TOOS, Trump oo dhaliilay madaxa shirkad garaadka macmalka ah oo ku baaqay in la yareeyo xawaaraha horumarinta ee AI

Ilaa labo kun oo qof ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen dalka Jabuuti, kuwaas oo ka baxsanaya colaadda sii xoogeeysaneysa ee dalka Yemen

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Sacuudiga oo duqeymo ku garaacay qaybo ka tirsan dalka Yemen

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in Sacuudigu 24-kii saac ee la soo dhaafay 54 duqeyn oo dhinaca cirka ah ka fuliyay gudaha Yemen.

    Warkan ayaa soo baxay xilli Xuutiyiintu ay si degdeg ah ugu sii fidayeen xeebaha Badda Cas.

    Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaaradaha dagaalka Sacuudiga, oo ay ku jiraan F-15 iyo Typhoon, ay duqeeyeen dhul Yemen ka tirsan.

    Sida uu sheegay, duqeymaha ayaa ka dhacay gobollada Taiz, Lahj, Al-Jawf, Marib iyo Xudeyda.

    Ilaa hadda si madax-bannaan looma xaqiijin tirada duqeymaha iyo goobaha ay ka dhaceen.

  2. Calaamado muujinaya iskaashi u dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Shabaab

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa dalka Britain ayaa qoray warbixin cinwaankeedu yahay: "Xuutiyiintu waxay qorshaynayaan inay furaan jiid cusub oo ka tirsan dagaalka Iran, isla markaana xiraan marin-biyood labaad." Warbixinta waxaa qoray wariyaha arrimaha dibadda, Akhtar Makoi.

    Qoraagu wuxuu sheegayaa in Xuutiyiinta, oo hadda loo arko wakiilka gobolka ee ugu awoodda badan Iran, ay isu diyaarinayaan inay xiraan Marinka Bab al-Mandab iyagoo matalaya Iran, si ay u kordhiyaan cadaadiska lagu saarayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyagoo dhaawac dheeraad ah gaarsiinaya dhaqaalaha caalamka.

  3. War deg deg ah, Poland oo xeebteeda ka heshay diyaarad looga shakisan yahay in Ruushku leeyahay

    Diyaarad

    Xigashada Sawirka, TVN24

    Mas’uuliyiinta Poland ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn laga helay meel ka baxsan xeebta tuulada Rusinovo, oo ku dhow magaalada Yaroslavets ee xeebta Badda Baltic.

    Wasiirka Difaaca Poland, Władysław Kosiniak-Kamysz, ayaa sheegay in baaritaan hordhac ah uu muujinayo in diyaaraddaasi tahay diyaarad milatari oo aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ruushka.

    Ku-xigeenka wasiirka Difaaca, Cezary Tomczyk, ayaa sheegay in diyaaradda loo gudbin doono hay’adaha sirdoonka, si baaritaan faahfaahsan loogu sameeyo.

    Poland ayaan weli sheegin sida diyaaraddaasi ku gaartay xeebteeda ama cidda si dhab ah u adeegsanaysay.

  4. War deg deg ah, Caafimaadka Gaza oo qarka u saaran inuu burburo

    Gaza

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mas’uuliyiinta magaalada Gaza ayaa ka digay in waaxda caafimaadka ee Gaza ay qarka u saaran tahay burbur, kadib markii la hakiyay gaadiidkii ay shaqaalaha caafimaadku ku tegi jireen goobahooda shaqada.

    Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in shidaal, saliid iyo qalab dayactir oo yaraaday ay ka mid yihiin sababaha ay dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal badan ugu safri la’yihiin isbitaallada.

    Shaqaalaha isbitaallada ayaa sheegay in guryahooda badankoodu ay ka fog yihiin isbitaallada ay ka shaqeeyaan. Qaar kale oo guryahoodu markii hore u dhowaa goobaha caafimaadka ayaa dagaalka awgiis ka barakacay, waxayna hadda ku nool yihiin deegaanno ka fog isbitaallada.

    Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israel sanadkii 2023, waaxda caafimaadka Gaza waxay wajahaysay xaalad aad u daran, iyadoo dhaawacyo iyo dhimasho badan ay ka dhasheen weerarrada.

  5. War deg deg ah, Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu Xuutiyiinta si toos ah ula hadlo

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay si dhow ula socoto xaaladda ka taagan Yemen iyo nawaaxigeeda, ayna xiriir la leedahay Xuutiyiinta.

    Wariye ku sugan gobolka Kansas ayaa Vance weydiiyay haddii uu ka walaacsan yahay qabsashada Jasiiradda Bream ee Badda Cas ee ay Xuutiyiintu la wareegeen.

    Vance ayaa sheegay: “Waxaan si dhow ula soconnaa xaaladda. Waxaan si joogto ah ula xiriirnaa Imaaraadka, Sacuudiga iyo dhinacyada kale ee gobolka ee arrintani saamaysay.”

    Wuxuu intaas ku daray in maamulka Mareykanku arrintan mudnaan gaar ah siinayo, isla markaana uu si toos ah ula hadlayo Xuutiyiinta.

    Vance wuxuu sheegay in Mareykanku sii wadi doono la socodka xaaladda, isagoo xusay in Washington ay hubin doonto in danaha Mareykanka la ilaaliyo.

  6. War deg deg ah, Trump oo ku shaaciyay war cusub oo Ruushka iyo Ukraine ku saabsan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ukraine iyo Ruushka ay isku raaceen in aysan weerarro ku qaadin xarumaha tamarta ee labada dal.

    Trump ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku yiri: “Ukraine waxay oggolaatay in aysan bartilmaameedsan xarumaha tamarta ee Ruushka. Ruushkuna sidaas oo kale ayuu oggolaaday.”

    Trump ayaa shalay sidoo kale sheegay in kororka qiimaha naaftada uu ka dhashay dagaalka Ukraine, ee uusan ka dhalan dagaalka Iran. Wuxuu Ukraine ugu baaqay inay joojiso weerarrada ay ku qaaddo xarumaha shidaalka ee Ruushka.

    Ciidamada Ukraine ayaa shalay sheegay inay habeenkii ka horreeyay weerareen laba warshadood oo shidaal sifaysa oo Ruushka ku yaalla, mid koonfurta dalka iyo mid kale oo qiyaastii 900 kiiloomitir bari kaga beegan Moscow.

    Weerarrada Ukraine ee xarumaha shidaalka Ruushka ayaa sababay yaraansho shidaal oo laga soo sheegay qaybo badan oo dalkaas ah.

    Dhanka kale, xaaladda ka taagan Bab al-Mandab iyo Badda Cas, iyo amni-darrada ka jirta Marinka Hormuz, ayaa kordhisay walaaca laga qabo in sahayda shidaalka adduunka ay carqalad gasho.

  7. War deg deg ah, Degdeg: Xutiiyiinta Yemen oo weerar kale ku qaaday Sacuudiga

    Xuutiyiinta Yemen

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay maanta weerar kale oo ay adeegsanayaan gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen goobo militari oo ku yaalla Sacuudiga.

    Kadib weerarka, hay’adaha difaaca rayidka Sacuudiga ayaa digniin kooban u diray dadka ku nool magaalooyinka Khamis Mushait iyo Abha, oo ku dhow xadka Yemen.

    Qof ku nool Khamis Mushait ayaa wakaaladda AFP u sheegay inuu maqlay qaraxyo xooggan, kuwaas oo sababay dab muddo dheer socday.

    “Xitaa fursad aan ku seexanno ma helin,” ayuu yiri.

    Xuutiyiinta ayaa dhawaan sheegtay inay gacanta ku dhigeen qaybo ka mid ah xeebaha Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab. Muhiimadda marinkan ayaa sii korortay kadib dhibaatooyinkii soo wajahay maraakiibta ganacsiga ee isticmaala Marinka Hormuz intii uu socday dagaalkii Mareykanka iyo Iran.

  8. War deg deg ah, Dabley hubeysan oo dad safar ah laayay iyo xogo dheeraad ah oo laga helay

    .

