa tuma Xaawo Aaden Camey oo tiir u ahayd waxbarashada haween badan?

Xigashada Sawirka, SOCIAl
Allaha u raxmadee waxaa magaalada Nairobi ku geeriyootay Xaawo Aaden Maxamed Camey oo ahayd samafale waayadii dambe xanuunsanayd sida ay BBC-da u sheegtay Caasho Geelle Diiriye oo ay muddo dheer ay soo wadashaqeeyeen.
Xaawo waxay ahayd samafale iyo u doode xuquuqda haweenka, gabdhaha, qaxootiga iyo bulshooyinka barakacayaasha ah, Iyadoo muddo rubac qarni ka badan ku soo jirtay howlahaaas kuna muteysatay abaalmarino caalami ah.
Madax kala duwan iyo dadkii yaqaanay Xaawo ayaa ku sifeeyey qof inta badan waqtigeeda galisay u shaqaynta dadka nugul, horumarinta gabdhaha iyo kor u qaadistooda.
Waa Tuma Xaawa Camey?

Xigashada Sawirka, UNHCR
Xaawo Camey, Waxay sanadkii 1949-kii ku dhalatay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxay lixdameeyadii ka mid ahayd haweenkii fara ku tiriska ahaa ee waxbarashada u aaday qurbaha gaar ahaana Canada.
Markii ay dalka dib ugu soo laabatay waxay noqotay agaasimihii ugu horeeyey waaxda waxbarashada haweenka wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta.
Sanadkii 1987 kii waxay Xaawo asaastay hay'addii wadanig ahayd ee Women Concern markii ay ka tagtay shaqadii dowladda sida ay BBC-da u shegtay Caasho Geelle.
Markii dalku Burburay Xaawo waxay u dhooftay dalka Canada halkaas oo ay muddo sanado ah ka dib, dib dalka ugu soo laabatay sanadkii 1995-tii.
Soo laabashadeedii waxay bilowday dhismaha xarumo iyo goobo waxbarasho oo si gaara u taageera haweenka iyadoo xarumo ka hirgalisay magaalooyinka Kismaayo iyo Gaalkacyo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanadkii 1994 waxay asaastay xarunta nabada oo lagu magacaabo Gaalkacyo Education Centre for Peace and Development, oo ka soo shaqaysay kismaayo iyo deeganada Puntland.
Xarumaha ay hirgalisay waxay hoy iyo qalin qaad u noqdeen haween badan oo helay fursad waxbarasho maadaama uu dalku galay marxalad dagaalo sokeeye ah.
Caasho Geelle Diiriye oo muddo dheer ay soo wadashaqeeyeen Xaawo Camey, ayaa BBC-da u sheegtay in iyaduba ay ka mid ahay dadka ay soo saartay.
"Xaawo waxa ay kamid ahayd gabdhihii faro ku tiriska ahaa ee dalka dibaddiisa waxbrashada loogu diray inta aysan dowaddii kacaanka dhalan, isla markii ay dibadda kasoo noqotay waxaa loo dhiibay waax markaa cusbeyd oo la oran jiray waaxda waxbarashada haweenka, oo hoos tagaysay wasaaradda waxbrashada, waaxdaas waxa ay ahayd wax ka tilmaaman waaxyada kale ee dowladda".
"Waxa ay xarun wayn oo caruurta wax lagu baro ka dhistay Kismaayo iyo Gaalkacyo, waxa ay furtay xarumo haweenka gaar u ahaa oo dumar badan soo saartay, oo aan aniga kamid ahay, dadkii ay soo waxbartay ayaan ku jiraa waxa ay innooga tagtay waa wax qiimo leh oo aan la hilmaami Karin raadkooda, ilaah baa naga jeclaaday AUN ".
"Xaawo tiir bay ahayd, qof qunyar socod ah bay ahayd, kolley ma hilmaami doonno, balse waxaa haysannaa dad ay tababartay oo booskeedi buuxin kara".
Xaawo Aden Maxamed waxay sidoo kale ahayd allaha u wada raxmadee xaaska Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo soo noqday Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya, Aasaasihii iyo Agaasimihii Xarunta PDRC, kaas oo isna geeriyooday 2024.
Waxa ay geeriyadeeda ka yiraahdeen hay'addaha ka shaqeeya arrimaha bini'aadanimada

Xigashada Sawirka, UNHCR
Qoraal ay bartooda Facebook soo dhigeen hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR, ayaa Xaawo ku tilmaamtay qof nolosheeda u hurtay taageerada waxbarashada.
"UNHCR Soomaaliya waxay ka murugoonaysaa geerida Marwo Hawa Aden Mohamed, oo ahayd qofkii ku guuleystay Abaalmarinta Qaxootiga Nansen ee UNHCR sannadkii 2012, isla markaana ahayd aasaasaha iyo agaasimaha fulinta ee GECP.
Iyadoo u heellan waxbarashada, ilaalinta iyo awood-siinta bulshada, waxay nolosha kumannaan qof ku samaysay isbeddel weyn. Dhaxalkeeda ku aaddan u doodista xuquuqda haweenka, gabdhaha, qaxootiga iyo bulshooyinka barakacayaasha ah wuxuu sii wadi doonaa inuu dhiirrigeliyo jiilal badan."ayaa lagu yii qoraalka UNHCR.
Abaalmarinadii ay heshay Xaawo mudadii ay samafalka ka shaqaynaysay
Xaawa Aden Maxamed, waxay ku guuleysatay abaalmarinno dhowr ah oo lagu maamuusay shaqadeeda ay ka qabatay GECPD iyo guud ahaan u-doodista arrimaha bulshada.
Abaalmarinnadaas waxaa ka mid ah:
1994: Abaalmarinta Haweeneyda Sannadka, oo ay bixisay Hay'adda Haweenka Ontario (Ontario Women's Directorate).
2001: Abaalmarinta Voices of Courage, oo ay bixisay Guddiga Haweenka iyo Carruurta Qaxootiga.
2004: Abaalmarinta Marie Claire Top Ten Women of the World, oo lagu daray tobanka haween ee ugu sarreeya dunida.
2005: Abaalmarinta Al Ummu Madrasaa.
2005: Abaalmarinta 11-aad ee sannadlaha ah ee Ginetta Sagan Award, oo ay bixisay Amnesty International.
2012: Abaalmarinta Qaxootiga Nansen (Nansen Refugee Award), oo ay bixisay UNHCR.















