Warbixin gaar ah: Maxaa ka jira in Sacuudigu uu si qarsoodi ah u weeraray Iiraan

Xigashada Sawirka, Reuters
Sacuudiga ayaa tiro weerarro ah oo aan la shaacin ku qaaday Iiraan si uu uga aargoosto weeraradii lagu qaaday Boqortooyada Sacuudiga intii uu socday dagaalkii Bariga Dhexe, labo sarkaal oo reer galbeed ah ayaa ka warbixiyay arrintan, laba mas'uul oo Iiraaniyiin ah ayaa iyaguna sidaa sheegay, sida ay shaacisay wakaaladda Reuters.
Weerarrada Sacuudiga oo aan horey loo sheegin ayaa noqonaya markii ugu horeysay oo la og yahay in Boqortooyada Sacuudiga ay si toos ah u qaadeyso dhaq dhaqaaq militari oo ka dhan ah dhulka Iiraan, waxaana ay muujineysaa inay aad u sii dhiirraneyso sidii ay isaga difaaci laheyd dhinaca ay gobolka isku hayaan.
Weerarradan oo ay bilaabeen ciidamada cirka Sacuudiga ayaa lagu qiyaasay in la fuliyay dhamaadkii bishii Maarso, sida ay sheegeen labada sarkaal ee reer galbeedka. Mid ka mid ah ayaa sheegay oo kaliya in ay ahaayeen "aargoosi, duqeymo ay kaga aargudanayeen markii Sucuudiga la garaacay". Reuters ma aysan awoodin inay xaqiijiso waxa bartilmaameedyada gaarka ah ay ahaayeen.
Isagoo ka jawaabaya codsi faallo ah, ayuusan sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga si toos ah uga hadlin in duqaymo la fuliyay iyo in kale.
Wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan kama aysan jawaabin codsi faallo ah oo loo diray.
Sacuudiga oo xiriir millatari oo qoto-dheer la leh Mareykanka, ayaa sida caadada ah waxa uu ku tiirsan yahay millatariga Mareykanka si uu u difaaco, balse dagaalka 10-ka toddobaad ah ayaa boqortooyada ka dhigay mid u nugul weerarro lagu dalooliyo dalladda militariga Mareykanka.
Dalalka Khaliijka oo bilaabay inay dib u weeraraan
Weerarrada Sucuudiga ayaa hoosta ka xariiqaya ballaarinta colaadda iyo heerka uu gaarsiisan yahay dagaalka billowday markii Mareykanka iyo Israa'iil ay billaabeen duqeymaha cirka ee Iiraan 28-kii Febraayo uu u soo jiitay Bariga Dhexe oo dhan siyaabo aan si cad loo aqoonsan.
Tan iyo markii ay Maraykanka iyo Israa'iil weerareen, Iiraan waxa ay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacday dhammaan lixda dawladood ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, iyada oo aan weerarin oo keliya saldhigyada ciidammada Maraykanka, balse beegsatay goobaha rayidka, garoomada diyaaradaha iyo kaabayaasha saliidda, waxaanay xirmay marin-biyoodka Hormuz, taas oo khalkhal galisay ganacsiga caalamiga ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale weeraro militari ku qaaday Iiraan, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal Isniintii. Si wadajir ah, ficillada Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa muujinaya khilaaf qaabkiisa dhabta ah uu weli si weyn u qarsoonaa, kaas oo boqortooyooyinkii khaliijka ee weeraradii Iiraan ay bilaabeen inay dib u soo laabtaan.
Laakiin qaabkoodu isku mid ma ahayn. Imaaraadku waxa uu qaatay mawqif aad u qorshaysan, isaga oo doonaya in uu kharash galiyo Iiraan oo uu si naadir ah ula macaamilo diblomaasiyadda guud ee Tehran.
Dhanka kale Sacuudi Carabiya ayaa isku dayday in ay ka hortagto in khilaafka uu sii xumaado, waxaana ay xiriir joogto ah la lahayd Iiraan, oo uu ku jiro safiirka Tehran ee Riyadh. Kama uusan jawaabin codsi faallo lagu weydiistay.
Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga, isagu si toos ah ugama hadlin in heshiis is-af-garad ah oo lala gaaray Iiraan, balse wuxuu yiri: "Waxaan dib u xaqiijineynaa mowqifka joogtada ah ee Sacuudi Carabiya ee u ololeynaya in la dejiyo xiisadda, is-xakamaynta iyo dhimista xiisadaha lagu raadinayo xasilloonida, amniga iyo barwaaqada gobolka iyo dadka".

Xigashada Sawirka, X
Weerar, ka dibna dejinta xiisadda
Saraakiisha Iiraan iyo kuwa reer Galbeedka ayaa sheegay in Sacuudiga uu Iiraan ku wargeliyay duqeynta, waxaana taasi xigtay xiriir diblomaasiyadeed oo xoogan, ayadoo Sacuudigana uu ku hanjabay inuu ka aargoosan doono, taasoo keentay in isfaham dhex mara labada dal uu meesha ka baxo.