    Xigashada Sawirka, ADO MUSA

    Qoraalka sawirka, .

    Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay rag hubeysan ka geysteen gobolka Plateau ee bartamaha waqooyi ee Nigeria, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaankaas.

    Axaddii, kooxo hubeysan ayaa weerarro ka fuliyay deegaannada Mangu iyo Riyom, halkaas oo dad safar ku jiray lagu dilay.

    Sagaal ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa rakaab u socday magaalada Jos, kuwaas oo rag hubeysan ay rasaas ku fureen tuulada Dungus.

    Lix qof oo kale ayaa lagu dilay deegaannada Mangu iyo Riyom, sida uu BBC u sheegay hoggaamiyaha dhalinyarada Riyom, Dalyop Solomon Montrey.

    Wuxuu sheegay in kooxaha hubeysan ay habeenkii weerareen waddada weyn ee Abuja, iyagoo markii hore dilay darawalkii gaari iyo dad kale, kadibna tirada dhimashadu ay gaartay sagaal.

    Gobolka Plateau ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay isku dhacyo qowmiyadeed iyo kuwo diimeed, iyo sidoo kale amni-darro, kuwaas oo sababay dhimasho iyo burbur hantiyeed.

  9. Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug

    Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb qaatey doorashadii ka dhacday Galmudug taas oo markii dambe maxkamadda sare ee Soomaaliya amartay in dib loogu celiyo ayaa soo saaarey warsaxaafadeed ay ku cadeeeyeen mowqifkooda doorashada la filayo inay ka dhacdo maamul goboleedka Galmudug.

    War-saxaafadeed ay soo saareen ururku ayey kaga hadleen dhowr qoddob oo ku saabsan doorashada

    “Ururka Towfiiq wuxuu si Rasmi ah uga caddaynayaa mowqifkiisa ku aaddan doorashada ku celiska ah ee Galmudug, isagoo xaqiijinaya in Ururku diyaar u yahay ka qaybgalka doorashoyinka isku sidkan, si waafaqsan sharciga, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Waxaa intaas raaciyeen in “ Ururka Towfiiq wuxuu ka walaacsan yahay tallaabada ay qaadeen Guddiga Doorashada, oo si ula kac ah uga reebeen ururka liiska ururrada ka qaybgalaya doorashada Galmudug, Waxaa xusid mudan in Ururka Towfiiq uu ahaa ururkii maxkamadda ka dalbaday in doorashada lagu celiyo, kaddib markii uu arkay in la hareer maray habraacyadii iyo shuruucdii doorashada dalka. Sidaas darteed, waxaa layaab noqotay in ururkii dalbaday saxida doorashada, uu baraha bulshada ku arko ka reebidiisa doorashada.”

    Qoraalka ururka Towfiiq ayaa baaq loogu jeediye guddiga doorashada iyo madaxweynaha Soomaaliya.

    “Ururka Towfiiq wuxuu sidoo kale Guddiga ugu baaqayaa inay ka fogaadaan wax kasta oo loo fasiran karo eex, takoor ama awood sheegasho, ayna ku shaqeeyaan dhexdhexaadnimo, caddaalad iyo ku dhaqanka sharciga. Ururku wuxuu aaminsan yahay in tallaabada Guddiga Doorashada ay qaadeen ay la xiriirto dacwaddii Ururku ka gudbiyey natiijadii doorashada. Arrintaasna Ururku wuxuu u arkaa mid aan waafaqsanayn mabaadi’da caddaaladda iyo hannaanka, Ururka Towfiiq wuxuu si gaar ah ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ah ilaaliyaha Dastuurka iyo dowladnimada dalka, inuu si degdeg ah u soo farageliyo arrintan, isla markaana uu xaqiijiyo in dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan sharciga iyo amarka maxkamada sare.”

