Iiraan oo sheegtay in ay ballaarineyso aagga ay maamusho ee marin biyoodka Hormuz

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in ay qorsheeneyso in ciidankeeda ay ku ballaariso aagga marin biyoodka Hormuz, halkaas oo ay ku andocooneyso in ay iyadu maamusho, iyadoo doonaysa inay muujiso madax-bannaanideeda marinka ganacsiga ee muhiimka ah.
Khariidad ay daabacday hay'adda dhawan la dhisay ee Iiraan ee loo yaqaan "Hay'adda Marin-biyoodka Gacanka Faaris" ayaa muujinaysa "kormeerka ciidamada qalabka sida ee Iiraan" oo ka badan 22,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran (8,800 mayl oo laba jibbaaran) halkii hore u joogeyn.
Aaggaas wuxuu ku dherarsan yahay biyo dhuleedka Cumaan illaa iyo Imaaraadka Carabta, Imaaraadka ayaana arrintaan ku tilmaamtay sheegashada Iiraan ee xakamaynta inay tahay "wax aan ka ahayn riyo maalmeed".
Hay'adda ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan maraakiibta ka gudbaya marin-biyoodka ay "u baahan yihiin isku-duwid iyo oggolaansho ka timaadda Hay'adda Marin-biyoodka Gacanka Faaris".
Maraykanka iyo xulafadiisa Khaliijka ayaa marar badan ka hor imaaday isku-dayada Iiraan ee ay ku doonayso inay iyadu maamusho marin-biyoodka. Maraykanku wuxuu maraakiibta u sheegay inaanay u hoggaansamin shuruudaha iyo go'aamada Iiraan.

La-taliyaha diblomaasiyadda ee madaxweynaha Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay in Iiraan ay "isku dayayso inay abuurto xaalad cusub oo ka dhalatay guuldarro ciidan oo cad, balse isku dayga lagu xakameynayo Marin-biyoodka Hormuz ama lagu xadgudbayo madaxbannaanida badeed ee Imaaraadka aanu ahayn wax aan ka ahayn jriyooyin qabyo ah".
Sida uu dhigayo Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha, maraakiibta waxa ay xaq u leeyihiin in ay si nabad ah ku maraan marka ay marayaan biyaha dal kale, inkasta oo aysan Iiraan weli saxiixin heshiiskaas.
Warbaahinta xiriirka la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan ayaa toddobaadkan baahisay muuqaallo muujinaya waxa ay ku sheegtay weerar "ciqaabeed" oo lagu qaaday markab shidaal qaada oo ku sugnaa marin-biyoodka. Baaritaan ay sameysay BBC Verify ayaa muujiyay in astaamaha markabka muuqaalka ku jira ay la mid yihiin kuwa markabka Barakah oo wata calanka Liberia, kaas oo sheegay in lagu dhuftay walxo aan la garanayn horraantii bishaan Maajo, sida ay sheegeen shirkadaha maamula markabka.
Dadaalka Iraan ee ay ku doonayso xakameyn dheeraad ah oo ku saabsan aagga ku wareegsan Marin-biyoodka Hormuz ayaa imanaya xilli ciidamada Maraykanku ay Arbacadii fuuleen markab shidaal oo ku sii jeeday Iraan.
Muuqaallo ay daabacayn Centcom ayaa muujinaya ciidamo badeedka Maraykanka ah oo ka soo degaya diyaaradda qumaatiga u kaca kuna degaya sagxadda markab la sheegay inuu yahay markabka shidaalka ee Celestial Sea, oo ku sugnaa Gacanka Cumaan.
Qoraal lagu daabacay baraha bulshada, Centcom ayaa sheegay in markabka "looga shakisan yahay inuu isku dayayey inuu jebiyo cunaqabataynta Maraykanka isagoo ku sii jeeday deked Iraan ku taalla."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Ciidamada Maraykanka ayaa markaas sii daayay markabka kadib markii ay baaritaan ku sameeyeen oo ay shaqaalihii ku amreen inay jihada beddelaan," sida ay sheegtay shirkadda maareynta khatarta badda ee Vanguard.
Celestial Sea hore ayaa cunaqabatayn uga saarnayd Maraykanka, xiriirka ay Iiraan la leedahay dartiis.
Xogta raadraaca ee MarineTraffic waxay muujinaysaa in markabku hadda ku wajahan yahay dekedda Duqm ee Cumaan.
Centcom ayaa Khamiistii sheegtay inay dib u celiyeen illaa iyo 94 markab oo ganacsi ah isla markaana ay hawlgab ka dhigeen afar markab tan iyo markii xanibaadda Maraykanka ee dekedaha Iraan ay dhaqan gashay 13-kii Abriil.
Donald Trump ayaa Isniintii sheegay inuu hakiyay weerarradii militari ee loo qorsheeyay Iraan, codsi uga yimid dowladaha Khaliijka darteed iyo wada-xaajoodyada hada socda".
Qoraal uu ku daabacay Truth Social, madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Qatar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay ka codsadeen arrintaas.
Taliyaha militariga Pakistan ayaa la sheegay inuu Khamiistii booqanayo Tehran si uu uga qeyb qaato dadaallo nabadeed oo dhexdhexaadin ah oo u dhexeeya Iraan iyo Maraykanka.
Warbaahinta dowladda Iraan ayaa sheegtay in Asim Munir uu sii wadi doono wada-hadallada uu la leeyahay saraakiil sare oo Iraan.
Wasaaradda arrimaha dibadda Iraan ayaa sheegtay inay dib u eegayso soo-jeedimihii ugu dambeeyay ee Maraykanka ee ku saabsan joojinta dagaalka.
Trump ayaa tilmaamay inuu dhowr maalmood sugi karo si Tehraan ay ugu oggolaato heshiiska cusub, balse sidoo kale uu diyaar u yahay inuu dib u bilaabo weerarrada ka dhanka ah dalkaas.
"I rumeyso, haddii aynaan helin jawaabaha saxda ah, arrintu si degdeg ah ayay u dhaqaaqaysaa. Dhammaanteen diyaar ayaan nahay," ayuu yiri madaxweynuhu.














