Sidee kalluunka Hoombarada loogu adeegsadaa dagaallada

Xigashada Sawirka, US Department of Defense
Intii uu socday dagaalkii labaad ee aduunka, Hoombaros ayaa la sheegay in Ruushku u adeegsan jiray ururinta xogta, weerarada iyo dhigista bambooyinka badda.
Laakin hadda Iran ayaa la sheegay in ay Hoombarada u adeegsato dagaallada badda ee socda.
Hoombaradu waxay leeyihiin wacyi maskaxeed oo weyn iyo awoodo jireed, waxayna awoodaan inay raacaan tilmaamaha marka la tababaro.
Xayawaankan ayaa waxay ogaan karaan haddii ay jirto aalad la dhigay badda dhexdeeda ama codka markab cadowgu leeyahay.
Tan iyo 1960-kii, xoolahan waxaa loo adeegsan jiray sahminta iyo ilaalinta amniga badda.
Waxa lagu qiimeeyaa maskaxdooda garaadka sare leh, dareenkooda horumaray ama awoodaha wax looga ogaanayo biyaha hoostooda iyadoo la isticmaalayo mowjadaha dhawaaqa, iyo awooda ay u leeyihiin inay quusaan qoto aad u dheer.
Isticmaalka ugu weyn ee militariga ee makhluuqaadkan badda waa sida soo socota:
Ogaanshaha iyo saaritaanka miinooyinka badda gunteeda
Hoombarada loo yaqaano Beluga ayaa loo tababaray inay ogaadaan, meel dhigaan, mararka qaarkoodna inay caawiyaan soo saarista miinooyinka biyaha hoostooda ee khatarta ku ah badbaadada maraakiibta.
Ilaalinta dekedaha iyo roondada
Hoombarada waxaa loo isticmaalaa in lagu ogaado dabaasha cadowga, quusayaasha, ama dadka isku dayaya inay galaan dekedaha ama ku rakibaan walxaha qarxa maraakiibta militariga.
Ururinta sirdoonka
Waxaa jiray warbixino ku saabsanHoombarada beluga sida "Hvaldimir," oo la rumeysan yahay in uu Ruushku u tababaray si ay u qabtaan hawlgallada sahanka, oo inta badan lagu arkay lifaaqyo awood u leh inay qaadaan kamaradaha ama qalabka ilaalinta.
Qaadista weeraro
Warbixino kala duwan ayaa sheegay in qaar ka mid ah barnaamijyada, sida kuwii hore ee Midowgii Sofiyeeti oo sidoo kale la sheegay in Iran ay isticmaali jirtay, ay u tababareen Hoombarada si ay u weeraraan maraakiibta cadawga ee isticmaala walxaha qarxa.
Iran ma waxay u adeegsanaysaa Hoombarada dagaalka ay kula jirto Maraykanka iyo Israa'iil?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta Pentagon-ka, ayaa waxaa ka mid ahaa su'aalaha ay wariyayaashu weydiiyeen "Iran ma isticmaashaa is-qarxinta?
Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa ku jawaabay "Ma xaqiijin karo mana diidi karo isticmaalka Hoombarada ee ismiidaaminta, laakiin waxaan xaqiijin karaa inaysan haysanin".
General Dan Caine waxa kale oo uu sheegay in aanu waligii maqlin wararkan oo kale, waxaanan waydiiyay in tani ay tahay sheeko.
Oraahyadani waxa ay tixraacayeen maqaal ka soo baxay Wall Street Journal oo cinwaan looga dhigay "Iran waxa ay raadisaa Xalka iska hor imaadka Milatari".
Daabacaadda ayaa qortay in go'doominta ciidamada badda ee Mareykanka ay banaanka soo dhigtay cilladaha ku jira istiraatiijiyadda ay ku xakameyneyso marin biyoodka Hormuz, iyo in Iran ay raadineyso qaab ay uga faa'ideysato daldaloolada.
Warbixinta Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegaysa "Saraakiisha Iran waxay sheegeen in Tehran ay adeegsan karto hub aysan waligeed isticmaalin, marka laga soo bilaabo maraakiibta quusta, iyo Hoombarada sidda bambaanooyin si ay u weeraraan maraakiibta dagaalka ee Mareykanka, IRGC waxay ku hanjabtay inay sii kordhin doonto xiisadda, iyadoo fiilooyinka isgaarsiinta Fiber Optic ee marinka Hormuz jaraysa, tallaabadaas oo khalkhal gelin karta internetka adduunka.
Inkasta oo isticmaalka militariga ee Hoombarada ay u ekaan karto khuraafaad, haddana dhaqankani wuxuu jiray tobanaan sano.
26 sano ka hor, 8-dii Maarso, 2000, BBC-da ayaa sheegtay in Iran ay iibsatay Hoombaro "nafteeda hurta".
Warbixintu waxa ay sheegtay in Hoombarada oo ay tababareen ciidamada badda ee Midowga Soofiyeeti laga iibiyey dalka Iran, balse ma cadda wakhtigan waxa ay ka samayn doonaan gacanka Beershiya.
Khubarada Ruushku waxay tababareen Hoombaro iyo xayawaannada kale ee badda si ay u weeraraan maraakiibta cadowga iyo kuwa quusa, laakiin hoos u dhaca maalgelinta awgeed, qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa loo wareejiyay matxafyada.
Boris Jurid, waxa uu ahaa tababare Hoombaro waxana uu shaqadiisa ka bilaabay sarkaal ka tirsan gujisyada.
Xiligaas ayaa la sheegay in uu Iiraan ka iibiyay xayawaankan badda kadib markii ay awoodi waayeen in ay bixiyaan cuntadooda iyo daryeelkooda.
Warbixin ay BBC-du soo saartay xilligaas ayaa lagu sheegay in wadar dhan 27 xayawaan ah oo ay ku jiraan Hoombaro, libaax badeedka iyo nibiriyada beluga, laga soo qaaday Sevastopol ee gacanka Crimean, iyadoo lagu geeyey gacanka Persian diyaarad xamuul ah.
Afar Hoombaro oo beluga ah ayuu Jurid ku tababaray saldhigga ciidamada badda ee Badweynta Baasifigga ka hor inta aan laga soo wareejin Crimea 1991-kii.
Xayawaankan ayaa loo tababaray in ay weeraraan kuwa quusa ee cadowga iyaga oo isticmaalaya warmo dhabarka kaga xiran ama in ay biyaha dushooda sare u soo saaraan si gacanta loogu dhigo.
Hoombarady waxay sidoo kale bartilmaameedsan karaan maraakiibta cadawga iyagoo fulinaya weeraro ismiidaamin ah, iyagoo sita dabinno oo qarxi doona marka ayku dhacaan markabka.
Waxaa la sheegay in Hoombaradu ay awood u yeesheen in ay kala soocaan maraakiibta quusta ee Midowga Soofiyeeti iyo kuwa ajnabiga ah iyagoo ku ogaanaya dhawaaqa mashiinadooda.
Ka sokow Ruushka, waddanka kaliya ee loo yaqaan inuu u tababaro Hoombarada loo isticmaalo milatariga waa Maraykanka, kaas oo ka shaqeeya barnaamijka naasleyda badda ee San Diego, California.