    Gabagabada war-saxaafadeedka ururka Towfiiq ayaa baaq loogu diray taageerayaashooda “Ururku Towfiiq wuxuu ugu baaqayaa Bulshada reer Galmudug iyo taageerayaasha Ururka towfiiq in ay udiyaar garoobaan kulamo iyo banaanbaxyo nabadeed ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan in aydoonayaan doorasho udhacda si xor iyo xalaal ah”

  10. Mucjisada lagu arkay ilmo ku dhex jira caloosha hooyo xaamilo ah iyo waxa lagu soo dhex arkay caloosha ilmahaas

    Arrintan ayaa lagu tilmaamay mucjiso

    Xigashada Sawirka, Qasim Sheikh

    Qoraalka sawirka, Arrintan ayaa lagu tilmaamay mucjiso

    Dhowaan ayay ahayd , markii haweeney xaamilo ah oo aaday isbitaal dowladeed oo ku yaala Hindiya si ay u marto tijaabada Kombiyuutarka Uur-kujirta ee ultrasound, dhakhaatiirtu ay ku arkeen Ilmaha ku jira caloosha haweenayda. Laakiin mucjisada la arkay ayaa ah wax u eg ilmo kale oo ku sii dhex jira caloosha ilmaha ay uurka ku sido.

    Haweenaydan oo kasoo jeeda degmada Buldhana ee dalka Hindiya oo u aaday isbitaalka si xaaladeeda ula socoto ayaa dhakhaatiirta inta baaritaanka ay ku wadeen ku ogaadeen inuu ku dhexjiro ilmo kale oo aad u yar.

    Waaxda caafimaadka Buldhana ayaa u sheegay BBC caafimaadka jireed ee haweenayda in uu yahay caadi ayna gabi ahaan caafimaad qabto.

  11. Shiinaha oo si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray saraakiil Maraykan ah

    Afhayeenka wasaaradda, Guo Jiakun,

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Afhayeenka wasaaradda, Guo Jiakun,

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda Maraykanka ee garaadka macmalka ah (AI) ee Anthropic, kaddib markii uu sheegay in horumarka Shiinaha ee dhinaca AI uu khatar amni qaran ku noqon karo Maraykanka.

    Afhayeenka wasaaradda, Guo Jiakun, ayaa sheegay in hadallada Dario Amodei ay yihiin sheekooyin ku saabsan hanjabaad, iska horimaad iyo tartan xaasidnimo ah, kuwaas oo aan cidna dan u ahayn.

    Dhammaadkii toddobaadka, madaxda saddex shirkadood oo AI ah ayaa ku biiray baaqyo lagu doonayo in la yareeyo xawaaraha horumarka warshaddan. Waxay sheegeen in horumarka degdegga ah ee garaadka macalaka AI, iyadoo aan la helin xeerar iyo tallaabooyin amni oo ku filan, uu khatar ku noqon karo bani’aadamka.

    Digniinahaas kaddib, qiimaha saamiyada qaar ka mid ah shirkadaha AI ayaa hoos u dhacay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Bilyaneer Afrikaan ah oo qaaday tallaabo dan u ah shacabka

    Bilyaneer Aliko Dangote.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Bilyaneer Aliko Dangote.

    Iibkii saamiyada ee ugu weynaa abid Afrika ayaa laga bilaabay Nigeria, waxaana bilaabay bilyaneerka Aliko Dangote. Warshaddiisa sifaynta saliidda ayaa bixinaysa in ka badan afar bilyan oo saamiyo ah, iyadoo rajaynaysa inay soo xareyso ku dhowaad 1.6 bilyan oo doollar si loogu maalgeliyo ballaarin weyn oo warshadda ah.

    Mr. Dangote ayaa arrintan ku tilmaamay “saami helidashacabka”, isagoo sheegay inuu doonayo in dadka caadiga ah ee reer Nigeria oo ay ku jiraan darawallada iyo cunto-kariyeyaasha ay awoodaan inay saamiyo ku yeeshaan shirkadda.

    Warshadda sifaynta saliiddu waxay hawlgal bilowday sannadkii 2024, waxaana qorshuhu yahay in awoodda ay saliidda ku farsamayso la labanlaabo marka la gaaro 2029.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. U diyaar garowga saacadda qiyaamaha: Ma dhamaadkii dunida ayaa lagu dhawaaday?

