Duuliyihii diyaaradda F-15 e Mareykanka oo markii ugu horreysay ka sheekeeyay 50 saacadood oo uu ku dhuumanayay buuraha Iran

Xigashada Sawirka, CBS
Mid ka mid ah laba sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka Mareykanka, kuwaas oo diyaaraddooda dagaalka ee F-15E lagu soo riday hawada Iran bishii Abriil, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wixii dhacay.
Sarkaalkan oo loo yaqaan "Bravo", ayaa sheegay in markii gantaalku ku dhacay diyaaradda ay ahayd "sida tareen xamuul ah oo ku dhacay oo kale."
Wuxuu sheegay inuu dhaawacyo dhowr ah la kulmay kadib markii diyaaraddii ay burburtay, isla markaana uu isku dayay inuu ka baxsado ciidamada Iran isagoo wata baarashuud waxyeello soo gaartay.
Diyaaradda ayaa 3-dii Abriil lagu bartilmaameedsaday dhul buuraley ah oo koonfur ka xiga magaalada Isfahan.
Sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah, hawlgalkii lagu soo badbaadinayay labada askari ayaa waxaa ku lug lahaa ku dhowaad 100 askari oo Maraykan ah, kuwaas oo galay gudaha dhulka Iran.
Maxay ahayd ujeeddada hawlgalku?
Admiral Brad Cooper, oo ah taliyaha Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka, ayaa CBS u sheegay in ujeeddada hawlgalku ahayd in la weeraro xarumo warshadeed oo lala xiriirinayo barnaamijyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Iran.
Cooper wuxuu si cad u sheegay in hawlgalku uusan wax xiriir ah la lahayn xarunta nukliyeerka ee Isfahan.
Sida uu sheegay, ciidamada Mareykanka xilligaas waxay Iran ka sameeyeen ku dhowaad 13,000 hawlgallo oo cirka ah. Wuxuu sheegay in Mareykanku gacanta ku hayay hawada, balse uu ku daray in ciidamada Mareykanku aysan "ku dul duulayn Kansas", taas oo uu uga jeeday in hawlgalladu ay ka dhacayeen goob dagaal oo khatar ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida laga soo xigtay Mareykanka, diyaaradda F-15E waxaa lagu dhuftay gantaal lidka diyaaradaha ah oo garabka laga rido. CBS waxay sheegtay in qiimaha diyaaradda lagu qiyaasay $30 milyan, halka gantaalka lagu dhuftay uu ku kacayo qiyaastii $100,000.
Bravo wuxuu sheegay in markii hore shaqaalihii diyaaradda ay isku dayeen inay badbaadiyaan diyaaradda, balse ay markiiba ogaadeen in aysan sii wadi karin duulimaadka.
Markii ay labada nin diyaarad ka boodeen, dabayl ayaa kala fogeysay, waxayna dhulka ku kala dhaceen masaafo dhan ku dhowaad 8 kiiloomitir.
Bravo wuxuu sheegay in baarashuudkiisa uu waxyeello soo gaartay markii gantaalku ku dhacay diyaaradda. Wuxuu sheegay inuu mar eegay kor oo uu arkay in baarashuudkiisii uusan si sax ah u furmin, taas oo uu ku tilmaamay inay ahayd mid ka mid ah waqtiyadii ugu cabsi badnaa noloshiisa.
Intii uu ku jiray xaalad ku dhow dhicitaan, wuxuu isku dayay inuu kala furo qaybihii isku dhex qasmay ee baarashuudka.
Khabiirrada milatariga ayaa, iyagoo eegaya dhaawacyadiisa, qiyaasay in xawaaraha uu dhulka ku dhacay uu ahaa inta u dhexeysa 113 iyo 161 kiiloomitir saacaddii.
Dhicitaanka ayaa sababay inuu ka jabo dhabarka, gacanta iyo garabka, sidoo kale anqowga ayuu ka dhaawacmay, halka madaxa iyo wejigana ay ka soo gaareen dhaawacyo.
Inkasta oo uu dhaawacyadaas qabay, Bravo wuxuu sheegay inuu goobta ka dhaqaaqay sida ugu dhaqsaha badan, maadaama ciidamada loo tababaro inay xaaladaha la qabsadaan oo ay ka gudbaan caqabadaha.
Wuxuu meel sare u fuulay si uu dhuunto una baxsado

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bravo wuxuu sheegay in markii uu dhulka ku dhacay isla markaana uu is arkay isagoo dhex jooga buuro dhaadheer dhexdooda, xilli habeen ah. Inkasta oo uu dhaawacnaa, wuxuu go'aansaday inuu u fuulo meel sare si uu uga dhuunto ciidamada Iran.
Wuxuu gaaray meel buur ah oo jooggeedu ahaa in ka badan 2,100 mitir. Wuxuu sheegay inuusan doonayn in ciidamada Iran ay qabtaan oo la horgeeyo kamaradaha telefishanka.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ku dhowaad 1,500 askari oo Iran ah ay goobta ka raadinayeen, balse tiradaas si madax-bannaan looma xaqiijin.
Qiyaastii lix saacadood kadib burburka diyaaradda, ciidamada Mareykanka waxay heleen duuliyihii kale ee loo yaqaan Alpha, waxaana la bilaabay hawlgal samatabbixin.
In ka badan 20 diyaaradood ayaa ka qayb qaatay hawlgalka. Laba helicopter ayaa rasaas kala kulmay ciidamada dhulka, mid ka mid ahna waa waxyeelloobay, halka qaar ka mid ah shaqaalihii saarnaa ay dhaawacmeen. Si kastaba, Alpha waa la badbaadiyay.
Ciidamada Mareykanka waxay isku dayeen inay Bravo helaan, balse way ku guuldarreysteen, waxayna goobta uga baxeen iyagoo aan isaga helin.
Bravo oo farriin u diray ciidamadii Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii uu habeenkii ku dhacay dhulka Bravo wuxuu helay meel uu ku dhuunto, wuxuuna diray farriin sir ah oo uu ku sheegay: "Waan dhaawacmay, waan dhaqaaqayaa." Farriin kale ayuu ku qoray: "Ilaahay waa wanaagsan yahay."
Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in farriimahaasi caddeeyeen in Bravo nool yahay oo uu weli dhaqaaqayo.
Mareykanku markii hore wuxuu qorsheeyay in habeenkaas la badbaadiyo, balse xaaladaha goobta awgood ayaa hawlgalkii dib loogu dhigay 24 saacadood.
Bravo wuxuu sidaas ku qaatay maalin iyo habeen kale isagoo ku sugan buuraha qabow, isaga oo haysta biyo aad u yar iyo cunto.
Sida ay CBS sheegtay, CIA-da Mareykanka waxay qaaday hawlgal sirdoon oo lagu marin-habaabiyay ciidamada Iran, iyadoo loo gudbiyay xog been ah oo sheegaysa in Bravo u socdo xuduudda Afghanistan, Badda Caspian ama koonfurta Iran. Isla markaana waxaa la adeegsanayay qalab sir ah oo lagu ogaanayay goobta saxda ah ee uu ku sugan yahay.
Ka hor intii aan kooxda samatabbixintu gaarin, diyaaradaha dagaalka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa duqeeyay goobo ay joogeen ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran.
Hawlgalka labaad waxaa ka qayb qaatay 155 diyaaradood iyo boqolaal askari. Admiral Brad Cooper wuxuu sheegay in hawlgalku ahaa "hawlgal ka dhex socday hawlgal kale", isla markaana uu ahaa markii ugu horreysay muddo 46 sano ah oo ciidamada Mareykanku gudaha u galaan dhulka Iran.