Ali Vaez, oo ah Agaasimaha Mashruuca Iiraan ee Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah, ayaa sheegay in weerarrada aargoosiga ah ee Sucuudigu ku hayo Iiraan, oo ay ku xigto fahamka in la dejiyo, ay "muujin doonto aqoonsiga dhabta ah ee labada dhinacba in kororka xiisadda uu xambaarsan yahay kharash badan".
Dhacdooyinka isku xigxiga ee noocan oo kale ah waxay muujinayaan in "aaminaad aysan jirin, laakinse ay jirto laakiin dan la wadaago ayadoo xadiddan lagu soo rogayo wixii iska hor imaad ah ka hor inta aysan ku faafin gobolka".
Xiisadda aan rasmiga ahayn waxay dhaqangashay usbuuc ka hor inta aysan Washington iyo Tehran ku heshiin xabbad-joojin colaaddooda ballaaran 7-dii Abriil. Aqalka Cad kama uusan jawaabin codsi faallo ah.
Mid ka mid ah saraakiisha Iiraan ayaa xaqiijiyay in Tehran iyo Riyadh ay ku heshiiyeen in xiisadda la qaboojiyo, isagoo sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in la joojiyo colaadda, lana ilaaliyo danaha labada dhinac, loogana hortago xiisadda sii korortay.
Iiraan iyo Sacuudi Carabiya – labada dal ee hogaamiya Shiicada iyo Muslimiinta Sunniga ah ee Bariga Dhexe - ayaa taageeray kooxaha iska soo horjeeda ee isku dhacyada gobolka.
Isfahan uu Shiinuhu dhexdhexaadiyay sanadkii 2023 ayaa dhaliyey inay dib u bilaabeen xiriirkooda, oo ay ku jirto xabbad joojin u dhaxaysa Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ee Yemen iyo Sacuudi Carabiya.
Iyada oo badda cas ay u furan tahay maraakiibta, ayaa Sucuudigu waxa uu awooday in uu sii wado dhoofinta shidaalka intii uu socday khilaafka, si ka duwan inta badan dalalka Khaliijka.
Boqortooyadu waxay ka fogaatay 'burburin' ayuu yiri amiirka
Faallo lagu qoray wargeyska Arab News ee uu Sucuudiga dabayaaqadii todobaadkan, madaxii hore ee sirdoonka Sucuudiga Amiir Turki al-ayaa yiri "Markii Iiraan iyo kuwa kale ay isku dayeen in ay boqortooyada ku dhex jiidaan burburinta, hoggaankayagu waxa uu doortay in uu u adkaysto xanuunka uu deriskiisu keenay si uu u ilaaliyo nafta iyo hantida muwaadiniinteeda.
Duqeymaha Sacuudi Carabiya ayaa daba socday toddobaadyo ay xiisad sii kordhaysay.
Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Riyadh 19-kii bishii Maarso, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan, ayaa sheegay in Boqortooyada "uu u gaar yahay xaqa ay u leedahay inay qaado tillaabo militari haddii loo arko lagama maarmaan".
Saddex maalmood ka dib, Sacuudi Carabiya waxay ku dhawaaqday u-qaybsanaha militariga Iiraan iyo afar xubnood oo ka tirsan shaqaalaha safaaradda inay dalka isaga baxaan.
Iiraan waxay qarinaysaa inay si toos ah u duqaysay boqortooyada, ilo wareedyo ayaa sheegay.
Dhammaadkii bishii Maarso, xiriirkii dublamaasiyadeed iyo hanjabaadii Sucuudigu ku doonayay in uu qaado hab kasii fool-xun oo la mid ah Imaaraatka oo uu ka aargoosto waxa ay horseedday isfaham lagu qaboojinayo, ayay yiraahdeen ilaha reer galbeedka.
In ka badan 105 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada lagu weeraray Sacuudi Carabiya usbuucii Maarso 25-31, tiradu waxay hoos ugu dhacday in ka badan 25 intii u dhaxaysay Abriil 1-6, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Reuters.
Gantaallo lagu soo riday Sacuudi Carabiya maalmihii u dambeeyay xabbad joojinta ballaaran ayaa waxay ku qiimeeyeen ilaha reer galbeedka inay ka soo jeedaan Ciraaq halkii ay ka ahaan lahaayeen Iiraan lafteeda, taasoo muujineysa in Tehran ay yareysay weeraradii tooska ahaa iyadoo kooxaha xulafada ahi ay sii wadeen hawlgalkooda.
Sacuudi Carabiya ayaa u yeertay safiirka Ciraaq 12-kii Abriil si ay uga ashtakoodaan weerarrada ka imaanaya dhulka Ciraaq.
Xiriirka Sucuudiga iyo Iiraan ayaa sii socday xitaa markii ay soo ifbaxeen culaysyo bilawga xabbad-joojinta ballaaran ee u dhexeysa Iiraan iyo Maraykanka, markii wasaaradda difaaca Sucuudigu ay sheegtay 31 diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn iyo 16 gantaal oo lagu garaacay boqortooyada 7-8-dii Abriil.