    Madooneysaa inaad ka mid noqoto dadka isku diyaarinaya dhammaadka adduunka? Haddii jawaabtu haa tahay, halkeed ka bilaabaysaa?

    Bishii February 2025, khubarada Jaamacadda Chicago waxay saacaddii Qiyaamaha u soo dhaweeyeen 89 ilbiriqsi uun ka hor saqda dhexe. Waa heerkii ugu halista badnaa abid ee laga digay sababtoo ah waligeed sidan uguma dhawaan waqtigii lagu tilmaamay dhammaadka.

    Sidoo kale, Janaayo 27, 2026, Alexandra Bell, oo ah madaxweynaha iyo agaasimaha guud ee Bulletin of the Atomic Scientists, ayaa ku dhawaaqay in saacada qiyaamaha (Doomsday) loo raray saqda dhexe oo dhiman 85 ilbiriqsi.

    Warsidaha wuxuu soo saaray digniintiisii ugu xoogganayd weli. Saacadda Doomsday oo loo arko calaamad cabbiraysa sida ugu dhow ee bini'aadanku ugu soo dhawaaday inay is burburiyaan tan iyo bilowgii xilligii Nukliyeerka - ayaa loo raray saqda dhexe oo dhiman 85 ilbiriqsi, waana meesha ugudhow taariikhda siddeed iyo toban sano.

    Tani looguma dhawaaqin sidii riwaayad oo kaleama war caadi ah oo keliya, laakiin sida ay u weyn tahay iyo digniinta ay bixinayso ayaa keenay in lagu degdego. Saynisyahano,siyaasad qaabeeyeyaal iyo saynisyahanno ku guulaystay abaalmarinta Nobel ayaa wakhtiga cayimay, waxayna si deggan uga hadleen khatarta sii kordhaysa ee caalamiga ah, wada shaqaynta sii xumaanaysa, iyo guul-darrooyinka hoggaamineed ee bini'aadamka oo si wadajir ah qarka ugu saaran masiibo. Waxay xusuusiyeen caalamka in saqda dhexe aysan ahayn qaddar lama huraan ah balse ay tahay digniin ay tahay in la fiirsado oo la fahmo.

  14. Hay’adda atoomikada caalamiga oo war ka soo saartay Iiraan

    Rafael Grossi, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tamarta Atomikada Caalamiga ah (IAEA),

    Xigashada Sawirka, Joe Klamar / AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Rafael Grossi, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tamarta Atomikada Caalamiga ah (IAEA),

    Rafael Grossi, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tamarta Atomikada Caalamiga ah (IAEA), ayaa sheegay in “kormeerka Hay’addu ku hayso barnaamijka nukliyeerka Iran uu sannadka 2026 sii xumaaday.”

    “Dabayaaqadii Febraayo, weerarro cusub ayaa lagu qaaday Iran. Waxaa nagu qasbanaatay inaan dib u yeerno kormeerayaasheenna. Marka laga reebo kormeerkii aan bishii Juun ku sameynay warshadda tamarta nukliyeerka ee Bushehr, in ka badan lix bilood kama aanan fulin Iran wax hawlo xaqiijin ah oo goobta ah,” ayuu ku yiri hadal uu maanta ka jeediyay furitaanka Shirweynaha 70-aad ee Guud ee Hay’adda Tamarta Atomikada Caalamiga ah, kaas oo ka dhacaya Vienna.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in muddo ka badan hal sano ay Hay’addu lumisay helitaanka xogta ku saabsan uranium-ka heerkiisu hooseeyo iyo uranium-ka si aad ah loo hodmiyey, oo gaarsiisan ilaa 60 boqolkiiba, kuwaas oo ku jiray xarumo lagu duqeeyay intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday.

    Mr. Grossi wuxuu carrabka ku adkeeyay in “xaaladda barnaamijka nukliyeerka Iran ay saameyn ku leedahay nidaamka caalamiga ah ee ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka.” Waxa uu sheegay in dib loogu laabto diblomaasiyadda iyo wada-xaajoodyadu ay “muhiim tahay,” isaga oo sidoo kale ku dhawaaqay in Hay’addu diyaar u tahay inay taageerto dadaalladaas.

    Mohammad Eslami, oo ah madaxa Hay’adda Tamarta Atomikada Iran, ayaa sidoo kale lagu waday inuu maanta ka qeybgalo shirka. Hase yeeshee, Idaacadda iyo Telefishanka Qaranka Iran ayaa ku dhawaaqay inuusan awoodin inuu galo Austria oo uu ka qeybgalo shirka, taas oo ay ku sababeeyeen “cadaadis Mareykan ah.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Maxamed Bin Salman oo la kulmay taliyaha taliska dhexe ee Maraykanka, maxayse ka wadahadleen

    Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman

    Telefishanka dowladda Sacuudiga ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman, uu Isniintii maanta la kulmay taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka (US Central Command), Admiral Brad Cooper.

    Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, xilli ay sii kordhayaan weerarrada ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Ansaru Allah ku qaaddo Boqortooyada Sacuudiga.

    Kulankan ayaa dhacay maalmo kadib markii saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah ay Reuters u sheegeen in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga uu ka codsaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaalmo militari si uu uga hortago Xuutiyiinta.

    Warbaahinta Mareykanka ee Axios ayaa soo xigtay saraakiil Mareykan ah oo sheegay in Dhaxal-sugaha Sacuudigu uu Khamiistii laba jeer telefoon kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isaga oo ku boorriyay inuu duqeymo ka dhan ah Xuutiyiinta qaado.

    Warbixintu waxay sheegtay in Trump uu diiday codsigaas, halka saraakiisha Mareykankuna ay sheegeen in maamulka Mareykanku uusan xilligan qorsheynayn inuu si toos ah tallaabo militari uga qaado Xuutiyiinta.

    Ilaha Reuters ayaa intaas ku daray in Trump uusan oggolaan duqeymo Mareykan ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta, balse Washington ay Riyadh ku wargelisay inay taageero ka siin doonto dhinacyada is-weydaarsiga xogaha sirdoonka iyo aqoonsiga bartilmaameedyada.

  16. Baqaei: Sacuudi Carabiya ayaa codsatay in kulanka Cumaan aan hadda la qaban

    Ismaaciil Baghaei ayaa shir jaraa’id oo toddobaadle ah ku sheegay in kulankii maanta ka dhici lahaa Cumaan uusan qabsoomin, kaddib markii Sacuudi Carabiya ay codsatay in aan la qaban.

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iiraan iyo toddobada dal ee Khaliijka Faaris ayaa qorsheynayay inay ku kulmaan magaalada Salalah ee Cumaan, si ay aragtiyo uga dhiibtaan sidii loo mari lahaa Marinka Hormuz.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa yiri:

    “Tani waxay ahayd fursad ay Iiraan iyo Cumaan abuureen, waxaana la filayay in dalalka gobolka ay ka faa’iideystaan oo ay qadariyaan fursaddan.”

    Waxa uu sheegay in, “inkastoo aan qabno cabashooyin badan oo sharci ah,” haddana kulankani uu ahaa “fursad ku habboon” oo lagu wada hadli karo iyadoo laga fogaanayo “faragelinta dhinacyada kale” ee arrimaha dalalkan.

  17. War deg deg ah, Degdeg: Iran oo diyaarad ku soo ridday Marinka Hormuz

    .

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran, IRNA, ayaa sheegtay in Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca MQ-1 ah, taas oo lagu soo riday Marinka Hormuz.

    Waaxda xiriirka dadweynaha ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in diyaaradda la qabtay lana “burburiyay” iyadoo la adeegsanayo nidaam cusub oo casri ah oo difaaca cirka ah, kaas oo ku shaqaynayay shabakadda isku-xiran ee difaaca circa ah.

    Ilaalada Kacaanka ayaan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdadan.

  18. War deg deg ah, Ruushka oo ku dhawaaqay inuu soo riday in ka badan saddex boqol oo diyaaradood

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, t.me/synegubov

    Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada difaaca cirka ay intii u dhaxaysay xalay 8-dii fiidnimo ilaa 8-dii subaxnimo ee saaka ay soo rideen ama burburiyeen 399 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Ukraine laga leeyahay.

    Ruushku wuxuu sheegay in diyaaradahaas lagu qabtay 10 gobol oo Ruushka ah, Crimea iyo Badda Madow.

    Guddoomiyaha gobolka Rostov ayaa hore u sheegay in ku dhowaad 50 diyaaradood lagu soo riday gobolka, iyadoo burbur yar uu ka dhacay Rostov iyo deegaanno kale.

    Dhanka kale, Ciidamada Cirka Ukraine ayaa sheegay inay burburiyeen 85 ka mid ah 108 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Ruushku habeenkii weerarka u adeegsado Ukraine.

  19. Sidee ayay sagaalkan waddan u heleen hubka nukliyeerka?

    Hubka nukliyeerka ayaa gebi ahaanba beddelay sida ay ummaduhu uga fikiraan dagaalka iyo amniga.

    Maanta, waxaa jira sagaal waddan oo loo yaqaan inay haystaan ​​​​hubka noocaas ah: Mareykanka, Ruushka, Boqortooyada Midowday (UK), Faransiiska, Shiinaha, Hindiya, Bakistaan, Israa'iil iyo Kuuriyada Waqooyi.

    Laakiin waddamadani si isku mid ah uma gaarin heerkan. Qaarkood waxay bilaabeen inay horumariyaan hubka nukliyeerka intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, kuwa kalena intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa, halka qaar ka mid ah tartanka gobolka iyo cabsida amniga ay ahaayeen arrimo muhiim ah.

    Sidee bay ku heleen hubka nukliyeerka?

    Mareykanka wuxuu ahaa dalkii ugu horreeyay adduunka ee hubka nukliyeerka ku horumariya Mashruuca qarsoodiga ah ee Manhattan intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Bishii Agoosto 1945, waxay u adeegsatay laba bambo oo atomi ah Hiroshima iyo Nagasaki ee Japan. Ficilkani wuxuu muujiyay awoodda weyn ee hubkan wuxuuna bilaabay tartanka nukliyeerka.

    Midowga Soofiyeeti wuxuu bilaabay dadaalkiisii ​​​​uu ku doonayay inuu ku sameeyo bam atomi ah intii lagu jiray dagaalka wuxuuna si guul leh u sameeyay tijaabadiisii ​​​​ugu horreysay 1949. Tani waxay soo afjartay kaligii talisnimada Mareykanka waxayna bilowday tartan hubka nukliyeerka ah oo weyn oo u dhexeeya labada waddan. Britain, oo la shaqeysay Mareykanka xilligii dagaalka, ayaa noqotay waddankii saddexaad ee haysta hubka nukliyeerka 1952.

    Faransiiska iyo Shiinaha ayaa ku xigay sannadihii 1960-meeyadii, iyagoo sameeyay tijaabooyinkoodii ugu horreeyay sannadihii 1960-kii iyo 1964-tii siday u kala horreeyaan. Waqtigaas, Mareykanka, Midowga Soofiyeeti, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska, iyo Shiinaha ayaa naftooda u xaqiijiyay inay yihiin waddamo leh hubka nukliyeerka. Walwalka laga qabay in waddamo kale ay ku daydaan tallaabadan ayaa horseeday in la sameeyo Heshiiska Ka Hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT) sannadkii 1970-kii.

    Hindiya ayaa ku biirtay kooxdan sannadkii 1974-tii, inkastoo aysan saxiixin heshiiska NPT. Baakistaan, oo iyaduna aan saxiixin heshiiska, ayaa raacday isla waddadaas; iyadoo tartanka dhanka amniga ee kala dhexeeya Hindiya uu ahaa qayb muhiim ah oo ka mid ah xaaladihii horseeday horumarinta hubkan. Baakistaan ​​ayaa tijaabadeedii ugu horreysay sameysay sannadkii 1998-kii.

  20. Turkiga ma garab istaagi doonaa Sacuudiga dagaalka Xuutiyiinta?

    Heeshiika Makka

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Heeshiika Makka

    Kadib markii Xuutiyiintu weerarro ku qaadeen Sacuudiga, waxaa la is weydiinayaa in Turkey, oo qayb ka ah heshiiska Makka, uu garab istaagi doono Riyad.

    Heshiiska ayaa dhigaya in haddii mid ka mid ah dalalka la weeraro, weerarka loo arko in dhammaan saddexda dal la weeraray. Saddexda dal waa Turkey, Sacuudiga iyo Pakistan.

    Si kastaba, Turki ilaa hadda ma muujin wax calaamad ah oo muujinaysa inay si toos ah uga qaybgalayso dagaalka Yemen. Dowladda Turkey waxay kaliya cambaareysay weerarradii Xuutiyiinta ee dhowaan dhacay.

    Falanqeeyayaasha iyo warbaahinta Turkiga ayaa aaminsan in Ankara aysan doonayn inay ku lug yeelato dagaalka Yemen, iyagoo ka digaya in arrintaasi ay Turkey gelin karto "dabin ama dagaal dheer oo Yemen ah."

    Mid ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegay in weerarrada Xuutiyiintu ay noqon karaan tijaabo lagu eegayo sida ay Turki uga dhab tahay heshiiska, halka falanqeeye kale uu ku tilmaamay faragelinta Turki ee dagaalka "khalad istiraatiiji ah."

    Guud ahaan, warbaahinta Turkey ayaa shaki ka muujisay in qodobka difaaca wadajirka ah ee heshiiska Makka dhab ahaan loo adeegsan doono difaaca Sacuudiga haddii Xuutiyiintu weeraraan.

    Warbaahinta dowladda taageerta badankeed kama hadlin doorka ay Turkey ku yeelan karto dagaalka. Telefishinka TRT, tusaale ahaan, wuxuu tabiyay weerarrada iyo horumarka Xuutiyiinta, balse ma xusin heshiiska Makka.

    Qaar ka mid ah warbaahinta iyo falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in heshiisku Turkiga ku jiidi karo dagaalka Yemen.

    Falanqeeye Barçin Yenanç ayaa is weydiiyay in weerarrada Xuutiyiinta ee Sacuudiga ay yihiin tijaabo lagu eegayo sida Turkiga uu uga go'an yahay heshiiska.

    Inkasta oo ay jiraan shakiyo badan, akoon caan ah oo arrimaha milatariga ka faallooda barta X ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka ee Turkiga iyo qalab kale oo milatari laga yaabo in "dhowaan" lagu arko Yemen.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in qodobka difaaca wadajirka ah ee heshiiska Makka uu farsamo ahaan la mid yahay Qodobka 5-aad ee heshiiska NATO.

    Si kastaba, ma uusan caddeyn in qodobkaasi si toos ah u dhaqan-gelayo marka mid ka mid ah dalalka la weeraro.

    Wuxuu sheegay in sida heshiiska loo fulinayo ay ku xirnaan doonto wadatashi iyo go'aanka hay'adaha ay khuseyso.

    Waxaa isa soo taraya su'aalaha ku saabsan doorka ay Turkigu ka qaadan karo dagaalka Yemen, gaar ahaan kadib markii Xuutiyiintu weerarro ku qaadeen Sacuudiga.

    Arrintan ayaa muhiimad gaar ah leh, maadaama Turkey, Sacuudiga iyo Pakistan ay horraantii bishii Agoosto kala saxiixdeen heshiiska Mecca, kaas oo dhigaya in weerar hubeysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan karo weerar lagu qaaday dhammaantood.

    Inkasta oo heshiisku leeyahay qodob dhigaya difaac wadajir ah, haddana weli ma cadda in Turki ay waajib ku tahay inay si militari ah uga jawaabto weerar kasta oo Sacuudiga lagu qaado.